Sign in to follow this  
Suldaanka

Borama: Waraysi Fanaanad Jawaahir Aadan Cashuur

Recommended Posts

25sawir.JPG

[Jawaahir Aadan Cashuur oo Boorama ugu warantay shabakadda wararka ee Lughaya.com]

 

Source]

 

Boorama-(Lug)-fanka iyo suugaanta soomaalidu hido iyo dhaqan ayay u leedahay waxaanay had iyo jeer lagu cabiraa waayaha iyo marba xaalada deegaanadaasi ka jirta iyo qofka mu'alifka ahi waxyaabaha uu qalbigiisa ku hayo haduu jacayl ka hadlayo, Barwaaqo, dagaal iyo dagaal galinba dhiiri galin IWM oo saameeya wax kasta oo nolosha bili'aadamka ayay fikirkooda ku cabiraan waxaana lasoo qaataa qaar gabayo , heesho iyo ruwaayado iyadoo waliba fanaaniinta ama abwaaniinta somaalida hal abuurkooda intooda badan la jeclaysto waxaana jirta in fanaantiinta laftigooda codadkooda iyo habka jilida masraxa loo eego.

 

Hadaba maanta waxaan qormadan ku eegaynaa Jawaahir Aadan Cashuur iyo waayaheedii fanka Jawaahir waxay ku dhalatay oo ay ku barbaartay magaalada Boorama iyada oo yar ayaa waxay tagtay magaalada Jabuuti waxaanay halkaasi ka bilawday dhinaca ka qayb qaadashada heesaha iyo ruwaayadaha. masrixii ugu horeeyey ee ay istaagto waxaa uu ahaa mid ku yaala Jabuuti sanadku markuu ahaa 1983 kii.

 

Jawaahir Aadan Cashuur waxay ka qayb qaadatay ruwaayadii la odhan jiray markii ugu horaysay “sadexbaa isku faantay†oo ay dhigayeen fanaaniintii Jabuuti ee waqtigaas waxaanay qaadaysay heesta la yidhaahdo “doqon raysay oo roob yar u da'ay lama raacee tu kale raac†waxaana ruwaayadaasi jilayaasheedii ama dadkeedii matalayay ee waday ka mid ahaa fanaanada la yidhaahdo Nimco Jaamac, Cabdinuur Alaale Iyo Aamina Faarax, Jawaahir Aadan Cashur mar ay ka hadlaysay sida ay fanka kusoo gashay waxay ka warantay oo ay cadaysay in aabaheed uu ka mid ahaa fanaaniintiii Kabacada la odhan jiray waa Aadan Cashuure (Kabacad Group) oo uu ka mid ahaa C/Laahi Xuseen (Dabshid) mar ay ka hadlaysay in uu aabaheed u diidanaa iyo siduu u arkayay gabadhiisa ka qayb gashay fanka waxay iyadoo dhoola cadaynaysa tidhi "aad ayuu ugu farxay kamana aanu xumaanin galistii aan soo galay fanka sababta oo ah aabahay wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii ugu horaysay ee fanka ka qaybqaata waayadii hore iyada oo aanay dadku aqoonba fanka' aabahay waxa kale oo uu ka mid noqday Walaalaha Hargeysa fanaaniintii la odhan jiray isagoo markii danbana ka mid ahaaba fanaaniintii hidaha iyo dhaqanka ee Waabari waliba aabahay aad iyo aad ayuu iigu dhiiri galin jiray aniguna waxaan ku dadaali jiray inaan hablaha ugu codka fiican ee waayadaas fanaaniinta ahaa ee ka jiray Jabuuti inaan ka mid noqdo inkasta oo aabahay ahaa dhanka Somalida.

Jawaahir Aadan Cashuur waxay mudo badan ka dib qaaday heesta la yidhaahdo "kaalay laabta igu qabo laydhkaad igu abuurtaa maankayga ladayee". waxaana heestaas u sameeyey Aadan Daahir Obsiiye. Jawaahir iyo waayaheeda fanka markaan sii tix raacno waxaa dhinaca heesaha iyo alifaaadooda iyo ruwaayadaha samantooda iyo ku dhiiri galinta fankaba iyo hab masraxiyeedkaba gacan ka siinayay oo ka caawinayay Xasan Clmi oo fanaaniintii Jabuuti ka mid ahaa iyo Xasan Ganay oo isaguna fanaaniinta Somalida ka mid ah. waliba Xasan Ganay wuxuu ii dhiibay hees ka hadlaysa deegaanka iyo gobolka aan u dhashay ee b]Awdal[/b] oo magaceeda la yidhahdo Doobir taas oo uu ku cabiray bilicda gobolka ee deegaanka buuraha iyo beeraha uu leeyahay iyo dabeecada dadka oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad aad u wanaagsan.

