Sign in to follow this  
Suldaanka

VP in ERIGAVO, SILAANYO ADHICADEYE, FAISAL IN BORAMA

Recommended Posts

Murashax Khadar oo u gacan haadinaya Taageerayaashisa Xaafadda Idaacadda.

 

normal_Khdar%20oo%20salaamaya.jpg

[uCID's Hargeisa Candidate Mr. Khadar]

 

Har(HRG)- Shabakada Wararka ee Hargeysa News, ayaa waraysi la yeelatay Murashax Khadar Aadan Xuseen (Ambassador), oo ka mid ah Murashixinta xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa uga sharaxan doorashada Barlamaanka.

 

Murashax, Khadar waxa uu ka waramay halka uu marayo ololihiisa doorashada, aragtidiisa ku waajahan Baarlamaankii hore iyo arrimo kale.

Waraysigaasi waxa uu u dhacay sidan:

 

S. Khadar Ilaa hadda halkee ayuu marayaa ololahaaga doorashadu?

J. Aad ayaad u mahadsantahay, marka labaad ololahayga doorashadu aad ayuu u fiicanyahay waxaanu ilaa hadda u socdaa sidii aan ugu tallo galay. Waxa aan furay Xafiisyo Lixdan kor u dhaafay oo aan ka furay Shanta Degmo ee Magaalada Hargeysa. Maadaama aan ahay Murashax Qaran, waxaan khasab noqotay in dadweynaha Gobolka Hargeysa aan gaadhsiiyo xafiisyadayda. Markaa ololahaygu si fiican ayuu u socdaa.

 

normal_Khadar%20iyo%20xertiisa.jpg

[Khadar and his campaign organisers]

 

S. Khadar marka aad leedahay Waxaan ahay Murashax Qaran Maxaad u jeedaa?

J. Waxaan u jeedaa Murashaxu marka uu damco inuu is sharaxo wuxuu u marayaa murshaxnimadiisa hab Qabiil ama wuxuu u marayaa hab Qaran oo wuxuu noqonayaa mid dadka aamina oo kalsoonida uu dadka ku qabo isku sharaxo Qaranka. Markaas anigu iskumaan sharaxin qabiil ee waxaan isu sharaxay inaan shacbiga aamino oo ay igu qiimeeyaan wax qabadkayga.

 

S.Khadar Waxaad tahay nin Ganacsade ah. Maxaa kugu kelifay inaad Siyaasadda ku biirto?.

 

J.Horta danta gaarka ah iyo danta guud ma kala maarmaan. Waxyaabaha aanu qurbaha ku soo baranay ee aanu ka soo faa’iidnay waxa ka mid ah inaanu qofku qimayn waxa uu gaarka u leeyahay balse uu gacan ka gaysto danta guud. Markaa waxa igu kelifay maadaama arrimahaygii gaarka ahaa aan fuliyay oo ay imika saldhigeen waxa qasab noqotay inaan danta guud gacan ka gaysto aniga oo arkay inay jiraan baahiyo badani.

 

Baarlamaanku waa Hay’adda ugu mihiimsan qaranka markaa waxa loo baahanyahay inay gallaan dad aqoon iyo waayo aragnimo leh oo aan baahnayn, kuwaas wax wadi kara ayaanan isu arkaa.

 

S. Waxaan ku weydiiyay dadka qaar ayaa leh, Khadar arrinkiisu waa ka dheeryahay Xildhibaanimo oo waxa uu Baarlamaanka u galayaa inuu u noqdo Salaan uu ka gallo Siyaasadda sare ee dalka ilaa heer Madaxweyne bal doodaas maxaad ka odhan?

J.Qosol…Niyoow waxa aniga maskaxdayda hadda ku jiraa maaha wax ka baxsan Baarlamaanka, Salaad Walbana wakhtigeeda ayaa la tukudaa, waxaanan leeyahay mid gudo jooga iyo mid dibad joogaba arrinka hadda ina horyaalaa waa sidii aynu u dhisan lahayn Baarlamaan Wanaagsan oo tayo aqooneed iyo khibradba leh. Marka ay taasi dhacdo ayaanu wadanku dhismi karaa, dawladdana waxa lagu qasbi doonaa inay adeegyada bulsho ee umadeenu baahida u qabto gacan ka gaysto.

 

S. Golaha Wakiilada ee hadda Wakhtigoodii dhammaanayo sideed u aragtaa?

J. Runtii anigu waxaan Golahaas hore u arkaa inay wax weyn qabteen dhinacaygana sharaf ayay ka mudanyihiin, waayo wadanka waxay la soo mareen marxalado adag. Qofka Bini-aadamka ahina waa in wixii uu qabtay looga abaal gudaa.

