Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: murder, rape and looting by JVA thugs

Recommended Posts

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

^^Cige, ama Yeey wuxuu horkacayo waa "Dowlad" aan faraha la gelin dagaalada yar yar ee qabiiladu isku caydh-caydhsanayaan, ama waxani dowlad ma ahane waa qabiil oo iyadayba ahayd in ay dagaalka ka qayb gasho oo ciidan, hub iyo saanad u dirto qabiilka madaxweynaha ee laga taag roonaaday.

 

Which one is it? Make up your mind Tolkaman.
:D

 

 

Every "Tolka" is blaming Yeey and his TFG stooges for not helping "qabiilka madaxweynaha" in this war. loool. Why?

 

The absurdity never ends in these circles.

I think what Cige meant was that, After the Fall of Kismayu, Yey brought his kinmen to run the city-which of course led to the dissatisfaction of the Gedo Boys (Lol,love how they are being belittled) & things have been tense ever since.

 

Anyway,waxaas iga daayo, Waxaan la yaabanahay, Indha adeega reer Gedo. Bal dhul aynu lahayn ayeey xoog iyo shan cad ku qabsan rabaan? Walle waa yaab....

 

Let me ask the resident Gedo boys here(Alamagan iyo Horn),whats next after this? How can the Gedo boys(still laughing) defend this port city? What will YEY & his puppets give in concession to handing over power? Will Hiraale be back?

 

Bal inoo sheega nimanyahow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Originally posted by LSK:

^^Cige, ama Yeey wuxuu horkacayo waa "Dowlad" aan faraha la gelin dagaalada yar yar ee qabiiladu isku caydh-caydhsanayaan, ama waxani dowlad ma ahane waa qabiil oo iyadayba ahayd in ay dagaalka ka qayb gasho oo ciidan, hub iyo saanad u dirto qabiilka madaxweynaha ee laga taag roonaaday.

 

Which one is it? Make up your mind Tolkaman.

 

Every "Tolka" is blaming Yeey and his TFG stooges for not helping "qabiilka madaxweynaha" in this war. loool. Why?

 

The absurdity never ends in these circles.

Sxb Beyond and above everything responsibility must lie with the president alone and not even with other officials of the government, as you know the prime minister Gheedi raised his concerns eirlier over this debacle(later retracted from earlier comments when pressured as rumours say by the president) and while the interior minister Gacmadheere offered all the efforts to visit the city and try restore peace and understanding between the two groups, after that the president kept quite and up untill now have not said anything about Kismayo, his silense is deafening to say the least and while the other two Snr government officials efforts were halted... It's uknown as to what is happening in Kisima and what the agenda is?

 

Even if we let go the clan mentality, who is fighting for the control of Kismayo today are two groups both part of the TFG and that could be classified as a failure to the TFG, an immense set back to the president and his government, why is he ignoring it or at least not clearing up his position to the public.

 

Imagine if we have today two TFG batallions, division 1 and division 3 fighting in Mogadishu for the control of let say Madina district or suuqa Bakaaraha, do you think the President would have watched or not have said anything?

 

Whatever this is, higher officials of the TFG must step in to stop and solve this problem. Im not saying the government or indeed the president should support clan thee or that but must do something... It's their responsibility and thus far failed... So LSK would you agree with me that the President failed his role in this situation? Just for a second take out the clan picture out of the equation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Faarax-Brown:

Anyway,waxaas iga daayo, Waxaan la yaabanahay, Indha adeega reer Gedo. Bal dhul aynu lahayn ayeey xoog iyo shan cad ku qabsan rabaan? Walle waa yaab....

Faarax Brown,

Sxb, indha adeega reer Bariga makuu muuqdo miyaa adigu wa ayaga lasoo taagan magaaladda annagaa iska lehgoor iyo ayaane? Waxaad la yaaban tahayse ma aanan garranin, balse waa runtaa dhulka reer Gedo malahan, waa dhul Illaah cid kasta oo soomali ahna laga xiggin, marka bal haddii aan anigu adiga su'aasha dib kugu soo celiyo bal iiga jawaab, dhulka ma reer Puntland baa leh miyaad adiguna qabtaa mise reer PL ayaa dadka kale oo dhan ka xiga? reer Gedose dhulka ma ka mamnuucbaa? Waligaase ma aragtay Reer Gedo oo leh annaga Kismaayo iska leh?

