Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

'Dadka soo barakacay'

Recommended Posts

Salaan...

 

Waxaa idaacadaha, wargeysyada iyo shabakooyinkaba ka maqlaa ereygas mawduucaan ugu dhigay: Dadka soo baracay. Kuwa waaba kasii daraan, oo ugu daraan qaxootiga soo barakacay.

 

Badankooda waxaa loo isticmaalaa dadka degan meelihii dowlada lahayd ee Xamar ku yaalo. Ma xumo, wey soo barakaceen. Qof diidan ma jirto. Waxa iga yaabiye waxee tahay, Xamar maanta yaa degan oo aanan soo barakicin?

 

Hadaa fiirisid, Xamar dadka maanta wada degan boqolkiiba sagaashan ama ka badan waxee yihiin dad soo galay dagaalada sokeeye ka bacdi. Dadkaas oo dadba si ugu yeeraan, qaarkood yiraahdo soo galooti, kuwana sandhay ugu waco.

 

Su'aasha mar labaad waxee tahay, dadkaas sooma soo barakicin? Mise weerada soo baracay kaliya waxa lagu koobay dadka degan dhismooyinkii, warshadihii ama iskooladii dowlada lahayd, oo laga reebay dadka degan guryaha xooga lagu heysto.

 

Xamar kaliya kuma koobno, magaalooyinka waa weyn dhan ku wada siman yihiin, Xamar ha ugu horeysee.

 

Su'aasha waxeeba keeneysaa, yaa daran labadooda? Kan degan dhul dowlad lahayd mise mid shaqsi loo lahaa oo xoog lagu degan yahay?

 

Hadaan deganahay daarad aan lahayn, oo aan ijaar bixin, waxaan ahay miyaa dadkii hore u deganaa? Laakiin kii dhismaha dowlada degan, oo qaarkood lacag loogu qaato xataa, ka qaataan kuwii horey u heystay dhulkaas mise sheegto?

 

Isku barbardhig, yaa soo barakacay labadaas? Yaanan soo barakicin?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Sxb maxaa barakac u taqaanaa? Don't you think this word in a way suggests some sort of Victimhood.

 

Dadka Xamar iyo magaalooyinka kaleba haysta waa occupiers, kuwa kale aa kacararayna ama laga saaray waa dad barakacay!

 

Sida hada dadka falastiiniyiinta waa dad ayaa ladhahaa barakacay laakiin Yahuuda waa Soogalooti meesha qabsaday oo barakacay lama dhaho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaa fiirisid, Xamar dadka maanta wada degan boqolkiiba sagaashan ama ka badan waxee yihiin dad soo galay dagaalada sokeeye ka bacdi.

Waraa, inaad miskiin tahay maantaan ogaaday. Dadka Xamar u soo qaxay wixii ka dambeeye '91 ma aha "dad soo barakacay" sxb. Waa "dad xoreeye dhulkooda." Labada fikrad ha isku qaldin.

 

Laakin xaalada saad sheegte waaye. Aniga waxaa ila daran kan xoog ku qabsaday kuna degan (xalaaleeste) guri shaqsi-ahaan loo lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Idinka sarcasticnimada naga yareeya, yaaqeey. Runtii is weydii su'aashaas, yaa soo barakacay? Barakac dhaqaalo mee ku xiran tahay? Barakac daarado waa weyn aadan lahayn maku xirno?

 

Horta su'aasha ugu horeyso, maxee tahay barakac? Aniga saan u fasirtay, waxaan u maleyaa in laga wado dad meel kale kasoo kacay una soo kacay meel cusub, badanaa heysan hoy iyo meel kale oo XALAAL ah u diyaarsan.

 

Sheekadaan aqri [sheekada waxaa lagu soo daabacay wargeyska Qaran, oo ah wargeysyadii ugu horeeye Xamar laga daabaco markee dhacday dowlada, oo ahayd 1991]:

 

Xilligii kala yaaca 1991-dii ayaa nin ka cararay gurigiisii oo ku yaala magaalada Muqdisho arrimo qabiil dartood, intii uu sii muuqdana waxaa qabsaday qoys u hamuun qabay kuwaasoo sidaas isku yiri, ‘Guriga waad yeelateen.'

