Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bililiqo 2.0

Recommended Posts

We are still chronicling the current new versions of isbaaro, bililiqo, tuugnimo, ultimate masuqmaasuqnimo, et cetera, in the name of dowlad ku sheeg.

 

Dowlad isku sheeg hanti dowladeed dhaceyso tan kahor maanan maqal, mana arkin. Meesha waxaa ka socoto ka gaar waxaa ka qaadan kartid inta meesha lagu kala tagin. Masuqmaasuqnimadii ugu weyneed Soomaali soo marto waaye tan. Read on.

-------------

 

Safaaradda Soomaaliya ku Leedahay Dalka Jarmalka oo Naado ku Jirta

 

Muqdisho - 15 September 2007 - Waxaa soo baxaya warar isa soo taraya, isla markaasna soo noq-noqnoya, kuwaas oo intooda badan sheegaya in dowladda Soomaaliya ay daneyneso inay iibiso safaarada ay Soomaalidu ku lahayd dalweynaha Jarmalka gaar ahaan tan ku taaalla magaalada Bonn.

 

Safaaradda ayaa ka kooban 3 dabaq ayna ku yaaliin dhamaan xafiisyadii adeegyada oo dhan iyo guri aad u baaxad weyn kaas oo loogu talagalay safiirka iyo qoyskiisa in ay ku noolaadaan
.

 

Marka aad gasho safaaaradda dhaxdeeda waxa aad ku arkeysaa meel lagu ciyaaro iyo Barkad lagu dabaasho iyo Baar yar oo loogu tagalay martida u imaaneysa Safiirka; arrima fuliyaha ugu danbeeyay ee deganaa safaaradda waxa uu ahaa Xasan Abshir Faarax, markii ay dhacdey xukuumadda marxuum Maxamed Siyaad Barre wixii ka dambeeyay waxay safaaraddu noqotey meelo bahalo galeen ah ayna ka soo baxeen dhir fara badan.

 

Xukuumadihii ay soo martay Soomaaliya sida tii Cali Mahdi, Caydiid, Cabdiqaasin ayaan wax xil ah iska saarin sidii loo dayac tiri lahaa, nasiib wanaag wadamo naga dhaqaalo badan ayaan lahayn hantidaas ay leedahay ummada Soomaaliyeed, sidaa darteed waxaa maalmahan
lagu arkayay magaalada Bonn dalka Jarmalka oo ah halka ay Safaaraddu ku taallo rag ku cusub magaalada kuwaas oo ku lebisan Suudad iyo garabaati, waxaadna moodaa in raggaasi aysan iska warqabin, qoloba dhinac ayey magaalada ka degan tahay, qolo walbana waxa ay sitaan warqado ay dowlada Soomaalida ugu soo wakiilatay in ay tahay cida kaliya oo iibin karta Safaaradda
.

 

Qoladan wadata waraaqaha wakiilmimada ayaa waxay ka kala socdaan Madaxweynaha xukuumadda Soomaaliya iyo Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mana aha rag iska warqaba.

 

Hase yeeshee waxaa isweyddiin mudan sababha keeney in la iibiyo safaaradda Soomaaliya ma Soomaaliya ayaan dib dambe safaarad uga baahneyn dalka Jarmalka mise ku xumeyn siyaasadeed oo loogu taalagaley dowlladihii ka horreeyey midda C/llaahi Yuusuf? Runtii iibinta safaaradda ayaa keeni doonta cawaaqib xumo siyaasadeed oo ay dhaxli doonto xukuumadda hadda jirta.

 

Waxaana dalka jarmalka ka socda olole ballaaran iyo qaayllo dhaan weyn oo ay ku jiraan aqoonyahannada, siyaasaiyiinta iyo jaalliyadda Soomaaliya ee dalka Jarmalku uga jiraan sidii ay u horjoogsan lahaayeen iibinta safaaraddaas,waxaana saxaafadda iyo derbiyada safaaradda lagu qorey inaan la iibin Karin, sidoo kale waxaa cabasho arrintaas ku saabsan la gaarsiiyey wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Jarmmalka.

 

Dedaalka ay qabaan jaalliyadda soomaaliyeed ayaa keentey inay maqaalkan gaarsiyaan meel kasta iyo goob kasta oo soomaaliya ee ku howllan warfaafinta, waxaana shabakaddeenna warkan soo gaarsiyey mid ka mid ah Jaaliyaddaas oo magaciisa la Yiraahdo Maxamed C/kariin.

