Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidamada Ethiopia oo galabta Masjidka Al,Hidaaya ku Gowracay ku dhawaad 20 Ruux

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidamada Ethiopia oo galabta Masjidka Al,Hidaaya ku Gowracay ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah dad kalena ay haystaan Ciidamadasi.

 

Submitted by wararka on Sun, 04/20/2008 - 17:07.

Muqdisho. 20. April .2008. (Sh.M.Network)-Ciidamada Ethiopia ayaa galabta Masjidka Al hidaaya oo ku yaala Xaafada Waxaracadde ay ku goraceen ku dhwaad 20 Ruux oo Rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan ciidamadaasi iyadoo la tilmaamay in ciidamadaan ay kaabayaan kuwa dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia.

 

Ciidamadaan oo aad u fara badan ayaa gudaha u galay masjidka AL hidaaya waxaana la tilmaamay in si ka baxsan bina Aadnimada ay u gooraceen ku dhawaad 20 Ruux oo rayid ah tiro intaasi ka badana ay haystaan Ciidamada.

 

Mid ka mid ah haweynka deegaanka Waxaracade gaar ahaan Masjidka Al hidaaya ayaa Shabelle u sheegtay in ciidamada Ethiopia ay ugu hanjabeen in hadii Bari la Soo Weeraro ay gooracayaan haweynka islamarkaana ay sheegtay in horteeda lagu gowracay 20 Ruux tiro intaasi ka badan waa ay haystaan,waxaana gabadhaasi ay aheyd mid ka naxsan falka Ciidamada Ethiopia ay kula dhaqaaqeen dadaaasi radidka ah

 

Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa kaabaya Ciidamada DFKM gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Ethiopia waxaana jirin cid ka hadlaysa dilalka ay ciidamada Ethiopia u geysanayaan Shacabka Somaliyeed.

 

Falkaan Gowraca ah oo galabta ciidamada Ethiopia ay ugu geysteen inta u dhaxeysa Ex,contorol ilaa Xaafada SOS ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili Saakay ciidamada Ethiopia ay gowraceen 6 Qof oo u badan Odayaal da'ah tiro intaasi ka badan ay toogteen.

 

shabelle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mid ka mid ah haweynka deegaanka Waxaracade gaar ahaan Masjidka Al hidaaya ayaa Shabelle u sheegtay in ciidamada Ethiopia ay ugu hanjabeen in hadii Bari la Soo Weeraro ay gooracayaan haweynka islamarkaana ay sheegtay in horteeda lagu gowracay 20 Ruux tiro intaasi ka badan waa ay haystaan,waxaana gabadhaasi ay aheyd mid ka naxsan falka Ciidamada Ethiopia ay kula dhaqaaqeen dadaaasi radidka ah

Warka sida u egyahay Ansax maaha..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ You can take The Ethiopian version, report the ansax version if you have any, it is a free world saxib. Or check other sources who report the same event. Your pick :D

 

 

20 qof oo rayid ah oo ciidanka gumeysiga Itoobiya ku gowraceen agagaarka masjidka Al-Hidaaya.

Beerdhiga 20.04.2008 21:29

 

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa galabta waxay gudaha u galeen Masaajidka Weyn ee Al-Hidaaya ee ku yaalla Xaafadda Waxaracadde waxayna halkaas ka gaysteen tacadiyo aad u foolxun ayaga oo soo aruuriyay jamaacaddi ku jirtay gudaha masaajidka iyo dadka xaafadda kadibna gawrac uunuunka uga jaray dhamaan wixii rag ah oo ay soo aruuriyeen.

 

Gabadh ka mid ah dadka ku xaniban gudaha masjidka Al -Hidaaya, oo u warameysay idaacada Shabeele oo codkeeda laga dheehanayey murugo xoogan ayaa waxa ay sheegtay in ciidanka gumeysiga Itoobiya ay wixii rag ahaa ee ku jirey gudaha masjidka kana mid ahaa jamaacadii Talbiiqa ee halkaa ku jirtey iyo rag kale oo ka mid ah dadka deegaanka ay ugu dhaqaaqeen gowricitaan, ayna daadsan yihiin agagaarka masjidka, dadkaas oo tiro ahaan ay gabadhu ku sheegtey 20 qof, inta ay arkeen.

