Sign in to follow this  
Siciid1986

Somaliland Ruling Party Calls For Delay in Election Results

Recommended Posts

The ruling party of Somaliland has asked electoral officials to delay announcing results of Saturday's presidential poll, saying there were "huge irregularities" in the vote.

 

Officials from the UDUB party warned Wednesday that if the election commission announces the results, it could lead to instability that could jeopardize Somaliland's security.

 

The breakaway republic held its first presidential poll in seven years Saturday, more than two years after the term of President Dahir Riyale Kahin expired.

 

The region's electoral commission has yet to release any results. The president's party says the results should be withheld until its complaints are investigated.

 

Earlier, the European Union called for the votes to be counted quickly, and urged all parties to accept the outcome.

 

Somaliland declared its independence from the rest of Somalia in 1991, but is not recognized by the international community.

 

Saturday's poll was a contest between President Riyale and two challengers, Ahmed Mohamed Silanyo and Faisal Ali Warabe. Slightly more than 1 million Somaliland residents were eligible to vote.

 

International observers said the election was mostly free and fair but noted some irregularities, such as underage voting and active campaigning by government workers for President Riyale.

 

A militia killed four people at a polling station near the contested border between Somaliland and Somalia's semi-autonomous Puntland region.

 

http://www1.voanews.com/english/news/africa/Somaliland-Ruling-Party-Calls-For-Delay-in-Election-Resu lts-97498439.html?utm_source=twitterfeed&utm_medium=twitter

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:Weriyihii Aljazeera ee Soomaaliya Mohamed Addow oo xabsiga la dhigay.

Warkii 30-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS

 

Ciidanka CID-da ee Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay weriyihii Al-Jazeera English Channel Mohamed Addow,iyadoo ay ciidankaas oo ah dharcad ay ka soo qabteen hotelka uu deganaa,iyadoo aan la garan karian sababta loo qabtay weriyaha,iyo inay la xidhiidho arimaha doorashada oo uu ka waramay.

 

Mohamed Addow ayaa sida aan wararka ku helayno waxa ay gaadheen degmada Buuhoodle oo ay ka soo duubaan warar ku saabsan jabhada SSC,iyo macluumaad kale oo ku saabsan xaalada goboladaas,markaa waxaa laga yaabaa inay arintaas ay ka mid tahay waxyaabaha lagu xidhay weriyaha.

 

Waxaa sidaas oo kale xabsiga la dhigay Tafatirihii Wergeyska Saxafi,oo faafiyey in guushii doorashadu ay raacday xisbiga Kulmiye,oo uu ka hor dhacay intaan lagu dhawaaqin natiijada kama danbaysta ah.

 

Waxaa sidaas oo kale horay looga masaafuriyey Somaliland laba weriye oo u shaqeynayey Tv-ga Aljazeera qaybteeda carabiga,iyadoo aan la garan waxa lagu eedeeyey.

 

Wararka xadhiga weriyaha oo faahfaahsan ha ka fogaan Afnugaal.com

 

Afnugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland Election Commission has publicly conceded that no election has taken place in Buuhoodle, the capital of Cayn region. So if Addow reported along those lines, he would be just confirming what the Commission said.

 

Mise Udub baa caraysan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Somaliland arrests Al-Jazeera channel correspondent

 

MOGADISHU (Sunatimes), June 30, 2010 - The authorities of the self declared breakaway republic Somaliland in northwest Somalia arrested an international reporter for Al-Jazeera English Channel Mohamed Addow on Monday, reports said on Wednesday.

 

Police wearing in civilian dress from Somaliland intelligence Service raided the hotel where Addow stayed and drove him into the jail without any question.

 

I was only told that I was arrested for a news coverage I made about Lasanod but I dont know what was wrong with story, and I am in this jail for two days. Addow told a local reporter for Waagacusub Media who secretly visited him in the prison.

 

The Al-Jazeer international correspondent has been in Somaliland for the coverage of the elections taking place over there. He is the second journalist put into custody in Hargeysa for the last 48 hours.

 

Some reports say that Ethiopian government involves the arrest of Mohamed Addow using Somaliland as a tool.

 

The arrest of Al-Jazeera's Mohamed Addow by the Somaliland government could draw local and international condemnations.

 

The chairman of Associated Somali Journalists (ASOJ) Dahir Abdulle Alasow has strongly condemned the arrest of the Al-jazeera reporter by the Somaliland administration as acceptable and in violation against the free press.