 

Safaarada ayaa beec ahaan la joogaa qiima dhan 4 malyan oo lacagta Yurub ah waana qiima aad u hooseya, marka loo eego baaxadda iyo qiimaha ay ku fadhido safaaradda
.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalida Jarmalka oo qeyla dhaan ka soo saartay qorshe lagu iibinayo dhismaha safaarada Soomaaliya Jarmalka (Mid ka mid ah labada masúul ee ugu sareeya dowladda oo ku lug leh arrintaas)

 

Qaar ka tirsan Soomaalida ku dhaqan dalka Jarmalka oo la soo xiriiray boggan ayaa sheegay in
qaar ka tirsan masúuliyiinta sarsare ee dowladda federaalka ay heshiis kula jiraan ganacsato u dhashay dalka Jarmalka si ay uga iibsadaan dhismaha safaarada dowladdii Soomaaliya ay ku laheyd dalkaasi
, iyadoo dhismaha safaaradaasi qaab maamuus ah loo siiyey dowladda Soomaaliya kadib markii ay ka badbaadisay dowladdii M. S. Barre koox afduuban rabtay dayuuradii Lufthansa Air.

 

"Waxaan na lagu soo wargeliyey in qorshahaasi uu gebo gebo yahay, ayna ka shaqeynayaan rag dalaaliin ah oo isugu jira Soomaali & Jarmal, waxaana ku wargelineynaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka & dibedda in ay arrintaasi il gaar ah ku eegaan, gaar ahaan Soomaalida Jarmalka degan waa in ay arrintaasi si ficil ah uga hor-tagaan" ayuu yiri Maxe'd C/raxmaan Gaceyte oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka, wuxuuna intaasi raaciyey in ay ka war heleen in arrintaasi uu ku lug leeyihiin Raísul wasaare Cali Maxéd Geeddi, Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Xuseen Ceelaaba Faahiye

 

Waxaana wakiil ugu ah Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka Cabdiraxmaan oo ku heeb ah madaxweynaha DFKG oo loo soo magacaabay Safiir in uu ka noqdo Jarmalka isagoona dowlada Jarmalkana ay aqoonsantahay lana siiyey Baabuur qaas ah

 

Cabdiraxaan oo ah safiirka Jarmalka ayaa hadda jooga wadanka Itoobiya isagoona soo qadanyo Dukumiintigii u fasaxi lahaa in uu iibin karo dhulkaasi wakiilna ka yahay Dowlada Soomaaliya .

 

Waxaana hadda Socda qaban qaabyo lagu sameynaayo Banaanbaxyo weyn oo lagu hor banaabaxaayo guriga safaarad Soomaliya Hortiisa si cadaasi lagu saaro dadka iibsanaayo safaarada Soomaliyeed

Qiimaha hadda loo joogo waa 5,440000 Malyan Dolar.

 

Qiimahaan hadda waxaa loo joogaa lacag aad u yar iyadoona laga yaabo in ay siistaan masuuliyintaasi qimaha aadka u jaban oo aan u qalmin xiligaan in lagu gado dhulka magac u ah dadka Soomaaliyeed

 

Iyadoona shacabka Soomaaliyeed u soo gudbin doonaan hadba meesha ay mareyso marxaladaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

idaa darteed waxa aan ummada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Jarmalka iyo wadamada u dhawba ka codsaneynaa in ay garab hiil iyo hooba nagu siiyaan sidii aan u baajin lahayn iibinta Safaarada maadaama ay Safaaradu tahay hanti ummada Soomaaliyeed oo dhan ay ka dhexeyso,waana in aanu qaadnaa talaabo kasta oo hor joogsan kara in aan safaaradaasi la iibin,dadka arintaan ku jirna waxa aan uga digeynaa haddii aysan sida uga dhaqsiyha badan fara ugala bixin,in ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo aan weligeed ka harin,qaastan dadka ku nool dalka Jarmalka waa in magaalo walba ay warqad u dirtaa Wasaarada Arrimaha DibadDa ee dalka Jarmalka kuna dhaqaaqaan wax alle wixii suurta gelin kara ama baajin kara in aan Safaaradooda la iibin.

 

Safaarada ayaa xiligaan loo joogaa qiima dhan 4malyan oo lacagta Yurub ah waana qiima aad u hooseya.

