Sign in to follow this  
me

Dagaal xoogan oo ka qarxay magaalada Muqdisho 19 April

Recommended Posts

me   

Dagaal xoogan oo ka qarxay magaalada Muqdisho.

Warkii 19-Apr-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

 

Waxaa maanta Duhurnimadii uu dagaal xoogan uu ka qarxay magaalada Muqdisho dagaalkan oo ah mid la isku adeegsanayo dhamaan hubka noocyadiisa kala duwan oo dhinac kastaaba uu ridayo intii tamartiisa ah dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada dalka Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta.

 

Dagaalakan ayaa ilaa hada aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay inkasta oo warar naga soo gaadhaya goobaha hore ee dagaalku uu sheegayo in uu dagaal uu gaystay khasaare badan oo ay ku jirto dad rayid ah oo madhfac ku dhacay.

 

 

 

Dagaalkan oo ka qarxay isgoyska Fagax iyo deegaanada ku hareersan ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay degmooyinka yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo tobanaan madfac ay ku dhaceen xaafado ka baxsan halka lagu dagaalamayo.

 

Hadaba dagaalkan ayaa waxa uu daba socdaa dagaalo goos goos ah oo inta badan ku dhex mara ciidamada dalka Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda joogitaankooda ee kusugan gudaha caasimada dalka Somalia ee Muqdisho.

 

 

 

Wixii kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe.

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

20 ruux oo ku nafwaayay dagaalo qaraar oo maanta ka dhacay caasimadda Somalia

 

Click here to find Shabelle news in English

Daawo Sawirada oo dhan

Mogadishu 19, April.07 ( Sh.M.Network) 20 ruux ayaa ku nafweysay tiro ka badan 100 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib Dagaalo culus oo saakay ka qarxay deegaanada Fagax iyo Jamhuuriya oo u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia iyo xoogagga diidan joogitaankooda dalka , iyadoo dagaaladaasina la isku maqribsaday.

Daawo Sawirada dagaaladii maanta iyo qasaarihii ay geeysteen

 

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, qoryaha darandooriga u dhaca iyo madaafiic ayaa xooggiisa waxa uu ka socday agagaarka Suuqa Jamhuuriya ee Magaalada Muqdisho.

 

Dadka ku dhaawacmay dagaaladaan ayaa 70 ka mid ah waxaa la gaarsiiyay Isbitalka Madiina halka 24 kalena la dhigay Isbitalka Keysaneey.

 

Daryanka madaafiic iyo rasaas culus ayaa si weyn looga maqlayay degmooyinka Yaaqshiid iyo huriwaa, iyadoo madaafiic ay ku soo dhacday dhismaha xarunta Idaacadda codka nabadda.

 

8 ruux ayaa mar qura ku geeriyooday Madfac BM ah oo ku dhacay wadada Carafaat, iyadoo madfacaasi laga tuuray dhanka madaxtooyada sida uu shabelle u sheegay Goobjooge Cumar Aadan.

 

Sidoo kale waxaa jira madaafiic kale oo lagu garaacay qeybo ka mid ah xaafadaha rayidka ay dagan yihiin ee caasimadda, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Qasaaraha dagaalkii maanta oo aad u fara badan ayaa ah kuwo wali isis soo taraya, iyadoo isbitaalada wali la geynayo dad rayid ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen madaafiicdii maanta la isku weydaarsaday caasimadda Somalia.

 

Dagaalkaan ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha xaafadaha Muqdisho, iyadoo la arkayay dad hor leh oo ka baxaya caasimadda Somalia.

 

Afhayeen u hadalay odayaasha Beelaha ****** ayaa ku eedeeyay ciidamada Ethiopia in ay burburiyeen heshiiskii xabad joojinta isla markaana weeraro ay soo qaadeen, isagoo sheegay in ay is difaacayaan.

 

Xiriir aanu la sameynay dhanka dowladda KMG ah iyo waliba ciidamada Ethiopia ayaysan inoo suurto galin in aanu helno.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Madaafiic qasaaro geysatay oo ka soconeysa Muqdisho

 

 

Mogadishu 19, April.07 ( Sh.M.Network) illaa iyo 8 ruux ayaa ku nafweysay inta la ogyahay madaafiic xoogan oo wali ku dhaceysa qeybo ka mid ah caasimadda Somalia ee Muqdisho.

 

8 da ruux ee geeriyootay oo ahaa daryid ah kana qaxayay caasimadda ayaa waxa uu madfac kula dhacay Busteejo ku taala agagaarka Carafaat ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho sida uu shabelle u xaqiijiyay Goobjooge la yiraahdo Aadan Cumar.

 

Waxa uu sheegay in madaafiicdaan laga soo tuuray dhanka Madaxtooyada iyo wasaaradii hore ee G/dhigga oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

 

Madaafiic xoogan ayaa sidoo kale wali ku socota qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ay geeysteen.

 

Madaafiic BM ah ayaa maanta laga tuurayay xarunta Madaxtooyada, iyagoo ka jawaabaya weeraro hoobiyeyaal ah oo kaga yimid xoogagga diidan ciidamada Ethiopia.

 

Wixii ku soo kordha kala soco warar keena dambe

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Dagaalo xoogan oo ka soconaya Wadada Fagax ee

 

Mogadishu 19, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo xoogan oo la isku adeegsanayo nuucyada kala duwan ee hubka fudud iyo kan culus iyo madaafiic lagu tuurayo goobaha rayidka ay dagan yihiin ayaa barqo nimadii maanta ka qarxay caasimadda Somalia ee Muqdisho.

 

Dagaalkaan oo ka qarxay isgoyska Fagax iyo deegaanada ku hareersan ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay degmooyinka yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo tobanaan madfac ay ku dhaceen xaafado ka baxsan halka lagu dagaalamayo.

