Sign in to follow this  
Che -Guevara

Xasan Daahir Aweys in Xamar?

Recommended Posts

Muqdiso(AllPuntland)- Hogaamiyihii hore ee Ururka Al-Itaxaad Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, sida ay sheegayaan Warar Madax banaan oo soo gaaraya Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee AllPuntland.

 

Xasan Daahir Aweys ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray labadii maalmood ee ugu dambeysay, wuxuuna ku soo galay safar dhinaca lugta ah ka dib markii uu ka soo dagay meel ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.

 

Xasan Daahir wuxuu la kulmay qeybaha kala gedisan ee taageerayaashiisa ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna kala hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dawladda cusub ee dhalatay.

 

Hogaamiyaha Isbaheysiga Dibu xoreynta Garabkiisa Asmara ee waqtigan, wuxuu sidoo kale lakulmay qaar ka mid ah Culumada Magaalada Muqdisho oo ay ka wada hadleen sidii wada hadalo lala galo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana Xasan Daahir ay usoo jeediyeen qaar kamid ah dadkii uu la kulmay in uu ka qeybqaato nabad ku soo celinta Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

 

Warar hoose oo ka soo baxaya raga aadka ugu dhow Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaadaya in uu Xasan Daahir Aweys aqbalay in uu wada hadal la furo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna aqbalay dhexdhaxaadin ay sameeyaan Odayaasha iyo Culumada ka soo jeeda dhalasho ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Wariyaha AllPuntland ee Magaalada Muqdisho ayaa soo wariyey in ay jiraan Siyaasiin ka soo jeeda beesha uu ka dhashay Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ka balan qaaday Shariif Sheekh Axmed in ay heshiisiiyaan isaga iyo Xasan Daahir Aweys, isla markaasna uu kala shaqeeyo arimaha nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya iyo sidii dawladda Shariif Sheekh Axmed unoqon lahayd mid aan dagaal lagala hor imaan.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

If it is true, it would be a good move far away from the pressures of the Eritrean admin he would be able to see for himself the utter disinterestedness of rer-banaadir in war, holy or other wise.

 

Keep us posted paji smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this