 

Mr. Alasow also expressed his concern over the detention of Mohamed Rashid Omar, a local reporter for Sahafi newspaper. Omar was detained by the Somaliland police on Tuesday over a news article about an introductory result on the election votes.

 

The decision in which Mohamed Addow and Mohamed Rashid were arrested is a total oppression against the freedom of media and the democratic approach. Said Alasow.

 

He said Somaliland should not try to intimidate the independent media and called on them to immediately release the Al-Jazeera correspondent.

 

Source. Sunatimes

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was only told that I was arrested for a news coverage I made about Lasanod but I dont know what was wrong with story, and I am in this jail for two days. Addow told a local reporter for Waagacusub Media who secretly visited him in the prison.

When did he go to laascanood?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

The guy's a relative of mine. I'm justifiably outraged. Oh well here goes, let the mugging start :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaale the mugger, the sad thing is we let him get away with it for too long.

 

I hate the guy and sadly i'm indirectly close to him through marriage. Absolute disgrace of a man. :mad:

 

I pray for Somaliland this evening.

 

I hope the NEC has the courage and integrity to stand its ground.

 

Udub needs to go PERIOD! :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

June 30, 2010 Xisbiga Udub Oo Diiday Inuu Komishanku Soo Saaro Natiijo Hordhac Isla Markaana Ku Dacwoonaya Inuu Kulmiye Ku Shubtay

 

Hargeysa(Waaheen)- Xisbiga Siyaasiga ah ee Udub ayaa goor dhaweyd soo saaray War-saxaafadeed ay ku sheegeen in Xisbiga Kulmiye ku shubtay Doorasahadii Gobolada Maroodijeex, Togdheer, Sool, Sanaag iyo Hargeysa

 

Waxaanay war-saxaafadeedkaasi ay soo saareen fariin culus ugu direen Komishanka Doorashooyinka oo ay ka dalbadeen inaanay ku dhawaaqin natiijo hordhac ah inta wax laga qabanayo dacwado ay sheegeen inay u gudbiyeen Komishanka

 

 

 

Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax waxa uu u dhignaa sidan:-

 

Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa Dalka ka dhacday, taasoo si Nabad galyo ah inoogu qabsoontay, Illahay baana mahadaa leh iyo Shacbiga Somaliland, waxase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay Ku shubasho caam ah, taas oo ka dhacday Gobolada Maroodijeex Degmadiisa Gabilay, Gobolka Togdheer qaybtiisa Bari iyo Buuhoodle, Sanaag Degmooyinka Ceel Afwayn iyo Gar adag, Gobolka Sool Degmadiisa Caynabo iyo Goobo ka mid ah Degmooyinka Caasimada Hargaysa 26 ka Juun iyo Axmed Dhagax.

 

 

 

Anagoo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan Komishanka Doorashooyinka Qaranka hadaba waxaanu soo jeedinaynaa in sida Xeerku Qeexayo aanay soo saarin Natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraalka ugu gudbinay Komishanka Dorashooyinka Qaranka,

 

 

 

Ugu danbantii waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeedkani yahay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku aanu soo saarin Natiijo hor dhac ah inta khilafkaa laga heshiinayo, taasoo abuuri karta Duruufo siyaasadeed oo hor leh iyo mid Nabadgalyo xumo keeni karta wixii ka yimaadana iyagu Masuul ka yihiiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xibisbiga UDUB Oo Ku Canbareyey KULMIYE ku Shubasho Iyo Digniin Katimi

 

warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa u qornaa sida tan “Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgalyo ah inoogu qabsoontay ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga S/land waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada M.jeex degamadiisa Gabilay gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo buhoodle ,Sanaag dagmooyinka Ceel afweyn iyo Gar’adag gobalka sool degmadiisa caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada hargaysa 26juun iyo Axmed dhagax.

 

Annaga oo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.

 

Hadaba Waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraaka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.

 

 

Ugu danbayntii Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Just like I predicted their might of been peaceful election but the problem was going to be the transfer of power. I was expecting that riyale would rig the votes to be honest not delay the results. Anyways As proven again by the seccessionist democracy is not just about election but also includes the smooth transfer of power which isn't apart of the vocablary of the snm rebels.

 

As for the latest news on the arrest of mohamed adow I have to say "good on the somaliland securiy apparatus" for arresting that jerk who always has bad things to say about puntland whilst praising somaliland on his reporting coverages of that region. A typical disgruntled onlf thug that he is and I agree with somaliland for arresting this no hoper!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

DEG DEG: Xisbiga UDUB oo Qaadacay Doorashadii Ka Dhacday Somaliland, Digniina Soo Saaray

 

 

 

Hargeysa (RBC) Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd si wadajir ah u qabteen xoghayaha guud ee xisbiga UDUB iyo gudoomiyaha ololaha ee xisbigaasi ayey kaga digeen in guddiga doorashadu uu ku dhawaaqo wax natiijo ah.