 

Markaas waxaan arkaa inay wax weyn qabteen oo ay ina soo gaadhsiiyeen meel wax laga sii qaadi karo. Waxaan qabaa rag badan oo Golahaas hore ku jiray inaanu Golahan hadda la dooranayaana ka Maarmi Karin. Tusaale ahaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, waxaan qabaa inaanu Golaha dambe sinaba uga maarmi Karin, waana shakhsi sharaf agtayda ka mudan oo dalka wax badan gashaday.

 

normal_Khadar%20iyo%20cirro.jpg

[Mr. Khadar with UCID's deputy chairman Mr. Cirro]

 

S. Maxaad Khadaroow taageerayaashada ugu ballan qaadaysaa?

J.Taageerayaashayda oo ku filiqsan gobolka Hargeysa oo dhan waxaan ugu ballan qaadayaa maadaama aan ahay Murashax qaran inaan marka u horaysa Gaadh ka hayo oo aan ilaaliyo Qaranimada Somaliland, waxaan ugu ballan qaadayaa inaan daacad u noqon doono wadanka oo aan ilaalin doono Cadaaladda. Waxaan u hawlgeli doonaa sidii aan hadba xukuumadda joogta ugu qasbi lahayn inay fuliso baahiyaha bulshada.

 

S. Maxaa Farrin ah ee aad u diraysaa qurbajooga oo aad ka soo jeedo?

J. Horta Waan salaamayaa…Salaanta Islaamka ayaanan ku salaamayaa. Hore ayaan wax u tusay dadka qurbaha ku nool oo aan u sheegay inaan qurbaha la isku iloobin oo wixii la soo kasbaday ee maskax iyo muruq ah wadanka lagula noqdo. Waxaan leeyahay waxa la inaga sugayaa inaynu wadankeena u gurmano oo dadkii way ina sugayaane wixii Maskax iyo muruq aynu hayno aynu dalkeena kula soo laabano.

 

Waxaan leeyahay qurbo jooga isku xidhnaada oo sida aad wadanka ugu shaqaysaana ugu shaqeeye dedaalkana halkaas ka sii wada.

Dhinaca kale sida uu saaka qoray Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa hargeysa Murashax Khadar Aadan Xuseen (Khadar Ambassador) oo ka mid ah Murashixiinta xisbiga UCID doorashada Golaha Wakiilada uga sharaxan gobolka Hargeysa, ayaa shalay Laba Xafiis ka furtay Xaafadda Idaacadda ee Magaalada Hargeysa iyo Tuulada Aw Barkhadle ee duleedka Bari, Magaalada Hargeysa.

 

Xafiiska Xaafadda Idaacadda uu ka furtay Khadar Ambassador, oo markii uu xadhiga ka jaray ay ku sugnaayeen taageerayaal aad u tiro badani, ayaa waxa halkaas loogu qaabilay dareen ay ka muuqatatay qalbi furnaani, iyada oo lagu soo dhaweeyay Heeso iyo Ciyaaro dhaqameed iyo weliba Calamo iyo Boodhadh uu ka lushay Sawirada iyo Astaantiisa gaarka ah oo ah Diig.

 

Murashax Khadar Ambassador, oo dadweynahaas Xaafadda Idaacadda hadal u jeediyay ayaa uga mahadnaqay soo dhawayntooda, “Dadweynaha Xaafadda Idaacadoow waxaan idiinka Mahadnaqayaa soo dhawayntiina aad ii muujiseen…Waad Mahadsantihiin ayaan idin leeyahay, Illaahayna ha idinka Jisaa’I siiyo†ayuu yidhi Murashax Khadar Aadan Xuseen.

Murashaxu, waxa uu dadweynaha u sheegay inuu Magaalada Hargeysa gudaheeda ka furtay Xafiisyo tiradoodu gaadhayso Lixdan Xafiis, “Sababta aan Magaalada oo keliya uga furtay Xafiisyadaas tirada badan waxa weeye waxaan ahay Murashax qaran. Reerkayga dabada maan gelin ee waxaan door biday Qaranimo†ayuu yidhi Khadar Ambassador, waxaanu intaas ku daray, “Dadweynaha Xaafadani waxay iga mudanyihiin Qiimo iyo Qadarin gaar ah waxaanay ka mid tahay Xaafadaha Magaalada Hargeysa ee codkooda aan martida uga ahay. Hala igu qiimeeyo wax qabadka aan Magaalada ku soo kordhiyay.â€

 

Khadar Aadan Xuseen, waxa uu taageerayaasha tirada badan ee halkaas ku soo dhaweeyay uga waramay Ahmiyadda ay doorashada Baarlamaanku dalka u leedahay, waxaanu ugu baaqay inay nabadgelyo ku codeeyaan.