 

Jawaahir waxaytidhi markii aan mudo kusoojiray fankii ee aan la qabsaday kadibna ruwaayado iyo heeso badan aan in lay barto aan gaadhay ayaan guursaday nin ka mid ah fanaaniintii Jabuuti ninkii markaan guursaday ee aan mudo isqabno een caruur yeeshay ayaa waxa igu adkaatay sidaan isugu wadi lahaa fankii iyo gurigii aan isu wadi kari waayay taasoo ahayd mar ay ka jawaabaysay bal in wax dhibaatooyin ahi ka hor yimaadeen fanka mudadii ay ku dhex jirtay fanka ayaa waxay sheegtay iyada oo ka xun hadalkeedii kusii dartay ninkaygu muu shaqaynaynin aniga ayaa qoyska masruufayay oo u shaqaynayay markaan isu wadi kari waayay waxay igu kaliftay inaan fankii ka yara hakado si bal aan ilmahaa u koriyo waxaana igu dhacday dhib kale oo ah inaanu odaygaygii oo la odhan jiray Cabdi Xuseen Hande oo ka mid ahaa kuwa muusikada garaaca inaan kala tagno waxaanan imika hayaa oo aan u dhalay shan caruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal taasina waxay ii keentay inaan fankii aan ku jiray ka dhex baxo mudo dheer oo aan ka maqnaa.

 

Balse Jawaahir waxay tidhi bari dhawayd ayaankusoo noqday fankaygii oo aan doonayo inaan gobolkayga oo ka midah goboladii uu kasoo aasaasmay fankuba oo aan lahayn fanaaniin imika ruwaayado ama heeso u sameeya dadka aan dib usoo nooleeyo magacii iyo maamuuskii dhinaca fanka Awdal ku lahayd waxaa kale oo carqaladaha i haystay ka mid ahaa ee iga horjoogsanayay ka mid ahaa qalab la'aan inkasta oo aan qaar imika hayo kuwa kalana la iigu maqanyahay waxaanan imika duubay alban cusub oo heeso cusub ah waxaanan ka mid ahay hada Fanaaniinta Qaranka ee Somaliland waxanan ka qayb qaatay ruwaayado badan oo laga dhigayay Hargeysa iyo Booramaba, waxay tidhi waxa aan aad u jecelahay oo aan ku rajo waynahay in fanaaniin qalab haysata oo macruuf ah gobolka laga helo dhawaan. ugu danbayntii waxay tidhi hadii ticket iyo fiisa la iisiiyomeel kasta oo aduunka mid ah waxaan ka jecelahay gobolkayga iyo magaaladayda Boorama iyo Dalkayga Somaliland oo aan gacan ka gaysto dhinaca ka qayb qaadashada dib udhiska iyo habaynta xaga fanka waxanan ugu baaqayaa fanaaniintii caanka ahayd ee waabari oo kale ee rag iyo dumarba leh inay dalkooda kusoo noqdaan si haybadii iyo suugaantii dalkeenu lahaa ay marlabaad dib ugu soo cusboonaysiiyaan umadeena dib u dhiskana ay ka qayb qaataan waxaana u mahad celinayaa C/Raxmaan Cali Xirsi (Sakhraan) Xasan Cilmi, Maxamed Aadan Dugsiiye Iyo Cabdi Nuur Alaale oo ah kuwii fanka inaan ka qayb galo ii suurta galiyay.

Abubakar Hassan Afi

Borama LughayaNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

ugu danbayntii waxay tidhi hadii ticket iyo fiisa la iisiiyomeel kasta oo aduunka mid ah waxaan ka jecelahay gobolkayga iyo magaaladayda Boorama iyo Dalkayga Somaliland

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this