 

Labadan masuul ee ka tirsan UDUB ayaa si kulul u sheegay inaysan ku qanci doonin natiijada doorashada haddii uu ku dhawaaqo guddigu, ka dib markiii ay ku doodeen in doorashadii Sabtida ee 26-ka June uu ku shubtay xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ah.

 

Jaamac Yaasiin Faarax oo ah xoghayaha guud ee UDUB oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in warqad cabasho ah ay u gudbiyeen masuuliyiinta komishanka doorashada una sheegeen in afar gobol oo ka mid ah lixda gobol ee Somaliland lagu shubtay. Waxayna goboladaasi ku sheegeen Hargeysa, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

 

“Waxaan si cad u sheegeynaa inaan ku qanci doonin natiijada doorashada haddii aan cabashadeena wax laga qabanin, Waxaana ka digeynaa in komishanku uu ku dhawaaqo natiijo”, ayuu yiri Jaamac Yaasiin.

 

Cismaan C/laahi Cigaal oo loo yaqaano (Cismaan Hindi) oo ah gudoomiyihii xisbiga UDUB u qaabilsanaa ololaha doorashada oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ee ay ku qabteen Hargeysa ayaa sidoo kale ku tilmaamay nasiib darro in guddigu doorashadu aysan cadaalad sameyn, wuxuuna eedeyn u soo jeediyey Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inuu doorashada ku shubtay.

 

Warar madax banaan oo RBC ay heshey ayaa sheegaya in afarta gobol ee ay sheegeen saraakiisha UDUB uu ku horeeyo xisbiga Kulmiye.

 

Masuuliyiinta guddiga doorashada ayaan weli ka hadlin dhawaaqa ka soo yeeray UDUB, kaasoo shaki galin kara doorashada isla markaana keeni karta in madaxweyne Daahir Rayaale uu ku gacan seyro doorashada qaabka ay u dhacday.

 

Warar maanta ay faafisay RBC ayaa sheegaya in xisbiga Kulmiye uu hogaaminayo doorashada ka dhacday Somaliland maalintii Sabtida, taasoo muujineysa in Kulmiye uu la wareegayo talada Somaliland.

 

Si kastaba waxaa laga war sugayaa jawaabta komishanku ka bixiyo dhawaaqa dareenka leh ee ka soo yeeray saraakiisha UDUB oo haatan muujiyey shaki ay ka qabaan halka ay xaajadu u socoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

 

 

saraarnews.com

 

 

 

 

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalo madaxda Borama ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in gobolka ay soo galeen ciidamada itoobiya ee asalkoogu somalida yihiin ee Rayaale ay isku beesha yihiin, kuwaasoo sita dhar sibil ah. waxa goobaha magaalada qaarkood gaafwareegaya dad an la garanayn oo wajigooda an hore loo arag kuwaas oo ku jeeniqaaran qoryaha loo yaqaan AK47 ka iyadoo bilayska oo u badan beesha Rayaale aanay wax shidoo ah ku hayn in dadkan wax ka qabtaan. sida wararku sheegayaan waxa gobolka ka jirta cabsi aad u farobadan oo soo wajahday dadka muwaadiniinta ah iyadoo aad looga cabsi qabo in taladu faraha ka baxdo oo la isku baxsado, siiba, haddii lagu dhawaaqo natiijada doorashada oo la filayo in Rayaale lagaga guuulaysan doono.

 

Gudoomiyaha komishanka qaranka Ciise maxamd Yusuf oo caawa telefishanka TV cable ka hadlay ayaa sheegay in sanaaduuqdii codbixinta ee gobolada dalku ay soo wada gaadheen dhammaad xarunta Komishamku u ku leeyahay caasimadda dalka ee Hargeysa, waxan ka ahayn sanaaduuqdii gobolka Awdal oo weli iyagu maqan. iloxogogaal ah oo an weydiinay maanta sababta keentay inay sanaaduuqdii gobolka Awdal dib ugu dhacaan ayaa waxay noo sheegeen in raxan wasiirro ah oo ka soo jeeda xisbiga UDUB iyo maamulka gobolka Awdal ay cadaadis farabadan ku hayaan komishanka gobolka tiradana ay ka cagojiidayaan si ay ugu gurtaan tirada lagaga horreeyo xisbigooga ee gobolada kale dalka si Rayaale markaa aw ugu soo baxo doorashada dalka.

