Sign in to follow this  
Member-sol-

Tuugo Baddii baayacday Barriga maxay u qaban kartaa?

Recommended Posts

Tuugo Baddii baayacday Barriga maxay u qaban kartaa? (W/Q:-Santuur Jimcaale).

Muqdisho,09,April,20 09,Khamiis,(Hillaac. net)

 

 

Waxaaa muuqata in waxa lagu magaacabo TFG Shariif Sh Axmed ay horay u soo gashay Ballamo aan tiradooda la ogeyn ka hor intaan loo dhiibin Hoggaan-ku-sheega Dalka Soomaaliya, Heshiisyada ay sida qarsoodiga ah u galeen oo soo daahiray waxaa ka mid ah:- In la yiraahdo Itoobiya waa Dowlad aan deris iyo walaalo nahay, dadkii ay naga laayeen, Dumarkii ay kufsadeen iyo burburkii ay noo geysteenna waa hal bacaad lagu lisay oo wax ka soo qaad ma leh !!. In shariif iyo inta la socoto ay la dagaalamaan Mujaahidiinta runta ah, Itoobiyana ay ku soo biiriso kooxo ay ku magacawday Ahlu-Sunno Wal-jamaaca (Ahlul-Ahwaa Wa-jamaacatu Shaydhaan), In Kenya looga iibiyo shilimaad yar baddeena ma-guurtada ah.

 

Waxaa cad in kooxdaan tuugada ah aysan dal iyo dadba dan ka laheyn, waana jeebkood-u-shaqeysat o dharka u soo dhigtay inay gadaan wax kasto oo u gadmi karo. TFG’da Shariif Axmed iyadoo aaney jirin meel ay ka taliyaan, ajnabina uu ku ilaaliyo in ka yar 4 kilometres oo Muqdisho ah ayay baddii gadeen. Markay hubsadeen in aaney awoodi karin inay maamulaan dalka waxay bilaabeen inay caddeystaan wixii u caddaysmi karo. Mar dhawna waxaa laga yaabaa inay la soo hishiiyaan shirkado wasakhda Nuclear’ka iyo Kiimikadaba u aaso dalka, waana in layska qabtaa sida ugu dhakhsaha badan. Arimaha lala yaabay waxaa ka mid ah inuu ku jiro kooxda Shariif Axmed nin aad u xishood daran, caqli iyo aqoonba ay ku yar tahay oo la yiraahdo C/raxmaan Cshakuur, ninkaan wuxuu caado ka dhigtay inuu saxiixo wax kasta oo foolxun, kuna shaqeysto saxiixa qoraalada foosha xun oo ugu dambeeyay kii Kenya looga gatay badda soomaaliyeed, wuxuuna taariikhda ka galay meesha ugu foosha xun.

 

Waa in ummadda soomaaliyeed aaney u dulqaadan arimihan foosha xun oo ay ka dagaalamaan in la gado baddooda, Waa ay caddeyd in Kenya heshiis hoose ay la gashay tuugadaan sababtoo ah Kenya ayaa maalmahaan ku qeylineysay in TFG’da Shariif canshuur loogu qabanatayo gudaha Kenya, iyadoo canshuur looga qaadayo badeecada qaadka u badan ee Somaliya ka soo gasho Kenya. Maxay sidaas ku dhacday? Ma jeceyl ay soomalia u heystaa? Maya..maya, Kenya waxay dooneysay ayaa ka weyn canshuur iyo wax la mid ah. Kenya arimahaas iyo lacago dheeraad ah oo ay hoos u bixisay waxay ku heshay in loo saxiixo bad baaxadeedu ka weyn tahay gobolka jubada hoose.

 

Dad habaabsan oo aan garaneyn macnaha saxiixayaan iyo erayda ku qoran warqadaha ayaa iska saxiixay qoraal (documents) ay Kenya diyaarsatay, haddii ay run meesha ka jirto maa la shaaciyo qoraal ay soomaalidu diyaarsadeen hadduu jiro !!. Maa la shaaciyo qoraalka la saxiixay si dadku u akhriyaan una fahmaan.

 

Waxaan daah saarneyn in arintu aheyd badeecad xaaraan ah oo hoose loo kala gatay. Waa ceel aan loo dulqaadan karin in ummadda soomaaliyeed arintan ka haraan, baddeenana ma aha mid la iska saxiixan karo, waa in geel dheer iyo mid gaabanba loo koraa sidii saxiixaas looga dhigi lahaa waxba kama jiraan.

 

Waxaan shaki ku jirin in dawlado badan markay maqleen in baddii Somalia ay beec tahay ay safka ku soo jiraan, waana macquul inay mar aan dheereyn la maqlo ayadoo dawlad kale ay leedahay waxaan ka gadanay TFG’da Sharif xeebta Xamar ilaa Hobyo ama Xamar ilaa Baraawe. Soomaali haddaan nahay waxaan barriga (dhulka) hore uga difaacnay cadow tiro badan oo ay hogaaminaayeen: Minilik, Xeyle Salaase, Mangiisto, Bush iyo Kilinton, Meles Sinaawi iyo qaar kale oo tiro badan, maanta waa in badda laga difaacaa kooxda burcad-badeeda ah ee uu Shariif Axmed horkacayo dharkana u soo dhigtay siday u gadi lahaayeen baddeena iyo kheyraadka faraha badan ee dhex ceegaaga.

 

(W/Q:-Santuur Jimcaale) santuurjimcaale@hotm ail.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this