Sign in to follow this  
Nationalist

General assembly of Pland isims in Garowe

Recommended Posts

There was a preliminary meeting on the 18th of november between the Pland president Muhammad Abdi Hashi and Pland subsubclan leaders in the Pland capital city of Garowe.

The full report of the general meeting today on novermber the 20th will be posted later on the day Inshalah. This general assembly will bring forward the representatives and parliamentarians in order to hold elections within a period of 45 days.

 

Pictures of arrival Bosaso isims:

boo5.jpgboo3.JPGboo1.JPGboo4.JPGboo2.JPG

Puntland President holds consultative meeting with Traditional Elders

- Thursday, November 18, 2004 at 10:20

 

Garowe, 18.11.04 (AllPuntland) – A consultative preliminary meeting between the President of Puntland State of Somalia Mohamed Abdi Hashi and Traditional Elders (Issims) was today held in Garowe.

 

This followed an invitation issued by the Office of the President last week calling on traditional elders from regions that make up Puntland to convene on the 18th of November.

 

Fourth such assembly since the inception of Puntland State in 1998, traditional elders are to counsel the three branches of government as their tenure terminates by the end of the year, and to determine the future of the State. The highest authority in the State, traditional elders were presented with comprehensive situational report on the State's current state of affairs examining challenges ahead.

 

This is a critical stage in the State’s political and legal existence as the tenure for both the Parliament and the Government’s expires by December. And in accordance with the State constitution, regional and Presidential elections must be held by January 2005.

 

Speaking to the press of the importance of today’s meeting, President Hashi noted that his government will be holding a series of consultative conventions between now and January with Traditional Elders, and will only then reach a decision as to how to proceed.

 

“There are circumstances facing the nation. There is the occupation of the Sool region by militias from the neighbouring Somaliland, which is a hindrance and could explode if not curbed. There also are natural calamities such as droughts and fatalities of the rain season. Economic hardship is another factor to consider. There is also a political change in Somalia as a whole with the formation of the transitional federal government.†he said.

 

Traditional elders are expected to visit Las Anod in Sool for consultations with the general public where they will be convening for the next few days. They are expected to travel around the region and its districts assessing the situation before advising the government with respect to the upcoming elections.

 

Puntland’s Minister of Information, Abdirizaq Yasin Abdulle “Geesood†who later briefed the local media pointed out that today’s meeting was a preliminary one paving the way for the General Meeting that is to be held on Saturday, the 20th of November.

 

“So far, the discussions had been open and in agreement†he said.

 

There had been talks in the local media in Puntland that “one man, one vote†elections are improbable at this time. Instead, regions will appoint Representatives and MPs who will then select a President and a Vice President which will then give Mohamed Abdi Hashi the mandate to govern for the next three years, if he succeeds in the race.

 

“Security, political, and economic conditions on the ground are not favourable to a “one man, one vote†election. Machinery that is prerequisite to this type of elections is not in place in Puntland; therefore conducting elections for the sake of it would not be much of a gain.†says Adam Nur Mohamed, Director of radio Daljir in Galkayo.

 

“The general public is fully aware of it, and is not pressing the government. The conflict in Sool is far more pressing for now.†he added.

 

“However, the average person wants Regional Representatives and MPs to be elected locally and fairly†he concluded.

 

It is generally accepted that while the government’s term is unlikely to be extended for the second time, regions will appoint representatives with the blessing of Traditional Elders.

 

It must be noted that the government’s term in office was extended in July this year for additional six months at the request of the then President, Abdullahi Yusuf Ahmed, Somalia's President-Elect The parliament at the time accepted government’s appeal for the extension requiring the government to conduct elections by the end of its six month term.

 

 

 

AllPuntland News Desk

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Garoowe: Shir maanta Xarunta PDRC ee Garoowe uga furmay Salaadiinta Puntland

- Sunday, November 21, 2004 at 04:47

 

Garoowe (AllPuntland) Shir wada tashi ah oo sadex berri socondoona ayaa saaka Garoowe uga furmay inta badan salaadiinta Puntland. Shirkaan ayaa inta suu socdo waxaa lagu wadaa in isimadu uga wada hadlaan sidii ay uga talo bixin lahaayeen, xaaladda ay hadda ku sugan tahay Puntland – gaar ahaan xiliga dhamaaday ee dowladda oo ku eg horaanta Jan. 2005.

