Sign in to follow this  
Suldaanka

Government officials assessing JNA for Sanaag Region

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha gudaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Ceerigaabo maanta iyo warkale....

 

Ceerigaabo (Qarannews)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. C/laahi-cirro ayaa galabnimadii Khamiista ee 05/4/07 soo gaadhey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

 

Wasiirka oo sida la sheegay ka mid ah wefti ballaadhan oo xukuumaddu u qoondaysay in ay yimaaddaan gobolka Sanaag ayaa waxa si weyn usoo dhoweeyey madaxda heer gobol iyo degmoba ee Ceerigaabo iyo shacab aad u tiro badan iyo weliba kooxo ardayda dugsiyada iyo ciidammadaba ka tirsan.

 

Wasiirka ayaan weli wax warbixin ah siinnin saxaafadda oo la xidhiidha socdaalkiisa, hase yeeshee sida wararku sheegayaan ayaa la filayaa in uu maalmo joogi doono gobolka Sanaag isaga iyo weftiga kale ee iyagu aan weli soo gaadhin Ceerigaabo ayaa waxa la filayaa kulannadiisa ugu horreeya in uu la yeelan doono madaxda maammulka guddiyada qaarkood iyo gurrtida beelaha Ceerigaabo.

 

 

Dhinaca kalena wasiirka ayaa uga mahad celiyey reer Ceerigaabo sida weyn ee loosoo dhoweeyey isagoo yidhi "Reer Ceerigaabo waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhoweyseen wixii kalena waynu iska arki doonnaa".

 

CiroCeeri2.jpg

 

CiroCeeri.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

WASIIRU-DAWLAHA CAAFIMAADKA OO BOOQDAY DEGAAMMO KA MID TAARIIKHI AH OO KA MID AH BUURALEYDA IYO XEEBTA GOBOLKA SANAAG.

 

Ceerigaabo (Qarannews) Wasiiru-dawlaha caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Axmed Cali Shire oo muddo dhawr maalmood ahba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa maalintii arbacada ee 04/4/07 booqday meelo ka mid ah degaannada buuraleyda iyo xeebta gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin goobo taariikhi ah siiba magaalada qaddiimiga ee xeebta ku taalla ee Waqderya iyo Geel-weyte goobahaas oo ay ku yaalliin meelo ay ka muuqdaan raadad ama aasaarta ummadihii hore ee kusoo noolaan jirey dhulkaas.

 

Wasiiru-dawluhu intii uu degaannadaas marayey wuxu si aad ah bulshada uga waraysanayey xaaladda caafimaadka iyo baahiyaadka kale ee meelahaas ka jira wuxuna dhiniciisa ku boorrinayey bulshada in ay intii awooddooda ah dedaal ka sameeyaan sidii ay isaga ilaalin lahaayeen waxyaabaha dhalin kara xanuunnada iyo sidoo kale in aanay ku dhiirran isticmaalka gebi ahaanba daawo aan dhakhtar qorin.

 

wa.JPG

Wasiiru-dawlaha caafimaadka iyo shaqada Somaliland Md. Axmed Cali Shire

Share this post


Link to post
Share on other sites

was%20dib5.JPG

sidee wasiirka loogu soo dhoweeyey cergaabo

 

Waxaa shalay abaaro 4:50 daqiiqo soo gaadhey wefli uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha: C/laahi Cirro, iyada oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen maamulka gobolka iyo ka degmaduba oo ay ka mid ahaayeen badhasaabka gobolka: Cali Cabdi hurre iyo maayarka Degmada Ceergaabo Ismaaciil X. Nuur

 

Iyada oo badhasaabka gobolku kaga hortegey xuduudda gobolku la leeyahay togdheer. Markii weftigu soo gaadhey magaalada waxaa soo dhoweeyey dadweyne aad u tiro badan iyo arday caleemo qoyan ruxaya .Waxaa weftigu uga sii gudbeen gurigii martiqaadka loogu diyaariyey halkaas oo ay salaam ku siiyeen cutubyo ciidanka booliiska iyo ardayda (Scout) oo ah ardayda loo tababaro ciidanka amniga Wasiiirka oo u mahadnaqay dadweynihii soo dhoweeyey uuna sheegay in uu aad u daalay yahay taraagaa dheer ee ilaa 700mk ah wixii war ahna uu gadaal ka soo gudbindoono.

