Sign in to follow this  
Emperor

Prospect of War: Kismayo peace deal about to collapse

Recommended Posts

Emperor   

Kismaayo:-(KP)-Warbixin Sir ah yaa diidan Nidaamka Dowladnimo ee Kismaayo maxaad ka taqaan dadka diidan magacyadooda(02-05-2007)

 

Warbxin Sir ah ayaa waxaa ay heshay Shabakada Wararka ee Kismaayopost.com xafiiskeeda magaalada kismaayo waxaana warbixtaasi ku cad dad badan oo diidan in nidaamka Dowladnimo lagu soo celiyo Kismaayo.

 

 

23kii Bishii hore ee April ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen saldhigayada DFKMG ah ee magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose iyadoo ay ku dhinteen magaalada dad toboneeyo.

 

 

Dagaalkaasi waxaa loo adeegsaday qaar ka tirsan ciidanka oo gadooday iyo waliba shirkadaha magaalada kismaayo, laga soo bilaabo markaasi ayaa waxaa la dareemayay in magaalada aan lala doonayn in nidaamka dowladnimo lagu soo cleiyo iyo waliba kan maamul ahaanba

 

 

Hadaba Yaa diidan maxaa ka taqaan ragaasi diidan ?

 

 

C/naasir Faarax Taano

 

 

Daahir Faarax Carabay

 

 

Yaasiin Indho-taag

 

 

Xaawo Ugaas

 

 

Xasan Dheere

 

 

Deeq Caabi

 

 

Cabdi warsame Gurux

 

 

Ibraahim Jiif Dheere

 

 

Ibraahim Dhag Feer iyo kuwo kale oo aanan magacyadooda aanan helin

 

 

Maxay tahay sababta loo diidan yahay.?

 

 

Laga soo bilaabo 1998 markii magaalada Kismaayo ay qabsadeen magaalada kismaayo ayaa waxaa nidaamka magaalada si gaar ah uga arimanayay raga aan kor ku soo xusnay intooda badan iyo kuwa kale waxayna go'aan ku gaareen in magaalada ay gacantooda marna ka bixin xitaa hadii dowlad la dhismo taas oo ka danbasay khayrkaadka magaalada kismaayo ee badan sida Dakada magaalada oo dhaqaale fara badan ka soo galay iyo waliba Gagida diyaaradaha, iyo waliba jarida geedaha waa wayn ee laga dhigayo dhuxusha.

 

 

Maxaa xal loogu heli karaa dhibkaas aan soo sheegnay?

 

 

Inta badan dadka idha idheeya siyaasada ayaa waxay tibaxaayaan in gobolka Jubada Hoose hadii aan arintaan iminka ka taagan xal loo helin ay DFGKMG ah ay isticaali doonto si magaalada looga saaro ciidamado Beeleedka ka yimid gobolka Gedo, waxaana hadii ay sidaa samayso DFKMG ah xal deg deg ah u helaysaa nidaam la'aanta halka asbuuc sii caga cagaynaysa Magaalada Kismaayo.

 

 

Warbixtaan waxaa soo gaarsiiyay Shabkada Kismaayo Post Xafiiskeeda Magaalada Kismaayo Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa aan sheegin

 

 

(Xafiiska wararka ee Jubada Hoose Kismaayo Post)

 

 

Kismaayopost@hotmail.com webmaster@kismaayopsot.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Waan-waantii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalku ay ka dhex wadeen dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo oo fashil qarka u saaran ka dib markii..

 

Inkastoo wafdigii uu hogaaminayey Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Max’uud Guuleed (Gacmadheere) oo loo xilsaaray dhexdhexaadinta dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay magaalada Kismaayo ka dib markii uu soo kala dhex galay khilaaf dhinaca maamulka ah si wanaagsan loogu soo dhoweeyey magaaladaasi ayaa haddana waxaa sii daba dheeraaday xal ka ka gaarista xiisadan.

