Sign in to follow this  
Garyaqaan2

BREAKING NEWS Dagaal mar kale ka qarxay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Recommended Posts

Dagaal mar kale ka qarxay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

 

Sabti, March 05, 2005 (HOL) @22:00GMT: Iyadoo aaney asbuuc ka soo wareegan dhaqangelinta qodobo ay ku heshiiyeen Odayaal ka socday dhinacyadii dhowaanahaanba ku dagaalamayay deegaano ka tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa la soo sheegayaa in maanta uu dagaal ka qarxay deegaanada Xiin Dawaco iyo Saqiirro oo ka tirsan gobolka Mudug.

 

Dagaalkan ayaan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha uu geystay,inkastoo lagu soo waramayaa in uu ahaa mid aad u culus, ugu yaraan 5 qofna ku dhinteen iyadoo wararka aan ka heleyno

magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyana ay sheegayaan in uu jiro isu hub uruursi ay wadaan labada dhinac.

 

Dagaalladan oo u dhaxeeya beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaa lagu guuleysan la'yahay in si rasmi ah loo soo af-jaro, waxaana dadaalkii ugu dambeeyay geliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, kuwaasoo odayaasha labada dhinac oo ay kula kulmeen Magaalada Gaalkacyo Waqooyiga uga saxiixay heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo, in ciidamada la kala qaado iyo in guddi howlaha dib u heshiisiinta sii wada la sameeyo, iyadoo beeshii heshiiska burisana la iskuugu tegayo, tallaabo sharci ahna laga qaadayo, inkastoo aan qodobada heshiiska lagu caddeynin nooca tallaabadaas iyo cidda qaadeysa intaba.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, qodobada heshiiskaas iyo kuwo kale oo Xamar lagu gaaray ayaan waxba laga dhaqangelin, iyadoo mar kasta oo la is-yiraahdo xaaladdu wey soo hagaageysaana la soo sheegayo dagaallo hor leh. Dagaalkan ugu dambeeyay ee maanta dhacay ayaa loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan dad diidan in uu labada beelood heshiis dhex dhigo, isla markaana uu qodobo u kala saxiixo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, bacdamaa ay horay u jebiyeen qodobo ay u soo bandhigeen waxgaradka labada beelood oo Muqdisho iyo meelo kale shirar ku yeeshay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa wax laga yaabo walaahi these ppl are caming to there own interst. .

 

Xubnaha Labada Gole Beelaha ****** ugu jira Dowladda oo magacawday guddi farsamo, soona dhaweeyay hadalkii Dowladda Mareykanka

 

Sabti, March 05, 2005 (HOL)@20:00GMT: Shir ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen xubnaha labada gole uga jira dowladda Federaalka Beelaha ****** oo ay ka qeybgaleen ku dhawaad 45 xubnood oo ay ku jiraan wasiirrada ka soo jeeda beeshaas oo uu ka maqnaa Inj. Xuseen Caydiid sidoo kalena kulankii maanta ayaa lagu magacaabay guddi farsamo oo uu guddoomiye u yahay Inj. Maxamed Xuseen Caddow, xubnana ay ka yihiin Xildhibaanada kala ah Cabdi Axmed Dhuxulow, Yuusuf Mire Seeraar, Muuse Cali Cumar iyo Muuse Nuur Amiin, kuwaasoo la sheegay in ay ka soo shaqeyn doonaan sidii loo sameyn lahaa maamul loo sameeyo deegaanada beeshaas, gaar ahaan magaalada Muqdisho, taasoo ay horay ugu heshiiyeen Hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Wasiirrada ka ah Xukuumadda cusub, inkastoo aan la ogeyn sida ay ugu guuleysan doonaan arrintaas, iyadoo horayna dhowr jeer loogu fashilmay.

 

 

Can they at least stop these worthless killing!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this