 

Furitaankii shirkan ayaa saaka waxaa kala qayb galay Golaha Xukuumadda DGSPL oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha DGSPL Md. Max’ed Cabdi xaashi, Golaha Wakiilada DGSPL iyo marti sharaf kale oo badan.

 

Intii aanu shirku furmin ayaa waxa saxaafadda la hadlay Wasiirka warfaafinta DGSPL Md C/risaaq Yaasiin C/lle (Geesood) oo ka war bixiyay Ujeedada Shirka Isimada.

 

Shirkaan oo ka furmay Xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa markii ugu horreysay hadal soo dhaway ah ka jeediyay Agaasimaha Hay’adaasi PDRC Md Cabdiraxman Cabdulle Shuuke, waxaana uu war bixin kooban ka bixiyay Asaaskii Puntland iyo muhiimadda ay u lahayd Shacbi weynaha Puntland iyo weliba sidii loogu guulaystay Hadafkeedii ugu weynaa oo ahaa in Puntland ay hormuud u noqoto curasha Dawlad Federaal ah ee Soomaalyeed iyo dhibaatooyinka ka jiray mudadii ay jirtay Puntland, waxaa kale oo uu ka war bixiyay saamaynta ay ku yeelan kartop Dawladda Federaalka ah ee dhawaan lagu dhisay Magaalada Nairobi.

 

Waxaa kale oo isna halkaasi warbixin dheer oo ahayd laba qaybood ka jeediyay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. Maxed Cabdi Xaashi oo markii hore Salaan iyo soo dhawayn u soo jeediyay Issimada warbixin koobanna ka siiyay Xaalka maanta ka jira Puntland, waxana uu sheegay in talo iyaga markasta oo ay dhibaato la soo gudboonaato ula noqda Issimada, ay maantana ay ka sugayaan taladii fiyoobayd ee ay uga barteen, waxaana halkaasi khudbaddii madaxwaynaha ka jeediyey la taliyihiisa Md Cabdikaafi Cabdi Abshir oo isla markaasna ah ergeyga ee madaxwaynuhu u xilsaaray arinta wadatashiga shirkan Isimada. Khudbadda Madaxweynaha ayaa nuxurkeedu ahaa warbixin ku saabsan xaaladda dalku maanta ku sugan yahay (dhinaca siyaasadda, dhaqaalah iyo nabadgalyada) iyo wakhtigii dowladda oo wax yari ka dhiman yihiin, wuxuuna isimada ka codsaday in ay ka talo bixiyaan xaaladda. Nuxurka khudbadda madaxwayanaha ayaa ahayd mid ku uruursan ineysan jirin wax gaar ah oo ay iyagu doonayaan in mudada loogu kordhiyo, balse ay tahay in la dhowro jiritaanka Puntland, ayadoo aan waaqica laga tageyn.

 

Sidoo kale ayaa halkaasi waxa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cismaan Dalmar Yuusuf oo isagana si kooban uga hadlay xaalka Puntland iyo caqabadaha Jiray iyo siyaabihii ay ku suuro galeen xillikordhimihii la soo maray, waxaana uu kula taliyay Isimada inay danta ka raacaan wax kasta, ayan keenaan talo Caafimaad qabta oo ay ka midaysan yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa halkaasi soo xaadiray intii badnayd Isimada Puntland iyadoo la sheegay in Issimada Gobolka Mudug aysan weli soo gaarin Magaalo madaxda iyagoo la filayo inay Berri kala soo qayb gelaan Shirka Isimada. Af-hayeen u hadlay Xafiiska Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa sheegay in Islaanku markan mashquul ku yahay arimo beeshiisa dhexdeeda ah isla markaasna uu waafaqsan yahay wixii ay isku raacaan Isimada shirka fadhiya. Shirka Salaadiinta ayaa la filayaa in uu socdo sadex barri.

