Sign in to follow this  
Somalina

Tababar Magaalada Muqdisho loogu soo gaba gabeeyay Kalkaaliyaal Caafimaad.

Recommended Posts

Somalina   

aami_volantaruy%202.jpg

Muqdisho: (Sh. M. Network) Hay’adda Aamin Voluntary Ambalas ayaa Maanta Magaalada Muqdisho tababar aqoontooda kor loogu qaadayo ugu soo gaba gabeysay Kalkaaliyaal Caafimaad oo ka howlgala Isbitaalada Magalada Muqdisho.

 

Tababarkaani oo soconayay ku dhawaad hal bil islamarkaana ay soo qaban qaabisay Hay’adda Aamin Voluntary Ambalas oo ah hay’adiid ugu horeysay oo gurmadka deg deg ah u fidisa dhaawacyada dadka rayidka ah ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Tababarka oo ay ka soo qeyb galeen kalkaaliyaal caafimaad oo ka kala socday Isbitaalada gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Madiina Banaadir iyo Dayniile ayaa waxaa uu ku sabsanaa sidii kalkaaliyaashaasi Caafimaad ay uga qeyb qaadan lahaayeen badbaadinta dadka ku soo dhaawacma Colaadaha ka jira Soomaaliya, iyadoo wax dhib ah aysan u geysan.

 

aami_volantaruy.jpg

 

Dr C/qaadir C/raxmaan Aadan oo ah madaxa hay’adda Aamin Voluntary oo markii uu soo gaba gaboobay tababarkaasi kadib la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay intababarka ay ku fahan siinayeen kalkaaliyaasha caafimaad ee ka soo qeyb galay qaabkii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka rayidka ee ku dhaawacma colaadaha jira iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen hay’adda uu madaxda ka yahay.

 

Max’ed Sheekh Cali oo ka mid ahaa Kalkaaliyaashii Caafimaad ee ka socday Isbitaalka Madiina ee ka qeyb galay tababarkaasi oo Shabelle hadlay ayaa waxaa uu sheegay in tababarkaani ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay wax badan ka faa’iideen howlaha caafimaadka.

 

Hay’adda Aamin Voluntary Ambalas oo la aas aasay sanadkii 2009-ka ayaa tan iyo markii la aas aasay waxaa ay qaaday dhaawacyada dad rayid ah oo aad u farabadan kuwaasi oo ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this