Sign in to follow this  
ANWAR

TFG oo gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Maxkamadihii laga awood roonaad

Recommended Posts

ANWAR   

Kismaayo:Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsanaa maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday.

 

Taliyaha Guutada koowaad ee ciidamada dowlada KMG C/risaaq Afgaduud oo ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigeen xubin sare oo maxkamadaha ka tirsanaa isagoo ku dhuumaaleysanayey Kamsuuma.

 

C/risaaq Afgaduud waxaa kaloo intaa raaciyay in hub fara badan iyo walxaha qarxa ay la soo qabteen sarkaalkaasi oo uusan magacaabin, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad kale oo ku dhuumaaleysanaya howdka gobolada Jubbooyinka.

 

"Waxaan qabanay sarkaal sare oo ka tirsanaa maxkamadaha iyo hubka wax lagu weeraro ee hoobiyayaasha iyo walxaha kale" ayuu yiri Col. C/risaaq Afgaduud oo intaa raaciyay in ay jiraan rag fara badan oo maxkamadihii ka haray oo weli ku dhuumaaleysanaya gobolada Jubbooyinka qaar kalena ay ka carareen iyagoo haatan ka qeyb qaadanaya dagaalada Muqdisho.

 

Lama oga sarkaalkan sare inuu ka mid yahay xubnaha ugu saree maxkamadaha Islaamiga iyo saraakiisha kale ee maxkamadaha in uu ka tirsan yahay.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Xubno ka tirsanaa Maxkamadaha oo ka baxsaday Muqdisho iyo Ciidamadda Dowladda oo sii dabagalay

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/04/07

 

Dowladda Federaalka KMG ah ayaa la sheegay in ciidamo xoogan oo ku hubeysan hubeysan gawaarida dagaalka ay u dirtay degmooyin ka tirsan gobolada dhexe, waxaana ciidamadaasi oo maray wadada xeebta ah ee isku xirta degmooyin ka tirsan gobolada dhexe iyo Muqdisho.

 

Arrintaas ayaa timid kadib markii ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamadii dagaalka kula jiray Dowladda Federaalka kana dagaalamayay magaalada Muqdisho ay maalmo kahor halkaasi u dhaqaaqeen iyagoo wata gaadiid dagaal oo ay ku buufsadeen astaanta ay leeyihiin ciidamada Booliska iyo raxan gawaarida loo yaqaan Homey oo ku xiran samaacado dhaadheer, kuwaasoo la sheegay inay ka gudbeen tuulada Caaraga-ceelle, kuna sii hoyday degmada Cadale.

 

shaaciyo ayaa sheegay inay arrintaasi jirto, dowladda Federaalka ahna ay il gaar ah ku eegeyso isla markaasna ciidamada la diray lagu amray inay soo qabqabtaan si loo hor geeyo sharciga.

 

Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo.

 

Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

The ahlu xaq will prevail, I'A. The Looters will always lose. It's the sunnah of Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ala maxeey isku camireen!!

 

war beenta iyo qunsax-balaadka aad isku shubeysaan iska joojiya. Itoobiya waa jabtay, reer galbeedna sidoo kale, adinkana aduun iyo aakhiro nacalad baa idinku dhacday markaad diintii ilaahey soo weerarteen!

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems that this nuthead afguduud is behaving like a headless chicken.

 

I wonder how they will survive once Xabashi are kicked out of Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

kkkkkkkkk@ Ahlul Xaq. !!!

 

maanta news update kan idiin haynaa wuxuu yahay mr. Pi oo sheegay in ay Ehlul xaq ay xabashida lagu sheegi karo!!! dhagaystayaal, waan ognay in layabtay, laakin waa waxyaaba kasoo yeedhay ama kasoo gurxama maskaxda foorarta ee reer xabashi daba dhilif. Horaa loo yidhi nin qoyani biyo iskama dhawro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

After four days of intense fighting,the Ethiopians can only report killing " 200 islamists", whilst themsleves sustaining heavy casualties and damages. Moreover, they are calling for reinforcements from all over Somalia. These "insurgents" will simply blend back into the people and bury their weapons. You do the maths!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this