 

Shirkaani waa midkii labaad oo salaadiinta Puntland isugu yimaadaan muddo lix bilood ah – shirkaan kii ku xigay ayaa markii sidan oo kale wakhtiga dowladdu dhamaad noqday waxay ku taliyeen in lix bilood dowladdu sii shaqeyso, mudadaas oo hadda ay ka dhiman yihiin wakhti gaaban. Isimada ayaa shirkoodan looga filayaa inay ku maareeyaan sidii ay isu waafajiyaan, xaaladda dalku ku sugan yahay iyo mudada sii dhamaanaysa.

 

Faarax Yuusuf Nuur (KK)

 

Garowe, Puntland, Soomaaliya

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

 

Garowe: Khudbadii Madaxweynaha DG Puntland Md. Maxamed Cabdi Xaashi uu ka Jeediyey Kulankii Issimada

- Sunday, November 21, 2004 at 12:58

 

DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

 

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

 

KHUDBADA MADAXWEYNAHA DGPL

 

Md. Maxamed Cabdi Xaashi

 

 

SHIRKA WADATASHIGA EE ISSIMADA DG Puntland

 

Garoowe, Puntland.

 

21 Novemeber,2004.

 

 

Xubnaha Golaha Wakiiladda,

 

Xubnaha Golaha Xukuumada,

 

Issimada Sharafta Leh ee Puntland,

 

Dhamaan Marti sharafta kale,

 

Waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka ASALAMAA CALYKUM WARAXMATULAHI WABARAKAATI.

 

Salaanta Kadib,

 

Magaca Naxariista iyo Naruurada Rabbi dartiis. Aniga oo ku hadlaya magaca Dadka Puntland.

 

ANNAGA OO KA DUULAYNA xigmadaha sare iyo sooyaalka taariikheed ee ku salaysan Caqiidada iyo Diinta Islaamka iyo Dhaqanka suuban, raadraacii maamuleed ee la soo maray Lixdii sano hore ee Puntland Dhisnayd iyo sababihii keenay burburkii ku yimid maamul goboleedka Puntland & Intii ka dambeysay Dib-U soo Celintii Midnimadii Puntland 08,May 2002.

 

ANNAGA OO KA DUULAYNA mabd’a wadatashiga iyo wax-wadaag caddaalad ku dhisan saldhigna u ahaa dhismihii Puntland,dhamaan dadka reer puntlandna ku wada noolaanno isqadarin iyo isu garowsho. darsayna xaaladaha kala duwan ee la soo maray kaa soo laga dhaxlay daruuso badan oo loo baahan yahay in si feejignaan iyo aragti dheer laga lahaado si aysan mar labaad u dhicin marin habaab ku yimaaado ka Go-aan Qaadashada xaalada jira hada.

 

ANNAGA OO AAMINSAN in midnimada Puntland ay ku dhisan tahay hannaan nabadeed iyo isla oggolaansho ka yimid dadka Puntland. yaqiinsana in ay jirto Faragelin badan oo ku jihaysan Burburinta Midnimada Puntland oo ka imaanaysa Gudaha & Dibadaba loona adeegsanayo fulinta hadafkaas Masuuliyiin iyo Caamo kala duwan si toos ah iyo si dadban intaba.

 

ANNAGA OO KU MINTIDAYNA Adkaynta Jiritaamka Puntland iyo ambaqaadka iyo yagleelidda hannaanka iyo habka cusub ee u horseedi kara dawlad Soomaaliyeed ee federaal ah kuna dhisan nabad, caddaalad iyo demoqaraadiyad.

 

Kana ambaqaadaya Ilaalinta dhamaan Danaha iyo Maslaxadaha Guud ee ku soo beegmay xiligan adag loona baahan yahay in laga lahaado taxadar dhinac walba leh oo Saamayn ku yeelan kara Hadafka iyo Himilada aan ka leenahay Dawladda Qarameed ee Federaalka Soomaaliyeed ee ka dhalatay Dalka Kenya,Hogaankeedana Loo Doortay Mudane Cabdilaahi Yuusf Axmed oo ahaa Madaxweynihii Puntland.

 

Si in aan waa cusub Ugu ambaqaadno,ugana soo kabanno musiibadii, raadkii iyo dhaxalkii ay reebeen dagaalladii sokeeye. wadajirna ugu halgalno dib u dhiska qarankii Soomaaliyeed ee burburay.

