Sign in to follow this  
General Duke

Whats wrong with the Speaker- [ A case in Hypocracy]

Recommended Posts

Faallo: Maxaa ka khaldan Guddoomiyaha Baarlamaanka ?

 

Posted to the Web Dec 01, 16:36

 

(Puntlandpost.com) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 15-kii September Afartii galabnimo 2004-tii ku guulaystay Jagada hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya. Shariif Xassan Sh. Aadan ayaa waxaa la tartamayey xubnaha kala ah Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi, Hilowle Imaam Cumar, Cabdi Cabudle Jiniboqor, Xuseen Cismaan Xuseen, Shariif Saalax, Maxamed Cabdi Yuusuf, Xirsi Aadan Rooble Axmed Ibraahim Maxamuud, Shariif Xasan Sh. Aadan, Sh Aadan Madoobe, iyo Allaha u xariistee DR.Cabdala Deerow *****.

 

Nasiib wanaag waxaa wareegii ugu danbeeyey isugu soo haray Guddoomiye shariif xasan iyo Sh. Aadan Madoobe oo kala helay 161 cod halka Sh. Aadan Madoobe uu helay 104 cod.

 

Shariif xasan Sh. Aadan ayaa markii loo doortay jagadaas ku dhawaaqay inuu baarlamaanka Soomaaliyeed ugu shaqaynayo cadaalad iyo kala danbayn , nasiib daro ma dhicin oo waxaa kalfadhiyadii ugu horeeyey hareereyey baarlamaanka Soomaaliya cadaawad iyo dil ka dhex-dhacay xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed, waxaana Soomaali badan qabaan in arrintaas uu sahlay Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhinac gaara la safnaa , waxaana waxyaalaha lagu xasuusan karo kamid ahaa hadala ka soo yeeray Guddoomiya baarlamaanka waqtigaas, mar uu bilowday baarlamaanka dhexdiisa gacan kahadal ayaa Shariif Xasan wuxuu waqtigaa ku dhawaaqay in taageerayaashiisu ay iska dhiciyaan raga ka soo horjeeda waxaana hadalkiisa ka mid ahaa " War raga iska dhiciya " . taas oo tusinaysa shacabka Soomaaliyeed inuu shariif xasan uu ku fadhiyo kursi khalad ah.

 

Guddoomiyaha baarlamaanku dhibaatadii ka dhacday Baarlamaanka dhexdiisa dabadeed wuxuu dabada la galay Magaalada Muqdisho isagoo hogaaminaya qaar kamida baarlamaanka Soomaalida , halka baarlamaanka intiisi kale iyo madaxda dowladu ay fariisin ka dhigteen magaalada Jowhar oo hada gacanta ugu jirta Maxaakiimta Muqdisho.

 

Kala maqnaansho dheer kaddib madaxda qaranka ayaa 5-tii bishii Janaayo 2006-da ay magaalada Cadan ee dalka Yamen ku kala saxiixdeen Madaxwaynaha Somalia C/laahi Yusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan halkaas oo uu ku dhamaaday khilaaf dheer oo socday mudo ku dhowaada 2 sano. Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa soo dhoweeyeen heshiiskan waxaana taageeray heshiiskan Jaamacada Carabta , Ururka midowga Yurub, iyo dowlado badan oo heer caalami ah.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waqtigaa kaddib si aan kala harlahayn u taageeray in dowlada iyo baarlamaankuba ay degaan magaalada Baydhabo , halka Raysal Wasaare Geedi iyo xubno badan oo kamida Baarlamaanka ay aamin sanaayeen in loo kala qaybiyo dowlada Jowhar iyo Baydhabo , Guddoomiyaha baarlamaankuse uu ku adkaystay in Baydhabo ay noqoto goobta Baarlamaanka iyo dowladuba ku negaanayaan inta Muqdisho ay noqonayso goob nabdoon.

 

Arrintaas waxaa soo dhoweeyey mar kale Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba , waxaana dad badan oo u hiloobay dalkooda hooyo ay aamineen inuu dhamaaday khilaafkii dowlada. Waxayna ahayd rajo la sugayey ,mase noqon mid lagu sii negaado. Shariif Xasan sh. aadan intuu ku sugnaa magaalada Baydhabo wuxuu qabtay shaqooyin aad u badan oo Soomaalidu la yaabeen suu halmar usu bedelay Soomaali badan waxay u qaadatay in doonta Guddoomiyuhu ay ku socoto jid wanaagasan.

