Sign in to follow this  
MoonLight1

AlShabaab WARN THE ULAMA'A.

Recommended Posts

Ururka Alshabaab ayaa markii u horeysay uga digay Hey'adda Culumaa'udiinka Soomaaliyed ku wareeegitaanka iyo noq noqshada xarumaha Dowladda iyo waxa ay ugu yeereen goobaha uu cadawga joogo.

 

Waaliga Wilaayada Alshabaab ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen ayaa u sheegay Culumaa'udiinka inay ka digtoonaan goobaha ay ku noq noqdaan ee Cadawga joogo, isagoona sheegay inay ay ku kooban yihiin goobahaas.

 

Mas'uulkan oo ka dhigan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Alshabaab ayaa ku eedeeyay Hey'adda Culumaa'udiinka inay magan galeen waxa uu ku tilmaamay Cadawga Umaada, waxaana uu sheegay inay istaaf ka dhigteen Ciidamadooda sida uu hadalka u dhigay.

 

Cali Maxamed Xuseen ayaa ugu baaqay inay Towbad keenaan Culumaa'udiinka ayna u soo leexdaan meelaha ay Mujaahidiinta joogaan, isagoona ku tilmaamay goobaha ay ku noq noqdaan ee Cadawga joogo ay tahay meel aan ka badneyn 3KM sida uu hadalka u dhigay.

 

"Culumaa'udiinka waxaan leenahay ha Towbad keenaan, hana ka digtoonaadaan meelaha ay cadawga ku sugan yihiin ku noq noqoshadooda"ayuu yiri Waaliga Alshabaab ee Gobolka Banaadir.

 

Waxaa uu sheegay in Culumada looga baahan yahay in ay wacyi gelin diiniyan ka sameeyaan goobaha uu sheegay inay Mujaahidiinta ka taliyaan, isagoona sheegay hadii aanay ka digtoonaanin arrimahaas ay qasaare doonaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadalkan ka soo yeeray Mas'uulka Alshabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa noqonaya mid sii wiiqaya howlaha musaalaxada ay wadaan Culumaa'udiinka, waxaana uu sii fogeynayaa in xal laga gaaro dagaalada iyo xiisadaha ka oogan Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ameer   

They know religion better than the culumaas that tells this is not a religous war but form of warlordism.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this