 

ANNAGA OO QIRSAN in ISIMADA ay yihiin Bud-dhigayaashii Asaaskii Puntland iyo isla markaas Marjaca Tashiyeed ee reer Puntland markii ay la soo daristo xaalado adag

 

Haddaba Aniga oo ka duulaya Dastuurka D.G.PL & waayihii adkaa ee la soo maray fulinayana masuuliyada adag ee aan uhayo dadka reer Puntland ayaa waxaan halkaan ku soo gudbinayaa warbixin ku saabsan Siyaasadda,Dhaqaalaha,iyo Amniga Puntland.

 

I. SIYAASADDA.

 

Dawladda Puntland waxaa siyaasadeeda sal dhig u ah nabad ku waarta adduunka guud ahaan, gaar ahaan Soomaaliya. Dastuurka dawlad gobolleedka Puntland ayaa tilmaan cad ka bixinahaya siday dadweynaha Puntland uga go’an tahay nabad jacayl iyo daris wanaag ku salaysan ehelnimo iyo wada dhaqan taariikheed.

 

Dawladda Puntland iyadoo ka amba qaadaysa aragtideeda dib-u-heshiisiineed ee kor ku xusan kana duulleysa dabeecaddeeda dawladnimo waxay gacan walaalnimo oo nabadeed iyo daris wanaag u haadinaysaa dhammaan beelaha iyo gobollada Puntland la dariska ah, waxayna soo jeedinaysaa in la isugu yimaado fadhiyo iyo doodo joogto ah ee heerar beeleed iyo wax garad, si loo horumariyo iskaashiga gobollada ee arrimaha nabad-galyada, ganacsiga iyo is dhex marka dadka iyo sohdin ka tillaabidda ururada caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga aheyn (NGOs) ee ku hawlan daryeelka bani’aadamnimo iyadoo aan la kala soocin aragtida siyaaso iyo nidaamyada gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Puntland waxay rumaysan tahay in ay lagama maarmaan tahay in la dhiiri galiyo lana hagaajiyo isku xirnaanta dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee gobollada dariska ah.

 

Dawladda Puntland waxay aaminsan tahay in khilaafaadyada iyo murannada ka jira goobo badan ee Soomaaliya ka mida lagu xalliyo dariiq nabadeed iyo wada hadal dhex mara dhinacyada ay khusayso. Dawladda Puntland waxay si xoog leh u danaynaysaa in ay xiriir wada shaqayn la yeelato Umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan; kuwa dariska ah ee ay danaha darisnimo iyo walaalnimo ka dhexeeyaan.

 

Annagoo ka duulleyna mabda’a wada tashiga waxaan doonaynaa in aanu walaalahayaga Soomaaliyeed ku wada noolaano is qadarin iyo isu garowsho.

 

Dadweynaha iyo dawladda Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin fawdada dawlad la’aantu keeni karto haddii dalka ka aloosanmo colaaddo siyaasadeed ee xukuumadda qaarkood dhex taal iyo xasillooni la’aan ka abuurmi karata gobollada Puntland qaarkood oo xujo iyo lugjiid ku noqon kara geedi socodka Dawladda Federaal Qaran EE Soomaaliyeed.

 

Dawladda Puntland waxay isu xil saareysaa in arrimahaas lagu maareeyo habab wada tashi, Midnimo iyo isu bura deyn ku dhisan. Siyaasadda dawladda Puntland.

 

Intii Ka dambaysay dhismihii Puntland waxaan ku dadaalnay in aan ku socono isteraatiijiyad balaaran oo ka wayn tabarta iyo awooda Puntland anagoo ilaalinayna isla mar ahaantaas inaan dalkana ka qabano waxaan ka qaban karno,waana mid aad dadku noogu dhaliilayeen maalintaas ayna na soo martay in aan ka dhaadhicin wayno ahdaafta sare oo aan leenahay,gaar ahaan markii ay nagu kulmaan xaalado ka dhashay gudaheena iyo shrqoolo dibada nooga yimaada,kuwaaso maantana taagan,balse waxaa maalintaasna ilaah nagu caymiyay maantana nagu caymin doonaa dulqaadka dadkeena iyo qalbi wanaagooda waxaana cadayn u ah sida ay wax walba u cafiyeen markaan bilawnay ka mira dhalinta geedahaan shalay ku beernay istraatiijiyadaas aadka ay u dhibsanayeen.