 

dhinaca kale waxa jira inay goojoogoyaasha xisbiyada mucaaridku iyaguan dhankooga ay ku mitidayaan oo ku shubasho labaad inay dhacdo ay ka soo horjeeda iyagoo ku xoonsan halka ay taallo sanadiiqdu iyo meelaha kale ee ku dhaw.

 

arrrintu si kastaba ha ahaatee, aad baa looga dayrinayaa xaaladda ammaan ee gobolka Awdal taagan maanta waxana dadka waayeelka ahi ku waaninayaan siiba dhalinyarada col moogga ah ee dhalatay dagaaladii sokeeye gadaashood, kuwaasoo ah kuwa ugu sii daran.

 

Gebogabadii ilaahay kama dhigee xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka iyo dalkaba waxa xilkeega dhabarka u ridan doona horreyso iyo danbeysaba Daahir Rayaale oo danahiisa gaarka ah iyo jacaylka kursiga aw u qabo dadka walaalaha ah ee reer somaliland raba inu isku diro, dhiigoogana dhulka ku daadsho, sumacadda wanaagsan iyo karaamada iyo qaranimada somalilandna dhulka u la dhaco, isagoon wax faa’iido ah horena an u keenin haddana an laga filayn in faaiido ka keeno xitaa haddii la doorto inta madaxii saan leeyahay.

 

Cabdillaahi Iimaan

 

Comments

 

admin Said in June 30th, 2010 @8:13 pm

 

Anagoo ah Maamulka , weriyayaasha iyo Tafatirka shabakada caalamiga ah ee saraarnews waxaanu hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa Madaxweynaha La doortay ee Somaliland Mujaahid Ahmed Mohamed Siilaanyo, Waxaanu ugu baaqaynaa Asxaabta siyaasiga ah ee kale iyo dhamaan shacbiga somaliland inay sidaas oo kale ugu hambalyeeyaan.

 

Mujaahidka oo ah nin kartideedii, hogaaminteedii iyo aqoonteediiba leh, waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu u fududeeyo xilkaas balaadhan ee dusha ka fuulay.

 

Waa maalin aad ugu weyn.

 

Maamulka shabakada

mygif

 

k Said in June 30th, 2010 @8:21 pm

 

Hambalyo Madexweyne Siilaanyo!!! Anigo oo taageera Xisbiga Mucaaridka ee UCID.

mygif

 

mahamed ali hasan ade Said in June 30th, 2010 @8:23 pm

 

hambalyo aad u balaadhan waxaan u dirayaa madaxwaynaha cusub ee s/land

waxaan leeyahay ilahay ha kula garab galo mujaahid oo ha kuu fududeeyo xilkaa aadka u wayn ee aad qaaday kollay waxaad tahay nin kartiyed aaamiin

wabilahi tawfiiiiiiiiiq

mygif

 

mahamed ali hasan ade Said in June 30th, 2010 @8:37 pm

 

hambalyo hambalyo hambalyo madax waynaha cusub mujj´axmed maxaed maxmud (siilaanyo) ilahay ha ku fududeeyo hana kula garabqabto aamiiiiiiiinn

mygif

 

sacad ciise cumar Said in June 30th, 2010 @8:40 pm

 

madaxweynaha cusub waxaan leeyahay hanbalyo muj axmed siilaanyo

mudo badana waan la rajeynaayey in uu mar uun hogaanka wadanka qabto waayo waa ruug cadaa dhaale yahan ah,, muj xaaji axmed siilaanyo

 

by sacad ciise

mygif

 

abdi rashid Said in June 30th, 2010 @8:45 pm

 

Nuff luv my nigga

mygif

 

Abdirahman Jama Said in June 30th, 2010 @8:53 pm

 

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hanbalyaynayaa madaxweynaha yaga cusub Mud: Axmed Maxamed Maxamuud (Sii-laanyo) Waxaanan leeyahay alla ha kuu fududeeyo hana kugu garabgalo hawsha culus ee aad qaaday. Mudane Madaxweyne kusoo dhawow gacmo furan.

