Sign in to follow this  
General Duke

New Somali passport a threat to courts.....

Recommended Posts

Dowlada Somaliya iyo Maxaakiimta oo isaga horyimid dhaqan-gelinta Basaboorka cusub

Last Updated::2006-11-09 00:56:30

 

somali_passport2.jpg

 

Nairobi:- Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in la hirgelin doono Baasaboor cusub ee dalka Soomaaliya oo ay dhawaan Dowladu Ansixisay.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Soomaaliya Ismaaciil Hura Buubaa ayaa asagoo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sugan shaaca ka qaaday in la hirgelinayo Baasaboorka cusub.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan dalalka Adduunka ay ku xisaabtami doonaan in Baasaboorkii hore ee Cagaarka ahaa uu dhacayo muddo lix bilood kadib ah.

 

Basaboorkan oo qeybo kala duwan leh ayaa waxaa uu Wasiirku sheegay inuu yahay mid cusub oo ah electaronic laguna fiirin karo Computerka, taasi oo uu wasiirku sheegay in ay xanibi doonto sameynta Baasaboorada sharci darada ah.

 

Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in Baasaboorka soomaaliya ay sumcadiisa soo noqon doonto marka la hirgeliyo qeybtan cusub oo ah mid buuxineysa dhamaan shuruudaha caalamiga ah ee cusub ee dhinaca Baasaboorada.

 

Hase yeeshee arrintan ayaa waxaa ku gacan seedhay Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho oo ayagu sheegay in aysan aqbali doonin Baasaboorkaani.

 

Mr.Muudey oo ah Afhayeenka Maxaakiimta Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqoonsan doonin Baasaboorkaasi, isla markaana uu caqabad ku noqon karo xaalada siyaasadeed ee horey dalka uga jidhay.

 

Maxakiimta ayaa u arka Basaaboorkan mid awood dowlada Soomaaliya u siinaya in ay maamusho socdaalka dadka oo ay ku jiraan hogaamiyaasha Maxaakiimta oo ayagu qaarkood heysta Baasabooradii hore ee Soomaaliya.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

UIC spokesman Abdurahim Ali Muddey said it would not be accepted at Mogadishu's main airport, which the Islamists reopened in July after it had been shut for more than a decade.

 

"They should have waited until the reconciliation process is complete... We will use the old one until we get a government that controls the whole country," he said.

bbc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

They should worry more the whole branch of Cabdulle Shideeye in Bakaaraha than wadaada ku sheega

lol@Cabdulle Shideeye, waa taqaanaa yaah..I bought a Somali passport from there for 140,000 Somali shillings(about 14 bucks, give or take), gotta love Moga. :D .. Passports-ka waa made-to-order. The diplomat passports are red(a lil bit more expensive, 20 bucks), regular ones green. Waxay qabaan on the spot service as well as next-day. They also specialise in making educational certificates. Getting a Phd waxaa kaa xigto $30. Cabdulle Shideeye is doing an excellent job filling the void.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dude with the hat, no one asked if you was proud to be a secesionist or not, but only you guys and direct clan members of the court make those baseless statements. The Somali government will outlast the clan courts...What happened to the Jihad?

 

 

NAIROBI: Mr. Buubaa: "Dowladda Federaalka waxay soo saaraysaa lix bilood kaddib baasaboor caalami ah"

Posted to the Web Nov 09, 12:58

 

 

Nairobi (PP) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamuud Ismaaciil Hurre (Buubaa) ayaa daboolka ka qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku soo saarayso Baasaboor cusub.

 

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay arrinta soo saarista Baasaboorka cusub kala hadashay dowalddo dunida ka tirsan oo ay Soomaaliya saaxiib yihiin.

 

"Baasaboorka cusub wuxuu noqonayaa mid baddalaya midka hadda la isticmaalo, waana baasaboor Computrized ah, isla markaana waafaqsan sharciyada baasaboorrada adduunka" ayuu yiri Mr. Buubaa oo warbixin ka siinayay soo saaritaanka Baasaboorrada Cusub Warbaahinta.

 

Wasiirka waxa uu sheegay in ruux walba oo Soomaaliya ah uu ugu safri karo si wanaagsan isla markanaa uu noqonayo baasaboorka mid dunida oo dhan si caadi ah loogu tagi karo, waxaana uu carrabka ku dhuftay in ruux walba oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu qaato.

 

Dowladda Federaalka ayaa waxay wadday xiliyadii ugu dambeeyhay inay sameyso Baasaboor Soomaali ah oo cusub, waxaana tani ay daahfur u tahay howlaha Baasaboor sameynta ee Dowladda oo soo jiitamayay muddo dheer.

 

Dhanka kale; Maxkamadaha Midoobay ayaa waxay soo saareen qoraal ay ku diidan yihiin baasaboorkaas cusub, waxayna sheegeen inuu keeni karo inuu khilaafka Dolwadda iyo kan Maxkamadaha sii xoogeysto.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

since somaliland do not recognises the goverment how is riyaale going to travel around the world ......hhmm this is big deal duke forget the clan court think what would happen if the only people that can travel will goverment and it associates ......that is big power to have

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Riyaale already travels and does not use a Somali passport, maybe like many of us they hold dual nationality, British, Canadian, and so on.

Governemnt power is not only how many villages it can take or how many technicals it has, it is also how many nations recognise it, the world recognise the TFG and no one recognise Somaliland and the clan courts...

 

You are right it is a great advantage, hence all the noise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If Somalilanders were using the old Somali Passport, it makes no difference weather the use the new one or not, does. Either the convence other nations to accept their own or use whatever the government decide will be used. As for the courts, passports will not make a difference. If the government wants to do so, they will simply ask neighboring countries, spaicaly our second capital nairobi, to not give these people visas or even arrist them. There also more and possible means of stopping them, navel blackade, no-fly zones, check pionts, communication cut off, stoping money wiring. Sense, some of these people are on the un's terrorist list, it would be easy force other countries to comply with this isolation of extremist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this