 

Mudanayaal,

 

Waxaa xusid mudan in Puntland ku guulaysatay himaladeedii ahaa sidii dib loogu soo celin lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo federal ah sida ku xusan dastuurka Puntland. Waxaa na intaa dheer in Puntland ku guulaysatay hogaanka Dawladaas Qaran ee Soomaaliyeed oo muddo dheer u soo martay halgan adag iyo dulqaad dheer.

 

Waxaana maanta reer Puntlan u yaala Masuuliyad ka weyn tii hore oo ah sidii looga mira dhalin lahaa hadafkaas iyo himaladaas, looguna horseedi lahaa sidii si dhab ah loo gu soo celin lahaa Qarankii Soomaaliyeed ee burburay, maadaama Puntland ay tahay tii dhashay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

 

2- DHAQAALAHA

 

Dadka reer Puntland waxaa Eebe ku manaystay khayraad dabiici ah oo ballaaran kuwaasoo ay ugu waaweynyihiin xoolaha nool iyo Kalluunka oo ah laf dhabarta dhaqaalaha Puntland. Wax soo saarka xoolaha nool iyo kalluumaysigu kuma koobna oo kaliya nolol-maalmeedka dadkeena u badan reer guuraaga iyo kalluumaysatada, ee waxaa kaloo ku dhisan baayacmushtarigeena oo dhan, gaar ahaan wax dhoofinta iyo soo dajinta, waxaa kale ee soo raaca hargaha iyo xabkaha, kuwaasoo aynu dhammaantood ka helo lacagta adag ee aynu dibadda wax uga soo iibsano.

 

Horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee Puntland wuxuu ku dhisan yahay siyaasado, qorshayaal iyo himilooyin ku xiran xoolaha nool iyo kalluunka.

 

Tillaabooyinka dawladda Puntland waxay ku wajahan yihiin ujeedooyinka la xiriira khayraadka dabiiciga ah, iyagoo ay ka mid yihiin:

 

1. Dawladda Puntland waxay marar badan ah ula xiriirtay dawladda Sacuudi Caraabiya sidii Xoolaheenna looga qaadi lahaa xayiraada ay ku soo rogtay.

 

2. Siyaasadda dhaqaale ee dawladda Puntland waxay ku dhisan tahay ganacsiga suuqa xorta ah iyo lahaashaha gaar ahaaneed.

 

3. Dawladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa, siinaysaana dammaanad sharci iyo ta’siilaad shaqo maal gashadayaasha shisheeyaha ah.

 

4. Dawladda Puntland waajibaadkeeda hore waxaa ka mid ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka Puntland oo ay ka mid yihiin xoolaha nool, kalluunka, deegaanka iyo macdanta.

 

Waxaase xasuus mudan intii ka dambaysay burburkii ku yimid siyaasada Puntland 2001 in burbur dhaqaale oo badan dalka ku yimid kdib markii:

 

ü Dawlada Sacuudiga xayirtay Xoolihii soomaaliya oo lacag adag dalka laga heli jiray.

 

ü Cabsi badan oo laga qabay shirka Dib U-Heshiisinta ee Nairobi.

 

ü Dhoofintii & Dejintii Ganacsiga oo aad u yaraatay.

 

Dhamaan arrimahaas dhacay darted waxaa aad u adkaatay habsami usocodkii Maamulka oo keentay in la fulin waayo dhamaan hawlahii horyaaley Dawlada, waxaa adkaaday oo kale in Mushaar loo helo shaqaalihii iyo ciidamadii dawalada waxaana lagu sigtay burbur ku yimaada maamulka, balse dadaal dheer kadib ilaahay wuxuu nugu guuley waxuun in laga qabtay arrimaha qaarkood. Balse weli ay jirto dhibaato dhaqaale oo xoog badan xayiraadna ku ah hawlo badan oo la sugayey dawlada.

