Sign in to follow this  
Maaddeey

C/qaasim:Qaraxii Shamo, Shacabka loo gacangalinayo Itoobiya Duqeynta Amisom

Recommended Posts

Maaddeey   

C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii Dowladii Carta lagu soo dhisay isla markaana ku sugan Dalka Masar ayaa si kulul uga hadlay arimo ay ka mid yihiin Falalka Foosha xun ee ay Maamulada P/land & S/land ugu Gacan galinayaan Shacabka S/galbeed Gumeysiga Itoobiya, Qaraxii Khamiistii ka dhacay Hotel Shaamoow iyo Duqeynta Arxan darada ah ee ay AMISOM ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

 

Maamulada S/land & P/lanad

 

C/qaasim ayaa sheegay inay Mar uun Maxkamad soo taagi doonaan Nimanka Gacanta u galiyay Gumeysiga Itoobiya Shacabka S/galbeed oo uu ku sheegay Dad u Halgamaya Xoriyadda Umadooda isla markaana Qarniyo soo waday Dagaal.

 

Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan aad iyo aad uga xumahay oon la dhakaafarsanahay Maamulka ka jira Puntland iyo Xataa kuwa Waqooyi ka jira Dadkii u Halgamayay Gobonimadooda oo Tigreega la Dagaalamayay oo Qarniyaasha Dagaalka soo socday waday oo Soomaali oo dhan ay Wiil iyo Xoolaba ku Beeshay oo Al-aanka hadda Umadda Soomaaliyeed oo dhan Dagaalka kula jirto ileen Dowlad dhexe oo Xoog leh ma jirtee Nimanka inta Qabtay Dadkii u yimid u dhiibay Tigreega Mukhaabaraadkiisa, aad iyo aad ayaan u dhaleecaynaa, waxaana leeyahay Maxkamada la soo taagi doono Qab-qablayaashii Dagaalka ee ina Yuusuf iyo kuwii xamar Qab-qablayaashii ka ahaa oo hadda Baarlamaan ku sheega ku jira, iyo kuwii kismaayo ka ahaa iyo kuwii meel walba ka ahaa Maxkamadaha la soo taagi doono iyo Buush haddii uu Noolyahay iyo haddii uu dhinto iyo Meles Zenawi iyo Wax Alle waxa Maxkamada la soo taagi doono ama Midda Aduunka ama Mid Soomaalidu leedahay ayaa la soo taagi doonaa Nimanka Gacanta u galiyay Tigreega Dadkii u Halgamayay Xoriyadda Umadooda” .

 

Duqeynta AMISOM

 

Dhanka kale wuxuu wax aan loo dul-qaadan karin ku tilmaamay xasuuqa ay AMISOM sida joogta ahi maalin walba ugu hayso Shacabka soomaaliyeed, wuxuuna xusay inuu Qoraal u gudbiyay Madaxweynaha Uganda isla markaana uu kala hadlay arintaasi.

 

C/qaasim wuxuu kaloo sheegay inay AMIOM xiligii gumeysiga Itoobiya is-gaabinaysay markii ay Baxeen Ciidamadii Gumeysiga itoobiyana ay Bilaabeen inay Madaafiic la dhacaan Meelo ay ugu darantahay Suuqa Bakaaraha ee Magaalda Muqdisho.

 

Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Mushkiladda Wax weeye Nimankii la keenay, markii uu Tigreegu Yimid waa is-gaabiyeen Markii Tigreegii Tagay sidii uu Tigreegii u Dagaalamayay markii Wiilal yar-yar Qoryo ku ridaan … Madaafiic ayay la eegtaan Suuqa Bakaaraha iyo Bambooyin, aad iyo aad ayaan uga xunahay, umadda Soomaaliyeedna ugu xuntahay”.

 

Sidoo kale wuxuu yiri “Madaxweynahoodana waan u qornay oo waan kala hadalnay, waana la hadli doonaa, Afrika oo dhan iyo Aduunka oo dhan waan la hadlaynaa, Arintaasi Arin loo dul qaadan karo ma aha, waxaa ayaan daro ah Afrikaddii aan abaalka ku lahayn Abaal daray noogu dhaqaaqday Carabtii aan ka midka ahayn oo aan Jaamacadda carabta ak midka ahayna, iska daa inay wax qabtee Abaal daray noogu dhaqaaqday iyo inay yiraahdaan Argagixiso iyo Al-Qaacidaa joogta, Beeshii Islaamka oo aan ka midka ahayn wax ay noo qabatay lama arko, sababtoo ah Ninkii Aduunka ku amar ku taaglaynayay ayaa ka soo horjeeda marka waa inuu yiraahdaa Ma lugahaan kuu qabtaa Madaxaad ka gowracaysaa mise Madaxaan kuu qabtaa Lugaha iyo caloosha baad jaraysaa”

 

Qaraxii Shaamoow

 

Qaraxii 03, Bishan ka dhacay Hotel Shaamoow ayuu Sheegay inay ka danbeeyaan wuxuu ku tilmaamay Burcad Bariga Maraykanka iyo Itoobiya oo Raba inaysan Soomaaliya Dagin “Qaraxa waxaa ka danbeeya Burcadii Dalka Qabsatay Nimanka kan Reer galbeedka ee uu Maraykanku Madaxda u yahay Burcad Badeed Niman la yiraahdo bay sheegaan, Burcad Barigii Dalkayaga 20 Sano Burcad Bari uu Ninkaas Aduunka maanta ku soo haray labaddii Dowladood ee waaweynaa Ninka Madaxda u ah iyo Rag uu wato iyo Dowladii Geeska Afrika Dowaladaha u waaweyn ka mid ahayd oo Tigreegu hadda Madaxda u yahay Burcad Barigaas ayaa ka danbeeya oo Raba inaysan Soomaaliya Dagin, Qaraxyada iyaga ayaa ka shaqeeya”.

 

Ugu Danbeyntii C/qaasim ayaa ku tilmaamay Qofka Qaraxii Shaamow ku kacay Qof Cadow u adeegaya oo Maskaxdii Cadowgu ku jirto “Qof kasta oo waxaas ku kaca inuusan Muslim ahayn waa la ogyahay, oo Qof is-qarxiyay Muslim maba noqon karo oo Diinta islaamka waa ka baxay, waxaasi waxa keenaya waa dad uu cadowgu soo adeegsaday oo la soo sumeeyay oo Daroogooyin la soo siiyay oo Is-qarxi la yiri oo Maskaxdii Cadowgu ku jirto oo Computer ku socdo oo kale weeye oo Is-Qarxinaya sidaas Dad u socdo weeye”.

 

 

 

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

The words of President C/qassim could have not been distorted more worse by Somalimirror.

I wonder what happened to the phrase "kuwi Beletweyne qarxiiyay aya kana ka dambeyay".

Anyway Maadey there will soon emerge a 'dardaran' video made by suicide bomber - I wonder what will be your point of argument then.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by Che -Guevara:

quote:Originally posted by Norfsky:

Anyone who believes this was not carried out by AS is very naive.

Is there an actual proof?
I'll take that as agreement with my earlier post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no denying that the perpetuator of the said crime was one of AS criminal gang. I cannot wait for the tape to come out, I hope this turns out to be the beginning of the end for this ruthless gang. I am just sorry that I fell for their evil propaganda, and to think that I use to argue their case among my peers. For the first time I believe that these criminals are working for some alien government to keep our country the way it has been for the last 20 years, some kind of mass graveyard for Somalis.

 

Illayoow dhulka la goo kuwii wiilka yarka ah caqliga ka xaday hadana dafiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this