Sign in to follow this  
Gabbal

Maakhir State announces its cabinet.

Recommended Posts

NASSIR   

Wareegto Cusub oo Ka soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Maakhir State Wasiirona lagu magacaabay...

 

Badhan :- Waxa maanta nasoo gaadhey wareegto cusub oo ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Maakhir State , kaasoo ay ku qoran yihiin sadex xoghaye ( wasiir) , iyo Taliyaha Nabad sugidda ,kuwaas oo kala ahaa sidan :

 

 

1.Sidiiq Cabdi Miisaan : Xoghayaha Macdanta & Biyaha ee MSS.

 

 

2. Cali Siciid Cismaan Qodax : Xoghayaha Ganacsiga & Wershedaha ee MSS.

 

 

3. C/raxmaan Siciid Axmed : Xoghayaha Iskaashiga & Xidhiidhka caalamiga ah ee MSS.

 

 

4. Col. Cali Maxamuud Nuur ( Cali Sanaag): taliyaha ciidanka nabad sugidda ee MSS.

 

 

waxana ku saxiixnaa madaxweynaha Maamkhir State Col. Jibriil Cali Salaad.

 

 

waxan wareegtadani ka dhigaysaa xubnaha xoghayayaasha (wasiirada) toban , iyadoo la filayo in dhowaanna rag kale xilal kala duwan loo magacaabo.

 

 

Source: dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Odey Oodweynow,

 

Horta, waa suaale; tol mise dan? Amba 'tribalism' or 'interests'?

 

Kadib dagaalladii foosha-xumaa ee wejiga qabiiliga lahaa, laguna hoobtey welina horor ku haya umadda Soomaaliyeed, waxaa qofkii damiir iyo dareen lihi la gudboonaatey, in uu si daacad ah isu weydiiyo suaasha ah, tolkey ama dantey midkee? Suaashatan weeye tan reer Maakhir State isweydiinayeen muda aad dheer, maantana ay jawaabteeda garowsadeen. Jawaabta suaashanina waa sahley waayo-aragnimada qaali ah ee reer Maakhir uga soo korodhey ka qaybqaadashadii dhismaha dowlad-goboleedka Puntland ee uu aasaaskeedu ahaa 'tolkeynimo'. Waxaa caddaatey in tolkeynimo la quudsan kareyn, oo aynan isbitaal ama iskool dhisi kareyn, ceelal qodi kareyn, jidi jeexi kareyn oo sideedaba tahay lugooyo curyaamis ah. Iskaba daa waxay qabato tol sheegashaduye, dhib mooye wax dheef ah lagama hayo. Waana dhibka ay keentey tolnimada khayaaliga ah, ee ku caan baxdey xaalufinta iyo nabaad guurinta degaanka, macdan-boobka iyo dulbalaarsiga sharciyeysan waxa ku dhaliyey reer Maakhir in ay sameystaan dowlad goboleed 'danteynimo' horseed u tahay.

 

Sidaa darteed, Odey Oodweynow, dooda furmi doonta mustaqbalka, hadey ku saleeysnaan doonto 'danteynimo' ay qabyaaladi ka marantahay, waxay aniga ila tahay, in ay tahay mid la wada faalloon karo. Hasayeeshee, waxaa is xusuusin mudan, in reer Maakhir ay 'maanta' daadihinayaan fikrad cusub oo socod barad ah, lagana maarmaanna tahay in fikradani cuskato midnimada Soomaali weyn. La yaabna malahan in ay reer Maakhir doorbidaan midnimada Soomaalinimo, waayo xaqiiqiyan iyo siyaasiyanba, aad bey ugu adkaaneesaa in reer Maakhir hadeer ku biiraan Soomaaliland, duruufaha jira awgood. Duruufahan waxaa ka mid ah:

 

• Maadaama sababta reer Maakhir ay gooni isaga taageen Puntland ay ahayd 'minority-nimo' asiibtay, kana horjoogsatey hor-u-mar dhamaantii, marka ku biiradda Soomaaliland waxay dib usoo celineysaa 'minority-nimadii' ay kasoo hayaameen;

 

• Teeda kale, xaqiiqiyan, waxaa jira muran ka taagan lahaanshaha dhulal badan beelaha dega Soomaaliland, oy cid waliba ku doodeyso in uu iyadu deegaankeedu yahay. Taa darteed, murankani waxaa ka aloosmi karaya khilaafaad iyo khatar dirireed oo mustaqbalka dhex timaadda reer Maakhir iyo reeraha dega Soomaaliland;