 

Waxaana lagu war galinayaa soomaalida dagan Bonn in habeenkii loo sameya waridiyaalo jiifta safarada horteeda madaama maalintii la ilaaliyo si aan habeenkii loo iibin safarada umada Soomaaliyeed

 

Cabdiqani Xasan Maxamed

FARANKFURT

 

--------------

 

Aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahay, C/qani. Daljecelnimada iyo Soomaalinimada aad u difaaceysid hantida ummadda Soomaaliyeed wada leedahay oo maafiya soo taagan, hunguri weyn damacsan inay bililiqeystaan maalin cad.

 

Saa ku dhiiri gelisaan walaalkeen C/qani iyo kuwa lamid ah hantida Soomaaliyeed difaacideeda usoo taagan, iimeelkiis meesha ku qoran ugu hagaajiya.

 

You can also email your genuine concerns to the dowladda Jarmalka, siiba wakaaladeeda Arrimaha Dibedda. Here is their site.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Don't b surprised by these revelations MM...aren't these people u r talking about, aren’t they the thugs who's allowed foreign companies to burry chemical poisons in our shores (all documented), aren't they the same old ones who were selling poor Somalis orphans and their body parts...organs all in the black markets of the world...aren't they the ones who led lace-infected Tigranyan dirties into Somalia in order to keep their vandalism and Bililiqo un-interrupted??

 

Don't b surprised MM this is a piece of that mass liquidation of the nation and its recourses...in fast forward motion into oblivion...The sad things is thou that some of these junkies have groomed their sons (Gheedi and Sons for instances..) to continue enriching themselves from the poor Somalis assets by using the only skill dear old dad taught them….Bililiqo and Burcadnimo…

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

What do you expect of soulless, greed-driven bunch who continue to sell their country in the hour of their country’s greatest need? Siblings-kooda hadayan gadan baa nasiib la leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intaa noolnahay waa qarxineynaa xaaraantooda, whatever we can.

 

Dad ayaa leh guri ayaa nagala dhacay, nagala heystaa. Ka waran kuwa hantida dowladeed ku tumanaayo? Maxee yihiin kuwaas?

 

NB - The picture, as good as it looks, is not however the Soomaali Embassy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This article was written first published by dayniile which has made a bad habit of telling bogus lies about government officials. There is no record of the president of ever selling public owned assets i highly doubt that he would start now. if so, would it not be better to go and ask government officials about their intentions rather then "we think they are about to..." also, somali people have tried before to do something like this and have been stopped, such as the ones in turkey who tried to transfar frozen funds of somalia into their own account and said they were reppresenting the government but really were not.

Somalis have and will continue to do things like this, no need to blame geedi and yusuf, what you people should be focusing on is how to stop this kind of people. lastly, no sane person should go to dayniile for nothing but funny stories and not news.

otherwise, you are no better then the liers at dayniile.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hawlo Punland loogu dhoofinayey biraha Dekadda Muqdisho oo la Joojiyey

 

Oktoobor 25 - Waxaa gabi ahaanba la joojiyey hawlo lagu dhoofinayey birihii dekadda caalamiga ah ee Muqdisho, kuwaasi oo loo daabulayey gobalada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan Maamul-Gobaleedka Puntland.

 

 

Hawlahani dhoofinta biraha ah ayaa Dekadda Muqdisho ka bilowday ka dib markii uu soo gaaray xarunta dekadda ganacsade ogolaanshiyo ka heysta DKMG sida uu sheegay, islamarkaana uu ganacsaduhu sheegay inuu ku badalanayo birahan deymo uu ku leeyahay dowladda KMG, sida ay saraakiishuba qirayaan.

 

Saraakiil ka kala socday dowladda KMG iyo ciidamada Nabadilaalinta ee AMISOM, gaar ahaan taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Saraakiil Ugandees ah, iyagoo wadaxaajood ka dibna isku waafaqay in gabi ahaanba la hakiyo hawlahaasi dhoofinta ah.

 

Arintan daabulista biro gaaraya ilaa 5000, oo Dekadda weyn ee Muqdisho laga dhoofinayo, ayaa khilaaf ba’an ka dhexdhalisay Saraakiisha Dowladda KMG ee Somalia.

 

Dhinaca kale saraakiisha Dowladda KMG ayaa beeniyey in birahani loo dhoofinayo Gobalada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in loo daabulayo dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

 

[With minor editing.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka dekeda Xamar oo hakad geliyey dhoofinta biro halkaasi laga daabulayey oo xiisad ka dhalisay Muqdisho

 

Maareeyaha Guud ee dekeda weyn ee Muqdisho Cabdi Jiinow Maxamed ayaa ka warbixiyey qaabka ay ku dhacday in dekeda laga dhoofiyo biro waaweyn oo ay leedahay dekedaasi, si loogu dayactiro kuwaasoo mudadii 17-ka sano aheyd ee la soo dhaafay yiilay gudaha dekeda.