 

was%20dib8.JPG

 

Iyada oo ay jiraan in wefti kale oo balaadhini xaga xeebta ka soo wareegayaan. Waxa kale ka danbeeya ha’ado ajaanib ah oo weftigaasi horu-dhac u yihiin

 

Hadaba dadka reer sanaag baa Su,aali iska weydiinaya weftiyadan.

 

Iyada oo gobolka dhibaatooyin badani jiraan, gaar ahaan adeegyada dadweynaha sida: Caamfimaadka oo u muuqda mid aan jirinba Biyaha, wadooyinka oo ah kan gobolku ka curyaamey, adeega waxbarasho, dekedaha, xaalufinta dhulka oo hadda deegaamadii nabaadguur halis u yihiin iyo qaar kale oo aan la soo koobi Karin.

 

Hadaba su’aasha tagan ee dadku isweydiiyaan waa:

xukuumadu ma marka doorshooyinku soo dhowaadaan baa gobolka la xasuustaa?

Xildhibaanadii aynu dooranay meeye?

 

Xaalkoodu miyaa (kol hadaan ka wabaxsadey mindhee uma wadiiqeeyo * wadaadkii ugaadeen mindhee weeye ma idhaahdo ) xaalkoodu ma kaa seyidkaa Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: fartaada oo malab ah mar lama wada muudsado. Ee shacabkiina waa u baahan tihiin mar kastana cid uu baa ka faa’iidaysanaysa ee mar ha wada degina.

 

 

was%20dib4.JPG

 

 

was%20dib3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Ku Xigeenka Dib U Dejinta SL Iyo Waayeelka Badhan Oo Kulan Fooda Is Daray

 

Wasiir kuxigeenka dib u dejinta Somaliland Md C/xakiim Garaad Max’ud Calli Shire oo socdaal shaqo ku jooga Deg Badhan ee G/sanaag ayaa kulan balaadhan la yeeshay odayada degaankaas.

 

 

Kulankan ayaa layskula soo qaaday xaaladaha taagan baahiyaha jira sidii wax looga qaban lahaa iyo arimaha siyaasada Degaamada Sanaag Bari, Ugu horayn wasiirka oo kulankaa furay ayaa wuxuu odayada uga xog waramay Somaliland iyo talaaboyinka ay u qaaday dhinaca horuu marka nabadgelyada dhismaha maamul iyo hanaanka Dimuqraadiyada ee rabitaanka shacbiga Somaliland isagoo wasiirku ku canaantay odayada in beesha ay metelaan ay ku fureen meel u dhaxaysa laba daaq-simood taasina ay ku khasaareen loona baahan yahay halka ay Dal ahaan iyo Dad ahaanba ka soo jeedaan ee ilaahay ku beeray inay tahay Somaliland oo ay tahay inay la xisaabtamaan Xukuumada, Golayaasha iyo Ha’yadahaba sidii ay uga daba tegi lahaayeen wixii ay xaq u lahaayeen ee kaga baaqday.

 

Odayada Degmada Badhan ee kulankaa ka qayb galay ayaa waxay hadalo kooban ku muujiyeen baahiyaha ay qabaan ee ay ka midka yihiin Jidadka mandaqada isku xidha oo liita,Biyaha oo rigagii qaarkood ay fadhiyaan , Waxqabadka Ha’yadaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah oo aan isagu haba yaraatee jirin, Odayada ayaa waxay ka garaabeen in dib u dhaca beesha uu yahay mid ku yimi muwaafaqo la’aan iyo Dawlada Somaliland oo ka gaabisay in ay Dadkeeda wada hanato waxayna balan qaadeen inay soo dhowaynayaan wax qabad kasta iyo cidii wadaba isla markaana ay meesha ka sarayaan wixii hore u khaldamay ee Degaankooda hore looga fidiyey.