 

Wasiirka warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Max’ed ayaa sheegay in howshii ay halkaasi u tageen ay meel waanaagsan u mareyso, isagoo xusay iney la kulmeen isla markaana dhegeysteen cabashooyinka ay kala tirsanayaan labada dhinac oo uu sheegay iney inta badan isku hayeen khilaaf dhinaca maamulka ah ay guul ka gaareen waan waantii ay ka dhex wadeen, isagoo xusay iney dhinaca ka maqan magaalada Kismaayo ku qanciyeen iney magaaladaasi ku soo laabtaan markii dhinaca kale ay sidaasi isla garteen, taasoo uu sheegay in arimo dhinaca farsamada ah awgood uu dib u dhacay.

 

Hase ahaatee wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in wafdiga dhexdhexaadinaya dhinacyada ku dagaalamay halkaasi ay caqabado la xiriira soo afjarida howlahooda la kulmeen ka dib markii maamulka magaaladaasi oo ah dhinaca ka maqan magaalada Kismaayo oo ku sugan tuulada Buulo guduud ay diideen in iney magaaladaasi ku soo laabtaan si laysku soo hor fariisiyo dhinaca kale ee magaalada ku sugan ee khilaafku u dhexeeyey sababo aan la shaacin awgood, waxayna wararku sheegayaan in waan waantaasi ay qarka u saaran tahay fashil ka gadaal markii wafdiga dowladda federaalku ee halkaasi u joogay dhexdhexaadinta ay go’aansadeen in saacadaha soo socda ay halkaasi ka soo tagaan iyagoo aan weli xalin xasaradii halkaasi ka jirtay, xili magaalada Kismaayo leysla dhexmarayo in dhinaca ka maqan magaalada ay qorsheynayaan duulaan ay ku soo qaadaan magaalaadaasi, inkastoo mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi joogta ay arintaasi waxba kama jiraan ku tilmaameen.

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan

abdishakuurelmi@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^^^ Emperor

 

Thanks for the up date. reergado maxaa wada meey hubka iska dhigaan dhibla aan lol Koleey waa loo soo socdaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ Ilaahay ma taqaan marka hore? I don't think you do weighing your answer, laakiin waxaa taa kula wadaaga dadka TFGDA daba rucleeya. They somehow think of evil to be a piety while piety and virtue are both evil. Good is bad and bad is good to them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ xoogsade sxb dadkii dadka gumeeysan jiray ilaaheey dadka waa ka qabtay. And I agree shayaadinta ilaaheey ma soo celiyo aamiin. lol laakiin wadaada xaqa ah ilaaheey hanoo keeno si ay ubadalaan warlord ka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abdi_Xaafid:

reergado maxaa wada meey hubka iska dhigaan dhibla aan lol Koleey waa loo soo socdaa

loool kuwa soo socdana armaa laga furtaa waxooda!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Waar Nabada qaata ceeb ma ahan, hubka iska dhiga oo shacanbkiina dhinac karaaca wax kafiican malahan laakiin dib danbaad u ogaan doontaa...

 

Abdi Xaafid Sxb, you can see how things are going it looks like another blood will be shed, like you said many have predicted this sort of Ending considering reer gedo's behaviour... Somalidu waxay maahmaahdaa .... Durduro waxaraad Duduntay kujabtaa

 

I hope commonsense prevails...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Emporer-

 

Why would the governor refuse to come to the city when asked by the Interior Minister of the transitional government who told him reer Gedo have fulfilled their side of deal?

 

Sxb, reer Puntland are looking for something and I am afraid it is that they will get. Dagaal waligeed ayuu dhici jiray, haduu haatan dhacana dee un qolo baa gacan sarayn.

 

That is something we know so until that time happens, tone down the unnecessary predictions. :D

 

p.s. Will Puntlandpost's writers write this in Puntlandpost:

 

Xildhibaanku wuxuu dhanka kale, sheegay in Taliyaha guutada koowaad ee Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Afguduud uu u soo raacayo guddiga dhanka Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu dib ugu laaban doono Kismaayo.