 

Cabdi Jiinow ayaa intaa ku daray in birahaasi la siiyey ganacsato ku bahowday shirkad lagu magacaabo Shuceyb, taasoo wadatay qoraalo ay ku saxiixan yihiin madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Soomaaliya laguna amrayo maamulka dekeda iney siiyaan birahaasi, iyadoo sida qoraalka ku xusana u qaatay lacago ay horey ganacsatada shirkadaasi u deymisay dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in haatan ay hakad geliyeen howlihii birahaasi lagu dhoofinayey isla markaana ay xiriiro dheeraad ah kala sameyn doonaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya, isagoo beeniyey in birahaasi la geynayo deegaano ka tirsan Puntland wuxuuna tilmaamay in markabka qaadaya birahaasi uu ku wajahan yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

 

Dhinaca kale, haweenka gobolka Banaadir ayaa maanta dibedbax arintaasi la xiriira ka dhigay degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho kaasoo ay uga soo horjeedaan birahaasi laga dhoofinayo dekeda Muqdisho. "
Anagoo la ina heysto oo nala diley oo nala dhacay ayaa maantana waxaa loo soo dhigtay, kana soo horjeednaa in la qaato birihii lagu dayactirayey dekedii uu nooga soo degaayey loorka bariiska ah uma dulqaadaneyno, mana yeeleyno
," ayey tiri Madiina Max’uud Cilmi (Madiina Jeneraal) oo ka mid ah haweenka bushada rayidka ah ee gobolka Banaadir oo banaanbaxaasi ka qeyb qaadaneysay, iyadoo sidoo kalena ay arinbtan cambaareeyeen golaha midnimada iyo dhaqanka beelaha [...].

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeylo dhaan lagu dalbayo in la joojiyo dhoofinta Biro yaala Gudaha Dekedda Muqdisho oo isa soo tareysa

 

Khamiis, Oktoobar 25, 2007 - Waxaa isa soo taryesa Qeylo dhaan lagu dalbayo in la joojiyo dhoofinta Biro waa weyn oo yaala gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho, kuwaasi oo la sheegay in ay yihiin biro lagu ballaarin lahaa Dekeddaas.

 

Saakay ayay ahayd markii uu Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha [...], garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad uu ka digay in birahaas laga dhoofiyo gudaha Dekedda, iyadoo Afhayeen u hadlay Golahaas oo lagu magacaabo C/llaahi Dheere uu sheegay in Ganacsade la yiraahdo Saciid Daahir uu doonayo inuu birahaas Deked uga sameeyo Deegaanka Garacad oo ka tirsan Deegaanada hoos-taga Maamulka Puntland.

 

Digniintaas waxaa xigay Banaanbax ay Magaalada Muqdisho ka dhigeen Haweenka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo banaanbaxooda uu ku saabsanaa sida ay u rabaan in aan Birahaas la dhoofin, waxayna Madiina Janaraal oo Haweenkaas u hadashay ay sheegtay in aysan qaadan karin in Dekedda kaliya ee dadka raashinka looga soo dejiyo in birihii lagu dayactiri lahaa la rarto.

 

Sidoo kalen Odayaasha Dhaqanka [...] Koofureed ayaa maanta shir ka yeeshay Arrinta biraha laga rarayo Dekedda Muqdisho, wuxuuna sheegay Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Maxamed Geeddi Cilmi in ay tuhmayaan in biro muhiim ah iyo dhagax seddex gees ah oo Dekedda lagu dhisi lahaa la rarayo, wuxuuna caddeeyay in ay aad uga xun yihiin dadka damcay in ay alaabtaas qaataan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka hortegi doonaan.

 

Haddaba waxaa la isweydiin karaa maxaa ka run ah warka ku saabsan in biro Dekedda Muqdisho lagu dhisi lahaa la dhoofinayo, isla markaana loo wado Deegaanka Garacad, arrintaas waxaa ka hadlaya Saciid Siyaad Shirwac oo ka mid ah Howl-wadeennada Dekedda Muqdisho.

