Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: shoot to kill policy in place..

Recommended Posts

KISMAAYO: Amar ka soo baxay Maamulka Gobolka Jubbada Hoose oo sheegaya in aragti lagu dilo kooxaha burcadda ah

 

Posted to the Web Mar 17, 07:32

 

Kismaayo (PP) – Amar ka soo baxay maamulka Cusub ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa amar ku siinaya ciidammada dowladda ee howgallada nabadsugidda ah ka wada Kismaayo iyo hareeraheeda inay aragti ku toogtaan kooxaha burcadda ah ee dhibaatooyinka ka wada Gobolkaas.

 

 

 

Amarkaan oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Beddel Gabboose ayaa wuxuu ku sheegay in ciidammada dowladda ay u haystaan amar cad inay toogtaan kooxaha burcadda ah ee ay arkaan.

 

 

 

“Kooxaha burcadda ah waa in la toogto, waayo waxay wadaan falal ammaandarooyin ah oo ay ku doonayaan in ammaanka iyo kala dambeynta ka jirta Jubbada hoose ay noqoto mid meesha ka baxda gabi ahaan” ayuu yiri Ilyaas Beddel Gabboose oo saxaafadda ugu warramayay Kismaayo kaddib soo bixitaankii wareegtadaan.

 

 

 

Ilyaas Beddel ayaa sheegay in ciidammada booliiska iyo kuwa Milaterigaba ay ku siiyeen amar inay toogtaan cid walba oo isku dayda inay fasahaadiso nabadda ka jirta Jubbada Hoose.

 

 

 

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhawaan ka soo baxay ciidammada Ethiopia iyadoo sugidda ammaanka Jubbooyinka lagu wareejiyay ciidammada Dowladda Soomaaliya, oo iyagu dhawaan tababar uu ugu dhamaaday gobolka Jubbada Hoose.

 

 

Falal ammaandarrooyin ah ayay sheegayeen wararka ka soo baxayay xilliyadii ugu dambeeyay Gobolka Jubbada, waxaana sidoo kale kooxo burcad ah ay dhaawac ugu geysteen Gobolka Jubbada Hoose askari ka tirsan ciidammada dowladda markii ay rasaas la beegsadeen gaari ay wateen oo marayay tuulada Caanjeel ee Galbeedka Kismaayo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Booliska Kismaayo oo soo qabtay rag burcad ah.

 

Kismaayo, Sabti, March 17, 2007 Simba Radio

 

Ciidamada Booliska ee magaalada Kismaayo ayaa saakay aroornimadii howl gal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen afar nin oo maleeshiyo ah kuwaasoo dhac u geystay gaadiid rakaabka ah oo kusii jeeday degmada Afgamadoow ee gobalka Jubba Hoose.

 

Ragaan burcada ah ayaa lasoo qabtay saakay aroortii iyagoo jiifa guri ku yaala xaafada V-Afmadoow ee magaalada Kismaayo iyaga iyo hantidii ay dhaceen.

 

Taliyaha saldhiga Kismaayo Cabdi Cabdulle "Cabdil Gaab" ayaa Idaacada Simba u sheegay inay aqbaar si ah ay saakay waaberigii ku heleen in rag burcad ah oo gaadidka dhici jiray ay jiifaan guri ku yaala magaalada Kismaayo sidaasina ay kusoo qabteen.

 

Ragaan burcada ah ee saakay lasoo qabtay ayaa maanta iyaga iyo hubkii ay wateen la horkeenay Maxkamadaha degmada Kismaayo si loo ogaado dambiga lagu eedeeyay.

 

Sheekh Xasan Cumar Gudoomiyaha Garsoorka gobalka Jubba Hoose ayaa sheegay in ragaan ay baaritaano buuxa lagu sameyn doona isla markaana markii dambigooda uu cadaado xukun cadaalad ah lagu rido doono.

 

Xarumaha Saldhiga Kismaayo iyo Maxkamada ayaa manta waxaa hor buuxiyay gaadiidleyda dhaca loogu geystay wadada u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadoow iyagoo sheegay in ragaan 4 ah ay ahaayeen kuwii dhaca u geysan jiray.

