Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Waxa La Yidhi ....

Recommended Posts

Cabdillahi Yussuf oo Qaab Xeeladaysan Maalinta Sabtida ugu Beegay Is-Casilaadiisa iyo Maraykanka oo ku Baaqay in La Badbaadiyo Maleeshiyad Cabdillahi ee ku Sugan Moqdisho.

 

Markii lagu qasbay Oday Cabdillahi in uu xilka wareejiyo ayuu dib u dhigay wakhtiga uu ku dhawaaqayo Is-casilidiisa si uu Muqdisho uga daad-gureeyo Maleeshiyaadkiisii dhagar-qabayaasha ahaa, Adeegayaashiisii kala Cabdi Qaybdid, Gacma-Dheere iyo Maxmed Dheere ayuu u xilsaaray in ay soo daabulaan Maleeshiyaad-kiisa Firka-naxsan ka hor inta aanu ku dhawaaqin is-casilaadiisa.

 

Maleeshiyaad-ka ********* oo intooda badani ay qaab dhuumaalaysiya kaga baxeen Muqdisho ayaa la filayaa inta hadhayna in la mariyo oo laga dhoofiyo dhinaca Badda, inkasta oo ciidamada Ethiopia ay hore u horjoogsadeen hub iyo Meleeshiyaad laga rarayay dekedda Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin laakiin Isa-sootaraaya ayaa sheegaya in Cabdillahi uu amar ku bixiyay in hubka waaweyn ee aanu kala bixi karayn Muqdisho uu Qaab qarsoodi ah oo farsamaysan loogu wareejiyo Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab si Somalia, siiba Muqdisho aanu marnaba dagaal uga dhamaan.

 

Warar lagu kalsoonyahay oo laga soo Tebiyey Muqdisho ayaa iyana sheegaya in Nuur-Cadde, Cabdi-Qeybdiid iyo Sheekh Shariif ay Ballanqaadeen in ay Badbaadinayaan Maleeshiyaadka Cabdillahi Yussuf ee weli ku sugan Muqdisho Kadib markii Safiirka Maraykanka ee Magaalada Nairobi uu Khadka Telephon-ka kula soo xidhiidhay Saddexdaa Masuul, isaga oo ka codsaday in Maleeshiyaad-ka Odayga la badbadiyo, Marka Xilka uu ka dego Maalinta Sabtida ah.

 

Maxamed Warsame Darwiish oo ahaa Taliye Xasuuq ba'an ka gaystay Muqdisho, isla markaana ay Isku hayb yihiin Cabdillahi Yussuf ayaa Firxad isna ku soo gaadhay Magaalada Nairobi.

 

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ayaa wada Dadaal aan kala Go' lahayn oo ay ku doonayaan in Muqdisho aanu Dagaal ka dhicin kadib marka Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyad ********* ka huleelaan Magaalada, Waxayna Odayaashu Shirar Is-daba jooga aan la leeyihiin qaar ka mid ah Horjoogayaasha Muqaawamada.

 

[ December 31, 2008, 12:30 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is this editorial or news? "Dhagarqabayaasha?" Ninka waxaas qoray naceybkiisaba xataa didn't try in uu a bit qarsado.

 

Cabdillahi uu amar ku bixiyay in hubka waaweyn ee aanu kala bixi karayn Muqdisho uu Qaab qarsoodi ah oo farsamaysan loogu wareejiyo Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab si Somalia, siiba Muqdisho aanu marnaba dagaal uga dhamaan.

Kii marqaamaba wax aan qoraa iska dhahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Morgan iyo Saraakiil la Socota oo ku Biiray Maamulka Nuur-Cadde kuna Gacan-Saydhay

 

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku dhow-dhow Xafiiska Col.Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde) ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Saraakiishii & Horjoogayaashii Cabdillahi Yussuf uu ka keenay degaanada Puntland ay ku Gacan-saydheen in ay dib ugu noqdaan degaanadaas, kadib markii culays faro badani kaga yimi Odayaal Dhaqameedyo & Xubno kale oo Puntland ku sugan, waxaana la sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dolwad Cusub oo la sheegay in dhawaan la soo dhisi doono.

