Sign in to follow this  
Che -Guevara

Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay- C/Samad vs. G Jama

Recommended Posts

Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay, Iyo Dood Dhex Martay G

Thursday, January 28, 2010

 

Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay, Iyo Dood Dhex Martay G.Jaamac G. Ismaaciil Iyo C/samad Cali Shire.

 

 

 

 

 

Shirkii todobaadlaha ahaa ee maalinkasta oo khamiis ah uu yeesho golaha wasiirada ee Puntland kaas oo hadba wixii cusub laysku weydaarsado xaalada Maamulka Puntland ayaa ahaa mid xaasaasiya oo ku saabsanaa arrimaha todobaadkan Puntland ka dhacay.

 

 

 

 

 

Kulankaas ayaa waxa uu ka cadhaysiiyey xubno ka tirsan golaha wasiirada ka dib markii ajandaha shirka aan lagu soo qaadin dhulkii todobaadan gudihiisa la qabsaday ee gobolka Sool, waxa kale oo aan lagu soo qaadin madax dhaqameedkii lagu hareereeyey deegaanka Holhol , iyada oo xubnahan ka cadhooday ajandaha ay shirka ka sheegeen waxa ay xukuumada Puntland uga indha qarsanayso arrimahan dhacay isla markaana looga hadli la yahay.

 

 

 

 

 

Arrintan ayaa waxa markiiba is hortaagay in laga hadlo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,wasiirka hawlaha guud Daahir Xaaji Khaliif , wasiir ku xigeenka waxbarashada C/qani Diiriye Carab arrintan ayaa sababtay in wasiiradu gacmaha isku taagtaagaan, isu baxsadaan ,kulankan golaha wasiirada ee ka dhacay madaxtooyada Garoowe ayaa lagu kala kacay oo ku dhamaaday natiijo la,aan ka dib markii buuq dhacay, wasiiradan cadhooday ayaa ku cel celiyey in arimaha dhacaya wax laga qabto .

 

 

 

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland C/samad Cali Shire ayaa safar gaaban ugu kicitimay dhinaca Buura wadal halkaas oo ay shir ku lahaayeen madax dhaqameedka SSC , isla markaan ay ku gorfeynayeen amuuraha SSC , iyo xaalado la xidhiidha go,aamadii ay ku soo gaadheen shirkii Holhol iyada oo uu halkaasi soo gaadhay maanta Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka soo kicitimat magaalada Saaxdheer.

 

 

 

Ka dib markuu halkaas kula kulmay madaxweyne ku xigeenku madax dhaqameedka SSC , wuxuuna u sheegay in uu ugu socday salaam iyo sidii ay mawqif midaysan uga soo saari lahaayeen kulankooda, waxaana la hadlay xubnihii uu hogaaminayey C/samad Cali Shire ee ka socday maamulka Puntland Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuuna u sheegay in aanu jiri doonin wax kulan ah oo dhexmaridoona madax dhaqameedka iyo xubnaha Puntland maadaama aadan xilligii ay ku haboonayd ee duulaanka nalagu soo qaaday nalaguna hareereeyey Holhol dawlada aad madaxda ka tahay waxba ka odhan.

 

 

 

Wuxuuna intaasi ku daray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil in isla xilligaas wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumadaadu kula kulmeen Tukaraq maamulka Hargeysa xilligii weerarku nagu socday , aannuna maqalay ayuu yidhi Garaad Jaamac in xataa lacag loo geeyey maamulka Hargeysa , taas oo aananu cadayn Karin hasa yeeshee aad loo hadal hayo meelo badana laga sheegay , waxaana laga joogaa dhacdooyinkaas ayuu yidhi Garaad Jaamac 72 saacadood waxay maamulkiinu ka qabteena ma jiro , wuxuuna intaas ku daray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil haddii aad ka hadli lahayd weerarkii lagu qaaday madax dhaqameedka , xubnihii Tukaraq kulanka ku galayna go,aan ka gaadhi lahayd wax uun bay ahaan lahayd , hasa yeeshee in xaalku sidan yahay waxaa la aaminayaa in aad adiguna la qabtay wixii dhacay iyo raggii ku talaabsadayba, wuxuuna sadex jeer ku celceliyey Garaad ku (Maxaad ka qabateen, maxaad ka qabatee, maxaad ka qabteen shirqoolkii madax dhaqameedka loo gaystay)wuxuuna Garaad Jaamac hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in aanu jiridoonin kulan madax dhaqameedka iyo maamulka Puntland dhex mari doona .

 

 

 

 

 

Waxaana hadalkii u baxay Wasiiru dawlaha Maamulwanaaga Maxmed Faarax Ciise Gaashaan oo ku afgobaadsaday idinka ayaanu idinla sugaynay go,aanka aanu gaadhi doono, wuxuuna Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ugu jawaabay annagu ma golihiina wasiiradaanu ka tirsanayn maxaad noola sugaysaan , madax dhaqameedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ay ugu dhantahay oo aanay waxba ku darayn hadlkaasi .

 

 

 

 

 

Wuxuuna goobtii kala soo noqday waji gabax madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubnihii uu horkacayey , madax dhaqameedka ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin haatan uga socdaa magaaada Buura wadal.

 

 

 

Dhinaca kale shacabka magaalada ayaa mudaharaad kala hor yimi xubnaha maamulka Puntland iyaga oo ku dhawaaqayey (Somaliland doonimayno) iyaga oo shacabku muujinaya siday uga xun yihiin amuuraha ka dhacay Tukaraq.

 

Xamse Maxamed Cabdi

 

WYA2007@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting developments.

 

The elders are showing thier traditional bearings in Garoowe, they are no longer under the gun as they were at Hol-hol :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Che, the weekly meeting was somewhat heated this morning. Farax Dhalac (Min of planning and International Cooperation) has shown his muscle. Things are hotting up though I must warn my friends that it might come to nothing :D

 

Sophist

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this