Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: New Radar instillation + pres Cade meeting

Recommended Posts

Puntland: Madaxwaynaha Puntland oo dhagax dhigay dhismaha raadarro laga hir galinayo xeebaha Puntland.

 

Axad, February 11, 2007

 

Puntland (AllPuntland)- Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xiris ayaa waxa uu maanta kormeer ku sameeyay dakadda wayn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Madaxwayne Cadde ayaa waxa uu maanta dhagax dhigay dhismaha raadaar laga hir galinayo dakada magaalada Boosaaso.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu kormeeray sida ay u socdaan hawlaha dakadda, isaga oo warbixinoo kala duwan ka dhagaystay qaar ka mid ah madaxda dakadda.

 

Wasiir ku xigeenka koowaad ee wasaaradda kaluumaysiga ee Puntland C/wali Axmed Gayre ayaa waxa uu sheegay in xeebaha Puntland loogu talo galay in laga dhiso illaa saddex raadaar oo caalami ah oo ilaalinaya xeebaha Puntland.

 

Waxa uu wasiirku sheegay in sidoo kale deegaanada Caluula iyo bartamaha xeebaha Puntland hawshaasi dhowaan laga bilabayo xeebaha Puntland.

 

Waxa uu Mr. Gayre sheegay in dhowaan ay Puntland la soo wareegi donto maraakiib ku wa dagaalka ah oo ilaaliya xeebaha Puntland.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice development! Radar will be installed in Bosaso port, Laasqorey and Calula inshallah!

 

Waxa uu Mr. Gayre sheegay in dhowaan ay Puntland la soo wareegi donto maraakiib ku wa dagaalka ah oo ilaaliya xeebaha Puntland.

Inshallah, battle ships is a must for protecting the long coast of Puntland State of Somalia, I'm happy that they're acquiring those battle ships in due time inshallah!

 

Good move and may the state further progress and develop inshallah! Amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso kulan kula yeeshay wefdi ka socdey Bangiga Islaamka

 

Saturday, 10-Feb 2007

 

Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa kulan saacado qaatey kula yeeshay xarunta madaxtooyada Puntland,

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka wasaarada kalluumaysiga,dekadaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage.wasiir ku xigeenkiisa Cabdi weli,wasiirka ku xigeenka wasaarada xannaanada Xoolaha Xasan Daahir Maxmud (Xasan Carab),wasiir ku xigeenka hawlaha Guud iyo Gaadiidka Maxmuud Bille Dubbad,Guddoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle,wakiilka islaamik Bank ee puntland, Guddoomiyaha Tadaamur.

 

Kulankan ayaa waxa ay weftigani kaga warbixinyeen waxyaabaha ay u socdaan in ay wax ka qabtaan sannadkan cusub ee ay muhiimadda ka dhigayaan oo ah bay yiraahdeen Xannaanada Xoolaha ,dekadaha iyo in aan kormeer ku samayno waxyaabihii aanu hore u qabanay sida dugsiyada aanu dhisnay iyo arrimaha Bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada inkastoo sannadka aanu muhiimada siinay sidaan horeba idiinku sheegay Xannaanada Xoolaha iyo dekaddaha.

 

Kulankan ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha DGPL oo sheegay in uu si diiran ugu soo dhoweynayo puntland weftiga Islaamik Bank,wuxuuna ka warbixiyey waxyaabaha ay puntland muhiimada siinayso in wax looga qabto sida in degaanada puntland laga qodo Ceelal Biyood,arrimaha Bulshada iwm,wuxuu sheegay madaxweynuhu in puntland ay tahay dhul qani ah dhowaana aanu ka faa’iidaysan doono nimcada rabi na siiyey labo sannoa ka dibna waxaan noqon doonaa haddii alla idmo qani.

 

 

Weftigan Islaamik Bank ayaa waxa ay puntland ku sugnaayeen muddo Todobaad ah waxayna booqasho ku tageen magaala madaxda puntland ee Garowe oo ay kula soo kulmeen golaha xukuumada,intii ay joogeena waxay kormeer ku soo mareen Dugsiga Farsamada Gacanta,Jaamacada PCC iyo wadada isku xirta Laascaanood iyo Garowe oo ay soo eegeen meelaha ay wadadaasi ay wax ka qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

My trip is coming up to that great city inshallah I will see it for my self.

 

It's a must that Puntland resources to be protected the sea is number one. A great move by the State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

This is an illustration of how Somalis have nothing in common. Some live in peace and in prosperity while the rest lives in violence perpetrated by criminal men who hail from these peaceful regions. Inshallah a price will be paid in full sooner or later.