 

Guddoomiye shariif Hasan iyo qodobadii uu ku ansixiyey Baydhabo.

 

Guddoomiyaha hadaan u soo laabano waqtiyadii la soo dhaafay ee caasimada Nairobi , waxay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ku kala baadeen ama isku laayeen dood u dhaxaysay oo looga doodayey arrimahan:

In Soomaaliya la keeno Ciidamo aan la kala reebin oo ka socda aduunka oo dhan oo ku jiraan wadama deriska

In Soomaaliya la keeno ciidamo aysan ku jirin kuwa safka hore oo ay kamid tahay dalka Itoobiya.

Arrintaas ka doodideeda waxaa ku daatay dhiig , waxaana si aan sharci ahayn uu guddoomiyuhu u taageeray qorshaha danbe ee ah inaan Soomaaliya aan la keenin ciidamo nabad ilaalineed oo ku jiraan kuwa safka hore.

 

Guddoomiye Shariif Xasan waqtigii uu Baydhabo soo gaaray Bilooyin kaddib wuxuu baarlamaanka Soomaaliyeed soo dhex-dhigay Ajedayaashii hore oo baarlamaanka Soomaliyeed ay horay isugu laayeen wuxuuna shaqsi ahaan aad u taageeray in Soomaaliya la keeno ciidamo aan la kala reebin oo ay ku jiraan kuwa safka Hore.

 

 

hadaba Waqtigee ayuu saxnaa Guudoomiyaha baarlamaanka , marka la isu fiiriyo Doodii Nairobi oo uu kaga soo horjeeday in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Safka hore iyo waqtigii uu baydhabo yimi oo uu u ololeynayey in Soomaaliya la keeno Ciidamo aan la kala reebin oo ay ku jiraan kuwa Safka hore .....? :eek:

 

Maxaa ka danbeeyey arrimahaas : Wuxuu ku dhawaaqay Shariif xasan markuu ka degay Muqdisho bishii lasoo dhaafay " Ma dhici karto in dowladda magaalo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah ay ku waardiyeeso dowlad kale". taas oo ula jeeday dowlada itoobiya. Waana mid uu gacantiisa ku saxiixay in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala reebin...... ?

 

Muxuu horay ugu fashilmay Guddoomiyuhu:

 

1. Shariifka waxaa lala socdaa markii ay Dowladdu degtay Jowhar waxa uu fariistay Muqdisho, dabadeedna waxuu ku dooday in dowladdu ay dagto Muqdisho, taasina way suurogeli wayday. Waxaana kaga yimi fashilaado badan. waxayna ka qaadatay sanado badan inuu salka dhigin .

 

2. Guddoomiyahu markii uu soo gaaray Baydhabo wuxuu ansixiyey in Ciidamo Soomaaliya la keeno aan lakala reebin , waxay ku tahay fashilaad maadaama uu Muqdisho arrintaa awgeed khilaafkeeda uu ugu maqnaa mudo ku dhawaada sanad iyo bar.

 

3. Guddoomiyeheenu wuxuu dib ugu laabtay jidkii hore ee Muqdisho iyo sanado kale oo uu ka dhimiyo DFKS , waxayna u egtahay inuu ku fashilmay masraxa siyaasadeed ee uu yeelan karo Guddoomiye Baarlamaan , maadaama uu yahay xubinta ku xigta Madaxweynaha marka la fiiriyo axdi qarameedka Soomaaliya.

 

4.Wuxuu Saxaafada ka sheegay guddoomiyuhu isagoo socdaal ugu jiray dalka Jabuuti in Dowlada itoobiya ay wadanka soomaaliya faraha kala baxdo , waana tii heshiiska ka dhexsamaysay 3-da masuul ee ugu sareeya dowlada, markii ay isku qilaafeen Baydhabo , wuxuuna raali ka ahaa Guddoomiyuha baarlamaanka soo gelidii ciidamada itoobiya bilihii la soo dhaafay , kaddib markii Madaxweyne Yuusuf uu safaro u aaday deegaanada Puntland. arrintaasna waxay ku tahay fashilaad , maadaama ay dikreeto baarlamaan uu ku saxiixay in Ciidamo aan la kala reebin ay Soomaaliya soo galaan.

