Sign in to follow this  
Emperor

Maxaa sababay in guddoomiyaha baarlamaanku cadow ka dhigto qaar ka mid ah saxaafadda

Recommended Posts

Emperor   

Maxaa sababay in guddoomiyaha baarlamaanku cadow ka dhigto qaar ka mid ah saxaafadda Soomaalida?

 

Nairobi:-Shalay ayay ahayd markii ugu horraysey ee ay la yaab ku noqotay qaar ka tirsan saxaafadda Soomaalida ee ka soo warrami jirey shirka Soomaalida tan iyo intii uu ka furmay Eldoret sannadkii 2002dii in lagu wargeliyey inaan loo ogolayn gelitaanka hoolkii uu ka socdey fadhigii baarlamaanka ee ugu danbayntii isqabqabsiga iyo leystaanimada ku soo gabagaboobey.

 

Markii dhammaan suxufiyiintii ka socdey warbaahinta Soomaalida ay isku dayeen inay u gudbaan goobtii kulanku ka socdey ee hoolka shirarka Grand Regency Hotel ee magaalada Nairobi ayaa waxaa is hortaagey qaar ka tirsan ciidammada ammaanka ee dalka kenya oo sheegay in la sugayo mid ka tirsan hawlwadeenada xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kala saara cidda la lo baahan yahay inay gudaha galaan ayaa waxaa yimid halkaas nin lagu magacaabo Maxamed Sheekh ,kaasoo markii uu soo istaageyba u fasaxay inay gudbaan koox ka tirsan suxufiyiintii halkaas ku sugnayd ,dabadeedna amar ku siiyey Booliiskii halkaa joogey inaysan cid danbe soo deyn,amarkaasna uu bixiyey guddoomiyaha baarlamaanku.

 

Markii weriyayaasha qaarkood weydiiyeen sababta keentay kala midab sooca weriyayaasha ayuu ninkaasi ku jawaabey "waxaanu sii deynaynaa inta weriye ee aanu naqaan",taasoo markiiba ay suxufiyiintaasi u macnaysteen inuu ka wado inta annaga nagu fekerka ah ee aanu xiriirka dhow leenahay,taasina waxay la yaab ku noqotay weriyayaashii oo aan hore u arki jirin in shir aan albaabadu u xirnayn la sii daayo saxaafadda qaarkeed halka kuwo kalana lagu horjoogsado albaabka hore.

 

Run ahaantii waxaan ammaan iyo bogaadin u soo jeedinaynaa qaar ka tirsan golaha xukuumadda iyo baarlamaanka oo aad uga xumaaday falka kala takoorista saxaafadda iskuna deyey inay arrintaas xal ka gaaraan,iyagoo sheegay inay baarlamaanka hor dhigi doonaan si hawshaas wax looga qabto.

 

Arrintaan oo ugub ku ah shirarka ay yeelan jireen baarlamaanka iyo xukuumaddu ayaa waxay ceeb iyo fadeexad ku tahay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan maadaama hawlwadeenadii xafiiskiisu ay hawshaas ka soo shaqeeyeen,isaguna uu raali ka ahaa sida warar xog ogaal ahi muujiyeen oo weliba wararkaas qaarkood xaqiijinayaan in habeenimadii laga shiray cidda saxaafadda ee loo ogolaanayo inay ka qaybgalaan shirkaas taasoo ay birtu ku dhacday oo la isku raacay inaan hoolka maanta loo ogolaan suxufiyiinta ay ka mid yihiin kuwii ka socdey:

 

-Puntlandpost.com

-Radio Gaalkacyo

-Allpuntland.com

-Radio Daljir.com

-SBC Radio

-Kasmo.info iyo kuwo kale.

 

halka laga sii daayey kuwii ka socdey BBC.com,Horn Afrik,Shabeelle,Dayniile.com,iyo kuwo kale.

 

Haddaba waxaa isweydiin mudan maxaa ku kallifay in guddoomiyaha baarlamaanku qayb saxaafadda ka mid ah cadow ka dhigto qayb kalana soo dhoweysto?

 

Runtii jawaabta su'aashaan ayaa siyaabo kala duwan loo arki karaa :

 

1-Waxaa lagu macneeyey inay arrintu salka ku hayso cabsi la xiriirta in kuwa la reebay ay soo tebinayaan xaqiiqda dhabta ah ee jirta.

 

2-Arrin la xiriirta deegaan gobolleed .

 

3-Hawl siyaasadeed oo la xiriirta dhanka saxaafadda oo qaarkeed ay si toos ah u taageerto guddoomiyaha halka qaybta madaxa bannaan ee xaqiiqda daabacdana uu u arkay cadawgiisa oo dhanka kale ee ay siyaasadda isku hayaan ay la jiraan.

 

4-Iyo inay jirto xiriir gaar ahaaneed oo ka dhexeeya saxaafadda qaarkeed iyo guddoomiyaha ama hawlwadeenadiisa.

