Sign in to follow this  
Emperor

Support for peace: Mudug and Cayn

Recommended Posts

Emperor   

Kulan Nabadeed Oo Ka Furmay Degmada Maygaagle ee gobolka Ceyn (Sawiro)

 

Waxaa maanta soo gaaray tuulada Maygaagle oo kamid ah goobihii ay ka dhaceen dhibaatooyinkii ugu danbeeyay ee dagaalkii Kalshaale qaybihii ugu horeeyay ee ergooyinka nabadaynta ee u kala dabqaadaya labadii beelood ee dhowaan dagaaladu ku dhexmareen deegaanada Kalshaale iyo Maygaagle.

 

Wefdigaan oo intooda badan kasoo kicitimay gobolada Waqooyi

ee Soomaaliya ayaa waxay ka koobnaayeen Salaadiin,Cuqaal,Culima’udiin iyo Waxgarad kale.waxaana ergooyinkaasi hogaaminayay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar.

 

Ergadaan ayaa markii ay soo gaareen degmada Maygaagle waxaa siweyn usoo dhoweeyay Odeyaasha iyo Waxgaradka deegaanka Buuhoodle oo iyagu maalmahanba halkaasi ugu diyaargaroobayay soo dhowaynta ergooyinka nabadaynta,waxaana maanta halkaasi ka furmay kulan balaaran oo dhexmaray waxgaradka deegaanka Buuhoodle iyo ergooyinkii maanta halkaasi soo gaaray,kulankaasi oo lagaga wada hadlayay sidii heshiis xabad joojin ah loo dhexdhigi lahaa beelihii dirrirtu ay ku dhexmartay deegaanka Kalshaale.

 

Ugu horeyn waxaa kulankaasi furay Garaad C/laahi Garaad Soofe oo kamid ah Isimada dhaqanka ee deegaanka Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Dadaalo Nabadeed oo kasocda Gobolka Mudug oo la xirrira Dagaalkii dhexmaray Xoolo dhaqato

November 23, 2010

 

 

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kasocda dadaalo nabadeed oo lagu doonaayo in xal kama dambeys ah laga gaaro dagaal dhowaan degaano ka tirsan gobolka Mudug ku dhexmaray kooxo xoolo dhaqato ah oo ka kala soo jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

 

Cali Diiriye Aloore oo kamid ah Hogaamiye dhaqameedka gobolka Mudug oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay in Odeyaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ay wadaan waanwaan ay ku doonaayan in ay heshiis rasmi ah dhex dhigaan dhinacyadii dagaalku dhexmaray.

 

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay qaateen kulamo kala duwan oo la xirrira sida la isku keeni lahaa dhinacyadii dagaalku dhexmaray iyadoo uu tilmaamay in dhowaan ay rajeynayaan in ay soo gaba gabeyaan kulamadaas oo ay heshiis dhex dhigi doonaan labada beelood.

 

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa iyagu ku howlan sidii ay uga hortagi lahaayeen in dagaal kale uusan dhexmarin labada dhinac.

 

Dagaalka dhexmaray xoolo dhaqatada ayaa sababay dhimashada inka badan 5-qof oo labada dhinac iyo dhaawacyo badan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho:-Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ku baaqay in la joojiyo Dagaal Beeleedyad ka jira Gobolka Mudug.

23. november 2010

 

 

Muqdisho (Allpuntlnadf)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Calaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalo Beeleeyda ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Mudug ka dib Warsaxaafedeeed ka soo baxay Xafiiska Ra'isul Wasarahaha, waxa uuna Warsaxaafadeedka u qornaa Sidan:-

 

Talaado, 23.11.2010------Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu sheegay inay soo gaareen dagaalo beeleed ka dhacay deegaano ka mid ah dalka sida gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo, sidaasi daraadeed wuxuu caddeeyay isagoo tixraacaya baaqyadiisii hore ee nabadeed in dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo ayna iska xil saaraan Maamul goboleedyada, Oday dhaqameedyada, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada inay sidii horeba ay caadada u lahaayeen kala dhex galaan dadkaasi walaalaha ah oo ay baajiyaan dhiiga macna darida u daadanaya.

 

'Waxaan tacsi u dirayaa ehellada intii ku geeriyootay dagaaladaas waxaana intii dhaawacantay u rajeynayaa inuu Alle caafimaad siiyo' ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu isagoo sheegay in dagaal inuu wiil ku dhinta ma ahane inaan wiil ku dhalan sidii horayba loo yiri.

 

Maanta marxaladda dalkeenu uu marayo waxaa loo baahan yahay nabad iyo midnimo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto si looga hortagto dhibaatooyinka dadka iyo dalka heysta oo ay ka mid tahay dagaalada ay hurinayaan mucaaridka.

 

Ra'iisal Wasaaraha oo ka hadlayay warar ka soo gaaraya gobolada dalka kuna saabsan abaaro xoogan oo ka jira ayuu u jeediyay shacbiga inay gacmaha is qabsadaan iskana kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatada abaaraha ee dadka iyo duunyaba saameysay wuxuuna Alle ka baryay inuu ka dul qaado dhibaatooyinkaas, isagoo beesha caalamkana u jeediyay baaq inay gacan ka siiyaan ummadda sidii ay uga gudbi laheyd abaartaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Raysalwasaare Farmaajo Oo Baaq Nabadeed Ujeediyey Beelihi Ku Dagaalamay Gobolka Mudug

November 23, 2010

 

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu sheegay inay soo gaareen dagaalo beeleed ka dhacay deegaano ka mid ah dalka sida gobolka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo, sidaasi daraadeed wuxuu cadeeyay isagoo tixraacaya baaqyadiisii hore ee nabadeed in dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo ayna iska xil saaraan Maamul goboleedyada, Oday dhaqameedyada, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada inay sidii horeba ay caadada u lahaayeen kala dhex galaan dadkaasi walaalaha ah oo ay baajiyaan dhiiga macna darida u daadanaya.

 

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada intii ku geeriyootay dagaaladaas waxaana intii dhaawacantay u rajeynayaa inuu Alle caafimaad siiyo” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo sheegay in dagaal inuu wiil ku dhinta ma ahane inaan wiil ku dhalan sidii horayba loo yiri.

 

Maanta marxaladda dalkeenu uu marayo waxaa loo baahan yahay nabad iyo midnimo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto si looga hortagto dhibaatooyinka dadka iyo dalka heysta oo ay ka mid tahay dagaalada ay hurinayaan mucaaridka.

 

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay warar ka soo gaaraya gobolada dalka kuna saabsan abaaro xoogan oo ka jira ayuu u jeediyay shacbiga inay gacmaha is qabsadaan iskana kaashadaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatada abaaraha ee dadka iyo duunyaba saameysay wuxuuna Alle ka baryay inuu ka dul qaado dhibaatooyinkaas, isagoo beesha caalamkana u jeediyay baaq inay gacan ka siiyaan ummadda sidii ay uga gudbi laheyd abaartaasi.

 

Xafiiska Warfaafinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

I really feel for the Anti-peace groups in those areas ....... Bloodshed is not good for anyone. Like Xaabsade said it is "kugu dhimay oo kaa dhimay"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by Jacaylbaro:

I really feel for the Anti-peace groups in those areas ....... Bloodshed is not good for anyone. Like Xaabsade said it is "kugu dhimay oo kaa dhimay"

If you quote Xaabsade will not only make your argument weak but rather irrelevant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this