 

Si kastaba ma sahlana xaaladaha guur-guurka ah ee u dhaxeeyo guddoomiye Shariif Xasan , wuxuuna hada dhumiyey taageero badan oo dhinaca Baarlamaanka ah iyo mida qowmiyada beelaha digil iyo mirifle , waxaana laga wardhoorayaa Asbuucyadan soo socda xaalada mustaqbal ee shariifka. Ma wuxuu ku jiridoonaa jidkii hore iyo sanado ka qasaara DFKS , mise golayaasha dowladu waxay noqonayaan kuwo u hogaansama sharciyada Baarlamaanka , awoodana ka qaada shaqsigii aan u qalmin, mise iyaga naftooda ayaa sidaasba u samaysan oo aan Soomaaliya xal u hayn.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

A lot of emotion and exaggerated hearsay, nothing substance or factual.

 

[Nothing new there, waa waxa lagu bartay dadka qaarkood, twisting the little facts in order to make undeniable unreality into a self-created illusive reality.]

 

hadaba Waqtigee ayuu saxnaa Guudoomiyaha baarlamaanka , marka la isu fiiriyo Doodii Nairobi oo uu kaga soo horjeeday in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Safka hore iyo waqtigii uu baydhabo yimi oo uu u ololeynayey in Soomaaliya la keeno Ciidamo aan la kala reebin oo ay ku jiraan kuwa Safka hore...

From day one, Shariifka was and is against ciidamo Amxaaro/Tigreey and Kenyaati. He, like the sensible majority of Soomaalida, was also cautious about ciidamo shisheeye overall, but not downright against the idea. Is this new to the author of this article? I guess not, so why is s/he twisting the two issues together to mislead the readers?

 

He never one day publically [which the author and I gather information from] u "ololay" ciidamo Amxaaro/Tigreey.

 

A session of baarlamaanka he chaired passed a resolution against ciidamo safka hore ka socdo, mainly Axmaaro/Tigreey in Maarso, 2005, effectively killing once and for all, and supposed to become law. [A lot of time was devoted dagaalka gacan ka hadalka ka dhacay meesha, instead.]

 

That should have been the law.

 

The puppets Geedi and his president, once again, persisted, tabling again another resolution. Shariifka oo daljaceyl iyo daludhalad ka ahayd, instead of another long debate, quarrelling and possible hijacking on the horizon and other shenanigans, allowed the motion to be tabled again. It narrowly passed. Some objected since it was a see-all hand-vote -- and bribery works best when the bribed is seen -- instead of supposed secret one. The one before it as well was hand-vote, however that should have been a secret ballot had not some xildhibaano fillibustered, and when that didn't work, starting and trying to physically obstructing the vote, hence the resulted violence.

 

Since there is no party system, which one must stick, he, like other xildhibaano, has one vote. He has influence by lobbying, which really what it is: That is it.

 

We don't know which side Shariifka voted for, so there is no so-called "hypocricy." Again, since day one he was against Amxaaro/Tigreey troops ever being based on a Soomaali soil.

 

So, since this "motion" was not a repealed law of the former, which law should the barlaamanka make supreme, and which one is lesser? Isn't there a technicality problem on this?

 

Guddoomiyahu markii uu soo gaaray Baydhabo wuxuu ansixiyey in Ciidamo Soomaaliya la keeno aan lakala reebin , waxay ku tahay fashilaad maadaama uu Muqdisho arrintaa awgeed khilaafkeeda uu ugu maqnaa mudo ku dhawaada sanad iyo bar.

First of all, Shariifka went to Xamar in Maajo [May] 2005, for good. He was based there until Febraayo, 2006. My math is terrible, but I am sure the lapsed time between the two dates isn't a "sanad iyo bar."

 

Shariifka, for the sake of Soomaali people, wants to stop whatever it takes dhiiga soo socdo oo ka daadan doono his people, which would make what we had seen the last 16 years a minor play and little preview, unlike other insanely yes-men of Sanaawi u horseedaayo, without a grip of guilt, an avowed historical enemy of Soomaalis to invade Soomaaliya. They obviously preferred the consequence of what was going to happen, only fearful of their masterlord Sanaawi, not the people who they say they lead.

 

Who will this so-called leadership lead if Sanaawi and others ay soo wadaan tirtiraan Soomaali people? Dhagaxyada iyo ciidda iyo geedaha iyo leerta?

 

Unlike the flawed strategy of dependent men of Sanaawi and everything-for-Sanaawi, Shariifka and most sensible Soomaali people know if Amxaaro/Tigreey continue to do what they are doing and a major war breaks out, other countries wouldn't be bystanders. No. Soomaaliya would be a field.

