Sign in to follow this  
General Duke

Somalia welcomes the news of the election of the Parliment speaker.

Recommended Posts

Soomaaliya:Guddomiyaha Baarlamaanka oo Soomaaliya laga soo Dhaweeyey

- Thursday, September 16, 2004 at 16:21

 

Soomaaliya, 16.09.04 (AllPuntland) - Guud ahaanba dalka Soomaaliya ayaa si

wanaagsan looga soo dhaweeyay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee loo

magacaabay Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

 

Magaalada Garoowe ee Caasimadda DG Puntland ayaa ka mid ah meelaha laga

soo dhaweeyay doorashda guddoomiyaha cusub Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan.

In kasta oo dadka Puntland ay aad u hadal hayaan dagaalada ka soconaya Jubbooyinka

ayagoo koox koox u taagan ayay ka sheekaysanayaan dagaalada ayagoo Urur

Goboleedka IGAD ku eedeeyay inay tallaabo muuqata ka qaadi wayday Col.

Barre Hiiraale oo isagu dagaalka bilaabay.

 

Gobolada Baay iyo Bakool oo uu dagaan ahaan ka soo jeedo Gudoomiyaha

Baarlamaanku ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga soo dhaweeyay

magacaabidda guddoomiyaha cusub; waxayna ku tilmaameen in dawladdii

Soomaaliyed tiirkeedii ugu horeeyay la unkay.

 

Magaalada Baladwayne ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay bannaanbax

taageero ah oo dadkii isugu soo baxay oo boqolaal gaarayaa ay mashxarad

iyo faraxadba la dhawaaqayeen.

 

Magaalada Muqdisho ayaa iyaduna dadwaynuhu ay rajo wanaagsan ka muumijeen

magacaabidda Shariif Xasan iyagoo tilmaamay in laga bixi doono burburkii

lagu soo jiray 14ka sano ee la soo dhaafay; waxaa kale oo dadweynaha

Muqdisho ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in dawladdan ay wax badan ka

duwantahay middii Carta lagu soo dhisay maadaama ay Soomaalidu u

dhantahay, islamarkaana caalamku uu ilgaara ku eegayo.

 

CC Farayaamo

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaalida oo galabta 4:30 lagu casumay baarlamaanka Kenya iyo warar kale. Ruunkinet 16/09/04

 

Afhayeenka baarlamaanka dowladda Kenya ayaa maanta ku casumay dhammaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaalida ee dhawaan lagu dhaariyay dalka Kenya.

 

4:30 galabano ee saacadda Nayroobi ee maanta ayaa la sheegay in uu afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya kula hadli doona xildhibaanadan baarlamanka dalka Kenya asagoo weliba uga hambayleynaya doorashada la doortay guddoomiyaha cusub mudane Shariif Xasan Sh. Adan.

 

Xildhibaanadan oo maanta ballan ku lahaa in ay ku kulmaan xerada Mbagathi 10:00kii subaxnimo ayaa baajiyay kulankaasi kadib markii ay ka codsadeen guddoomiyaha in ay aad u daalan yihiin.

 

Kulanka afhayeenka baarlamaanka dowladda Kenya iyo xildhibaanada Soomaalida ayaa laga yaabaa in looga hadlo sidoo kale xilliga la dooranaya ku xigeenada guddoomiyaha baarlamaanka oo laga yaabo in ay noqto maalinta Sabtida ee soo socota oo ku beegan 18ka bishan.

 

C. Cali, Ruunkinet, London smile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this