 

Qoyska guriga qabsaday waxay guriga u maamusheen sidii wax ay leeyihiin iyagoo qaar ka mid ah qolalka guriga dagay, halka qaarka kalana ay ijaarteen sidaas ayeyna ahaayeen muddo sanadyo ah, war iyo wacaalna uma hayn gurigaan cidda iska leh iyo halkey ka baxeen.

 

Ninka guriga iska lahaa oo isagu qaxooti muddo badan ku ahaa mid ka mid ah dalalka deriska ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku ogaa gurigiisii hoyga u ahaa, wuxuuna soo dagay Hoteel ku yaala isla Muqdisho.

 

Ninku wuxuu watay kaarto ama qorshe uu ku soo talo galay in uu gurigiisa ku soo gato tiiyoo laakiin uu ogaa in guriga ay gacanta ku hayaan koox ma naxayaal ah kuwaasoo hub la dhex fadhiya laakiin wuxuu sameeyey qaabkii u degsanaa inuu howlgeliyo.

 

Wuxuu iska dhigay nin marti ah isla markaasna wuxuu u yimid xilli habeen ah kuwa guriga gacanta ku haya isagoo weliba madaxa cimaamad soo saartay si dadka deriska ah aysan u arag, wuxuuna weydiistay qoyskii guriga haystay qol ijaar ah maadaama uu u sheegay in uu daggan yahay Hoteel lacagtuna qaali ku noqotay.

 

Reerkii waxay ninkii ka ijaareen qol, wuxuuna isla markii [baxshay ijaarkii], wuxuuse iska jiray in dadkii deriska ahaa arkaan isagoo waqtiga habeenkii guriga soo seexan jiray xilli dambe, subaxdiina bixi jiray aroorta hore.

 

Markuu labo bilood sidaas wax ku waday ayuu haddana u sheegay kuwii guriga haystay in reerkiisii imaanayaan uuna doonayo guri ijaar ah isagoo lacagtana kor u qaaday si uu damac u geliyo qolada guriga haysata, reerkii oo showray ayaa ku heshiiyey in guriga ay ka guuraan dadka kalana ay ka saaraan si ay uga ijaaraan guriga dhammaantis ninkaan kaasoo ahaa ninkii dhistayba.

 

Ninkii wuxuu helay fursad uu guriga ku wada maamulo, wuxuuna u sheegay reerkii in guriga inta uusan soo dagin uu shaqaale gelinayo, dayactirna ku suubinayo, taasna waa laga aqbalay, iyadoo rajada ugu darran ee qoyska gashay ay ahayd dayactirka oo ijaarku ka bannaan yahay.

 

Ninkii guriga lahaa wuxuu dayactiray gurigii, maalmo kaddibna wuu iibsaday, sidaasna waxaa gurigii kula wareegay milkiilayaal kale, bishu markey dhammaatana qoladii guriga haysatay waxay soo doonteen ijaarkii, waxaana lagu yiri, ‘Raali ahaada waad soo wareerteene gurigaan waa la gatay, dukumintigiisiina waa kanaa.'

________________

 

Qaran

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xamar waxaa leh aala dhahaa dadka gibil-cadka ah, laakiin laftirkooda waa soo barakaceen oo dalal shisheeye ay kasoo galeen Xamar. Marka Xamar is no man's land!

 

Kuwa hada joogana waaka sii qixi doonaan maalin un.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maf Kees   

Walee qolodaas si xun baa la sirey yaah. Weliba odaygii wuxuu ku dhaqmay fight fire with fire.

 

For sure waa lays laayey guriga hoortiis. Kuwii uu uu iibgeeyey kaaba sii darane. Masaakiintaas guri beey iska gateen ayagoon aqoon dhibaatada ay dusha iskaga tuureen. Si xun buu uu galey. Xaasidsanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this