Sign in to follow this  
Siciid1986

Axmed Siilaanyo oo si weyn loogu Soo Baxay Fagaarayaasha Burco iyo Oodweyne

Recommended Posts

36690_443729503464_557663464_5783913_474

Oodweyne

 

 

Oodweyne June 17, 2010 (Haatuf)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo ayaa shalay Gobolka Daadmadheedh xaruntiisa Odweyne si weyn loogu soo dhoweyay, waftigan oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa magaalda Burco ay shalay uga ambabaxeen magaalada Oodweyne ayaa dadweynaha halkaas ku dhaqani si diiran ugu soo dhaweeyeen, iyada oo loo dhigay Rooga Cas ee soo dhawaynta, islamrkaana Kooxda baamboyda ee ciidanka bilaysku kala qaybqateen soo dhawaynta Muj Axmed Siilaanyo .

 

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed Aadan Yuusuf, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) iyo waftiga uu hogaaminayay magaalada Odweyne ay ku sugayeen,Waxana halka loogu sameeyay Casumaad balaadhan oo xoolo badan oo Geel iyo Adhi isagu jira loogu qalay, iyada oo Axmed Siilaanyo meel suuqa dhexdiisa ah loo Goglay Roog Cas oo u ku dul lugeyay kaas oo la dhigay ilaa Guriga loogu talogalay in uu ku nasto iyo masaafo suuqa dhexdiisa ah. Rogaas oo ah ka Madaarada Madaxada lagaga soo dhoweeyo. Waxa sidoo kale arintaa dhinac socday dhalinyaro badan oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ku luqaynayay Heeso soo dhowayn ah, iyaga oo markay salka dhigeena loo keenay Hadhuubo Caano Geel ah

 

Burco

 

kulm3.jpg

 

kulm5.jpg

 

kulm4.jpg

 

kulmi8.jpg

 

36690_443739728464_557663464_5784182_742

 

Burco (Buraoonline.com) 16.06.10 Kumanaan kun oo Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ayaa manta Dhoolatuskii ugu Balaadhnaa oo ay ku taageerayaan Xisbiga KULMIYE ka sameeyay Fagaaraha Magaaladda Burco.

 

Isu soo baxan ay Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ku muujinayeen Awoodooda Taageero ayaa iskaga kala yimaadeen Dhamaan Xaafaddaha Magaaladda Burco ay ka koobantahay iyaga oo watay Gaadiid aad u Tiro badan oo kala xidhay Wadooyinka iyo Suuqyadda Magaaladda Taageerayaashan oo sitay Astaanta Xisbiga KULMIYE iyo Caleemo Qoyan islamarkaana Buuxdhaafiyay Fagaaraha Qeyriyadda ee Burco ayna dadku qaarkood fuuleen Gidaaraddaha Xaafadaha iyo Dhirtaba.

 

Dhoolatuskan uu Xisbiga KULMIYE ku muujinayey ayaa waxay ka duwanaayeen kuwii hore islamarkaa ku muujiyay Xisbiga awoodiisa Taageero oo uu ku leeyahay Gobolka Togdheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ahahahaha jacayl lambarkaasi waa iga weyn yahay dee weligayba kab NO_9 ah ma qaadane idinkaa iskaba le ege ku durduri.

bakoorada Burco malaha waa Boocbooc!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacayl dee malaha sidaad wax u wadaan arkaaye waa dabagaale Abeeso dushaasuu ka qabaa lol miyaadan waxba ogolayn? tan aad igu soo riixaysaa waa lodkaaga ee rarka xagaa uula baydh sxb

Share this post


Link to post
Share on other sites

jacayl sxb gawaadhida wixii leyla calawi ilaa Sarf ah waa yaryarka dee-------Waaraad ilaa candhameydlahana waa xagiina midabka macno malahoo waa iska iib dee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this