 

Odayada qaarkood ayaa waxay badheedhohooda ku muujinayeen in weli ay indhohoodu qabanayaan oo ay arkayaan Dawlad Somaliyeed iyo nidaam Federal ah oo yimaada hase yeeshee kuwa kalle ayaa waxay ku qancinayeen in ay khariidad ahaan mandaqadu tahay Somaliland isla markaana ay waayeeleen .

 

Isla maanta waxa wasiirku kormeer ku soo kalla bixiyey Dugsiyada ku yaal magaalda Badhan kuwaas oo ay ka mid yihiin Dugsiga hoose/dhexe ee Furqaan halkaas oo ay waxa ka bartaan kumanaan arday ah kuwaas oo wasiirka u sameeyay soo dhoweyn, Waxa kalle oo wasiirku booqday Dugsi kalle oo lagu magcaabo Al-nuur iyadoo uu la kulmay maamulka iyo barayaasha ka hawlgala dugsigaas.

 

Wasiir kuxigeenka ayaa sii wadi doona kormeerkiisa uu ku joogo Bariga Sanaag isagoo isla galbtana soo kormeeri doona tuulooyin hoos yimaada Degmada Badhan

 

Warqabadka Dhambaal News

Share this post


Link to post
Share on other sites

cus1.JPG

 

Waraysi Wasiru-Dawlaha Cafimadka+Cusbitalka Ceeri oo Xidhan + Dayaca Ka muuqda

 

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu weyn gobollada dalka Somaliland, wuxuu ku yaallaa faran u dhexeysa laba maamul, Gobolka Sanaag ma laha wax waddo ah, laamigu wuxuu u jiraa magaalada in ka badan 300KM.

 

Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo gebi ahaan waa xidhniin, ma jiro wax dhakhtar guud ah oo ka hawlgala, dhismayaashiisu waa dundunsan yihiin, shaqaalaha ka sheqeeyaa mushahar ku filan ama qaar ka midiba ma qaataan wax mushahar ah, sida uu noo xaqiijiyey Mr. Saliid oo ah madaxa shaybaadhka TB-da ee Cusbitaalka oo aan kula kulmay dhismaha shaybaadhka oo aad u dayacan, aanna lahayn wax biyo ah, iyada oo ay jajabeen dhammaan agabkii keeni lahaa biyuhu, maraan weydiiyey maxaad u samaysan weydeen qasabadaaha ayaa wuxuu Mr. Saliid iigu jawaabay "Anigu meesha quraac la'aan ayaan ku imaaddaa, muddo lix bilood ahna wax mushahar ah maan arag".

 

 

Waxaan soo maray Qaybta cuntada lagu kariyo (Kichen), waxaan goobtaa kula kulmay laba dheri oo yar yar oo hadhuudh iyo bariis loogu karinayey qolyaba TB-da ee cusbitaalka.

 

Waxaa dhacda haddii qof dhaawac soo gaadho ama haweenay fool adagi qabato in jidkaa 300KM ah la sii mariyo oo ay dhici karto inay ku sii dhintaan ama sida dhacda dhacda marka dadka qaar u waayaan kharash ay ku qaadaan ay keento inay xabaalaha uun iskala sugaan.

 

 

Waxaan kula kulmay cusbitaalka Agaasimaha oo xilligaas ku sugnaa gudaha cusbitaalka aniga oo weydiiyey waxa sababay dayacan ka muuqda cusbitaalka, wuxuu iigu jawaabay in xaaladda cusbitaalka aad indhihiinna ku aragtaan, ayna cusbitaalka ka hawlgalaan 1 Kalkaaliye caafimaad, maraan weydiiyey tirada shaqaalaha cusbitaalka ayaa wuxuu ii sheegay inay gaadhayaan 64 shaqaale ah, waxana badankooda loo wada dhiibay boosas sarsare,

 