mygif

 

cabdi saleebaan caalin Said in June 30th, 2010 @8:58 pm

 

hambalyo,hambalyo

waxaanu halkan uga tahniyadaynayaa madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliland ee ku guulaystey doorashadii ka dahacday 26juun 2010 waddanka s/land madxweyne mujaahid AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) .waxaan leeyahay madaxweyne hambalyo ilaahayna waxaan kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilka weyn ee ummaddan aad u qaaday

aamiin aamiin hambalyo hambalyo

mygif

 

foosi ali .d Said in June 30th, 2010 @9:20 pm

 

anigoo ah muwaadin reer somaliland ah ahna qurbajoogta sland waxan halkan habalyo aan la soo koobi karin u dirayaa madax wayanaha mustaqbalka sland mud. AXMED MAXAMED MAXAUUD SIILAANYO. waxan leeyahay hablyo hablyo ilaahay ha kula garb galo waxad tahay muwaadin taariikh mudan ku guulayso xilkaaga AAAAMIIN aamiin

mygif

 

Haybe Abyan Mohamed Said in June 30th, 2010 @9:23 pm

 

Waxaan halkan hambalyo aan lasoo koobi karin udirayaa madaxweynaha cusub ee ku guulaystey doorashadii soomaliland kadhacday 26ka juun mudane Axmed maxamed Siilaanyo.Ilaahayna waxaanu uga baryeynaa in ilaahaay ufududeeyo xilka culus ee ummaddu udooratey.

Aammiin- Aammiin-Aammiin

mygif

 

 

Ahmed khaliif Said in June 30th, 2010 @9:33 pm

 

waxan halkan hambalyo uga gudbinayaa guud ahaan shacabka reer somaliland sida wadaniyada leh ee ay isbedel dalka kadhaca usuurtogaliyeen sidoo kale waxan hambalyaynayaa madaxweynaha cusub ee lafilayo in xilka qaranka loo dhaariyo waa mujaahid siilaanyo,e waxaanan leeyahay madaxweyne waxay shacabkii kuduurtay kaasugayaan dhisme dawlad kooban oo tayo leh, hurusocod,cadaalad,siyaasad hufan oo arrimaha dibada ah si aynu ugaadhno aqoonsi

mygif

 

 

saciid xirsi qalinle Said in June 30th, 2010 @9:37 pm

 

allaa mahad leh igu simay shacbiga somaliland oo gartay dantooda iyo ta dalka gudayna abaalkii iyo xaqii uuku lahaa mujaahid madaxwayne ;axmed maxamed maxamuud [siilaanyo] waanan hambalyaynayaa madaxwaynaha xaqa ah eesomaliland mudane siilaanyo iyo xisbiga kulmiye iyo intee u codaysayba xilkana alla ha kugu garabgalo AAMIIN AAMIIN AAMIIN

mygif

 

 

saciid xirsi qalinle Said in June 30th, 2010 @9:38 pm

 

allaa mahad leh igu simay shacbiga somaliland oo gartay dantooda iyo ta dalka gudayna abaalkii iyo xaqii uuku lahaa mujaahid madaxwayne ;axmed maxamed maxamuud [siilaanyo] waanan hambalyaynayaa madaxwaynaha xaqa ah eesomaliland mudane siilaanyo iyo xisbiga kulmiye iyo intee u codaysayba xilkana alla ha kugu garabgalo AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAAAAAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIIN

mygif

maxamed amiin saciid xirsi qalinle [gabiley c/ladiif maxmud herzi hanad sahal hibo c/qaadir [gabiley Said in June 30th, 2010 @9:47 pm

 

hambalyo madaxwaynaha somaliland siilaanyo xilka alla ha kugu garab galo AAMIIN AAMIIN AAAAAAAAAAAAAAMIIIIIIN

mygif

 

 

adam indho Said in June 30th, 2010 @9:49 pm

 

waxaan halkan hambalyo balaadhan uga dirayaa madxawaynaha somaliland mr ahmed mahamed silaanyo oo si qurux badan ugu guulaystahy dorashadii adaxtinimada ee somaliland waxaan urkaa inay tahy isbedel dhab ah oo ay sameeyeen shacabka somaliland ee yaku gacmahood ugu codeeyhay silaanyo inshalaahu waxaan u rajaynyaa somaliland odhanba guul barwaaqo bashbash iyo waliba ictiraac dagdag ah hambalyo mujahid siilanyo kkkkkkkkk

mygif

 

 

saeed hirsi kalinle Said in June 30th, 2010 @9:53 pm

 

aniga oo ah qurbajooga ree somaliland U.K kanasoo jeeda gobalka GABILEY waxaan hambalyo kal iyo laab ah udirayaa madax waynaha somaliland mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO XILKANA ALLA HA KUU FUDUDEEYO AAMIIN

mygif

 

 