 

Beside the non-Carab Eritareeya, Masar, Liibiya, Suudaan, Yemen, Suuriya and other Carab countries will inevitably arm one side, except Yemen. So will Jabuuti. Uganda, Keenya may do as well for their side. So will the financiers of Sacuudiya, Talyaaniga, Iiraan, So are the so-called international "jihaadists." The former regional war of Zaire [Koongo] would be a kid's play.

 

This is no doomsday scenerio. It is unavoidable reality that will affect the generations to come, if sensible men don't rise.

 

Shariifka and any man with a little Soomaali ku jirto can already see a miniature version of this unfolding disproportionate tragic events of never seen before.

 

If Shariifka did not want dowladdaan inay socoto, he would have stayed his posh house in Xamar and not bother persuading Xaabsade to accept the dowlada to come to Baydhabo. That alone ayee dowlada ku burburi lahayd, Jowhar iyo Xamar la kala fadhiyo, and the rise of wadaada ku sheega would have expedited its fall.

 

Shariifka may or may not have other motives, however what Soomaalis applaud is his tireless effforts of styming any unnecessary bloodshed of our war-weary dad. If anybody is dagaaldoon and nabaddiid, then that person has no base to stand from to offer any credible opinion. His opinion is huu-haa, and nothing else.

 

Little facts should not be twisted and where there is no fact, not created.

 

And what, pray tell, baliiis, exactly is wrong with "Soomaaliya Soomaali baa leh, ciidanka Itoobiya ciideena haka baxo...?"

 

Well, only dad Soomaalinimada iyo daljaceylnimada ku yartahay oo gumeysdoon ah ayaa dhibsado such words.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA

So, since this "motion" was not a repealed law of the former, which law should the barlaamanka make supreme, and which one is lesser? Isn't there a technicality problem on this?

no the is not. for one, there first never become law. if it did, consider it a change or replacement, the later is what the government would go by even if it was passed.

You also say that this big headed bafoon of a lawmaker wants to safe his people from bloodshed. One, I highly doubt that, nothing he has done thus far really pionts toward that direction. more impoartantly, lawmakers are intitled to their opinion and agendas but can not hope to achieve them by obstracting or even worse trying to undermine his government. The job of a parliament speaker, is that of a facilitator, not a lobbyist.

 

Also, I see that deero's last name is been edited. Do you think, if your the one who did it, your going a little overboard with the ban on not using clan names?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let me point out that the article is from Allpuntland.. LOOL..

 

Duke, you are the Hypocrite.. Every one on this site knows that.

 

When The honorable Shariifka made peace with the Ethiopian stooge your uncle Yeey and his Ethiopian masters, he was suddenly a good and honest man in your book. Now when they didn't win in buying the honorable Shariifka like they bought all others in Baidoa, you guys are trying to taint this Great man's Image. Wallahi, we should all pray that we got more men like Shariifka to lead us from this long dark tunnel.

 

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar, replied best to the article you or your cousins in Allpuntland wrote themselves, so thus I will not even waste my time but I will copy and paste my last reply to your nonsense.

 

May be this time you will read it, here it goes.

 

Now, What makes you think that Shariifka was against the TFG. The Shariifka was always against the hidden hand that shapes and controls the TFG, Who ETHIOPIA. SO YOU SEE MY BROTHER Shariifka always stood and still standing strong with god's will for what he believes in and that is a long lasting peace for Somali as a whole and A somali that is fully controlled and run by its own PEOPLE.

 

So please you guys need to stop tainting this man's image for your own sick agenda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Hold your horses child, the article posed some serious questions to to this Sharif Xasan, who yesterday was Qaynyares tool and today IndaCades.

 

He is a spent force, the walls are crumbling around him. Since the international comunity is behind the TFG since he left for Mogadishu.

 

So even arguing about him seems to be a waste.

 

PS: The website is Puntlandpost.. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Also, I see that deero's last name is been edited. Do you think, if your the one who did it, your going a little overboard with the ban on not using clan names?

:D:D:D

 

Paranoid iyo shakiga badan intee kugu dhicin, wax hubso horta, hokey?

 

Marxuum Deeroow, Eebbe ha u naxariistee, magaciis sadexaad is Isaaaq [i added an extra a]. Obviously it is a qabiil name also, which is pre-programmed and recognized by the forum bot. I have nothing to do with it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this