 

Originally posted by Faarax-Brown:

Let me ask the resident Gedo boys here(Alamagan iyo Horn),whats next after this? How can the Gedo boys(still laughing) defend this port city? What will YEY & his puppets give in concession to handing over power? Will Hiraale be back?

 

Bal inoo sheega nimanyahow

Faarax Brown, waxaan aaminsanahay oo an qabaa in aad adiga ninyahow dhulkan & deegankiisa dadka ku nool & isbedelaadkii magaaladan soo maratay wax ka taqaanid ama la socotay taariikhda Kismaayana tan iyo burburkii dowladii dhexe ogtahay & dagaaladii kala duwana ee ka dhacay.

 

Saaxiib roob markuu soo da'ayo waxaa lagu gartaa saxansaxadiisa. Dowlad ku sheegtan Cabdullahi Amxaar hor-boodayo markii maamulka usoo dhistay Jubooyinka waxaay the new admin ka koobnaayeen 21 xubnood, 13 xubnood waxaa qaatay reer Punland, 8dii soo hartayna waxaa la siiyey wixii kale oo reer Gedo ku jiraan ayagoo heleen 2, halka reer Bu'ale & saakow ka heleen 1, reer jilib hal reer beerxaano 1, reer cad-cad 1 hal hal aa lagawada safay ayagoo markaa reer Gedo ka baqaya ayeey 2 u tuureen smile.gif Taasi wax macquul ama madax geli kara ma lahayn, qabiilooyinkii kale kulligood waa ka xumaadeen balse yaa hortagi kara reer PL oo ku dhihi kara cadaalad ma ahayn wixiinu aan ka ahayn reer Gedo. Qorshe xumadaas & taladaas guracan waxaay keentay in dadku u dareemaan in magaalada la rabo in qoys kaliya gacanta loo gesho. Taasina waxaay ahayd koow waxyaalihii keenay in reer barigii & afguduud oo reer Qandala ahaa meesha laga saaray, waqti badan oo la siiyeyna ka dhago adeegen inaay saxaan qaladkii iskana daayaan goobo-goobeysi iyo qabiil waxku doonid ayagoo amainsaa in Cabdullahi Amxaar oo adeegsanaya amxaarada in uu wax uqaban karayo. Qabiiloyinka kale ee deegaanka waxaay ku racsnyihin oo wax la qabeen reer Gedo. Dhanka kalena reer Gedo magaalada waxaay ka soo martay difaaceeda and their sacrifices cid aay ka qarsoon tahay malahan. Markaa cid aay ka baryayaan ama kaga haybadaysanayaan ama amar weeydiisanayaan malahan. Illaahay minority kama dhigin, ciddi rabta wanaag then waa la soo dhaweenayaa sumacadna waay kuleeyihiin qowlkaay qaadaan iyo daris waanaag. Teeda kalena gobolkan iyo magaaladana cid walba waa qaadaa haddaanan damci iyo hunguri weynida la iska dhaafaynin.

 

AY & Qorshihiisa Kismaayo

Cabdullahi Amxaar wuxuu rabay madaama xamar dhibaato ka haysato, Maxamed Dheerena lagu saliday dabadana uga jiro ka neefsan la'yahay ayuu ku yiri reer tolkii ordaya isoo xaar-xaara kismaayo si haddii Maxamed Dheere & Geedi igu keen-keenaan aan ugu soo baxsado oo xagga uga soo jeesto, for this A/Y has to gamble, and he did by sending Afguduud back to Buulo Gaduud in the hope of he can make some magic out there and quickly turn things arround to his favour, taasi waa la qaraxday, Maxamed Dheerana dushiisa ahaatay waligiis, maxbuus ha u ahaado. Now I bet A/Y regreted all these, hence "arrimaha shaqo madaxweynuhu kuma lahayn" & crabs you would hear and on the other hand you would never ever hear Af-guduud meeshii Morgan, the sprinter uu maray ayuu maraa... cabdullahina maquusanayo intii naf ku jirto wuu harjadi... that is my predictions. As for the City, waxaan Illaah uga baryayaa in dadku gartaan in wada noolaanshuhu cid walba dan ugu jirto oo aay gartaan maslaxadooda nabdadana si wadajir looga wada shaqeeyo, insha'Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

Kismaayo: Xadgudubyo ka dhan ah Bini’aadanimada iyo bililiqo ka dhacday magaalada Kismaayo.