 

Xogtan ayaa tilmaantay in Gacan-ku-dhiigle Max'ed Saciid Xersi (Morgan)oo ah Dhagar-qabe Jirjiroole ah oo is daad raaciya hadba Isbedelada soo kordha...Xasuus Dhagar-qabe Morgan waxa uu joogay Muqdisho, isaga oo la shaqaynaayey Maxkamadii, markii Ciidanka Ethiopia iyo Cabdillahi Yussuf soo galeen Xamar ayuu toos ugu biiray kana soo dagaalamay xarunta Madaxtooyada.

 

Waxa isna la socda Morgan oo ka faa'idaystay fursada Taliyaha Guutada 4aad ee Maleeshiyadii Embagathi Col.Cabdilahi Cali Mire (Careys) iyo tiro badan oo saraakiil & Ciidamo ah oo ka soo jeeda degaanada Puntland, ku waas oo Si-qayaxan ugu soo horjeestay codsi Col.Cabdillahi Yussuf ka yimi, kaas oo ahaa in ay ku taageeraan Qorshihiisa oo dib ula laabtaan isaga, marka uu ku dhawaaqo is-casilaadiisa.

 

Warkan ayaa tibaaxaya in Gacan-ku-dhiigle Morgan iyo Col.Cabdillahi Cali Mire (Carays) ay si toos ah isu hortaageen go'aankii lagu soo saari lahaa Maleeshiyad Puntland ee ku sugan magaalooyinka Baydhabo & Muqdisho. Taageerayassha Col.Cabdillahi Yussuf ayaa ku eedeeyey Morgan iyo Carays in ay doonayaan xil iyo xodxodasho siyaasadeed oo ay ku fushadaan Maleeshiyad Puntland oo sida wararku sheegayaan iyagu doonaaya in ay ku noqdaan Puntland. Waxa kale oo lagu eedaynayaa labadaa nin in ay dhabarka ka jabiyeen Oday Cabdillahi iyo beeshiisa, kadib markii hoose tageen Col.Nuur-Cadde iyo Xulufadiisa.

 

Col.Cabdillahi Cali Careys ayaa Madax ka ah Guutada 4aad ee Maleeshiyada Emagthi wuxuuna aad u xumaaday xidhiidhkii uu la lahaa Cabdillahi Yussuf, markii Abaanduulaha Ciidamada loo magacaabay Sarkaal Beeleed ay Jifo hoose yihiin Odayga oo la yidhaahdo Saciid Dheere, kaa soo hore u sii raaca Duqii Adeerkii ahaa ee Cabdillahi Yussuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally Posted by JacayBro

"Col.Cabdillahi Cali Careys ayaa Madax ka ah Guutada 4aad ee Maleeshiyada Emagthi wuxuuna aad u xumaaday xidhiidhkii uu la lahaa Cabdillahi Yussuf, markii Abaanduulaha Ciidamada loo magacaabay Sarkaal Beeleed ay Jifo hoose yihiin Odayga oo la yidhaahdo Saciid Dheere, kaa soo hore u sii raaca Duqii Adeerkii ahaa ee Cabdillahi Yussuf."

Waxa la yidhi indeed. :D

 

carays1.jpg

 

Col Careys is the guy in the middle with the hat. He is actually closer to Yeey sub-clan-wise than Siciid Dheere is. The article has few facts twisted.

 

Carays is an ambitious tough guy and if he decided to work with Nuur Cadde's government instead of evacuating the thousands of Puntlanders who are part of the TFG army, then that is a great move for the country because you simply can't have a "national" army made up of one clan from Mogadishu. Broad representation will validate the TFG's existence and make the nation move forward with progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

 

 

Maleeshiyaad-ka
******teeniya
oo intooda badani ay qaab dhuumaalaysiya kaga baxeen Muqdisho ayaa la filayaa inta hadhayna in la mariyo oo laga dhoofiyo dhinaca Badda, inkasta oo ciidamada Ethiopia ....

