Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale leaves Saakow.

Recommended Posts

Gabbal   

Col. Barre Hiiraale oo iskaga baxay degmada Saakow

Arbaco, October 25, 2006

 

APL

 

Baardheere(AllPuntland): Wararka caawa shabakadda AllPuntland ka helayso magaalada Baardheere ayaa sheegaya in ay magaaladaasi ku fool leeyihiin wasiirka gaashaandhiga DFKMG ah ee Soomaaliya Md. Barre Aaden Shire ( Hiire) iyo ciidamadiisa oo si lama filaan ah maanta galinkii danbe iskaga soo baxay degmada Saakow oo ay ku sugnaayeen labaddii maalmood ee u danbeeyey, ka dib markii ay dagaalo khasaare badan gaystay kula galeen agagaarka Bu'aale ciidamada Maxkamada Muqdisho.

 

Wasiirka difaaca DKMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamadiisa ayaa wariyaha Radio Daljir ee magaalada Baardheere ku waramayaa in aan wali la garanayn sababta dhabta ah ee uu wasiirku uuga baxay Saakow, balse warar aan wali xaqiijin ayaa sheegaya in wasiirku halkaasi iskaga baxay ka dib markii uu ka war helay in ciidamada Maxamkadaha Muqdisho weerar ku yihiin deegaankaasi.

 

Wariyuhu wuxuu intaas ku darayaa in degmada Baardheere caawa si weyn looga dareemayo hadal haynta ka soo bixitaanka wasiirka iyo ciidamadiisa ee deegaanka Saakoow, taasoo dhacdo lama filaan ah ku noqotay shacabka ku dhaqan magaalada Baardheere.

 

Degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ayaa 80 KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada Baardheere oo wasiirka iyo ciidamadiisa caawa la filayo in ay gaaraan.

 

Maahan markii ugu horaysay oo wasiirka gaashaan DKMG ah ee Soomaaliya uu iska baneeyo meel uu haysto ayadoon wax dagaal ah dhicin, balse wuxuu horaantii bishii hore iskaga baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka dib markii ay culays ciidan oo xoogan kordhoobeen Maxkamadaha Muqdisho.

 

Wixii warar ah ee ka soo cusboonaado Wasiirka iyo ka bixitaankiisa Saakow kala soco AllPuntland

 

 

AAA Gentleman

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caawa ayaan la hadlay Baardheere, waxaan kaloo la hadlay rag Barre la hadlay. Sababta ugu weyn ee u isaga soo baxay waxaa weeye ayadoo

 

- Beeshiisa aay aad ugu kala qaybsan yihiin arrinkan & dadka dhinca kale ku dagaalamay aay ka ka mid ahaayeen dad ka soo jeeda Gedo iyo weliba ayagoo qaara beeshiisa ahi ku weerareen dhabarjabis ahaan dhowr jeer ayagoo ka soo baxay dhanka Gedo.

 

- Dhinaca dowlada oo iyana iska aamustay oo xaggeedana waxba ka soconin iyo

 

- Maxkamadihii oo culeyska ka soo qaaday dhankas & Baydhabo & gurmad xoogleh oo Muqdisho ka soo socda ayagoo ku soo aaadan dhankaa & Barre

 

 

Markaa sidii la yiri wuu ku qasbanaaday inuu tashto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Can we count Allamagan on the courts side then :D ? It would be great to have you in our column bro.

 

Adeer cabdulle aka the old man is sending delegation to khartoum conference to talk to the courts and seek some type of political settelments with them. My feeds tell me. Ayyaamahaan Gerenel Duke waa xanaaqsanyahay marka don't ask him confirmation of this! So i think Barre will go to Baydhabo to assume his ministerial function. That's better, i say. Actually a lot better than fighting a war he's destined to loose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Xiinoow, count me not until these court irregularities are still in the picture. I am not either with Baidao team though. They maxkamadaha need to sit down and review the situation, rectify their mistakes and listen to the people they are invading to.

 

With that current attitude, I have difficult to jump up into their wagon again. I see khaladaad, I see dishonest I see fudeed i see no strategy :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by HornAfrique:

Md. Barre Aaden Shire ( Hiire) iyo ciidamadiisa oo si lama filaan ah maanta galinkii danbe iskaga soo baxay degmada Saakow oo ay ku sugnaayeen labaddii maalmood ee u danbeeyey, ka dib markii ay dagaalo khasaare badan gaystay kula galeen agagaarka Bu'aale ciidamada Maxkamada Muqdisho.

There you have it, now can we agree upon that he did get his butt kicked?

 

p.s. Alamagon, here I am again,proove that I won't stay away from the Southern political theatre,hence Xiin is in it too, he is from my area I believe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Red Sea adaan ogaynee dalka dalkaadi waaye adiga ayaa iska dhiga ajnabi :D

 

Tan kale sidaas gaariga maxkamadaha dhinac uga saarnow. Markii Waqooyi la soo qaadana isaga deg inta kale ee uu koonfurta ka dhexshaqeenayo sidaa sidii lulumadii isaga dhex jir :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^I will Insha Allah.the ride is bumpy here in the South,I am paving the roads in Hargeysa,so it will go smoothly--shame you couldn't do that in Kismayo and others had to do for you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Allamagan, my sources told me the rain was too much. After the TFG backed down from Buur-hakabo, culays baa Barre kasoo fuulay dhinaca Xamar. He cannot contend with fighting them in the midst of a rainy season and risk what happened to him before; his cars getting stuck in the mud.

 

Uncomfirmed reports are saying Ayro has been killed and Goobaale is severely wounded and is in Mogadishu at the moment. What have you heard?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ Horn, you right brother, the main problem was the muddy and rainy ground out there. I have some classified news that I wont share it here :D

 

I still cant PM you. dunno why!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sheekadu waxey noqotey ku tiri kuteen hadda, poropogaando ayaaba la qaataa wallaahi, laakin qaala wa qiila qoortey qalloocisaa.

 

 

PS: marka gabogabo waxaan leenahay miyaa Barre roobkii baa ka adkaadey ee ciidamadii Maxaakimta kama adkaanin, waaba arrin lala yaabo oo roobkii baa ka eexday Barre una hiiliyey Maxaakimta, qiso cajjiiba waaye!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

waaba arrin lala yaabo oo roobkii baa ka
eexday
Barre una
hiiliyey
Maxaakimta, qiso cajjiiba waaye!

Widayo roob ma laysku ogeyn..waa qiyamten odeyga.

Xaajiga lafa xanun uu qaba..qabowga iyo roobka waa dhiban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Allamagan:

Alla maxaa dad badan wadnuhu istaagi lahaa Barre oo ku soo noqda Kismaayo.

Mugo asagele ha ka nixiin. Ha ku oraan ku noqo Kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this