Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Gedo: Regional Islamic Administration appoints new admin for Garbaharey district

Recommended Posts

Al-Shabaab oo Maamul Cusub u dhisay Deg/Garbahaarey

 

Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Gedo ayaa Shalay Galinkii Dambe Goob Fagaare ah kaga dhawaaqay Maamul Cusub oo ay u dhiseen Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaas waxayna Xilkii ka qaadeen Maamulkii horey halkaa uga jiray ee Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Gedo oo Shalay meel Fagaare ah kala hadlayey Boqolaal kamid ah Dadka ku nool Degmada Garbahaaray ayaa Sheegay inay Maamul Cusub u Magaacaabeen Degmadaasi isla markaana ay badaleen Maamulkii hore.

Maamulka Cusub ee Garbahaaray loo dhisay ayaa waxay kala ahaayeen Dadka loomagacaabay sidan:

 

1. Gudoomiyaha Degmada Garbahaarey Sheekh Max’ed Cismaan Axmed.

2. Madaxa Xifiiska Amniga Degmada Garbahaarey Sheekh Muscab Faarax.

3. Madaxa Xafiiska Dacwada Degmadaas Sheekh C/laahi Max’ed Weyrax.

4. Madaxa Xafiiska Garsoorka iyo Xukunka Sheekh Yuusuf Xasan Isxaaq.

 

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee ku dhawaaqay Maamulkaan Cusub ayaa Dadka Degmada Garbahaarey ugu baaqay inay la shaqeeyaan Maamulka loo dhisay oo ay garab istaagaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maamulkii hore Degmada Garbahaarey oo isna goobta Maamulka looga dhawaaqay ka hadlayey ayaa soo dhaweeyey Maamulka Cusub wuxuuna Dadka ugu baaqay inay Wanaaga kala shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this