Sign in to follow this  
ANWAR

NEW POLIC STATION IN Baydhabo

Recommended Posts

ANWAR   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya Md. Xuseen Maxamed faarax Caydiid, Wasiiru dowlaha Warfaafinta Md Ibraahim Maxamed Deeq, Gudoomiyaha gobolka Bay Md. Xaaji Maxamuud Barbaar iyo General Cali Xasan oo taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu hariga ka jaray dhismayaal la dayactiray oo la dhameeyey kuwaasoo kala ah Dhismaha Taliska Guud ee Booliiska, Saldhiga Booliiska magaalada Baydhabo iyo Xabsiga dhexe ee Gobolka Bay.

 

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn waxa uu xarig jaridiisa ka bilaabay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska isagoo guud ahaan soo kormeeray qolalka jiifka iyo xafiisyada ay yeelan doono ciidanka Booliiska dowlada federaalka isagoo warbixin ka dhagaystay mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee Booliiska oo halkaasi kusugnaa.

 

Shariif Xasan iyo Wasiirka Arimaha gudaha Eng, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa waxa ay usii gudbeen saldhiga Booliiska oo isna dhismahiisa la dhamaystiray iyadoo xariga laga jaray oo halkaasi ay ciidamada baanbaanyada ee muusikada ay halkaasi astaanta calanka ugu garaaceen.

 

Ugu danbeeyntii waxa albaabada loo furay Xabsiga dhexe iyadoo halkaasi uu shir jaraa'id ku qabtay Ra'iisul wasaare k/xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng. Xuseen Maxamed Caydiid isagoo u mahadceliyey Madaxweynaha iyo kusimahii wasiirka arimaha gudaha Md. Shaati gaduud isagoo ugu mahad celiyey sidii ay u suura galiyeen in hawshaan la qabto isagoo sheegay in booliiska iyo ciidanka Asluubta laga doonayo in ay dhaqso u hawl galaan.

 

Dhismayaashaan la dayactiray oo albaabada loo furay ayaa waxay ka dhigaysaa in lasoo gaba gabeeyey xarumahii ugu muhiimsanaa in amniga magaalada wax laga qabto iyaddoo dhowaan la dhaariyey garsoorayaasha fulin lahaa kuwa ku xadgudba xuquuqda aadahana iyo xadgudubyada loo geysanayo dad aan wax galabsan iyo guud ahaan kuwa qaska ka wada gudaha magaalada

 

13July40.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Si fiican ayey u dhargeyn, calooshu meesha ay marayso waad aragtaa.

 

ma aragtay meesha ay ku qorantahay CUNSULT?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this