 

 

"C/risaaq Afguduud wuxuu ku shaqeyn doonaa awaamiirta Dowladda, mana dhacayso inuu ku shaqeeyo amar isaga uu jeebkiisa kala soo baxay, arrintaasna waa middii aan ku tagnay Kismaayo" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed oo ka mid ah guddigii wasiirrada ahaa ee halkaas loo diray.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Source

 

and write what you have posted now in "Kismaayopost"?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emperor yes sxb I see somali waxeey tiraahdaa ninkii soo joogsa laga waayo soo jiifso aa laga helaa

 

 

My good ppl from Gedo was told in monay times to behave in Kismayo and enjoy neecaawda macaan iyo malaayga macaan. Yet they chosen a war. Ara boowe Dagaali wil kuma Dhashtee wiil baa kudhinta ;)

 

 

Magaalada Kismaanyo Oo Daruuro Colaadeed Dul Hoganayaan { 02 May 2007}

waxaa la daabacay Wed 02 May 2007 15: 09: 42

 

 

 

Tan iyo intii ay xaalada magaalada kismaanyo ka baxday faraha guutada koowaad ee dowlada KMG ah ee uu taliyaha ka yahay c/risaaq af-guduud islamrkaana ay gacanta u gashay milayshiyo ku abtirsata beesha ***** ayaa xiisada kismaanyo marba heer hayad .

 

Dadaalo nabadeed oo ay wadeen wasiirka arimaha gudaha dowlada KMG ah maxamud maxamed guuleed (gacmo dheere ) iyo wafdigiisa oo isugu jiray saraakiil Ethiopian ah ,xildhibaano iyo xubno kale ayaa miro dhal noqon waayey kadib markii ay milayshiyada hada gacanta ku haysa magaaladaasi ay diideen in maamulkii col,c/rsiaaq af-guduud dib loogu soo celiyo taasna ay dhinac u arkeen inay dowladu u xaglinayso .

 

 

 

Milayshiyada gacanta ku haysa magaalada kismaanyo ayaa codsatay in masuuliyada gobolka lagu wareejiyo xabin kamida beesha ***** islamrkaana aysan sida ay sheegeen ku heshiin doonin iyaga iyo guutada koowaad ee uu hogaaminayo col,c/risaaq af-guduud.

 

 

 

 

 

Axmed sandheere oo kamida masuuliyiinta milsyhiyada hada gacanta ku haysa kismaanyo ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in dib loo abaabulo colaad waayo ayuu yiri hadii anaga iyo afguduud meel laysugu kaayo keeno waa isdila colaadana hurimayso marka waxaan dowlada KMG ah ka codsanaynaa inaysan indhaha ka qarsan arintaan ee ay dib u abuurto nabad .

 

 

 

 

 

Sidoo kale ciidamada dowlada KMG ah ee guutada koowaad ee magaalada si xooga ah looga saaray ayaa dibad meer ku ah deegaanada jubada dhexe iyo meelo kale ,taasoo keeni karta xiisada colaadeed oo ka abuuranta duur ku jirista col,af-guudud .

 

 

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee wafdigii dowlada KMG ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha (gacmo dheere) ayaan weli kasoo ambabaxin gobolka jubada hoose ay sida laga helayo warar xog ogaal ahina laf cad toobin ku haya.

 

 

 

 

 

Yaasiin maxamed cali (faytin)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Yeah too much provado, they seem to re-gain the conscience when Bullets start flying

 

N/AA I didn't get your last point...

 

As for Afgaduud, he has been a good excuse for reer gedo's case and that was proved wrong.... He's only part of the TFG forces and does not in anyway or form shapes the local authority. The local Authority leaders such as Gudoomiya gobolka iyo Magalada ayaa ah nimanka kaxanaaqsan arrinta and are calling for the disarmament of reer gedo's malitia.

 

Gudoomiyaha simply said, Maamul magaalo iyo Malayshiyo hubaysan mawada joogi karaan and Im not going into that city unless all of them disarm and take my orders for Im the supreme leader and the governer of the region and so did Mayor of the city... Sxb marka reer gedo wareerka intaad iska daysiin iyo marmarsiiyada Afgaduud ee nimankaas la deal gareeya oo sharciga uhogaansama or else be firm to your fighting motives...

 

Dagaal wiil kumadasho ee wuu kudhintaaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Only in Somali circles will someone come with the "maamul" of Col Afgaduud (a military commander) is opposed by Cumar Sandheere (the Deputy Governor of Lower Jubba Region). :D

 

War walle anigu meeshan waan fara dhaqday! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this