Sign in to follow this  
Juje

Madaafiic ay dad badan ku le'deen - Triumphant Mujahideen

Recommended Posts

Juje   

Madaafiic ay dad badan ku le'deen oo galabta ku dhacay Cusbitaalka Martiini

 

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen kadib markii Madfac habow ahaa uu ku habsaday Cusbitaalka Martiino oo xarun u ah Ciidamadii Naafada Xooga dalka.

 

Madfacan oo ahaa mid qasaaro aad u baaxad weyn geystay ayaa ku dhacay meel Kaam aheyd oo ka tirsan Cusbitaalka Martiino, taasoo ka dhigtay in dad fara badan ku waxyeeloobaan xilli dadkaas ay sugayeen Raashinkii Afurka oo loogu qeybianayay

 

Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in musiibada ka dhacday meesha ay tahay wax dadka dareen murugo leh gelinaya, waxaana uu cadeeyay in shacabka looga baahan yahay inay u gurmadaan.

 

Dadka ku baaba'ay madfacaas ayaa ahaa xaaskii iyo caruurtii Ciidamadii naafowday ee ku dhaawacantay dagaaladii 1977 ee dhex maray Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Madfaca ku dhacay Cusbitaalka Martiini ayaa qeyb ka ahaa tiro Madaafiic oo lagu riday Dekeda Magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood oo ahaa kuwo aan gaarin ay sababeen inay dad aan waxba galabsan ku le'daan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Madaafiic ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo galabta ku dhacday Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

 

Shabelle: MUQDISHO

 

Madaafiic ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen ayaa galabta waxa ay ku dhaceen Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa 2-Madfac ayaa galabta waxa ay ku dhaceen gudaha Isbitaalka Martiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku jiraan dad cuuryaamiin ah iyo dad rayid ah.

Madaafiicdaasi ayaa waxaa la sheegay in ay sababeen geerida ilaa 6-ruux halka ay ku dhaawacmeen inkabadan 10-kale kuwaasi oo u badan dadkii cuuryaamiinta ahaa ee ku jiray Isbitaalka Martiin ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaafiic dhowr ah ayaa iyana waxa ay galabta u gudbeen dhanka Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho inkastoo aan la ogayn qasaaraha ay gaysteen Madaafiicdaasi ku dhacday Dekeda Magaalada Muqdisho sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Madaafiicdan galabta ku dhacday Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho iyo kuwa la sheegay in ay u gudbeen dhinaca Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli mudooyinkii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho ay ka socdeen dagaalo xiriiri ah kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISM iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Madfac dad ku dilay isbitaalka Martiini

 

Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhintay in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen markii uu madfac ku soo dhacay xubno ka tirsan naafadii ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku xareysnaa Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Haddaba waxaan telefonka kula xiriirnay Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Cali oo ah Kalkaaliye caafimaad oo halkaasi ku sugnaa xilliga uu hoobiyuhu kusoo dhacay halkaasi, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

Isbitaalka Martiini ayaa wax uu deegaan u yahay qoysas badan oo ah ciidamadii ku dhaawacmay dagaalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daaweeyo.

 

Wareysiiga BBCSomali - Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

back in the day i think the Italians use to make dry martinies in the maternal wards of the hospitals.

 

can you imagine a hospital called martini in hargaisa? never !

 

the city that wrote the somali language, were poetry and music were born.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by GAAROODI:

 

can you imagine a hospital called martini in hargaisa? never !

No, but I could imagine Hargeysa being in "country" called Somaliland

 

What's next Hargeysa wrote the Quran?

 

Some st*pudity has no bound,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

You know, the Marfishlander deserves enormous credit for being loyal to his silly troglodytes den up north. And so, it's understandable for him to reserve his most vociferous, if not ineffectual, diatribe for Mogadishu and its role as the national capital. That is to say his rambunctiousness and envy of war torn Xamar taking the leading role in Somali affairs ALWAYS, whilst his Hargaysa enclave further fades into obscurity and dictatoship.

 

And which, as always, makes him hypocritical.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this