23. June 2007

 

loool Duke.........horta HADDII ay bililiqo dhacday iyo boobba waa wax laga xumaado waanan ka soo horjeedaa........balse waxaan adiga ku su'aalay.....GOORMAAD BARATAY BANI'AADANNIMADAAN AAD SHEEGEYSID MARKII DUMARKA SOOMAALIYEED ITOOBIYAANKU KUFSANAYEEN SOW ADIGII MASHXARADAYEY MA AHAN?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bililaqo xoogan iyo falal xasuuq ah oo si baaxad le uga socda magaalada Kismaayo

Posted to the MOL June 24, 2007, 12:25 pm

 

 

Wararka ka imaanaya magaala madaxda gobolka J/Hoose ee Kismaayo ayaa sheegaya in xalay illaa maanta ay magaalada ka socdeen bililaqo iyo xasuuq loo gaysanayo beelaha ku Abtirsada Kablalax. Bililiqadaan iyo xasuuqaan oo ay wadaan maleeshiyada beesha **** oo maalintii shalay ahaa dagaal ba’an dhexmaray ciidamada guutada 1-aad ee xooga dalka Somaliyeed ayaa waxay magaalada ka wadaan xasuuq ba'an. Dagaalkii shalay ayaa inkastoo labada dhinacba qasaarooyin ka soo gaareen ayaan haddana wax dhul ah lagu kala qabsan. Arintaas oo ka caraysiisay Meleeshiyada weererka ku qaaday Buulo Gaduud oo ay ku sugnaayeen ciidamada dawlada KMG ah.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in illaa xalay illaa maanta magaalada gudaheeda ay dilal ka fuliyeen maleeshiyadii beesha **** ee guul darada kala kulantay dagaalkii ay qaadeen. Waxaa lagu dilay gudaha Kismaayo rag ganacsato ah oo beel ahaan loo gumaaday. Maleeshiyada beesha **** ayaa waxay bililiaqaysteen goobihii ganacsiga iyagoo sidoo kale la wareegay gawaari kor u dhaaftay illaa iyo 10 oo ay lahaayeen ganacsatada magaalada Kismaayo.

 

 

Falalka ka socda Kismaayo iminka ayaa waxay yihiin kuwo aad u fool xun, iyagoo dad shacab ah guryagooda waqti habeenimo ah lagala baxay ka dibna qaarna la dilay qaar kalena jirdil xun loo gaystay kuwaas oo aan la ogayn meesha ay ku dambeeyeen.

 

 

Waxgaradka reer Waamo ee qurbaha ku nool oo qaarkood la soo xiriireen Mudugonline.com ayaa ka muujiyay cabsi weyn qatarta la soo gudboonaatay qaraabadooda ku nool magaalada Kismaayo oo qabiil ahaan lagu ugaarsanayo. Waxgaradkaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta oo dawlad Somaliyeed dhalatay wadankana laga wado dib u heshiisiin in dib beelaha qaar ugu noqdaan foolxumadii horey loo soo maray ee xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah.

 

 

Dhinaca kale dawlada Somaliya ayaa iminka u muuqata mid fadhiid ah oo howlaheeda ku koobtay magaala madaxda Muqdishu indhahana ka daawanaysa xasuuqa ka socda gobolada Sh. Hoose iyo J/Hoose. Waxaa iyaguna sidaas si la mida aan wax dhaqaaq ah sameyn maamul goboleedka Puntland oo dadka lagu xasuuqay Kismaayo isir ahaan ah deegaan ay ka soo jeedaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo:-bililiqadii ugu badneed oo xalay ka dhacday Kismaayo oo ay gaysteen isbahaysigii dooxada juba ,Nabadoon Cabdiwali Biixi oo canbaareeyay arintaas fooshaxun

 

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacii ugu badnaa ee halkaasi ka dhaca sadexdii maalmood ee aanu soo dhaafnay sida uu ku soo waramayo wariyaha Kismaayopost.com ee magaallada Kismaayo.