 

Si kastaba ha ahaate, soo qabashadaan raga burcada ah ayaa kusoo begantay xili saakay Gudoomiyaha gobalka Jubba Hoose Ilyaas Badal amar ku siiyay ciidamada Dowlada inay toogtaan burcada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: ciidamada Dowlada oo lagu amray inay aragti ku toogtaan kooxaha burcada ah.

 

Kismaayo, Sabti, March 17, 2007 Simba Radio

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha gobalka Jubba Hoose Ilyaas Badal Gaboose ayaa lagu amray Saraakiisha ciidamada xooga dalka Somalia ee Jubbooyinka inay ciiidamada ku amraan in aragti lagu toogto kooxaha burcada ee ka qooleysata gobolada Jubbooyinka.

 

Gudoomiyaha gobalka ayaa ku amray ciidamada Dowlada hadii ay qabtaan Maleeshiyooyinka falalka burcadnimada ku jira aysan kaabo qabiil ugu yeerin ayna halka ay ku qabtaan ku toogtaan.

 

"Maleeshiyooyinka meeshii lagu arko waa in lagu toogtaa, oo aan Maxkamad iyo Kaabo Qabiil la sugin, lana soo xirin" ayuu yiri Ilyaas Badal.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in falalka amni daro ee ka dhaca gobolada Jubbooyinka wax weyn dhawaan laga qaban doono.

 

Hadalka Gudoomiyaha gobalka Jubba Hoose Ilyaas Badal Gaboose ayaa kusoo beegmay xili maalmihii ugu dambeeyay falal ammaan daro baahsan ay ka jireen wadooyinka gobolada Jubbooyinka, taasoo Maleeshiyooyin hubeysan ay dhac iyo dilal u geysanayeen rakaabka wadooyinkaasi iska kala goosha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo:Maamulka gobolka Jubbada Hoose oo amar ku bixiyay in aragti laga toogto cid kasta oo nabad gelyada wax u dhimeysa.

 

17. Mar 2007

 

Kismaayo(AllPuntland)-Maamulka gobolka Jubbada Hoose ayaa amar ku bixiyay in cid kasta oo nabadgelyada deegaanka wax u dhimeysa gaar ahaan kooxaha burcada ah ee jidgooyada dhiganaya la toogto.

 

Guddoomiyaha gobolka Jubada Hoose Ilyaas Baddal Gaboose ayaa hadal u jeediyay saraakiisha iyo ciidamada dowladda KMG ah isagoo ku amray in ay toogtaan kooxaha burcada ah ee nabad gelyo xumida ka abuuraya gobolka iyo kooxaha kale ee isbaarada dhiganaya.

 

"Waxaan amar ku bixinayaa in ciidamada dowladda iyo burcada ay aragti ka dhaxeyso, waxaana farayaa ciidamada dowladda in ay toogtaan cidii ay ku arkaan nabadgelyo xumo ama iyadoo dhiganaya isbaaro" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Jubada Hoose oo la hadlayey saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Hadalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii ay kulan yeesheen saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka, iyadoo ay jireen isku dhacyo horay u dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxo burcad ah oo qal qal gelinayey amaanka gobolka.

 

Dhanka kale ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa bilaabay howlgalo ay ku ugaarsanayaan kooxaha burcadda ah ee ka qowleysata deegaankaasi.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree, this is a good and welcoming policy and development. Shoot all the anarchists in the head as it is the only way they know that the government means business.

 

Kudos to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Sheikh Sakhar:

Shoot all the anarchists in the head as it is the only way they know that the government means business.

But this is an illegitimate, foreign and traitorous government.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Thats what the soon to be former scrap merchants, charcoal traders, occupiers of private & public property say..

But those are part of the foreign traitorous government. The Caydiids, Qaybdiids, Yalaxoows, Maxamed Dheeres, Moorgans, Hiraales, the clan president, iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No saxib, the above men have to follow the law of the land, as Minsiters, MP's and even head of state..

 

Note, Qaybdeed, Dheere & Morgan are not in the TFG system..

 

Anyhow, Daylaaf, Cirfo, IndacDAE, Abukar Cadaan and master A/Qasin are the ones who will be dealt with and their pathetic nonsence of shooting mortars into civilain areas will come to an end insha Allah...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this