Ismaaciil Said in June 30th, 2010 @10:02 pm

 

Congrads to president-elect Siilaanyo. We expect you to end the corruption that plagued the old regime.

mygif

 

 

ismaciim maxamedcali ismcil gucure Said in June 30th, 2010 @10:05 pm

 

waxan hanblyo iyo bogadin udiraya umada soomali land oomant naga hiilisay nago uduba dooratayn kulmiye waxan leeyahay wad kumahadsan tihiin waxan hadana hanbalyo udiraya mujahid siilanyo waxn leeyahay anagu wanu kuguuldarysanay hogan kii umadee yanu beenoobin isbedelkad dadk ugubaqday allahn hakugu garab galo mujahid waa ismaciilgucure ooqaahirajoga

mygif

 

 

abdi jama hirsi (abdi bide) Said in June 30th, 2010 @10:07 pm

 

Abdi Jama Hirsi( abdi bidde)

 

Anigoo ah magaca kor ku xusan kuna hadlayaa magaca jahliyada Somaliland ee wadan ka NEDERLAND waxaan halkan hanbalyo uga diryaaa ugu horayn shacab waynahaa reer Somlailand oo amaan iyo han balyo mudan, gu taynaa waajib ay leeyihiin iyo ku kumishinka doorashooyinka somaliland oo si aan la filayn u gutay howshoo dii oo qaf kastoo reer somali land ay noqotay wax uu ku farxo .

Iyo taliyahaa ciidan ka qaran J>S>L , janaral :nuux taani oo si xil kasnimahaa ula shaqeeyey kumishan ka .

madax waynaha si gaar ah baaan u salaamayaa waxaana leeyahay ,

waxaad qaaday xil aaad u culus oo waxaa la yidhi nin xil qaaday eeed qaad ee marka horee alle ha kula garab galo howshaaas adigunaa noqo oo ha lagaaa arkoo wixiii laguu doortay iyo balan qaaad kii aaad u balan qaaday bushawaynta reer somaliland waxaana ku soo gababa gabaynayaa mudane madax wayne siilaanyo waxaad tahay kiii ay bulsha wayntu u baahnayd eee waad garan waxaa kula gud boon .

shacab kana waxaan leeyahay cod kii na ilahay ha ka dhigoo kii aaad kunasataan howshunaa ma dhamaan eee waxaa laydiinka baahan yahay wali in aad la shaqaysaan dowlada cusub wcs wr wbr

mygif

 

 

azhari Said in June 30th, 2010 @10:08 pm

 

anigoo ah arday ka mida ardayda reersomaliland una dhashay gobolka togdheer waxna ka barta wadanka masar gaar ahaan al azhar univesaty waxan hanbalyo hawada usoomarinayadad waynaha rer somaliland gaar ahan ta geerayaasha sharafta leh eesoo saaray xis bigooda kul miye waxan leeyahay ee ah xis biga qudha ee haruumar gaadh siinaya wadanka waxan leeyahaay madaxwayne waan kugu han waynahay ilahay ku ha nuuni haybadaad ku waar hanbalyo hanbalyo hanbalyo shacabka rer somaliland waxan leeyahaya hadaad cagta sarteen wadadii sax da ahayade ku haya intaan idinku imanayno inshalaah ilahayn xis bigeena ha ka dhigo kii wadanka gaadh siiya aduunyada ita haruumar gaadhay inshalaah aamiin

mygif

 

 

jaamac farro Said in June 30th, 2010 @10:32 pm

 

anigoo ah jaamac farro waxan halkan hambalyo kal iyo laab ah uga dirayaa madaxweynaha cusub ee soamliland kuna Guuleystay doorashadii dalka ka qabsoontay 26 june alxaaji muj md AXMED MAXAMED MAXAMUD SIILAANYO

waxan lee yahay mudane madaxweyne ilaahay ha kuu fuduudeeyo xilka culis ee shacabweynaha somaliland kuu doortay,bulshaduna waxay kaa sugaysaa wixii aad u balan qaadey iyo dawlad tayo leh oo tiro yar iyo cadaalada,iyo sinaan,iyo wax qabad dhab ah iyo inaad shaqo u abuurto dhalinta bilaa camalku daashaday

mar 2 aad waxan leeyahay HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO MADAXWEYNE

SIILAANYO IYO DHAMAAN BULSHADA SOMALILANG GAAR AHAAN INTA U CODEYSA MUJAAHIDAK AMA XISBIGA KULMIYE

mygif

 

