Sign in to follow this  
Jacaylbaro

KULMIYE Convention Came to the End ,,,,,, Leaders Elected

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirweynihii Labaad ee Xisbiga Kulmiye oo galay maalintiisii 3-aad ayaa lagu doortay hogaanka cusub ee Xisbiga hogaamin doono Shanta Sano ee soo socootga.

 

Waxa isu soo taagay Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo keliya waxaana uu kasbaday, isla-markaana gacanta u taagay ergay dhan 497 ka mid ahaa 503 ergay oo madasha shirka ka soo xaadiray.

 

Gudoomiye ku-xigeenka 1- waxa hantay Muuse Biixi Cabdi oo helay 330 ergay codkood, halka Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhego-wayne oo jagadaas kula loolamayay ka helay 182 cod.

 

Gudoomiye ku-xigeenka 2-aadS ee Xisbiga waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo helay codka ergay gaadhaysa 455 cod, halka Cali Cabdi Cilmo oo jagadaas kula loolamayay uu ka helaly Todoba Cod.

 

Gudoomiye ku-xigeenka Saddexaad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan maxamed Talyanle oo helay codka ergay gaadhaysa 451 cod, yuusuf Bashiir oo jagadaas kula tartamayay ayaa isna helay 20 cod.

 

Gudoomiye ku-xigeenka Afraad waxa ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) , ka dib markii uu helay codka ergay gaadhaysa 480 cod, halka Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo jagadaas kula tartamayay uu ka helay 34 cod.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga isaga waxa ku tartamayay Lambarkii ugu badnaa tartamayaasha oo ahaa Saddex xubnood, kuwaasoo kala ahaa Keyse Xasan Cige, Sahra Maxamuud Xuseen iyo Cumar Maxamed Xasan.

 

Waxa xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ku guulaystay Kayse Xasan Cige . 277, Waxaana aad ugu dhawaaday Sahra Maxamuud Xuseen oo heshay 236 cod, Cumar Maxamed Xasan-na waxa uu helay Hal cod oo keliya.

 

Dhinaca kale waxa isla shirweynaha waxa madasha si aqlabiyad ah loogu ansixiyay barnaamijka iyo distoorka Xisbiga, inkasta oo wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada dastuurka sida:- Golaha Dhexe oo ka koobnaa 133 oo lagu dhigay 170 xubnood . Waxaana shirweynuhu awood u siiyay Golaha dhexe inuu wax ka bedel ku samayn karo barnaamijka iyo distoorka Xisbiga.

 

Wixii ka soo kordha shirka iyo sawirada musharxiinta hogaanka xisbigaba la soco waxyar ka dib.

 

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland.org Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Degdega : Shirweynahii Labaad ee Xisbiga Kulmiye oo doortay Hogaanka Shanta Sanadood ee soo socda .. Yaase loo doortay

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

(Muuqaalka shirweynahi kulmiye ee Maanta)

hadhwanaag 2008-03-31 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN) Shirweynahi labaad ee xisbiga mucaaridkaa ee Kulmiye oo goor dhaw lagu soo gabagabayndoon Hoteel Ampasadoor ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta waxa la doortay hogaanka shanta sanadood ee soo socda xukumi dooona xisbigaasi.

 

Iyadoo in ka badan 580 ergay ay fadhiyeen Madashasi ayaa hadana waxa musharaxintii fara badnayd ee halkaasi isku ti lagu kala saaray codka ergada halkaasi fadhiday.

 

Waxa jagada Gudoomiyaha u tartamayay hal qof oo kaliya oo ahaa Gudoomiyihii hore ee xisbgaasi Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo ) axmed silaanyo oo anay cidi kula tartamayn jagadaasi ayaa manta waxa uu ergadii halkaasi fadhiday helay 497 cod

Waxa isna Usharaxnaa Jagada Gudoomiye kuxgeenka kowaad

Muuse Biixi Cabdi oo helay 330cod halka mushararaxii la tartamayay oo aha ibraahin dhagaweyn uu helay 182

 

Jagada Gudoomiye kuxgeenka labaad waxa helay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax

 

Jagada Gudoomiye kuxgeenka sadexaadna waxa uu sharaxnaa Abraxmaan Maxamed Taryanle iyo Yuusuf Bashiir Xirsi oo kala helay

Cabdiraxman Yuusuf taryanle ayaa ku guulaystay Gudoomiye kuxigeenka labaad waxaanu helay .. 451Cod halka uu helay Yuusuf Bashiir Xirsi 20

 

Jagada Gudoomiye kuxigeenka Afaraad waxa helay Cabdiraxman Cabdilaahi Ismacil(Saylaci)

 

Iyadoo Xoghayaha Guud ee Xisbiga ay ku tartamaayeen Sadadx Musharaxa oo kala ahaa Sahra Maxamuud Xuseen(Basbaaso) , Keyse Xasan Cige iyo Cumar waxa jagadaas Xogahayaha Guud ee Xisbiga helay Keyse Xasan Cige oo helay 277cod halka Sahra Maxamuud Xuseen(Basbaaso) ay heshay 236cod .

