Sign in to follow this  
Liqaye

Tiyaatarka Muqdisho oo ruwayaad lagu dhigay

Recommended Posts

Liqaye   

Tiyaatarka Muqdisho ayaa waxaa xalay lagu daawaday fannaannin Soomaali ah oo bandhig faneed halkaa ku qabtay.

 

 

 

Heeso iyo cayaar dhaqameed iyo majaajillo ayay waxaa halkaa ku soo bandhigay fannaaniin waaweyn oo ka tirsanaan jiray hoballadii Qaranka ee Waaberi.

 

Waa markii ugu horreysay ee la barnaamij faneed lagu qabto Tiyaatarka Muqdisho, oo la bililiqeytsay, dhaawacyo badan oo waaweyna loo geystay dhismihiisa intii ay socdeen dagaalladii lagu hardamayay.

 

Siciid-Harawo oo ka mid ah fannaaniinta soo bandhigtay barnaamijkan ayaa sheegay in ay fannaaniintu ku faraxsan tahay in ay u suurta gashay in ay ka tumaan tiyaatarka Muqdisho, inkatsa oo aan kuraasi ool gudihiisa.

 

Fannaaniin kale ayaa iyaguna waxay xalay bandhig faneed ku qabteen magaalada Jowhar. Maxamed Goox Qarboosh iyo Barrow ayaa ka mid ahaa.

 

Dad deggan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay in haddii fanku soo noolaado uu qeyb ka qaadan karo nabadeynta degaanka.

 

Tiyaatarka Muqdisho waxaa la dhisay intii uu maamulka dalka hayay Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ahaa dhisme ay hantidiisa iyo farsamadiisaba ay lahayd dowladda Shiinuhu.

 

Sidii uu u burburayna ma helin cid dayac tirta.

 

252-150x150.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this