Sign in to follow this  
General Duke

Bakara Market traders to pay money for Away's war on Sharif...

Recommended Posts

WARARKA CAAWA: Qaar kamida Axsaabta Mucaaradka oo lacag ay ugu magac dareen 'DIIFAACA DIINTA IYO DALKA' ku soo rogey Suuqa bakaaraha, iyo ganacsatada oo aqbashay.

 

(11-05-2009)Saraakii l ka tirsan Axsaabta Mucaaradka oo iyagu inta badan gacanta ku haya magaalada Muqdisho, ayaa Ganacsatada Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha ku wargeliyey iney Ilaahey dartii uga qeyb qaataan la dagaallanka waxa ay ugu yeereen cadowga Ilaah, kuna tabarrucaan dhaqaale lagu difaaco Diinta iyo Dalka.

 

Mid kamida Ganacsatada Suuqa bakaaraha ee la soo gaarsiiyey Ogeysiiskaan oo lagu magacaabo Muxumad Xayle, ayaa Shabakadda Dalkanews.com u sheegay, in ay aqbaleen dalabka Mujaahidiinta oo ay dhaqaalaha la weydiistey bixin doonaan.

 

"Anagu waxaan rabnaa inaan nabad ku ganacsano, khidmo aan ku bixinaa ilaalinta Ammaankeenana waxaan u aragnaa iney haboon tahay" ayuu yiri Xaaji Muxumad Xayle.

 

Muxumad Xayle ayaa ka gaabsaday kuwa ay yihiin Mucaaradka dalabkaan soo gaarsiiyey, isagoo yiri; "nimanka degaankaan lagu yaqaano waaye, laakiin waa kuwaas ku dhihi maa".

 

Ilaha Dhaqaalaha ishii ugu weyneed oo ah Suuqa bakaaraha ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Xisbul Islam iyo Alshabab, halka dowladda ay u hareen Dekedda iyo Airoportiga oo keliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this