Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland takes over a Military Weapons in Yagoori

Recommended Posts

Warar aanu ka helnay ilo xogogaal ah ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka Somaliland ay beryahanba ku sugnaayeen Yagori , ujeedada ay halkaas u joogeen Saraakiishu ay ahayd sidii ay ula wareegi lahaayeen Hub culus oo nocyo kala duwan leh oo yaala Yagori, hubkaas oo ay gacanta ku hayeen Dariiqada Shiikh Maxamed Rabiic(Xerta) ee uu saldhigeedu yahay Yagoori iyo Beesha degta Yagori ee Jaamac Siyaad.

 

Saraakiisha ayaa Odayaasha waxgaradka reer Yagoori beryahanba ay ka wada hadlayeen sidii Hubkan ay uga wareejin lahaayeen Shacabka reer Yagori ayna u qaramayn lahaayeen,kulankan ayaa waxaa ka soo baxay,In Hubka lagu wareejiyo Ciidanka isla markaana la qarameeyo Hubka iyo Ciidanka gacantaku hayaba oo uu noqdo hub Ciidanka Qaranka ee Somaliland,In Hubkan lagu wareejiyo saldhiga Militeriga ee Oog.

 

Warar aanu ilo xogogaal ah aanu ka helnay ayaa waxay sheegayaan talaabada labaad ee ay qaadayaan Saraakiisha joogta Yagori ay Hubka yaala Gobolaka Buuhoodlena iyo wixii Ciidan ahba halkaas lagu qaramaynayo oo ay la wareegayaan Ciidanka Qaranku.

Arintan ayaa la xidhiidha hub ka dhigis ka socota Gobolada Maamulka Somaliland ay dhawaan la wareegeen, sidoo kale Maamulka Nabad gelyada ee Gobolka Sool ayaa dhawaan soo saaray qofkii,gurigiisa hub ku haysta la gu arko ay la wareegayaan Ciidanku cidii isku adkaysana lagu sharciga lala tiigsanaayo.

 

Hubkan hada lagala wareegay xarunta Xerta ayaa waxa uu ka koobanyhaya hub aad u culus oo leh tikniko faro badan iyo hubab waaweyn iyo kuwo yar yar iyo rasaas aad u xoogan, taasi oo xagaasi taalay tan iyo in mudo ah, oo ayna cidnina gacanta ku dhigin tan iyo intii uu baabay xukunkii dawladii Maxamed Siyaad Bare, hubkaasi ayaan waxba laga qaadin tan iyo xiligaasi iyada oo lagu soo biiriyo hub iyo saanadaha kala duwan ee malatariga, dadka hubkan hada wareejiyay ayaa sheegaaya in ay hubkaasi iyo ilaaladii haysayba ay ku wareejiyeen xukumada Somaliland isla markaasna ay iyagu qaadayaan masuuliyadeeda iyo amniga dalka oo dhan, arintan ayaa ku soo dhamaatay guul iyo is afgard kadib markii ay dhow maalmood socdeen wada hadalo mararka qaarkood lagu kala kacay oo aad u qadh qadhaadhaa, kuwaasi oo maanta si farxadleh ku dhamaaday.

 

 

Qarannews

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliye Mahad Canbaashe oo ka war bixiyay hubkii yaalay Xerada Tima waynta ee laga soo saaray.

 

Waxaa saaka saacadu markay ahayd 5:00 Subaxnimo laga soo saaray Xerada Tima waynta ee magaalada Yagoore cee Gobolka Sool Hub Beeleed yaalay halkaasi oo maalmihii u danbeeyay uu ka taagnaa muran ku saabsan qaabkii hubkaasi loo soo saari lahaa.

 

Hubkan ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay ka taagnaa muran la xidhiidha qaabka hubkaasi loo maaranayo iyadoo ay dadku ukala qayb sanaayeen inuu hubkaasi yahay Hub Beeleed aana lasoo saari karin halka saraakiil uu hogaaminayo Mahad Canbaashe uu ku doodayay in la qarameeyo banaankana lo soo saaro.

 

Hadaba saaka ayay ahayd markii banaanka loo soo saaray hubkaasi iyadoo banaanka loo soo saaray Labo Kaare iyo hal suug iyo hal BM ah aiyo waliba qoryaha madaafiicda ah oo yaalay xeradaasi tan iyo intii ay dhacday Dawlada dhexe ee Dalka Somalia si loogu badbaadiyo iyadoo soo saarista hubkaasi aysan ka imaan wax dhib ah ama nabada wax yeelayn kara laguna soo saaray is afagarad.

 

Mar aan wax ka waydiinay Taliye Mahad Canbaashe isagoo ku sugan magaalada Yagoori qaabka hubkan lagu soo saaray ayaa waxa uu yiri 'Hubkan waxaa maalmihii udanbeeyay ka taagnaa muran laakiin saaka ayaa lasoo af jaray hubkanina waxa uu kamid noqon doonaa saldhiga todobaada ee ciidanka Qaranka Somaliland'

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri 'dad ayaa jiray doonayay inuusan hubkani soo baxin laakiin majoorati shacabka iyo Odayaashu waxa ay doonayeen inuu hubkani soo baxo si loo qarameeyo waana dad aad uyar dadkaasina hawshoodii waa la dhameeyay oo hadda hal meel ayaa la isku raacay'

 

Isku soo wada duuboo waxaa maalinta barri ah lagu dhigayaa magaalada Yagoori xaflad lagu kala wareejinayo hubkan ayna kasoo qayb gali doonaan masuuliyiinta Somaliland iyo Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Beesha Yagoori.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

for your information, thinks have not been done through peace but through force. No one knows if the weapons of the timaweynta have been taken yet because there was a fight between sland forces and the tima weyn. At least four of their caqils have been arrested. One caaqil in las Anod, abdirizaq jama abdi bile, demanded this morning that the elders be released.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ did you read the article you linked to or were you trying to make NN's argument for him

 

Hubkani oo yaallay magaalada Yagoori muddo dheer, waxaa maleeshiyaadkan dhulboobka ahi ay saaka waabarigii la soo galeen qiyaastii afartan baabuur oo nooca gaashaaman ah, waxaa kaloo wehelinayey gaadhi wiish oo ah xambaarayey Hubkaasi, ilaa haatana waxba kagamay tagin xeradii tima weynta

:confused: what exactly is your stance JB ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm linking jidbaale coz it is the only source that some ppl can trust ,,,,

 

Again i conside jidbaale from the cadowga side ,,, once they admitted this means a defeat they admitted. :D

 

 

It is not my source ,, you all know that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Arms that were kept in Shiekh Mohamed Rabi religious centre had been handed over to Somaliland forces yesterday after intense negotiations bore fruit. “Majority of the people are in favour of seeing the arms in the hands of Somaliland forces" said Mahad Anbaashe, an Somaliland army officer in Yagoori.

 

A ceremony will take place tommorow. Representatives from Sheikh Mohamed Rabi’ religious centre will be there to officially hand over arms.

Share this post


Link to post
Share on other sites

complete the sentence horta ,,,, i said from the cadowga side ,,,

 

Cadowga is anyone who is against the independence of Somaliland ,,, who is working day in and day out to distablize the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this