 

3- NABADGELYADA

 

Burburkii dawladdii Puntland ee 2001, waxaa laga dhaxlay jaah wareer iyo kala daadsanaan nolosha bulshada ka saameeyey dhinac kasta. Dagaaladii sokeeye ee Puntland ku baahay waxay sababeen dhimasho boqollaal dad ah, burbur dhaqaale iyo dhaqan, iyo kala irdhow ummaddii reer Puntland. Inkasta oo ay xasilooni la’aantu aag kasta saameysay, hadana marka dhanka kale laga eego ee la barbar dhigo qaybo kale ee dalka Soomaaliya ka mid ah. Gobollada Puntland ammaankoodu guud ahaan waa wanaagsan yahay, waxaana la isku dayey in gobollada qaarkood laa aloosonabadgelyoxumo.

 

Jawigaas nabad-galyo ee ka jira gobollada Puntland wuxuu horseeday in ay ku soo qulqulaan dad badan oo kasoo bara kacay qaybo kale ee Soomaaliyeed oo dagaalada sokeeye ku riiq dheeraadeen, kuwaasoo culays nabad-galyo iyo mid nololeed dhaqaale ku noqday gobollada Puntland.

 

Dawladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa qayb kasta oo u habaysan nidaam dawladnimo oo doonaysa wax wada qabsi waafaqsan mabaadi’da siyaasadeed ee ku wajahay dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed. Waxay shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba xusuustaan shirarkii badnaa ee la qabtay afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, kuwaasoo xal loogu raadinayey dhibaatooyinka iyo murugooyinka ka taagan dalka Soomaaliya laguna baadi goobaayey xal waara oo loo helo. Waxaana nasiib wanaag ah in ugu dambayn aan ku guulaysanay dhismihii Dawlad qaran oo Federaal ah.

 

Intaas kadib Mudanayaal sidaad la socotaan muddo laga joogo hal sano iyo bilo in Maamulka la magic baxay Somaliland Golayaashii kala duwan ee Dawlada sida Golaha Xukuumada,Wakiiladda, iyo Golaha Guurtida Dhamaantood ay Goaan ku soo saareen in La soo xiro xuduudahooda taasoo macnaheedu ahaa in Magaala madaxda Garoowe meel ku dhow ay yimaadaan. Ujeeddada dhabtuna ay ahayd in ay bilaabaan dagaal iyo colaad taasoo ay ku salaynayeen Siyaasadooda ku wajahan Shirka Nairobi oo ay ka cabsi qabeen in uu miro dhalo hagaankeedunu ay ku guulaystaan Madax reer Puntland ah.

 

Waxaan halkaan idinkugu cadaynayaa in Puntland marna aysan bilaabeen colaad ku wajahan Walaalahood reer Waqooyi Galbeed,balse mar walba ay dadaalayeen in ay baajiyaan colaad ka aloosanta Gobolka Sool,taasoo ay cadaynteedu tahay in ciidamada maamulka Somaliland ay usoo jirsadeen waxka yar 20 km magaalada Laas Caanood oo ay weli fadhiyaan, una diyaar garoobayaan in ay dagaal ku soo qaadaan degaanadda Puntland.

 

Waxaa kale oo aan warbixin idinku siinayaa in ay jiraan xogo badan oo ku saabsan sidii dagaalo badan loogu soo qaadi lahaa Degaano ka tirsan Deegaamada Puntland si loo wiiqo Dawlada Federaalka Soomaaliyeed oo la aaminsan yahay in hadii Puntland la burburiyo lagana alooso nabadgelyo xumo in ay adag tahay in uu hirgalo soo celintii Qarankii Soomaaliyeed ee burburay.

 

GUNAANAD.

 

Mudanayaal,

 

Intaas dabadeed waxaan jecelahay in aan u mahad celiyo oon xuso dawrka ragiinaan dal jirayaasha ah ku leeyihiin umada waayo waxaad tihiin kuwa had iyo goor u deega danahooda iyagoon wax shardi ah ku xirin,wajina aan cid uga doonin hawsha ay qabanayaan , waxaana anigoo ku hadlaya magaca ummada reer Puntland,ilaahay uga baryayaa aduuna caafimaad iyo cimri dheer,aakhirana naxariis iyo danbi dhaaf.

 

Mudanayaal waxaan caadaysanay in aan dalbano taladiina,caqligiina,iyocilmigiina,mar kastoon anaga xukuumada ah u yaabno dalka iyo dadkaba aayahooda idinkuna waxaad caadaysateen hiil iyo hooba inaydan naga hakran.

