Sign in to follow this  
Siciid1986

Al-Shabaab Oo Haweenka Gobolka Gedo ku Soo Rogay in ay xirtaan Xijaab Adag

Recommended Posts

burkor_935309l.jpg

 

 

Al-Shabaab Oo Haweenka Gobolka Gedo ku Soo Rogay in ay xirtaan Xijaab Adag

 

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka arimiya Gobolada Gedo ayaa ku Amray dhamaan Haweenka gobalkaasi in ay qaataan Maro adag ama Xijaabka qofba sidoo u yaqaano kuna wargaliyay dumarkaa ragooda in ay u soo iibiyaan dharkaasi.

 

 

 

Amuurtani ayaa waxaa la ga hirgaliyay degmada Baardheere ee G/Gedo taasi oo lagu faray inaan Magaalada lagu dhex arki Karin haweenka aan xirneyn Xijaabka, iyagoona amarkooda ku sheegay cidii u hogaansami weyda inay ciqaab adag muteysan doonaan.

 

Sarkaal u hadlay Maamulka Islaamiga Magaalada Baardheere ayaa ku tar tarsiiyay Ragga inay u iibiyaan haweenkooda Xijaabka, waxaana uu sheegay in cidii ka dhaga adeegta ay marsiin doonaan shareecada Islaamka.

 

Tallaabadan ayaa durba noqotay mid haweenka ay ka muujiyaan culeys dhanka dhaqaalaha, waxaana ay tibaaxeen in aanay qaarkood heli Karin lacagaha lagu iibsado Xijaabka oo ay tahay xitaa mid aanay awoodi Karin.

 

Xarakada Shabaab ayaa ku fasirtay mid looga gol leeyahay dar dar gelinta shareecada islaamka iyo ilaalinta dhaqanka islaamka, waxaana amarkan aanu aheyn mid kaliya ku ek Baardheere oo ay xitaa ka jiraan magaalooyinka ay maamulaan Kooxaha islaamiyiinta.

 

Omar Qadar

Somaliland.Org

Moqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this