 

Saciid Siyaad Shirwac waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin in birahaas ay ahaayeen kuwo Dekedda ay lahayd, wuxuuna sheegay in ay birahaas ahaayeen kuwo ay meesha uga tageen Ciidamadii UNOSOM, “Biraha ma ahan kuwo wax taraya, waana kuwo daxaleystay, waxaana la siiyay nin ganacsade ah oo Dowladda lacag deyn ah ku yeeshay, kaasi oo noola yimid Warqad ay u soo saxiixeen madaxda Dowladda”ayuu yiri Saciid Siyaad Shirwac.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Markii ay soo baxday qeylo-dhaanta lagu dalbayo in la joojiyo dhoofinta birahaas ayaa waxaa saaka Dekedda Muqdisho tegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Saraakiil ka socday Ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya Dekedda Muqdisho, kuwaasi oo bixiyay amar ah in la hakiyo dhoofinta Birahaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

tsiy.jpg

 

[Taargadii dowladii hore]

 

tagdow.jpg

 

[Taarga ku sheega cusub]

 

Milkiilayaasha gaadiidka kala duwan ee dalka oo shaki ka muujiyay taargada cusub ee lacaga faraha badan looga qaato

 

Shaki ayaa la gelinaya halka ay ku baxdo Lacago badan oo Maalin walba laga qaado gaadiidka kala duwan ee dalka Soomaaliya, iyadoo Milkiilayaasha gaadiidka qayli dhaan ka bixiyeen qarashkaas oo ah mid aan xilligan la awoodi Karin in la bixiyo.

 

Wasaaradda Gaadiidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muddooyinkan dambe ku howlanayd u sameynta Gaadiidka kala duwan Taargadaha (Sumad), iyadoo Baabuurkii loo sameynayo Sumad uu bixinayo 160$Dollar, taasina waa qiimo aad u badan oo dad badan ka yaabisay.

 

Mid ka mid ah Milkiilayaasha Gaadiidka aan weli loo sameynin Taarkada cusub oo muuqaalkeeda caalamada ku qoran dad badan shaki geliyeen ayaa yiri Lug Iskoorda ah ayaa iibsan waysanahay ee ma waxaa bixin karaa Lacagta Baabuurka aan ka bixiyay barkeeda miyaan Taargo Siistaa”.

 

Wasaaradda Gaadiidka Xarunta ay ku leedahay Fiisha Baraa oo ka soo horjeedo Saldhiga Bari ee Degmada C/casiis ama agagaarka Garoonka Kubadda Kolayga Ex Luujino ayaa Subax kasta waxaa ka furan Qasnad Lacago badan ku dhacda haddana Lacagtaas la sheegay inay gasho Jeebka shaqsi, waayo Banki ay leedahay Dowladda oo lacagtaas ku dhacda ma jiro, waxana la ii xaqiijiyay in lacagtaas marka la gaaro duhurkii lagu kala baxo.

 

Arrinta kale oo yaabka dhalisay ayaa waxay tahay markii milkiile Gaadiid uu u soo bandhigay Wasaaradda Sharcigiisi hore sida Taargada iyo Buuga Milkiiliyadda Baabuurka ayaa loo sheegay inaan loo baahnayn Docomentigaas waayo waxaa lagu yiri kaas ma aha mid soconayo wuxuu la dhacay Dowladdii hore.

 

Milkiilahaas ayaa ku dooday haddii la diiday cadeyntii hore ee sharciga ahayd guriyaha magaalada ma sharci cusub kale miyaa loo sameynayaa.

 

Taargadan cusub ayaa waxaa ku qoran labo xaraf oo la soo gaabiyay kuwaas oo ah:
A. A. SOOMAALIYA
. Arrintan ayaa dadka qaarkiis waxay ku sheegeen mid astaan u ahayn Dowladda Soomaaliya.

 

Maalin kasta ayaa Qasnadda Wasaaradda Gaadiidka waxaa ku dhacda Lacag ka badan 150.0000 Boqol iyo Kontan kun oo Dollar, lamana oga halka ay lacagtaas gasho.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Dad ayaa leh guri ayaa nagala dhacay, nagala heystaa. Ka waran kuwa hantida dowladeed ku tumanaayo? Maxee yihiin kuwaas?