Fallkii xalay ka dhacay magaaladan Kismaayo ayaa waxaa uu saamayn ku yeeshay dhamaan xaafada kala duwan ee magaallada Kismaayo oo ay dagan yihiin dadka deegaanka u ah marka laga reebo dhawr guri oo ay dagan yihiin dadka ka soo barakacay abaarihii ka dhacay sanadkii hore Gobolka Gedo ee magaalada iska soo dagay,waxaana falkaan dhaca iyo boobka ah gaystay maleeshiyaadka Gobolka Gedo ka yimid iyo waliba rag ka mid ahaan jiray islaamiyiimtii laga awooda roonaday ee ka soo jeeda Beesha Yuusuf Indhacade oo ay isku xulufu yihiin beesha Bare Hiiraale,waxayna gaysteen falal naxariis daro ah oo ay ku dheehan tahay aargoosi qabiileed iyo waliba barakicin dumarka iyo caruurta.

 

Dhacaan ayaa waxaa uu saameeyay dumarka guryaha jooga oo xitaa laga dhacay raashinkii guryaha u yaalay iyo waliba bakhaaro ka duwan oo ku yaala magaallada Kismaayo.

 

Gawaari aad badan oo laga dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu raray Biliqadii ay dhaceen maleeshiyaadka Gobolka Gedo ka soo qaxay abaarihii halkaasi ka dhacay kal hore awgeed waxaana biliqidaan loo qaaday dhanka Baardheere oo ay haayadaha Gargaarku ka wacdeen in dhawaale.

 

Afhayeen u hadlay Beesha....... oo lagu magacaabo Nabadoon Cabdilwali Jaamac Biixi kana soo jeeda Magaalada Kismaayo oo ay la xiriirtay Kismaayopost.com ayaa waxaa uu canbaareeyay falalka ay gaysteen Burcada biliqada magaallada Ka wada ee ka soo duulay dhanka Gedo '' Waa burcad maxaa yeelay dhac iyo bililiqo ayay sameeyeen cidii falalkaa ku kacdana meel kasta ha ka yimaadaane waxaa qaanoonka caalamiga ah u yaqaan Burcad Criminals ah ''

 

Magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa laga maqlayay rasaas goos goos ah oo ay dadka ku argagaxinayeen maleeshiyaadka Indhacade iyo Bare Hiiraale walina xafiiska Kismaayopost.com ee Kismaayo ma soo gaarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saban rasaastaasi .

 

La soco Kismaayopost.com mar kasta Kismaayo wararka ka yimaada.

 

 

Xafiiska wararka ee Kismaayopost.com

 

 

Webmaster@kismaayopost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer killing, maiming, raping and looting other Somali's seems to be the trait of this group.

No worries mate, locals will regain their land, it has yet to begin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii ka haray Booliiska ee magaalada ku sugnaa oo ayagu intooda badan kasoo jeeda isla beesha.. ayaa ayagu labo todobaad kahor sheegay in aysan waxna ka qaban karin arrimaha amni xumada ay faraha kula jiraan maleeshiyooyinka magaalada gacanta ku haya.

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, ma caraysanaysaa misna? mise business as usaul gidaarada la taagnoow dhac, kufsad & crocodile tears! have a nice huuhaahuuu alla ba'nayyee. Where is my tea!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer, the fighting will continue and Kismayu insha Allah will be liberated. As for the big talk, at least our leader was not taken on Donkey to escape Aydeed.

 

Or can you even compare Afgaduud to Hiiraale. At least Afgaduud fought while Hiiraale was ordered out of Kismayu by his big thug IndaCade.

 

So who runS? :D:D:D

 

Anyhow keep looting, raping innocents like in the Barre era, your exists will no doubt be on a Donkey. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this