 

ahmed xiis iyo cabdirashiid siciid cali naasir Said in June 30th, 2010 @10:36 pm

 

hadaanu nahay taagarayaasha xisbiga kulmiye iyo jaaliyada somalilandf ee seattl washinton waxsaanu halkan ka hanbalyaaynaynaa maxadwayhana cusub ahmed mahamed mahamuud siiraayo iyo ku xigeeenkiisa saylici guusha balaashan eee ay ka gaadheen tartankii cadaalada ku dhamaatay ee doorashada somaliland

 

guuuuuuuul guuuul guuuuuuuuuuul

mygif

 

 

khadar Barre,jaamac shabeel,siciid axmed guun Said in June 30th, 2010 @10:41 pm

 

waxaan hambalyo leenahay hadaanu nahay taageerayaasha kulmiye ee seattle,whashington silaanyo,iyo saylici iyo shacabka somaliland guusha u soo hoyatay.

guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

mygif

 

 

yaasiin olol Said in June 30th, 2010 @11:10 pm

 

waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin uga dirayaa mujaahid madaxwaynaha cusub ee somaliland mudane ahmed maxamed maxamuud siilaanyo oo noqday madaxwaynihii afraad ee la soo doortay ee soo mara somaliland

waxaan leenahay ilaahay ha kuu fududeeyo xilka laguu doortay ee culus madaxwayne,,,,,,, aamiin aaminn amiin amiin

mygif

 

 

Fardus Yasiin xaji Cali Said in June 30th, 2010 @11:11 pm

 

waxaan hanmlayo uu dirya dhamaan taageeryaash xisbig qarank ee kulmiye iyo dhamaan umad somailnd oo dhan meel kasta aay joogan baa. guuul iyo gobnimo

London

mygif

 

 

cabdiraxmaan faarax cabdi Said in June 30th, 2010 @11:25 pm

 

waxaan halkan hambalyo kal iyo laaba uga dirayaa muj madaxwayne axmed maxamed maxmuud silaanyo iyo ku xigeenkiisa cabdi raxmaan saylici iyo tageerayaasha xisbiga kulmiye meel kasta oo ay joogaanba waxaanan lee yahay waa guul u soo haoyatay tageerayasha xisbiga kulmiye iyo guud ahaanab shacabka somaaliland madax waynahana waxaan leeyahay ilaahay ha kuu fududeeyo oo ha kugu garba galo xilkaa culus ee laguu igmaday aamiin aamiin wa billaahi tawfiiq

mygif

 

 

jamaal Said in July 1st, 2010 @12:22 am

 

waxan halkan ka hanbalyanay mujaahid al xaag axmed maxamuud silanyo madax waynaha jamuriyada somaliland waxan lee yahay cimriga hajiro oo nolow waliga waxanan rajaynay sidi loga bartay inu wadanka hormar gadhsiyo mujahid axmed wadanka waxa u baryay waa cusub mar hadi uu gulayasta kulmiye hambalyo hambalyo

mygif

 

 

sadaad sicid xasan Said in July 1st, 2010 @1:29 am

 

eswidan waxan salamaya marka hore saraarnews inta kabacdi waxan ugudbaya habalyada madaxwayina cusub iyo habalyo bogadin wayin banleyay axmad silanyo kusodhawowu wad usamirtay wadanke habalyo hanbalyo inta hadan kagagudbo habalyada waxad ogtin manta wadanku axmad mamulayo ama lagu warejinayo iyo hawula uyala isaguna ugaranaya inana waxba inagama qarsona wayo wa wadan qasnadi laga faruqsaday waxase utala hawul adag waxanay ubahantay gesinimo iyo dhabar adayig

mygif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ethiopia oo Ciidamo soo Dhoobtay Hargeysa Hareeraheeda

 

Wararka laga helayo Wasaaradda gaashaandhiga Ethiopia ayaa sheegaya in Ciidamadda Ethiopia ay gudaha u gelayaan Somaliland hadii doorashada uu ku guuleeysto Xisbiga Kulmiye.

Guutooyin ka tirsan Ciidamadda Melleteriga Ethiopia ayaa la geeyay xaduudaha u dhexeeya Maamulka Waqooyi galbeed iyo Ethiopia gaar ahaan gobolada Awdal iyo Waqooyi Galbeed.

Warar kalena waxay sheegayaan in Sirdoonka Ethiopia ay heleen xog muhiima oo ku saleeysan natiijada doorashadda maamulka Hargeysa iyo qorshe ay damacsan yihiin hogaamiyeyaasha sare ee Xisbiga Kulmiye.

