Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Xasan Dahir oo taageeray qubuur burburinta Shabaab

Recommended Posts

Maaddeey   

Hogaamiyaha Ururka Xisbul islaam Sheykh Xasan daahir Aweys ayaa si diiran usoo dhaweeyay Ololaha ay wilaayada islaamiga xarakada Shabaabul Mujaahidiin kula dagaalamayso waxyaabaha shirkiyaatka ah.

 

Sheykh Xasan Daahir Aweys oo galabta shir jaraa'id ku qabtay khadka taleefanka ayaa sheegay in Dad badan oo Soomaali ah ay ku kedsoomaan qabuura caabudida taasina ay keeni karto shirki Alle looga fogaado.

 

Isagoo lahadlayay saxaafadda Maxaliga ah ayuu sheykh Aweys sheegay in ay waajib tahay burburinta qabuuraha sida khaldan loo dhisay islamarkaana ay ku mahadsanyihiin cid walba oo arrinkaas gacan ka gaysata.

 

"aniga ayaa Indhahayga ku arkay dad ku dawaafaya masjidka Biya Maaloow cidi iiga sheekayn mayso, culimada oo dhan way isku raacsantahay in shirkigaasi lasuuliyo"ayuu yiri Sheekh Xasan.

 

Sheykh Xasan ayaa si kulul u weeraray Heshiiskii ay dhawaan Addis Ababa ku gaareen Maleeshiyada Qabuura Galeenka ah iyo Dowlada KMG ah wuxuuna sheegay in heshiiskaasi uusan waxba kusoo kordhi doonin saaxada Somaliya.

 

"waa Hesshiis cadawtooyo, cadawga islaamka ayaa Heshiisiiyay labadaasi qolo oo awalba xulufo la ahaa cadawga Itoobiya, waxaan u aragnaa kaliya cadawgii oo midoobay wax ay soo kordhin kartana malahan"ayuu yuu yiri Sheykh Xasan Daahir.

 

Dhinaca kale Sheykh Xasan ayaa cambaareeyay Falalka ay kooxaha Burcad Badeeda ah ku qafaashaan doonyo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, Xisbul Islaam waxay kooxaha Burcad Badeeda ah ka dalbadeen in ay muddo 48-saacadood gudahood ah kusii daayaan doonyaha ganacsiga hadii kale cawaaqib xumo ay lakulmi doonaan.

 

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa laga yaabaa in ay cadaadis saaraan kooxaha Burcad Badeedda ah oo hada usoo dhigtay in ay cuuryaamiyaan ganacsiga Umadda Somaliyeed xilli kooxahaasi ku marmarsiyoon jireen in ay qafaashaan kuwa kheyraadka gurta.

kobtantada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Minii layaabo Yaasiinka!

 

They need to educate people first and also they should stop taking pictures of themselves digging the graves....no need for that!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Dadka ma educate-gareeyaan yaa yiri, mise adaa taleefan laguu soo diraa mar kastoy dadka educate-garenhayaan?.

 

Waxaan indhaheyga ku soo arkaan kuu sheegayaa Dhubad.oow, sida aad maqshiisanthay marka salaaddu soo dhowaato yaa baabuur codbaahiye ku rakibanyahay dadka salaadda u kala dira! marka Masjidka la soo buuxiyona, Aadaanka & Iqaamada inta u dhexeysa ayaa kitaab: Usuul al Thalaatha loo akhriyaa, taas waa Duhurka, Casarkana Bacdal salaad ayaa Kitaabul Tawxiid la akhriyaa, nimankaas Cilmi & Camal(dabaqid) bay isku dareen ee ha fududaan, Abti :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^in Shirkiga lala dagaalo haddey waalli tahay, haa waan waalanahay?, ma ku soo xasuusineysaa wixii Mushrikiintu Anbiyada Ilaahey ku dhihi jireen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Labdi af aan kuu sheegayaay bad la so noqotay, saaxib. Meeshan ka hadlyo wad ogtahay, marka maxad iso yeelyeelta?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Maadeeyoow, nimankaan waa inay Kashful-Shubahaat iyo Fatxul-Majiid umada u akhriyaan, waa inay samraan. Labasano oo kaliya ayay joogeen markaaseey rabaan dad qarniyo ku soo jiray quraafat inay ku masaxaan sanado gudahoodda.

 

Teeda kale, mar hadaad diin wadid waa inaad saafi tahay....nimankaan u bareeraya inay qof Masjidka Jameecada ku soo tukaday inay ku khaarijaan Masjidka hortiisa hadana leh waxaan rabnaa inaan suulino Shirki :confused: Abtiyoow xagee salaadu iska qaban la'dahay ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^heh, ma Malaa'ig baad rabtay iney noqdaan, Qaladka ku qabso, lakin wanaagga ha ka inkirin, qof dilow waa macsiyah kabiirah Alle waa dhaafi karaa waana ku qaadi karaa, Shirkiga ay suulinahayaanna lama dhaafo, waana camal suubban kan ugu fiican, WALAA TABKHASUNNAASSA ASHYAA'AHUM, be fair Abti, credit ku sii where it's due

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ War san 'credit' o siinaynay overdraft ban galnay. Al Shabab wa rag waalan. Anigu wan ka quustay kuwa. Allah yesahil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

lol@overdraft.

 

Madaayeey. Waan khaldanay haday yiraahdaan waxbay ahaan la heed ee waxay ka tahay caqiido! ninkii ka horyimaadaa waa haladilo, dhiiga Islaam si fudud ayay ku daadiyaan.

 

War nimanku waxbay isku qasayaan......nin meelna wax ka qaldaya meelna waxbaan saxyaa leh is sending mixed signals hence why they are loosing support very quickly among Somali Culaams and the ordinary people.

 

Xataa sheekh Umul waxbay ka sheegaan intaas!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Waa la arki donaa maraad ka quusatid ee cimaada tuurtid :D

 

 

Sidii lagu yaqiinay dadkii hore Masaalihda markii la isku fahmiwaayo qofba qofka kale ayuu sharfaa oo suuqiisa ayuu iskagalaa.

 

Taas ayaa laga la'yahay ragaas qofkii dhaha see wax u wadaan ama waa Murtad ama waa qof Islaamka nicib icon_razz.gif

 

Habeen wanaagsan sxb!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this