Sign in to follow this  
Dhuujiye

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sheegay in Galkacyo ka fureen Xafiiskii Socdaalka

Recommended Posts

Dhuujiye   

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kaga dhawaaqay in laga furay Koofurta Galkacyo Xafiiskii Waaxda Socdaalka.

 

Dr, Cumar C/rashiid oo kula kulmay Koofurta Galkacyo Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay laga furay Koonfurta Galkacyo Xafiiskii Socdaalka Dowladda.

 

Kulan uu kula qaatay Koonfurta Galkacyo Mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug ayuu u cadeeyay in Xafiiska Socdaalka uu si rasmiga uga howl galayo, isla markaana uu qabanayo howlihii lagama maarmaanka ee bulshada ee ku aadanaa dhanka socdaalka.

 

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid horu mar ah, maadaama loo fududeeyey arrimaha socdaalka iyo qaadashada baasaboorka E-Passport ee ay soo saarto dowlada KMG Somalia.

 

Maamulka Puntland ee ka arimiya Waqooyiga Galkacyo ayaa diiday in Hal Xafiis laga hirgeliyo Magaalada, waxaana ay ku cataabeen in aanay aqbaleyn arrintaas oo ay cambaareynayaan.

 

Magaalada Galkacyo ayaa u kala qeybsan labo qeybood oo ka jira Labo Maalmood waxaana magaalada tahay mid leh Qad Cagaaran oo maamul walba iskiis uga howl galo labada gedi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...arkeysidaa...p lus xaafiis Socdaal maxaa lagu falayaa toloow ma dadka deggan baa la rabaa inay wada dhoofaan? Then magaalada becomes one Berlin...lol...I think there are other things that are more important than that...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this