Lama ogga sababaha ay Xukumadda Melles Zenawi Ciidanka Melleteriga dalkeeda heegan uga gelisay hasse yeeshee warar laga helayo ila wareedyo muhiima ayaa tibaaxay inay walaac iyo cabsi ka qabto hadii doorashada uu ku guuleeysto Xisbiga Kulmiye oo madaxda ugu sareeyso lala xiriirsho kuwa ku xiran Xisbul Islam iyo Al Shabaab.

Ethiopia iyo Jibouti waxaa wajahi doonto xaalado adag oo ka duwan tan ay heystaan ee dhinaca nabadgelyada hadii hogaanka Hargeysa uu ku soo baxo Ahmed Siilaanyo,oo ah nin ka mida jabhadii SNM.

Saraakiil hordhac ah oo ka tirsan Ciidmaada Ethiopia ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa waxaana haatan degan xarunta miiska saraakiisha ee xaafada shacabka Hargeysa ciidamo gaaraya 80 askar oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran kuwaas oo lagu sheegay ujeedadooda in ay talaba deg deg ah qaadayaan haddii xaaladu is bedesho maadama ay Ethiopia ku leedahay Hargeysa Xafiis danaheeda ka shaqeeya, isla markaana ay shaqaalo badan ka joogaan magaalada.

Xisbiga Siilaanyo ee magacoodii Kulmiye lagu bedelay maalmahaan Xisbiga Mucaaradka Dahabshiil .hadii ay doorashada ku soo baxaan waxaa malagood galay Xisbiga Udub ee Dahir Reyaale Kaahin,waxaana la xaqiijiyay inay sameeysteen liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad ay xabsiga u taxaabi doonaan marka ay talada dalka kala wareegaan Udub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by 'Liibaan':

Ethiopia oo Ciidamo soo Dhoobtay Hargeysa Hareeraheeda

 

Wararka laga helayo Wasaaradda gaashaandhiga Ethiopia ayaa sheegaya in Ciidamadda Ethiopia ay gudaha u gelayaan Somaliland hadii doorashada uu ku guuleeysto Xisbiga Kulmiye.

Guutooyin ka tirsan Ciidamadda Melleteriga Ethiopia ayaa la geeyay xaduudaha u dhexeeya Maamulka Waqooyi galbeed iyo Ethiopia gaar ahaan gobolada Awdal iyo Waqooyi Galbeed.

Warar kalena waxay sheegayaan in Sirdoonka Ethiopia ay heleen xog muhiima oo ku saleeysan natiijada doorashadda maamulka Hargeysa iyo qorshe ay damacsan yihiin hogaamiyeyaasha sare ee Xisbiga Kulmiye.

Lama ogga sababaha ay Xukumadda Melles Zenawi Ciidanka Melleteriga dalkeeda heegan uga gelisay hasse yeeshee warar laga helayo ila wareedyo muhiima ayaa tibaaxay inay walaac iyo cabsi ka qabto hadii doorashada uu ku guuleeysto Xisbiga Kulmiye oo madaxda ugu sareeyso lala xiriirsho kuwa ku xiran Xisbul Islam iyo Al Shabaab.

Ethiopia iyo Jibouti waxaa wajahi doonto xaalado adag oo ka duwan tan ay heystaan ee dhinaca nabadgelyada hadii hogaanka Hargeysa uu ku soo baxo Ahmed Siilaanyo,oo ah nin ka mida jabhadii SNM.

Saraakiil hordhac ah oo ka tirsan Ciidmaada Ethiopia ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa waxaana haatan degan xarunta miiska saraakiisha ee xaafada shacabka Hargeysa ciidamo gaaraya 80 askar oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran kuwaas oo lagu sheegay ujeedadooda in ay talaba deg deg ah qaadayaan haddii xaaladu is bedesho maadama ay Ethiopia ku leedahay Hargeysa Xafiis danaheeda ka shaqeeya, isla markaana ay shaqaalo badan ka joogaan magaalada.

Xisbiga Siilaanyo ee magacoodii Kulmiye lagu bedelay maalmahaan Xisbiga Mucaaradka Dahabshiil .hadii ay doorashada ku soo baxaan waxaa malagood galay Xisbiga Udub ee Dahir Reyaale Kaahin,waxaana la xaqiijiyay inay sameeysteen liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad ay xabsiga u taxaabi doonaan marka ay talada dalka kala wareegaan Udub.

:D:D:D

 

Some people are having jitters before Halyey Silaanyo is officially elected. Damn caadi mahan! :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this