Waxaa dhawaan gobolka Sanaag soo gaadhay Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Mudane Axmed Cali Shire oo u dhashay isagu gobolkan Sanaag, Mud. Axmed Cali Shire oo isaguna hawl shaqo ku jooga magaalada, waxaan wax ka weydiiyey waxa sababay xidhitaankan cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo? "Sababta ugu weyni waa iyada oo aan lagu karayn dhakhaatiirtii u dhalatay gobolkan inay gobolkooda ka hawl galaan" ayuu yidhi Mud. Axmed Cali Shire oo ah Wasiiru dawlaha Caafimaadka Somaliland oo hawl shaqo ku jooga Ceerigaabo.

 

 

Waxan wax ka weydiiyey xagga dhaqaalaha ama mushaharka dhakhaatiirta wuxuuna iigu jawaabay "Gobolkani wuxu leeyahay illaa 10 dhakhtar, laakiin waa lagu kari waayey, waxay madaxtooyadu bixisaa $1000, iyada oo ay la socoto Gunno oo loogu talo galay dhakhtarka"

 

Maraan wax ka waydiiyey Maadaama uu cusbitaalkii xidhan yahay iminka, aadna aragtaan xaaladdiisu waxa ay ku sugan tahay waxa aad damacsan tihiin inaad ka qabataan?. Wuxuu Wasiirku iigu jawaabay "Waxaan iminka isku hawlaynaa sidii aannu xaaladda Wax uga Qaban lahayn, waxaannuna samaynaynaa Guddiyo.

 

Cusbitaalka Ceerigaabo wuxuu ka kooban yahay oo dhisan 5 Waadh oo laba ka mid ahi waa dumayaan oo cidi ma gasho, waxaa waadhka ragga jiifay markaas aan soo booqday 6 bukaan ah, waadhka dumarkana 3 waadhka umulahana iyo caruurtana 3.

 

c18.JPG

 

Author: Sanaagweb.com

Email: (farjar777@hotmail.com)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Beautiful Erigavo pictures!

 

However, the Somali land adminstration does not control the region except a portion of it where its kinsmen settle, even its incomplete control of the capital Erigavo does not give a reality picture that it is legitimate entity and politically correct to lay abstract claim to the whole region. The JNP, though with its unfair and misguided policies has lumped the Sanaag region with Hargeisa, observing the recommendation of a resolution of the Security Council in 1992, which, at the time, divided the Country into four administrative zones, promised recently to change its old policies and allow the region to receive its share of international aid directly.

 

The UNDP along with a host of NGO just ended a two week seminar on developmental programs in districs like Badhan and Hadaaftimo.

 

Ku dhowaad 150 qof oo siminaar ugu soo xirmay degmada Baran ee gobolka Sanaag.

 

Siminaar ay soo qaban qaabisay hayada qaramada midoobey ee UNDB ayaa gebi ahaantiisba maanta lugu soo geba gebeyey magaalada Baran ee xarunta gobolka Sanaag siminaarkaasi oo soconayey mudo ku dhowaad 5casho ah ayaa waxaa uu ahaa oo lugu baranayey wacyi gelin iyo baraarujinta dhanka bulshada degaanka Badhan iyo degmada Hadaaftimo.

 

Siminaarkaan ayaa waxa taba barayaal macalimiina ka haa ila 12 tababaro oo markaasi bixinayey casharada.

 

12 tobonkaasi tababare ayaa waxay ku guulaysteen oo ay soo afjareen inay mihiimadii iyo casharadii laga baranayey fahamkiisa ku guulaystaan dad gaaray 150 oo ka tirsan degmada Hadaaftimo iyo magaalada Baran dadkaasi oo la siiyey training ayaa waxaa ka soo qaybgalay goobtii ay siminaarka ku baranayeen dhowr masuul oo ka tirsan howl wadeenada sar sare ee hayada qaramada midoobey ee UNDB iyagoo uu hormuud u ahaa madaxa Seviceka ama Kormeerka UNDB iyo Agaasimayaal ka tirsan xafiisayada UNDB iyo weliba masuuliyeen kaleeto oo qaar ajnebi ay yihiin.