 

Admin and moderators, what is the point of banning clan names, when the technique used above is as good as naming the whole clan name?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

quote:Originally Posted by JacayBro

"Col.Cabdillahi Cali Careys ayaa Madax ka ah Guutada 4aad ee Maleeshiyada Emagthi wuxuuna aad u xumaaday xidhiidhkii uu la lahaa Cabdillahi Yussuf, markii Abaanduulaha Ciidamada loo magacaabay Sarkaal Beeleed ay Jifo hoose yihiin Odayga oo la yidhaahdo Saciid Dheere, kaa soo hore u sii raaca Duqii Adeerkii ahaa ee Cabdillahi Yussuf."

Waxa la yidhi indeed.
:D

 

carays1.jpg

 

Col Careys is the guy in the middle with the hat. He is actually closer to Yeey sub-clan-wise than Siciid Dheere is. The article has few facts twisted.

 

Carays is an ambitious tough guy and if he decided to work with Nuur Cadde's government instead of evacuating the thousands of Puntlanders who are part of the TFG army, then that is a great move for the country because you simply can't have a "national" army made up of one clan from Mogadishu. Broad representation will validate the TFG's existence and make the nation move forward with progress.
The author needs his facts checked ma istiri!! Careys is indeed much closer to Yey than Saciid Dheere is. And I don't think if there is any feud between Careys and Yey. This whole thing is made up story "Waxa la yiri" at its best. Ina Yey is the guy who has the last say of where those PL guys will go and most probably will be back to PL. We will wait and see what happens next though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abdinasir Kadawo:

quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

 

 

Maleeshiyaad-ka
*********** oo intooda badani ay qaab dhuumaalaysiya kaga baxeen Muqdisho ayaa la filayaa inta hadhayna in la mariyo oo laga dhoofiyo dhinaca Badda, inkasta oo ciidamada Ethiopia ....

 

Admin and moderators, what is the point of banning clan names, when the technique used above is as good as naming the whole clan name?
I thought the censorship bot took care of it. You've got a point. Let me edit the rest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

That is why it is called Wala la yidhi ......
:D

loooooooool JB waa ka baxsatay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:-Madaxwaynihii hore ee DGPL General cade Muuse oo haatan ahaa murashax ka mida murashaxiinta maamulgoboleedka Puntland ayaa la sheegay inuu goor dhow ku dhawaaqi doono tanaasulid uu samaynayo taasi oo ay keentay kal sooni daro kaga timid dhanka shacabka iyo guud ahaan xildhibaanada maamul goboleedka Puntland oo intooda badan aan siinin wax kal sooni ah oo uu ku helo inuu mar 2aad ku guulaysto xilka madaxnimada maamul goboleedka Puntland.

 

Wararka saacadihii ugu dameeyey ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Caasimada PL ah ee Garoowe ayaa soo sheegay in gadiid badan oo kuwa ciidanka ah loo gelbiyey dhinaca Degmada Qardho ee Gobolka karkaar ku waasi oo la sheegay inuu Cade Muuse meel geystey.

 

Cade Muuse ma uusan shaacin ilaa iminka tanaasulaadkiisa uu xilka murashax nimada uga tegey hase ahataa waxaa la filayaa inuu goor dhow ku dhawaaqo welina lama hayo warar faahfaahsan oo ka soo baxya arintaasi.

 

Hadii ay dhab noqoto talaabadani waxaa la orankaraa xukuumada Puntlan waxa ka hana qaadaya isbedel siyaasadeed oo dhab ah kaasi oo ay shecabka reer Puntland ku soo dhowaynayaan ninkasta oo ka talinaya horumarka iyo Sumcada Dalka iyo Dadka ku dhaqan degaanada Maamulgoboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Cusub ee C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxa soo Food saaray Bur Bur iyo Kala Yaac ka dib markii Golihii Wasiirada Qaarkood ay markiiba Is Casileen, Faroole ayaa la sheegay in la Laftigiisa laga Yaabo inuu Is casilo ka dib markii uu Gar waaq saday inuu dhaqaajin Karin dawlada uu Hogaamiyo Haatan.