 

Ciidamada ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya oo xalay xilli Dambe la dhacay Magaalada Muqdisho Madaafiicda waa weyn

 

Xalay 3:30 Daqiiqo xilli ay soo dhawdahay Saaladda Subax ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin aad loola yaabay waxaa loola jeeday kadib markii Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Madaxtooyada hub marka la rido sidii Diyaarad oo kale u guuxayo la beegsadeen qeybo ka mid ah Caasimadda Soomaaliya.

 

Madaafiicdaan oo ay is weydaarsadeen kooxo aan heybtooda la garaneyn iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday labo ruux halka 4 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

 

Labada ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ahaayeen wiil iyo aabihii oo madfac uu kula dhacay xaafadda Juungale ee degmada Yaaqshiid, iyadoo madfacaasi aan la garaneyn halka uu ka soo dhacay balse sida dad badan rumeysan yihiin Madfaca ayaa waxaa uu ka soo dhacay dhinaca Madaxtooyada.

 

Madaafiicdaan ayaa mar qura bilaabatay abaarihii 3 dii habeenimo ee saqdhii dhexe ee xalay taasoo mar kaliya daryankeeda si weyn u ruxday magaalada Muqdisho, lama oga ujeedada ay ka lahaayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya in dad Shacab ah oo hurdaya lala beegsado hub culus.

www.midnimo.com

 

 

Madaafiicda Qoryaha BM-ka Oo Habeenkii Xalay Ahaa Gil-giley Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho...

 

 

Xalay habeenimadii goor dambe ayaa daryanka Madaafiic cul culus ay gil-gileen guud ahaan caasimada muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Rasaasta Qoryaha Lidka diyaaradaha iyo kuwa madaafiicda ayaa is weydaarsadeen kooxo aad u hubaysanaa oo aan la garanayn halka ay ka amar qaataan iyo ciidamada dowlada kmg oo garabsanaya kuwa ethiopia iyadoo ay ku dhinteen labo ruux halka afar kalena ku dhaawacmeen.

 

Dib u dhac ku yimid ciidammadii Afrikaanka ahaa ee Soomaaliya la keeni lahaa

 

 

Waxaa dib u dhac uu ku yimid ciidammadii Afrikaanka ahaa ee lagu waday inay Soomaaliya yimaadaan bishan Feberaayo gudaheeda, kuwaasoo ka kala imaan lahaa dalalka Yugaandha iyo Nayjeeriya.

 

Uganda oo noqon lahayd dowladdii ugu horreysay oo Soomaaliya keenta ciidammo ka socda Afrika ayaa waxaa caqabad ku noqday baarlamaanka dalkaas oo shuruudo sharciyadeed ku xiray in la soo mariyo mooshinka dowladdu wadato ee ku saabsan ciidammada Soomaaliya loo dirayo.

muslimamuslimamuslimamuslimamuslima

 

Dib u dhaca ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya loo soo diri lahaa (AMISOM) ayaa culeys kale ku sii kordhisay ka bixitaanka dalka ee ciidammada Ethiopia oo mugdi badan ku jiro.

 

Ciidammadan ayaa waxaa lagu waday inay dalka soo gaaraan toddobaadkaan waxaana dowladda Uganda saraakiil u hadlay ay sheegeen inay wadaan qorshayaal ay ciidammadooda ugu soo dirayaan Soomaaliya, balse tani ay caqabad weyn ku noqon karta.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.co

Tel:002521-5573321

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Sxb, I don't see any different between the Mbagathi group and Mogadishu warlords before them. They are all Ethiopian stooges to keep the city of 2+ million people hostage. This clans from north are just there to serve the interest of their Ethiopian masters. The winners are certainly the Ethio-American and Kenyan alliance and not any Somali clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Xoogsade:

This is an illustration of how Somalis have nothing in common. Some live in peace and in prosperity while the rest lives in violence perpetrated by criminal men who hail from these peaceful regions. Inshallah a price will be paid in full sooner or later.

Your reactions are exact symmetric with this psychological theory:Relative Deprivation

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ What is wrong with wanting for Muqdisho residents the same peace your clansmen enjoy in Puntland?

 

Of course, I do think my parents deserve the same peace your parents, your clansmen have.

 

You are such a hypocrite to be unable to recognize basic needs of others. Qalbi dambi daboolay garasho mal leh. Typical of A/Y supporters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this