 

Guud ahaan miday tahayba waa arrin aan ku fiicnayn habdhaqanka suuban ee saxaafadda iyo madaxbannaanideeda iyadoo aan horumar lagu gaarayn in la isku dayo caburin saxaafadeed oo xilligaan war isgaarsiintu horumartay oo aan war ku qarsoomi karin diidmo suxufi gaar ah loo diido goob shir ka socdo oo uu si fudud ku helayo warkii balse waxa keliya oo ay kuwii diidmadaas sameeyey faa'iidayaan ay tahay oo keliya in daafaha caalamka laga ogaado siyaasadooda gurracan ee ku aaddan xorriyadda saxaafadda ,iyadoo aan aad uga xunahay in annaga oo wax dhoobdhoobi jirney oo inta badan asturi jirney ceebaha baarlamaanka kuna shaqayn jirney waddaninimo in naloo diidey goob lagaga doodayo masiirkii ummadayada halka loo ogolaaday kuwo ajnebi ah oo meel kasta ku soo bandhigay fool xumadii shalay ka dhacday hoolka shirarka oo xalay oo dhan laga fiirsanayey Televisionada caalamka gaar ahaana kuwa Kenya.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga sugayaa guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan inuu xusuusto kaalintii saxaafaddu ka soo qaadatay hawlihii shirka dib u heshiisiinta iyo shaqadoodii mutadawacnimada ahayd ee ay soo qabteen uuna raalli gelin buuxda ka bixiyo falkaas foosha xun ee ay shalay ku keceen hawlwadeenadiisa uu isagu shaqada u soo dirsaday,haddii kalana loo arki doono ku talagal qaawan oo uu ku kacay guddoomiyuhu.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

maanta loo ogolaan suxufiyiinta ay ka mid yihiin

Ka mid yihiin meaning part of which are the listed websites. Whatever is going on in that Parliament ilahay baa yaqaan, but personally I wouldn't shed a tear for AllPuntland.com's expulsion. I'm not very familiar with PuntlandPost, SBC, (they seem decent enough to me) so I can't comment about them, but AllPuntland.com should have been disbanded a long time ago or their "reporters" taught the ethics of journalism.

 

The reason I'm being hard on AllPuntland.com is because it's tragic that website that looks so respectable and has such a large and loyal (albeit misguided :rolleyes: ) readers can be so rubbish!

Share this post


Link to post
Share on other sites

well, Allpuntland is owned and run by Abdullahi Yusuf's son, a typical clannish impostor. He is daddy's mouthpiece and the site is not different than the other clan oriented ones. Actually, it is one of the nastiest and deceitful sites.

 

Hornafrik and shabelle are two news media outlets in Mogadishu and have shown some impartiality in their news reporting. but there are times, you could predict their political inclinations. i will rate above the others for their balanced contents.

Dayniile is in tune with the whims and wants of their leader, Qanyare.

 

the giant BBC needs no introduction and doesn't differentiate minion bickering primitive clans.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

War bal eegan balladaan? smile.gif

 

Ma shariifkii (qaadwade turned sheikh shariif ) ayaa dhabarka loo saarey riwaayadii?

 

Actually, I enjoyed watching the video of the incident. It is a common thing for parliamentarians to exchange blows or harsh words (I watched a similar thing once about Asia).

 

I read on the east african standard about how a disabled MP caused the bleeding of some members.

 

According to madaxkorankor instructions, no MP was allowed to enter the venue with a bakooro/a knife. But since this lugeey could not walk without his bakooro, the madax canbuulo made an exception.

 

When the brawl started this Jiis was seen hitting other members with his UL. He is the guy in the pink shirt (if you watch the video).

 

Contrary to what others say, I think it was a great show of progress. For the first time, we had warlords, sheikhs, sheytaans, shariifs, burcad, bililiqo brigade etc not using guns to settle a difference.

 

Absent too was the element of tribalism in the fight.

 

But, at the end of the day, their resolution lacks potency. I would have understood if they said NEJ/njet/no to all foreign troops. But, it seems their target was Ethiopia and the madaxkorankor.

 

I am angry at the way the somali internet based media have portrayed this issue.They attempted to give it a tribal flavour.

 

The whole Foreign troops issue defies the logic and the spirit of reconciliation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

shariif ka made big mestake alowing one and dening the others.

 

 

Sxb waxba yaan la is daalin wariya yaasha africka oo dhan baa ukala eexda news kee soo saaraan kuwa ay ka jacel yihiin ku wakale.

 

Laakiin waxaa la yaab leh Shariifka iyo dadka u shaqeeyaay sababta ay ukala sooceen news media :confused: espcialy alowing BBC yuusuf garaad in uu galo ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

He broke every rule and shamed himself in the process.

For not supporting Colonel Yeey, right?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Suddenly, Shariifka aa la heystaa, waana ognahay meesha dadka qaarkood ka kulul yihiin. Jecliyaa. :D

 

He was elected by this same disputable, pseudo-parliament, some thinking he wasn't a seasoned (read: neophyte) politician. Laakiin ninkii sidii la mooday ma noqon, flexing his political muscles. Jecliyaa. Aw Shariifoow, aw Sharafoow, saas ku wad.

 

And back to the thread, I don't agree his dictatorial decision of banning Soomaali "journalists," which wasn't confined to only Reer Bari's media, as Waagacusub, an anti-C/llaahi Yuusuf website, also reports this:

 

...halkaasna lagu celiyay Warfidiyeeno ka kala socday Warbaahinada Idaacada Shabelle,Banaadir,IQK,Waagacusub,SBC Radio,Allpuntland,PuntlandPost,Somalinimo,Gobanimo,Hiiraan Online halka uu labo idaacadood oo qurana u hergeliyay inay shirka goobjoog u noqdaan...

I believe the 'labada idaacadood oo qura' ay yihiin Been-Been-Sii and HornAfrik.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this