 

Waxa ay intaa ku dartey Gabadhu in ciidanka gumeysiga Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada soomaalida ah ee loo yaqaan copy-ga Itoobiya ay tuseen mindiyihii ay ku gowraceen dadka, uguna hanjabeen iyaga”Haweenka” in ay gowracayaan haddii la soo weeraro.

 

Dadkan maanta ciidanka gumeysiga Itoobiya ku gowraceen agagaarka masjidka Al-Hiyaada ayaa u badnaa macalimiinta jaamacada Daaru Al-Culuum oo ka tirsan masjidka iyo ardeydii halkaa wax ka baraneysay, iyo dadka degan nawaaxiga masjidka oo gabaad ahaan ugu soo cararey ka dib markii ciidanka gumeysiga Itoobiya halkaa ay ku garaaceen madaafiic aan loo meel dayin.

 

Ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa caawa dul saaran dhismaha jaamaca Daaru Al-Culuum oo ku dhex taala masjidka Al-Hidaaya, iyaga oo masjidka gudihiisana ay ku jiraan dad u badan Haween iyo Caruur kuwaas oo ay gabaad ka dhiganayaan si aan loo soo weerarin, iyada oo wararka qaarkood sheegayaan in masjidka hortiisa uu yaalo Taangi wax yeelo ka soo gaartay dagaalkii maanta.

 

Maaha markii ugu horeysay ee ciidanka gumeysiga Itoobiya sidan oo kale dad rayid ah u gowracaan iyaga oo caado ka dhigtey in ay falal ka dhan ah Bani Aadanimada u geystaan dadka rayidka ah ee ay guryahooda ugu galaan, marka ay soo gaaraan khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh xilliga dagaalada ay lagaan Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed.iyaga oo maanta fal noocan oo kale ah ka geystey xaafada Godey oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jidbaale's Version:

 

 

MOGADISHU(jidbaale.com):- Waxaa isa soo taraya Maydadka Dad badan oo Soomaali ah oo ay shalay Ciidamada Ethiopia ku gowraceen Masjid caan ah oo ku yaala deegaanka Waxar cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada ayaa la sheegay in shalay gudaha u galeen masjid weyn ee Al-Hidaaya oo ku yaala xaafadaaasi waxar cadde ee deegaanka Suuqa Xoolaha ka tirsan isla markaan ay dad farabadan oo lagu qiyaasay 30-ruux ku gowraceen.

 

Sodonka ruux oo ciidamada Ethiopia la sheegay in ay gowraceen ayaa dhamaantood ahaa Culumada Tabliiqa loo yaqaan kuwaasi oo in mudo ah fariisin u ahaa Masjidka Al-Hidaaya oo ah goobta ciidamada Ethiopia ka soo qabteen.

 

Culumada Tabliiqa loo yaqaan ee ciidamada Ethiopia gowraceen ayaa waxaa ku jiray Madaxii Culumadaasi oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Siciid Yaxye, islamarkaan si weyn looga yaqaanay gudaha dalka Somalia.

 

Gowraca Culumadan, ayaa dadka deegaankaasi ku dhaqan ku soo warameen in ay timid kadib markii ciidamada Ethiopia gudaha u soo galeen masjidkaan oo ahaa mid si aad ah inta badna ugu kulmaan culumada Tabliiqa ah, islamarkaana ay ka wateen Dhowr ruux oo la shegay in ay ahaayeen hogaanka culumada Tabliiqa.

 

Dhinaca kale Meydadka 2-ruux oo rayid ah ayaa sakaay waabarigii lagu arkay xaafada xamar-jadiid degmada wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.