 

• Hadayba suurta gasho in ay Guurtida laba geesoodka ahi xal u helaan khilaafkani; waxaa kaloo jira arrinka kalee ah ictiraaf la'aanta maanta haysata Soomaaliland. In kastoo Soomaalia maanta amxaaro cadowtinimo naga dhaxayso ku amar ku taagleeyseyso, misna hadana, Soomaalia weli waa wadan jiritaankiisu dunida ictiraafsantahay. Hadaba, hadii Tigreegu laga xoreeyo, dowlad cusubna ka dhalato, ama mucaawino dibadaha ka hesho, siyaasiyan iyo dhaqaala ahaanba, Maakhir State waxaa u suurta galeysa in ay dhan weliba ka hormarto. Balse Soomaaliland awooddeeda dakhli ahaan waxaa xanibaya ictiraaf la'aanta jirta;

 

• Taa waxaa dheeraad ku ah, dhaqaalaha iyo baayacmushtarka reer Maakhir State maanta jira, intiisa badan waxaa laf-dhabar u ah dekkadda Boosaaso ee Puntland. Hadii ay reer Maakhir go'aansadaan in ay Soomaaliya lasii mid ahaadaan, isticmaalka dekkadda Boosaaso ayaa sii socon karaya balse hadey Soomaaliland ku biiraan, Boosaaso waxay ka mid noqoneysaa dal kale oo xuduud un la wadaago. Taasina waxay aad wax u dhimeysaa nolol maalmeedka reer Maakhir;

 

• Caalamiyanna, anagoo diirrada saareyno siyaasadda wadamada aan deriska nahay kala adeecsan yihiin iyo isbedallada kusoo badanaya shucuurta reer Soomaaliland, waxa suurta gasha in ay Soomaalilanderska ku daaleen ictiraafka ay ka sugayaan Ethiopia, una wareegaan in ay Eritrea xiriir calaami ah ama dhaqaaleba la sameystaan taasoo keliya keeneysa 'takoor' ay sii takooranto Soomaaliland. Hadaba, hadii taasi dhacdaba, reer Maakhir dani ugu jirto iney ku biiraan Soomaaliland iyo takoor.

 

Marka Odey Oodweynow, waxaa nasiib darro ah in waxyaalaha aan sare ku xusay ay noqon karayaan, kuwa ku adkeeyya reer Maakhir State in ay u bareeraan ku biiridda Soomaaliland mustaqbalka dhow. Anigu garanmaayo hadii ay duruufaha Soomaaliland wax iska bedesho, sida ay u saameyn karayaan go'aamada reer Maakhir. In kastoy anigu u arko 'danteynimada' mid u hogaamiso reer Maakhir dhankaa iyo Somalia, hadana waxaa suurgasha in ay go'aansadaan in ay wax la qaybsadaan walaalahooda Soomaaliland.

 

Maalintey Soomaaliland ku biiraan ayaan isla soo qaadi doonnaa gorgortanka siyaasadeed ee ay guurtida xeydan doonto. Bal adiga aan kaa wareystee, lacalla hadii ay reer Maakhir ku biiraan Soomaaliland, siyaasiyan iyo dhaqaala ahaanba, maxay Soomaaliland u qoondeyn kartaa reer Maakhir? Ma jagada madax-weyne-ku-xigeenka ayunbaa miiska saaran? Oo maadaama reer Awdal madax-weyne-nimada loo dhiibeyba, reer Maakhirna madax-weyne-nimoma loo ogol yahay? Mise Siilaanyaa in muda ah jagada sugayey oo aan laga qaadi kareyn? Intaas waa iga kaftan. Lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Pragon, do you really claim that you are a Makhirian?? You are one of the SOL nomads whose ideology amase me most. Fadlan, mawqifkaaga caddeey. Are you a Makhirian who wants Somali unity?? Or you are an S-lander of Oodwayne group. Bal niyow kugu dawakhnayoo bilaa summad ayaad tahaye xaggee laguu raacaa? Minority iyo Cidbaa lacagi jeebka uga buuxdaa waxaa kasoo gudub. Just fadlan mawqifkaaga bal ii cadeey. Im very much interested inaan ogaado timahaagu dhinacy u xiirmaan!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this