Sign in to follow this  
dhulQarnayn

Kala japkii ururkii biliiliqada ee la magac baxay Al-shabab

Recommended Posts

The Zack   

Finally someone decided to dig their previously posted threads LOL.

 

So it has been about 9 months, let's update each other, shall we? Al-shabaab had NOT just got stronger but kicked the first version of the TFG out of almost the entire south. They are now dealing with the second version of that same TFG, let's wait for another 9 months and update each other again (Insha'allah). Hopefully, by then , the poster of this thread will be back again with a new nick after he gets banned again for not behaving to find this thread again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The much anticipated fight between the deviant cult followers in Kismayo is fast becoming a worthwhile Popcorn Movie. Enjoy! :D

 

** **** ******** ****** * * * **** **** ******

 

 

War Deg Deg ah: Dagaal aad u Xoog badan oo haatan ka Qarxay Kismaayo

 

Waxaa goor dhow Gudaha Magaaladda Kismaayo ka qarxay dagaal aad u xoog badan kaas oo leysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Dagaalka ayaa ah mid si toos ah uga bilowday goobo badan oo ka mid ah Magaaladda Kismaayo goor dhow.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa Horseed Media u sheegay in Dagaalku uu yahay mid rasaasta leysku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala Duwan.

 

Iska horimaadka haatan ka socda Kismaayo ayaa yimi, ka dib Maalmihii ina soo dhaafay khilaafaad soo kala dhex galay Kooxahaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay isku hayey Maamulka Magaaladda , iyo Qaabkii loo maareyn lahaa Dhaqaalaha ka soo Xerooda Ilaha dhaqaale ee Magaaladda Dekadda ah ee Kismaayo.

 

Dagaalka Xoogiisa ayaa waxa uu haatan ka socdaa halka lagu Magacaabo Qudbiga oo Magaaladda Kismaayo ka xigta dhanka Qorax u dhaca halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen Ciidamada Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Sheikh Xasan Turki.

 

Idaacadda Al-Andulus oo ay leeyihiin Al-shabaab ayaa wax ay ilaa saakay Baahineysay warbixino la xiriira sida la sheegay Jihaadka ay wadaan Kooxda Al-shabaab oo looga soo horjeedo Ururka Xisbul Islaaam, Sida ay Horseed Media u sheegeen dad Xog Ogaal ah oo ku sugan Magaaladda Kismaayo.

 

Boqolaal dad ah ayaa haatan ka cararaya Xaafaddaha Magaaladda wallow dadka qaarkiisa ay awoodi waayeen ka dib markii Kooxaha weli dagaalkoodu uu yahay mid aad u xoog badan oo leysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Shiikh Ismaaciil Caddow oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa Horseed Media u sheegay in dagaalka Kismaayo uu sidoo kale saameyn ku yeelan doono goboladda kale ee dalka halkaas oo ay wada Maamulaan Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo Dhanka kale Sarkiil ka tirsan Al-shabaab aya sheegeen in aysan xilligan u baahneyn wax wada hadal ah oo dhex maray isaga iyo Kooxda kale ee Xisbul Islaam.

 

source: Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this