 

dadka Tirada yar ee xafadaasi ku dhaqan ayaa saakay saxaafada u sheegay in markii uu waagu baryay arkeen 2-ruux oo Meyd ah kuwaasi oo jirkooda ay ka muqdeen dhaawacyo rasaas oo xoogan.

 

Muuse Cumar oo isagu sheegay in uu ka mid yahay dadka Tirada yar ee xaafadaasi ilaalo ka haya guryahii laga qaxay ayaa ku nuux nuuxsaday in 2-ruux oo meydkooda saakay xaafadaasi lagu arkay ahaayeen Odayaal da'ah isla markaana ka mid ahaa dadka ilaalada ka ahaa xaafadaasi.

 

Muuse ayaa ku nuux nuuxsaday in ay labadaani ruux soo toogteen ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan qeyb ka mid ah xaafada isla markaana diida inta badan dhaq dhaqaaqyada dadka ee deegaankaasi.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in haatan ku howlan yihiin qabkii ay meydadkaasi ku aasi lahaayeen isla markaana qaban qaabadeeda ku jiraan.

 

Inta badan Ciidamada Ethiopian ka ah ayaa si liif ah ku toogta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada fariisimada ay u tahay taasina keenta in dad badan oo meydad ah markii uu waagu barto lagu arko xaafadaha Ciidamada Ethiopian-ka ah ku sugan yihiin ee Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba gowraca Ciidamada Ethiopia u gaysteen culumada Tabliiqa ka tirsanaa ayaa yimid iyada oo Mudo 2-maalin ah dagaal qaraar deegaano Hiliwaa iyo Yaaqshiid ka tirsan dagaalo xoogan ku dhex marayay ciidamo Ethiopian ah iyo kooxo Hubeysna oo ka soo horjeeda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Saciid Yaxye allah u naxariisto...wuxu aha wadadki ugu horeeyay aan labaxo Khuruuj fiisabiili laah ama I tashkiiliyay.

Xabasho iyo TFG hadana ma wadaaadadI ALLAH u shaqeenayay ayey usoo dhigteeen.

IT IS VERY SAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites
MZanzi   

walaalka hadu qaldanyahay waa la qabtaa

 

Cabdulahi Yuusuf yaa OGA Dacwoona oo ehelkiisa ah oo naga qabsado

 

UMADI Amxaaro ku dhameeyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdulahi Yuusuf yaa OGA Dacwoona oo ehelkiisa ah oo naga qabsado

Afromantic Girl, Cabduallahi Yuusuf ehelkiisu waa Meles, Mesfin, Gabre, iyo Duke oo gacanyaraha NA marka huuno hadaad dacwo uqabto adeer Cabdillahi, Duke PM-garey kabacdi DUKE aa ehelkiisa kuggu xidhiye. Good Luck

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Inaa Lillaahi Wa Ina Ilayhi Rajicoun. I was just told the son of a close family friend of mine and a former Somali ambassador to Egypt was among the slaughtered tabliiq kids. What did Khalid yare [AUN] who was not raised nor born in Somalia do to deserve this painful, merciless death.. :( . Inaa lilaaaah..wa Inaaa Ilaayhi Raajicouunn.

 

My deepest condolonces to all his family and his many friends. He will truely be missed by anyone who knew him.

 

I have heard the old adage "geeri nimaad aqoon iyo geeljirey ku wacan tahay" used many many times but NEVER knew what it meant. [until..... now....of course]

 

Allaha kuligood Janadii haka waraabiyo, samir iyo iimaana ha ka wada siiyo ehelkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Ilaahay ha u naxariisto dhamaantooda.

 

I have echoed that sentiment many times .... if more SOLers had a personal stake in what is going on back home and they knew some of the victims they would be ashamed to spew the garbage that they do .... and would lagh with joy upon hearing the death of a TFG dabo dhilif or a tigre dog ...neverthless I do not wish it on any of them so if that is the cost of opening their eyes it is too high and we are better off without such rubbish.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this