 

Waxa uu Khadar taageerayaashiisa Xaafadda Idaacadda u sharaxay Astaantiisa gaarka ah oo ah Diig, “Astaantaydu waa Diig ee la socda, waxaanan Xaqa ugu Adimi doonaa sida Diigu xaqa ugu Adimo ee uu Salaada Subax inoo toosiyo†ayuu yidhi Khadar Aadan Xuseen.

 

Taageerayaasha Khadar Aadan Xuseen ee Xaafadda Idaacadda oo aad u tiro badnaa waxa ay qaadayeen heeso iyaga oo ku dhawaaqayay halkudhego ay ka mid yihiin Waa Geesigii oon godob lahayn…Waa Geesigii Hargeysa ee Codkiina Siiya iyo Ereyo kale.

 

Waxa kale oo uu Khadar shalay Xadhiga ka jaray Xafiis uu ka furtay Tuulada Aw Barkhadle ee duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa. khadar Ambassadro, waxa ay jidka loo sii maro Aw Barkhadle marka Hargeysa laga tago ku kulmeen Murashax Ambassador Cabdiraxmaan Cirro oo isna ka soo kicitamay Magaalada Berbera.

 

Khadar iyo Cirro

 

Aw Barkhadle ayaa ayaa waxa u soo baxay taageerayaal tiro badan oo sitay Calanka UCID iyo Boodhadh sawirka Murashaxu ku xardhanyahay.

Taageerayaasha Khadar Ambassador ee Tuulada AwBarkhadle, markii Murashaxoodu u dhammeeyay khudbadiisii, waxa ay qabsadeen Ciyaar dhaqameed iyaga oo ku luuqaynayay heeso gaar ah oo ay midhahooda u tiriyeen Murashaxa

 

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo

Share this post


Link to post
Share on other sites

boorame4.jpg

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL oo Maanta ka Hadlay Fagaaraha Khayriyada ee magaalada Boorama

 

 

Hargeysa (Halganews) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo weli ku jira socdaalkiisi uu gobolada dalka Somaliland ugu baxay, isla markaana uu shalay soo gaadhay magaalada Boorama isagoo ka soo kicitimay degmada Saylac. Ayaa maanta fagaaraha khayrida ee magaalada Boorama kala hadlay dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi

 

borame.jpg

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo murashaxinta xisbiga UDUB ayaa hadal uu ka jeediyay fagaaraha oo ay maanta banaan baxa lahaayeen xisbiga UDUB, waxa uu kaga waramay mihiimada doorashada golaha wakiiladu ay u leedahay JSL, iyada oo uu yidhi caalamka oo dhami uu si gaar ah ula socdo doorashada golaha wakiilada dhamaystiraysana geedi socodkii dimuqradiyada Somaliland, iyadoo si nabadgelyo ah ay noogu soo qaybsoomayn ayuu yidhi labadii doorsho ee hore, waxana uu Madaxweyne ku xigeenku ka codsaday dadweynaha magaalada Boorame in ay Nabad gelyada ilaaliyaan si naabdgelyo ahna ay ku codeeyaan.

 

boorame2.jpg

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasin waxa kale oo uu uga waramay dadweynahaasi safar dheer oo uu ku soo maray wadanka oo dhan oo uu ugu dambayntii xeebaha galbeed ee gobolka Awdal ku soo maray, iyada oo horena ilaa gobolka Sanaag oo bariga ugu xiga Somaliland soo maray. Waxana banaan baxaasi ee taageerayasha UDUB ee ka dhacay magaalada Boorame kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka JSL Marwada Madaxweynaha JSL Hudo Barkhad Aadan.

 

Abdifatah Hassan, Hargeisa Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

faras1.jpg

Reer Ceerigaabo,oo Fardo Ku Soo Dhaweeyay Faysal Cali Waraabe Maanta

 

Ceerigaabo(ONN)Inka badan kotomeeyo baabuur ah oo ay sida koronkorta u fuuleen tageerayaasha xisbiga UCID ee magaalada Ceerigaabo oo ay Hor kacaayaa Sagaal Faras oo lagu soo jeeni qaaray Calanka xisbiga UCID ayaa maanta ku soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo Gudmoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo barayahanba socdaalo dhaadheer ku maraayay Gobolada Bari ee dalka.

