Sign in to follow this  
OLOL

Qaraabakiilka Reer Tolkeey

Recommended Posts

OLOL   

Waxaanse rabaa inaan hal mid cad oo sax ah oo xasaasi ah (concrete, critical and concise) ugu bishaareeyo Soomaaliya weligeed kama dhalan doonto dowlad inta ay sidaas u hanqaltaagayaan waayo siduu sawiray Amiin Caamir ummadda Soomaaliyeed ee maanta joogtaa waa ummad indhaheedu balaqan yihiin, ummaddii ku hoos jirtay xukuumadihii lixdamaadkii waxay ahaayeen ummad indhaha deyn looga qaatay ee aan loo soo celin siduu Yaxaasku ku sameeyey Dawacada, nidaamka dowladnimo ee Maxamuud iyo ragiisu jecel yihiin waa nooca hoos ku lifaaqan:

 

1. Yuusuf Cumar Al-Azhari – La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca siyaasada

 

2. Jamaal Cumar – La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca sharciga

 

3. Yuusuf Cusmaan Baribari – Afhayeenka Madaxweynaha

 

4. Cabdirashiid Seed – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada

 

5. Daahir Mire Jibriil – Agaasimaha Madaxtooyada

 

6. Axmed Yuusuf – Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha

 

7. Cabdullaahi Dheere – Madaxa ilaalada Madaxweynaha

 

8. Axmed Cabdullaahi Yuusuf – wiilka Madaxweynaha, ahna qasniga Madaxtooyada

 

9. Yuusuf Weyrax – La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca Dhaqaalaha

 

10. Xasan Cali Yuusuf – Madaxa borotokoolka Madaxweynaha

 

11. Hibo Maxamed Cilmi - La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca xiriirka

 

Kow iyo toban koodu waa caa’ilada hoose ee Madaxweynaha, waxaa la yaab leh in cunna kariyaha Madaxweynuhu tahay Faadumo Biliq oo ah gabar uu adeer u yahay Madaxweynuhu, halka cunna-kariyaha Madaxweyne C/qaasim uu ka ahaa Shariif Ibrow oo ahaa nin ********* ah, cunna-kariyihii Aaden Caddena uu ka ahaa Jaamac Joof oo ah nin reer Burco ah, wuxuu dhalay fanaankii Maxamed Jaamac Joof, reer Waqooyi Bari iyagaa dadkii daandaansanaya, mididii lagu gowrici lahaana gacanta midig ayay ku sitaan, C/laahi Yuusuf baa yiri cadowgeygu waa reer Waqooyi Bari, waayo iyagaa dad iga sii jeeda igu diraya oo indhahooda igu soo jeedinaya, waa runtiis C/laahi Yuusuf waayo waxaad hilmaantaba nin xun baa ku soo xusuusinaya, Jen Maxamed Jibriil Muuse waa tuu dhintay beri dhoweyd, waxaan soo xusuustay mar uu damcay inuu i xiro hada ka hor, markuu ciidan iigu yeeray ayaa niman Reer Boosaaso ah ku iri Soomaaliya waa dumi doontaa, dibna uma dhalan doonto, nimankaas oo ah niman dowladnimada jecel waa ka nexeen hadalkeyga, waana iga dhiciyeen, waxayna igu yiraahdeen maxaa dhacay, waxaan iri waxaa Jamhuuriyadda Soomaaliya anigoo u dhashay raba inuu i xiro Jen Jibriil oo ka yimid Qalloocan oo ku taalla gobolka Soomaalida Itoobiya sidaa darteed cadaalad darrada heerkaa gaartay sow kama dhigna gumeysiga madow wuu ka xun yahay kan cad, illeyn kan cad kaama qarsoomi karo oo kugu midab ma ahane., hadaba waxaan idinkula talin lahaa inaad ku raaxeysataan Puntland-tiina, waayo markaad hadashaanba waxaad ku hadashaan Puntland waa barwaaqo, haddey barwaaqo tahay korkiina ayay ka muuqan lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oo adigu hadii aad madaxweyne ahaan lahayd yaad isku hallayn lahayd oo aan tolkaaga ahayn ?? :D

 

 

Transition period baa lagu jiraa meeshuna waa Somalia markaa he needs time la isku kalsoonaado :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Herer   

Originally posted by OLOL:

halka cunna-kariyaha Madaxweyne C/qaasim uu ka ahaa Shariif Ibrow oo ahaa nin ********* ah, cunna-kariyihii Aaden Caddena uu ka ahaa Jaamac Joof oo ah nin reer Burco ah, wuxuu dhalay fanaankii Maxamed Jaamac Joof,

Maxamed Jaamac Joof wuxuu ahaa Reer Hargeisa. Allah u Naxariisto

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this