 

Sidii oo kale ayaan maantana ka fursan waynay in aan masalooyinka jira idin la qaadaa dhigno oon ogaano ra’yigeena ku aadan xaaladaha jira inta aynaan qaadin wax talaabo ah waayo uma nihin diyaar inaan kaligeen xambaarano ilaahayna la hortagno cirib dambeedka aayaha umadatan hadii sida la doonayo wax u noqon waayaan.

 

Waxaan Ilaahay ka baryayaa in Shirkaan noqdo:

 

ü Mid Mideeya Dhamaan Isimada Puntland .

 

ü Adkeeya Midnimada & Jiritaanka Puntland.

 

ü U-Horseeda Dawlada Qaran ee Soomaaliyeed sidii dib loogu soo celin lahaa.

 

ü U-Soo saari lahaa Talo Midaysan oo Taariikhda lagu xuso kuna salaysan Isu burdayn iyo Tanaasul dhaqameedkii aan lahayn.

 

ü Tusaaleeya Cadawga Puntland In Ummadda Reer Puntland aan marna la wiiqi Karin Minimadooda,Jiritaankooda & Sharaftooda intaba.

 

ü Tusmeeya Umaddadooda Nabada iyo Cadaalada.

 

ü Nooguna Duceeya Nabad iyo Horumar ku waarta Puntland iyo Soomaaliya Dhamaanteed.

 

 

 

Mahadsamidiin

 

Maxamed Cabdi Xaashi

 

Madaxweynaha Dawladda

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

 

Garoowe: Shirkii Isimada Puntland oo Maalintii Labaad Soconaya

- Monday, November 22, 2004 at 05:14

 

Garoowe (AllPuntland)- Waxaa maanta maalintii labaad si caadi ah uga socda Xarunta Cilmi barista Puntland (PDRC) ee Garoowe shirkii isamada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland (DGSPL) ay ku lahaayeen, kaasoo u furmay shalay subaxnimadii.

 

Furitaankii shirka shalay oo ay khudbado ka jeediyen Madaxweynaha DGSPL Md. Max’ed Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGSPL, Md. Cismaan Dalmar Yuusuf iyo Agaasimaha Hay’adda PDRC Md. C/raxmaan C/lle Shuuke ka dib ayaa waxaa halkaasi la isaga soo tagay Isimada oo qura iyagoo isla shalay iska dhex doortay Shirguddoon iyo Xog hayn.

 

Shirka Isimada ee socda ayaan waxaan loo ogolayn inay galaan saxaafaddu waxaana maanta la filayaa inay iska dhagaystaan fikradaha iyo war bixinada gobolada kala duwan ee ay ka kala yimaadeen, isla markaasna ay dood ka samayaan arrinta ay u fadhiyaan ee ah talada dalka, maadaama uu gebo gebo yahay xiligii jiritaanka Golayaasha Dawladda ayna jiraan arrimo colaadeed, Dhaqaale xumo, siyaasadeed, iyo kuwo dabiici ahba.

 

Dhanka kale waxaa maanta saxaafada la hadlay Caaqil Cabdi Jaamac Cabdi-Bile iyo Qamandi Saleebaan Cali oo dhawaan ka soo galay Maamulka Gobolada Woqooyi Galbeed, oo ay sheegeen inay u ahaayeen taageerayaal.

 

Cabdi Jaamac Cabdi-Bile oo ah Afhayeenka Cuqaasha Gobolada Sool ayaa sheegay inay taageersanaayeen Mamulkaasi iyagoo u arkayay inay ku jirtay danta beel ahaan ay iyagu matalaan maadaama buu yiri ay na soo mareen dhibaatooyin badan oo deegaankayagaasi ku xeeran Xuduudda Puntland ay la leedahay Goboladaasi ay garabkii ay ka sugayeen Walaalohooda la haybta ah ay ka arki

waayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Sidoo kale ayuu sheegay in ay jirtay qaab wada shaqayn u dhexeeyey iyaga iyo Maamulkaasi la wadaageen danta, taasoo uu sheegay inay ka baxday meesha ka dib doorashadii Madaxweynaha Federaalka ah ee Soomaaliyeed, taasoo ay ku dhaqmeen qaab ka duwan kii aan dan wadaagta kula ahayn ayna bilaabeen inay geesriix iyo inay ku ciladeeyaan dadka Magaca wixii ay u gartaan inay hayb la yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah.

