Sign in to follow this  
General Duke

Somali Federal ministers envoys arrive in Garowe to asses Tsunami damage..

Recommended Posts

Wafdigii ka socday Dowladda KMG ah oo Sacaadan

Caga dhigtay Garoowe

 

Warar goor dhaw naga soo gaaray Xaruunta maamul Goboleedka Puntland Wafdigii ugu horeeyey ee ka socda Dowladda KMG ee Soomaaliya ee heer wasiiro ah ayaa caga dhigtay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe.

 

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Mire Xaaji Faarax oo ah Wasiir ku xigeenka Lacagta, Maxamed Nuurani Bakar oo ah Wasiirka Tamarta, Cismaan Maxamed(Dufle) oo ah Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, iyo Afhayeenka Madaxtooyada Yuusuf Bari Bari, iyadoo wafdiga uu uga harey Garoonka Diyaaradaha Dayniile ee Magaalada Muqdisho Prof.C/raxmaan Ibbi oo ah Wasiir Dawlaha Baarlamanka iyo Xukuumada.

 

Wararka ayaa intaasi raacinaya in Wafdigan ay socdaal xaga cirka ah ku tagi doonaan Deegaanka Xaafun, iyagoo u socda inay qiimeeyaan masiibadii ka dhacdey halkaas iyo sida loogu gurman karo Dadka ku waxyeeloobey Masiibadii Bad-Gariirkii Badweynta Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaalida.,halkaas oo hay'adaha gargaarka gaarsiiyeen Cunto iyo biyo Nadiif ah.

 

Galabta ayaa la filayaa in Wafdigan la kulmaan madaxweynaha cusub ee Puntland Jen Cadde Muuse kadibna ay u sii dhaqaajiyaan goobaha dhibaatada ka dhacaday.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Wafti ka Socda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Booqanaya Puntland

- Friday, January 14, 2005 at 17:29

 

wafti.gif

 

Garowe, 14.01.05 (AllPuntland) - Waxaa maanta abbaarihii 1:30 kii duhurnimo ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee konoko Garoowe Wafti ka socda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed kaasoo soo indha indhayn doona meelihii ay saamaysay dhibaatadii Bad gariirkii Dhawaan dhacay qaar ka mid ah Xeebaha Puntland.

 

Waftigaan oo uu hoggaaminayay Cismaan Max’ed Dufle, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, ayna ka mid ahaayeen Max’ed Nuuraani Bakar Wasiirka Tamarta, Mire X. Faarax Wasiir ku xigeenka Lacagta, Yuusuf Bari Bari, Afhayeenka Madaxweynaha, iyo Suxufiyiin Caalami ah ayaa la sheegay in ujeedada safarkoodu uu la xiriiro sidii ay xog dheeraad ah uga heli lahaayeen dhibaatadii ay geysatay bad gariirkii dhawaan ka dhacay Badweynta Hindiya kaasoo waxyeello u geystay Magaalooyinkii iyo Tuulooyinkii ku yaalay Xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

 

Waxaa la filayaa in waftigaani la kulmaan Caawa fiidnimadii Madaxweynaha DGSPL Md. Max’ud Muuse Xirsi (Cadde), iyo qaar ka tirsan Goliha Wasiirada Puntland oo ay ka Mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Puntland Md. C/risaaq Yaasiin C/lle Geesood, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumartinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Inj. Caydaruus Yuusuf.

 

Sidoo kale ayaa waxaa la sheegayaa in ay waftigaani maalinimada berrito ay u amba bixi doonaan Meelihii ay musiibooyinku ka dheceen ee Xeebaha Puntland.

 

Waa markii ugu horreysay oo wafti ka tirsan Golaha Xukuumadda DFS ay ugu amba baxaan hawlo Dalka gudihiisa iyadoo maalinimadii shalay ahayd loo dhaariyay Xilalka.

 

Faarax Nuur Yusuf (KK)

Garowe, AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiradii Ka Socdey DFKMG Soomaaliya oo Caawa Kulan La Yeeshay Madaxweynaha Puntland

 

Garoowe-14.January.2005 Xubno Wasiiro ah oo ka socdey DFKMG ee Soomaaliya oo Maanta Booqasho ku yimid Magaalada Garoowe ee Caasimad Goboleedka Puntland ayaa waxay Caawa kulan Xarunta Madaxtooyada kula yeesheen Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde).

 

Wasiirada ka socdey DFKMG ah ayaa waxay kala ahaayeen Cismaan Maxamed(Dufle) oo ah Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ahna Madaxa Wafdiga, Mire Xaaji Faarax oo ah Wasiir ku xigeenka Lacagta ahna Ku xigeenka Madaxa Wafdiga, Maxamed Nuurani Bakar oo ah Wasiir Dawladaha Tamarta, Afhayeenka Madaxtooyada DFKMG Yuusuf Bar Bari.

 

Kulankii Caawa ayay Wasiiradu waxay uga warbixiyeen Cadde Muuse ujeedada socdaalkooda iyo meelaha ay booqan doonaan, waxayna sheegeen inay ka rabaan warbixinno iyo xog dheeraad DGPuntland.

 

Warbixintii Wasiirada DFKMG ah ka dib ayaa waxaa soo dhaweyntii Madaxweynaha Puntland ka dib waxaa dhanka Puntland ka warbixiyey sida ay tahay xaalada iyo Dadkii ku waxyeeloobey Masiibadii Bad-gariirkii ka dhacey Badweynta Hindiya Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo halkaasi ka jeediyey Warbixin faahfaahsan.

 

Cali Cabdi Awaare wuxuu uga warbixiyey Wafdiga meelaha sida xoogan ay u saameeyeen Mawjadihii Badda ee ku dhuftey Xeebaha Puntland gaar ahaan wuxuu Wasiirku sheegay in laga soo bilaabo Xaafun ilaa iyo Garacad ay si siman u saameysay Masiibadu, isla markaana ay ugu daran tahay Degmada Xaafun oo ka mid ah meelaha sida xoogan ugu baaba'ay Mawjadihii Badda ee soo butaacey.

 

Ugu Dambeyntii Waxay halkaasi wasiiradu ka sheegeen inay isku qaybin doonaan laba Kooxood oo Koox ay socdaal ku tagi doonaan Deegaanka Xaafun, halka Kooxda kalena ay tagi doonaan Degmada Garacad.

 

Kulankaas ayaa goor dhaw ku soo dhamaadey si wanaagsan waxaana lagu wadaa inay maalinimada Beri ah u socdaalaan goobaha u qorsheysan iyadoo lagu wado inay sii raacaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

 

C/Naasir Yaasin

SBC Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this