Sign in to follow this  
Juje

Ciidanka Boliiska oo dil arxan daro ah u geystay

Recommended Posts

Juje   

Ciidanka Boliiska oo dil arxan daro ah u geystay maanta Nabadoon caan ka ah Xaafada Miisaanka dhuxusha xili

Laba nin oo katirsan Ciidaanka Boliiska Saldhiga Yaaqshiid ayaa wax yar ka hor dil arxandaro ah u geystay nin nabadoon ah oo siweyn looga yaqaano deegnaaka Miisaanka dhuxusha ee xaafada Toowfiiq.

 

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray allaha u naxariistee Maxamed Duldheer ayaa ku soo baxay nin dhalinyaro ah oo Dabakaayayar ku lahaa laamiga Miisaanka dhuxasha ay ka xeysteen ciidanka Boliiska kadib markii ay isku afgaranwayeen yarka yar oo la ka xeystay in uu bixiyo canshuur isagoona markiiba ay is maandhafeena kadibna u kaxeystay dhinaca Saldhiga kadibna uu meesha yimid Nabadoonka in uu dhex dhexaadiyo yarka yar iyo ciidanka Boliiska kadibna markaana mar qur ah ay hugiyeen nabadoonka Rasaas xoogan kadibna uu u geeriyooday nabadoon maxamed Duldheer rasaastii ay la dhaceen ciidanka Boliiska isla goobtana uu ku qurbaxay

 

Dadka degan xaafada Miisaanka dhuxusha ayaa aad uga xumaaday falka arxandarada ah ay ku kaceen ciidanka Boliiska DFKMG Nabadoonka iyagoona ka codsay DFKMG in sharciga la soo taago labada nin ee ka danbeyey dilka Nabadoonka./

 

Ciidanka Boliiska oo ka xeystay yarkii yaraa oo lagu magacaabi jiray Muxudiin ayaan ilaa iyo hadda la garaneynin halka ay la aadeen .

 

Ciidanka boliiska oo u badan dhalinyaradii la soo shaqeynjiray Hogaamiyasha kooxaha kuna soo bar baaray in wax ladila mooyee ayaan la ogeyn sida ay wax uga qaban karaan wadanka ku jiray 17sano foowda iyo isdil joogta ah ,hadii isdilka bareerka ahna ay sii socotana ay keeni doonta kacdoon dadweyne aad u xoogan iyadoona xiligaan la xasuusan karo dolwadii milatariga aheyd sida foosha xumeyd ay u dhaqmi jirtay 30sano ay dalka heysan jirtay taasoo dadka iska dili jirtay qofkay rabtana xirijirtay iyadoona markii danbe keentay kacdoon dadweyne xoogana halkaana looga taqlusay dowladii milatariga aheyd ee arxanka darneyd.kadibna wadanka uu galay fowda iyo kadar oo dibi dhal.

 

 

Maxamed Nuur Cabdi Dayniile,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this