 

Caaqilka ayaa sheegay inay ku yimaadeen Puntland go’aan beeleed oo ay u wada dhan yihiin maadaama buu yiri aan anngu ahayn dad ay ka dhexeeyaan Dan qura, una aragnay inaan deri wadaag ka nahay deegaanka. Oo daaqsinka iyo isu socodkaba uu naga dhexeeyo.

 

Qamadi Saleebaan Cali ayaa isna sheegay in Puntland aysan jirin xilligii ay taageereen Maamulka Woqooyi Galbeed, una arkeen inay danta beel ahaani ku jirto, haddii ay Puntland dhisantayna ma xiran Xuduudkii ay lahayd ayuu yiri, waxaana uu intaasi ku daray inay u arkayeen inay ku jirto danta guud ee Goboladaan, ayna ka badbaadinayeen rabshado iyo dagaallo hor leh inay ka dhacaan, uga soo faruurma Goboladaasi Woqooyi Galbeed.

 

Qamadi ayaa sheegay inay soo noqoshadoodan ay goboladooda ku soo noqdeen ay tahay mid ay ku gaareen go’aan midaysan, ayna ahayd mid ay walaalohood dib ugu soo noqdeen Talo iyo wax qaybsiba ay diyaar ula yihiin.

 

Waxaa kale oo uu qamadi sheegay in dhulka Puntland la haysto maanta 200km, ayna si caddaan ah ama gardarro ah ugu soo duuleen Puntland, taasoo ay uga dan leeyihiin inaysan ku xoogaysan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. C/laahi Yuusuf Axmed iyagoo u arkaya inay Puntland tahay halbawlaha Dawladdaasi.

 

Waxaa kale oo uu sheegay inay Puntland inay tageen Qaar ka mid ah Issimada Puntland Jiidda hore ee dagaalka, waxayna soo arkeen sida ay wax u jiraan, muhiimadda maanta taalana way xaqiiqsan yihiin marka in ay muhiim tahay in danta dalka looga taliyo sida ay u kala horreyso, waxaana uu yiri Dawladi ma wada Gasho laba dagaal, ee hala fiiriyo, danta sida ay u kala horreeyaan.

 

Faarax Yuusuf Nuur (Faarax KK)

Garoowe, Puntland, JF Soomaaliya

AllPuntland.com

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

There was a preliminary meeting on the 18th of november

No offense (I don't mean to sound rude), but are you telling us this? :confused:

 

It seems as though the politics section has slowly become a place for regional, tribal, news which is of no concern to the rest majority.

Share this post


Link to post
Share on other sites
OG_Girl   

It seems as though the politics section has slowly become a place for regional, tribal, news which is of no concern to the rest majority.

 

And you just noticed that redface.gif

 

Salam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

And you just noticed that
redface.gif

Oh believe me Og I've noticed it a long time ago :D this time I just decided to say something about it ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

No offense, but look further than the length of your nose.

This is about Pland elections and wether you like it or not it's a big issue within Somali politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Than why did you step into my house with dirty socks if whatever I say is Ok?

That's what I ment. Why are you literally forcing others to step into your house, when they necesarily don't want to? ;)

 

Is qorqornimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

HA,

 

You have to understand that Nationalist doesn't get out very often, he admitted to mixing with only PLs, hence issues pertaining to PL are of extreme importance and to not show such passionate interest is to border on blasphemy :D . You can see how these forums are always bombarded with such topics (which is fine, but to expect others to show such interest is laughable, it's not like he shows such ineterest to SL or posts anything postive on Xamar).

 

Don’t blame him; it’s not his fault really-just circumstances.

 

Nationalist, i understand walaal, please do not be angry with us-we only mean well smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

That you two force yourself to reply to topics that do not interest you, absolutely amazes me.

You two chose to click on a topic with a title as clear as daylight.

 

No wait, it doesn't amaze me at all. I have teased you two innocently in another thread, thus this is the result.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this