 

Lama oga sababta dagaalkaan uu u qarxay hasa ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata Taankiyo iyo gawaari kale lagu biiriyay ciidamadii dowlada ee horey halkaasi kula dagaalamayay xoogagga diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha Somalia inkastoo wali aan la soo sheegin qasaaraha dagaaladaasi ka dhashay hadana waxaa iska cad in madaafiicda goobaha rayidka ugu dhacaya si aan loo meel dayin ay sababeen qasaaro nafeed.

 

Iska horimaadyadaan ayaa waxaa barbar socda madaafiic laga soo tuurayo wasaaradii hore ee G/dhigga, Kulyadda Jaalle Siyaad iyo xarunta Madaxtooyada.

 

Wixii ku soo kordha kala soco warar keena dambe

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Dagaal qaraar oo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho, Khamiis, April 19, 2007 Simba Radio

 

Dagaal qaraar oo la isku adeegsanayo hubka noocyadii kala duwan ayaa maanta duhurnimadii mar kale dib uga qarxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

 

Dagaalka ayaa dhex maray Ciidamada Ethiopianka ah iyo kooxaha kasoo horjeeda Joogitaankooda magaalada Xarunta ah ee Muqdisho.

 

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidamo Ethiopian ah oo wata Taankiyo iyo Gawaarida kale ee dagaalka ay ku biireen Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah ee Somalia oo Kooxaha Wax iska Caabinta ay isku horfadhiyeen agagaarka Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid.

 

Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ka tirsan Guddiga Xabad joojinta Beelaha ******, kaasi oo shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ayaa ku dhowaaqay in Xabad joojinta ka dhaqan galeysay Muqdisho ay gebi ahaanba bur burtay, ayna jebiyeen Ciidamada Ethiopian-ka ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Laakiin weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Ethiopian-ka.

 

Dagaalka oo marba marka ka dambeysa sii qaraaraaday oo iminka kusii fiday deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmooyinka is garab yaalla ee Yaaqshiid iyo Huriwaa.

 

Dagaalka ayaa waxaa garab socda Madaafiic lagu garaacayo Deegaano ku dhow dhow Goobaha ay dagaalada ka socdaan, ayada oo inta badan madaafiicdaasina ay kasoo dhaceyso Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga Somalia .

 

Madaafiicdaasi qaarkood ayaa ugu yaraan sideed qof ku dishay tiro intaas ka badanna ku dhaawacay Xaafadda Carafaat ee Degmada Yaaqshiid, kadib markii ay ku dhaceen Boosteejo ay Gawaari ka raacayeen dad Xaafaddaasi ka qaxayay, si ay uga baxsadaan madaafiicda aan loo meel dayin ee kusoo dhaceysa.

 

Waxaa jira Madaafiic kale oo ku dhaceysa deegano ay ku nool yihiin dad rayid ah, oo ay u badan tahay inay khasaare nafeed iyo mid maalba dhaliyeen.

 

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee dagaalka uu dhaliyay, in kasta oo ay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac aad u tira badan, ayada oo Goobaha lagu dagaalamayana ay yihiin goobo rayid ay degan yihiin.

 

Si Kastaba ha ahaatee, dagaalkaan ayaa mar walba la faliyay inuu dhaco maadaama Odayaasha Beelaha ****** iyo Saraakiisha Ethiopian-ka oo maalmihii ugu dambeeyay wada kullamo ay doonayeen iany ku heshiiyeen ay ku guul darreysteen inay kala qaadaan ciidamada weli is horfadhiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^ huh? make sense please.

 

Naxarow, adigu jawaab in lagu siiyo maaha. Marka na kala kaxee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madiino Jenaraal "Gaalo waa isbahaysatay ee muslimka ha isbahaysto si looga gudbo marxalada adag ee lagu jiro".

 

 

 

Muqdisho,19,April-07 (Qaadisiya.com) Ururada bulshada rayidka ayaa ku eedeeyay kooxda Imbagaati in ay ka hor joogsadeen dadka ka barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho gargaar deg deg ah in lala gaaro kadib markii hay'adaha gargaarka ay ku amartay in aaney wax gargaar ah gaarsiinin dadka ka barakacay caasimada.

 

Madiino Jenaraal oo ka mid ah haweenka hormuudka u ah ururada bulshada rayidka ayaa sheegtay in kooxda Imbagaati ay ka horjoogsatay hay'adaha samafalka in gurmad u fiddiyaan dadka ku tabaaleysan daafaha magaalada ayadoo sheegtay in aan loo dulqaadan karin in dadka reer Muqdisho marna la xasuuqo marna loo diido in gurmad loo fidiyo.

 

Madiino Jenaraal ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed uu isku tashto isla markaana uu isu gargaaro,waxa ayna tiri "Gaalo waa isbahaysatay ee muslimka ha isbahaysto si looga gudbo marxalada adag ee lagu jiro".

 

Waxaa hubaal ah in dagaalka haatan ka socda dalka Soomaaliya ay masuul ka tahay maamulka dagaalka doonka ah ee Bush kaasoo u soo wakiishay nidaamka Meles Zenawi duulaan ka dhan ah umadda Soomaaliyeed, waxaana taa daliil u ah in markii uu dhacay xasuuqii 29ka March ilaa 1-da April Mareykanka uu u soo diray dalka Soomaaliya Habarto Gaalo Jendayi Frazer si ay ugu hambalyeyso ciidamada Xabashida xasuuqii ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AY's government is already failed & those so-called "muqawamo" know nothing about why and for what cause they fighting for? different groups and different interests with no defined goals and strategy.

 

Somalia is a doomed cauntry. Tragic!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this