 

Dadkaas yaa waaye? lol

 

MMA, how are we going to believe Somali web portals and their clannish, anti-government propoganda without some hard proof or documentation that backs up their claims.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Askar ka tirsan ciidanka booliska DF oo xalay falal iskugu jira dil iyo dhac u gestay nin caan ka ah magaalada Baydhabo

 

Febraayo 13, 2008 - Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa xalay ku toogtay xaafadda loo yaqaano Mursal oo ka tirsan magaalaada Baydhabo ee gobolka Bay nin dhalinyaro ah oo caan ka ahaa deegaankaasi kaasoo lagu magacaabi jiray marxuum C/risaaq Aadan Farey sida ay ku waramayaan dad goobjoogayaal oo halkaasi ku sugnaa.

 

Dilka askartan ka tirsan ciidamada Booliska DF ay kula kaceen ninkaasi rayidka ahaa ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dambeeyey ka gadaal markii uu diiday inuu gacanta u geliyo Telefoon mobile ah oo uu watay, iyagoo doonayey iney ka dhacaan, taasoo keentay iney rasaas ku furaan, iyagoo markii ay dileen ka dibna ka qaatay mobilekii ay ka doonayeen.

 

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa booliska Saldhiga magaalada Baydhabo ayaa goobtaasi yimid, iyagoo su'aalona weydiiyey dad halkaasi ku sugnaa, waxayna ciidamadu sheegeen iney baaritaan ku sameynayaan raggii ka dambeeyey falkaasi iskugu jira dilka iyo dhaca ee ciidamada Boolisku ay u geysteen ninkaasi rayid ah.

 

Falkaasi ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhaho oo nasiib daro ku tilmaamay in ciidamada booliska ay ku sifoobaan fal noocaasoo kale ah, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinta halkaasi ku sugan oo ku aadan dilka iyo dhaca ninka rayid ah ay ciidamada boolisku kula kaceen, waxaana falkani uu qeyb yahay falal dhac ah oo joogto ah oo ciidamaad DF ay had jeer kula kacaan dadka rayid ah.

 

--------------

 

Caamir, the sites you quote frequently on those pages are not "clanish" in nature miyaa? Most Soomaali sites are, laakiin wey kala daranyihiin.

 

Of about why I believe if they are capable of doing this from mööryaanta u shaqeyso this dowlad ku sheeg iyo madax ku sheega maafiyada ah, I believe it because waxaan wax ka daran sameyaan day in and out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta hawada ka maqan qaar kamid ah Idaacadaha uga afka dheer magaalada Mqudsiho oo ay ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia ay albaabada ulaabeen iyadoon horay loogu keenin wax digniin ah ama lagu wargelinayo habkooda shaqo inay wax ka badalaan.

 

 

Waxaa saaka gudaha ugalay idaacadaha Shabelle,Hornafrik iyo Siimba ciidamo uu wato askari nabad sugid ah iyagoo Idaacadahaasi ka qaatay qalab kala duwan oo isugu jira Compurets iyo qalabka kale oo ah kuwii ay Idaacadhaasi ku shaqayn jireen.

 

 

 

Waxaa sidoo kale Idaacada Shabelle ay horay uga sii ka xaysteen Agaasimihii Idaacadaasi iyadoon la garanayn sababta ay ukaxaysteen iyadoo dhan kalena Idaacada Siimba ay wariye Max’ed Shiil Xasan Shiil ay jidhdil ugaysteen markii ay gudaha ugaleen.

 

 

 

Dhan kale waxaa wali ka socda Suuqa Wayn ee Bakaaraha Bililiqo xoogan iyadoo ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia oo ay kor ka ilaalinayaan ciidamada Dalka Ethiopia lamana garanayo sababta keentay in suuqaasi uu ku yimaado bililiqo xoogani.

 

 

 

Waxaan ilaa hadda aan uhelin inay tagaan xarumahoodii ganacsi dadkii shacabka ahaa ee ka ganacsan jiray Suuqaasi iyadoo ay ku gadaaman yihiin ciidamo aad ufara badan oo ilaalo ka haya Suuqaasi iyadoo dhan kalena uu xidhmay isku socodkii baabuurtii ukala shaqayn jirtay Suuqa iyo degmooyinka.

 

 

 

Hadaba Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa inta badan ku yimaada qalalaase xoogan kaas oo aan ilaa hadda wax xal ah laga gaadhin iyadoo ay inata badan ganacsatada suuqaasi iyo Dawlada KMG ah ee Somalia uu u dhaxeeyo tuhun aad uwayn kaas oo salka ku haya in ganacsatadu ay maalgaliso kooxaha kasoo horjeeda Dawlada.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

How ironic the same thugs who stole peoples properties crying out foul and giving press releases. They must be really sorry other thugs got the overseas properties. Well at least this ones don't hide behind cimaamas :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this