 

Dr Saleebaan Ciise Axmed ayaa oo ahaa Ragii la Loomayay Faroole ayaa Xalay waxa uu Madaxwayne Faroole u Magcaabay Wasiirka Kaluumaysiga Puntland, Laakiin Saleebaan Ciise oo Kulan wareed ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inaanu Marnaba Yeelayn Xilkaasi loo Magcaabay, isaga oo taasi sabab uga dhigay inay Dawlada Faroole tahay mid Gaabis ah.

 

Dr Saleebaan Ciise Axmed oo Khadka Talefoonka ugu warmay Radio LaasqorayNET ayaa si Cad u sheegay inuu xilkaasi Loo Magcaabay aan sinaba u Yeelayn isla markaana uu Go"aansaday inuu is Casilo.

 

Mr Xagal Toosiye ayaa xusay in Dawlada Faroole ay u Muuqato Mid aan Cadaalad iyo sinaan ku dhisnayn isla markaana shakhsigee ka dhex Muuqdaa uu la Qaybsanayo Xumaanta Xukuumada Faroole.

 

Sidoo kale Warar dheeraad ah oo hata na soo gaadhaya ayaa sheegay in Nuura-Diin Aadan Diiriye oo isna ahaa Musharax uu Faroole u Magcaabay Wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga, dad War Gal ah ayaa soo sheegaya in Nuura-Diin uu xilkaasi Gabi ahaanba diiday isaga oo xusay inaanu ka Mid ahayn Xukuumada Faroole.

 

Dhanka kale General C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir oo isna ka mid ahaa Ragii si Adag ula Loolamay Faroole isaga oo Wareeg sadexaad soo Gaadhay ayaa isna Faroole u Magcaabay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose, waxana jira Warar sheegaya inuu Isna Arinkaasi Ganafka u dhuftay in kastoo ay hadana Jiraan Wali Kulamo ay Leeyihiin Isimada Reer Sanaag iyo Gen-ku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar aan wali si toos ah shaaca looga qaadin ayaa sheegaya in Magaalada Buuhoodle ay ka socdaan Qaban Qaabo xoogan oo looga Gol leeyahay sidii looga dhabayn lahaa shirka Mucaaradka ee loogu Magac daray Shirka Is Bedelka Puntland, shirkaasi ayaa waxa lagu Casumay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Pl, Kulankaasi ayaa waxa sidoo kale ka qayb Galidoona Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

Shirkan ayaa la sheegay inuu socondoono mudo Bil ku dhawaad ah waxana looga dhawaaqayaa Is Baahaysi Mucaarad ah oo dhan ah Dawlada Faroole Hogaamiyo, sidoo kale shirkaasi ayaa waxa ka qayb Galaya Masuuliyiin sar sare oo ka soo kaa Jeeda Gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Mudug.

 

Qof qariyay Magaciisa ayaa sheegay in shirkaasi looga midha dhalinayo Is baahaysi ay dhamaan Lugta kula jiraa raga ay Siyaasad ahaan iskaga soo Horjeedaan Hogaanka Cusub ee Faroole.

 

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in shirkaasi dhamaan ka qayb Galayaa Ragii Ku Loolamaya Hogaaminta Puntland kuwaasi oo durba qaarkood Gaadhay Magaalada Buu-Hoodle, sida Saleebaan Xagala-Toosiye iyo Nuura-Diin Aadan Diiriyi oo la sheegay inuu Maanta ku Fool leeyahay Magaalada Buu-Hoodle.

 

Shirkan looga dhawaaqay Buu-Hoodle ayaa waxa uu dhabar jab wayn ku yahay Xukuumada Faroole Hogaamiyo iyada oo taasi aanay suura galinayn in Xukuumada Faroole ay sii Taaba Gasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this