 

Geba gebadii siminaarkaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday jawi farxad geliyey ardaydii baranaysey iyo weliba macalimiintoodii iyagoo gacmaha usu ruxayo oo wada qoslaya ayaa ay isa soo macasalaamayeen.

 

 

Maxamed Axmed CIise

 

751.jpg

Badhan

badhan552.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

maanta lugu soo geba gebeyey magaalada Baran ee
xarunta gobolka Sanaag
siminaarkaasi oo soconayey mudo..

Was that a typo dear Maakhiri?

 

Anyways rer Sanaag Bari wada hadal iyo isqancin ayaa lagu dhamaynayaa arimaha ay tabanayaan. Dahir Riyaale xukuumaddiisu way ka leecatay wadaddi u jeexay Mohamed Xaaji Ibrahim Ciigaal (AUN).

Share this post


Link to post
Share on other sites

what Maakhir said has some substance in that this issue is a major talking point for most northern somalii's (Somaliland and the puntland state of somalia). I think it would serve both of our sides best if we had a genuine coming together of somaliland and the people who wish to see these provinces annexed from Somaliland.

 

Personally i dont believe their arguement has any ground to stand on but it is worth the effort to get a peaceful solution to this issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wareegto kaaso baxaay Xafiiska Madaxweynahaa ayaa amraay in dhamman wasiiraada, ku-xigeenaada iyo agaasimaayaasha inaay uu baxaan gobolaada Bari sidaay xaalaadaha tuulo min tuulo wax kaa qabtaan.

 

Waxaa loogu magac daray "Ololaaha Horumaarinta Shacbiiweynaha" courtesy of Xisbiga UDUB :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

A.J. Timacadeh

 

Somaliland is always open for dialogue with rer Sanaag Bari with the view of integrating our brothers into the big Somaliland family.

 

Lets hope this new drive from Somaliland bares fruits for both sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Originally posted by Suldaanka:

maanta lugu soo geba gebeyey magaalada Baran ee
xarunta gobolka Sanaag
siminaarkaasi oo soconayey mudo..

Was that a typo dear Maakhiri?

 

Anyways rer Sanaag Bari wada hadal iyo isqancin ayaa lagu dhamaynayaa arimaha ay tabanayaan. Dahir Riyaale xukuumaddiisu way ka leecatay wadaddi u jeexay Mohamed Xaaji Ibrahim Ciigaal (AUN)[/Quote].

Suldaanka, your likes will never win a bird's heart let alone humens. Maakhir posted a possitive regional news, that has got to do nothing with politics. And, you bursted the venom that was burning your body and heart. Anyhow, Such claims of yours. I call it "If wishes were horses beggers would ride" Wax qabad iyo wada daganaansho ayaa ka dhexeeya dadka reer Sanaag. Otherwise, Sanaag is a piece and parcel of Great Somalia, and would ever remain so. Dr dhar cad xidhan ayaad aragtay markaasaad malaha waxaad mooday "Abdillaahi Yuusuf". Im sure, ppl from the North, need a comprehensive,training school of what "Politics is ". Wake up dude!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Ayoub Sanaag is a piece and parcel of Great Somalia, what else is bothering you :D ?

(1) Buubaa going back to Hargaisa and running for presidency?

(2)Somalia got a goverment and soon ppl will sing "Qolabaa Calankeed" :D .

(3)International cummunity focusing on Somalia and no one talks about That flag you are using as an avertor :D .

(4)Mogadisho has been stable and peace for the past 4 days :D

 

Wallaahi, wali ma fahmin. Embarassing! Can you proof ?? ;)

 

PS:-

 

If Great Egal was alive, he would have been at Villa Somalia today. Ayoub, I will ask you a simple question and you may answer. Every Somali Citizen irrespective of which region he belongs to, has a dream of rulling whole Somalia one day. Why not guys like you from Hargaisa and Burco?? What reason sxb :D ?? proof!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this