 

Soo dhaweynta Faysal Cali Waraabe ee magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sagaan ayaa la sheegay in aya tahay tii ugu layaabka badnayd abid ee soomarta magaaladan Ceerigaabo tan iyo intii la galaya ololaha doorashada barlamaanka ,

faras2.jpg

 

Soo dhaweynta Faysal Cali Waraabe ee magaalada ceerigaabo ayaa waxa ay maanta sababtay in la joojiyo dhamaanba Hawlaha ganacsiga iyada oo dadku u soo baxeen soo dhaweeynta gudoomiyaha UCID ,

ceeri4.jpg

Boqolaal Qof oo ruxaaya caleemo qoyan iyo Calanka xisbiga UCID ayaa dhamaanba magaalada sakadeheeda tubnaa iyaga oo ku luuqaynaaya ereyo ay ka mid yihiin " Waa Faysal oo waa uu Foosayaa "

 

Socaal dheer oo lagu gal bixiyaay ka Dib waxa weftiga gudoomiyaha oo aya gaadhigiisa bar bara yaacayaan fardo loo soo agaasimaya si heersaro ah lagu geeyay Beerta weyn ee loo yaqaano BEERTA XORIYADA ee magaalada Ceeri gaabo ,

 

ceeri2.jpg

 

Qud bad dheer oo uu faysal Cali waraabe ka jeediyay beerta xoriyada ee magaalada Ceerigaabo ayaa waxa uu aad ugu dhaliilaya Xisbiga talada Dalka haya ee UDUB iyo xukuumada somaliland ,

 

waxana uu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamaya xisbiga UDUB iyo xukuumada Somaliland ba Mid ku tagri falaysa Hantida dawlada iyada oo u adeegsanaysa buu yidhi Ololaha xisbiga UDUB ,

ceeri7.jpg

 

Waxana uu isaga oo arintaasi ka hadlaaya uu yidhi " Walaalayaal Dawladu waxaay hantidii umada waxa loogu qaban lahaa ayaay u adeegsanaysaa ololaha xisbiga UDUB ee ha moodina lacagta ay qubayso mid meel kale laga keenay , waa tii la yidhi malcaamadaha tamaashiiro ugu iibi waa tii la yidhi wado ugu dhis waa tii la yidhi schoolada kuraas u sii waa tii la yidhi malcaamada jiingado u sii ayay daadinayaa ee walaalayaa lacagta ka gurta oo codka ha siinina

 

" ayuu yidhi faysal Cali Waraabe

 

Waxa kale oo Gudoomiyaha xisbiga UCID kula dar daarmaya umada reer Ceerigaabo In la ilaaliyo amaanka si xasilooni ku jirtana loo dhiibta codka ,

ceeri1.jpg

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlaya Yaasiil Cali Warsame oo ah Mid ka mid ah Musharixiinta Xisbiga UCID ee gobolka sanaag ,

 

Soo dhaweynta Faysal Cali Waraabe ee maanta ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimaya waxana ay boqolaal qof oo ruxaaya caleemo qoyan aya ku dhaawaqaayeen ereyo aya kamid yihiin " Madaxweynaha mustaqbalka "

 

Sidoo kale waxa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng : Faysal Cali Waraabe ilaa iyo shalay uu soo dhaweyn tan oo kale ah kala kulamaayay Deegaanada Gar.adag, Ceelafweyn,Oog,Qoryaale , Iyada oo dhamaanba deegaanadaasi oo dhan lagala horImanaayayCaleemo Qoyan iyo Calanka xisbiga UCID ,

ceeri3.jpg

 

Xisbiga UCID ayaa u muuqada hada in uu yahay Xisbi Awood weyn ku yeelanaaya guud ahaanba gobolada dalka oo dhan ,

 

Guud ahaanba magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxa si weyn uga socda ololaha tartanka doorashada barlamaanka , waxa na magaalada hada ku sugan weftiyo kala gadisan , oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah Golaha wasaarada ee dawlada Somaliland ,

 

Weftigan uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe ayaa la filayaa in uu socdaalkan ku tagi doono deegaano ka tirsan Gobolka sanaag oo ay ka mid yihiin Xiis Iyo Mayd Iyo Deegaanada Xeebtay Gobolkan ,

 

Foosi Saleebaan aw-bindhe

Oodweyne News

Ceerigaabo Sanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this