 

Shirweynahan xisbiga kulmiye oo gordhaw la soo gabagabayn doona waxii warar dheeriya dib ayaan idinla socodsindonaa eek ala soco Hadhwanagnews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Check out the bold font in the first post sxb .... those are the ones elected.

 

Siilaanyo for Chairman

Muuse Biixi for the first vice chairman

Abdirahman Abdiqadir for the second vice chairman

Abirahman Talyanle for the third vice chairman

Saylici for the fourth vice chairman

 

The Secretary general of the party will be Keyse Hassan Igeh ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

She went with the change i guess ,,,, she was not running for the position. The same with the vice parliament spokesman Mr. Abdi-Aziz Samaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Closing Speeches of the Conference:

 

Mudane Siilaanyo:

 

Waxaan mahad idinka mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee aad ii sharafteen, Gudoomiyahana iiga dhigteen Afar sano oo dambe. Wax Alla waxaan hagraynaa ma jirto aniga iyo saaxiibadayna waxaan idinka balan-qaadaynaa inaanu si hagar la’, cadalada, sinaana, daacada idiinku shaqaynaynaa. Inaanu noqono xubnahayagani dad isku duuban oo wada shaqeeya oo wada tashada.in Ilaahay naga yeelo”

Muuse Biixi, The first Chairman:

 

“Waxaad ii ogolaataan inaan halkan idiinka soo jeedo mahad balaadhan sida aad kalsoonida balaadhan noo sii xilna noogu dhiibteen. Waxaan hubaa inta halkan fadhida in in badan oo ka mid ahi iga aqoon badan tahay iga karti badan tahay, igana firfircoon tahay, sidaas oo ay tahay haddana waxay ii igmadeen inaan ka mid noqdo hogaanka cusub ee Xisbiga Kulmiye. Waxaan idinka codsanayaa inaad noo ducaysaan in ilaahay noo fududeeyo. Haddii aanu khaldanana na saxdaan haddi aanu saxsanahayna na taageerto. Xisbiga Kulmiye waxa uu ka hidda raacayaa Ururka SNM inuu ka dib dhicin shirweynihiiisa, iyada oo SNM dagaal ku jirta ayaanu haddana mar keliya dib u dhicin doorashada hogaanka.Waxaan halkan maanta ka qirayaa inay haweenka Somaliland yihiin Diamond. Waxa maanta Kulmiye looga fadhiyaa mid ka duwan maanta ta Ina Rayaale oo kale maahee. Afartan sano umaddu may arag madax ay ka adag yihiin mid isaga ku tunta mooyee. Waxaanu balanqaadaynaa markaanu ku guulaysano waxaanu balanqaadaynaa inuu Madaxweynuhu noqonay mid mushahar go’an, oo aan isagu qaadan Afartan Kun oo Dollar Askariga ilaalinayaana Afartan Doollar.

The new Secretary General, Keyse Hassan:

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige: “Waxaan dhamaantiin idiinka mahadcelinayaa doorashada aad ii doorataan Xoghayaha. Badanaana waxa la yidhaahdaa dadka gudaha ayaa awooda la saaraa inay kaalintooda ka qaataan. Markaa Kulmiye maanta wuu siiyay doorkoodii qurba jooga, waxaanaan aaminsanahay inay ku soo dhiiran doonaan ka qayb-galka hogaanka dalka qurba jog badani.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye.

 

Hadraawi, the poet:

 

“Marka hore aniga oo ka mid ahaa xubno 30 ah oo marti sharaf ahaa, in aan ka mahad celiyaa marti-qaadkaa. Waxa raaca malaha waxaaba ficnaan lahayd aan ka hadlo doorashada kale. Bal waa inay fursad u halaan labada xisbi kale inay caddeeyaan waxa ay kaga duwan yihiin. Tollow iyaga iyo UDUB ma isku mid baa mise waxbay kaga duwan yihiin haddii ay fursadaa helaan. Waxaan filayaa Kulmiye mushkiladii dhexdiisa haddii ay jirtayba inay ka fara xasheen. Inuu Kulmiye sidii uu ku soo bixi lahaa maaha mid loo sheegayo oo way u qorshaysan tahay. Balse ta aan la malayn Karin ee culusi waxa weeye berri haddii uu soo baxo xaguu umadda u dhaqaajinayaa. Beri laba beelood oo Soomaaliyeed ayaa is dilal waxa u dhaxaysay buurta la yidhaahdo SHeediyo, dhinac baa gabadh soo qaaday dhinacii kalena waxay u diyaar-garoobeen soo dhac. Laakiin, waxay yidhaahdeen intaynaan dagaalka bilaabin aynu soo eegno diyaar-garowgooda. Ka dibna sahan bay u direen, oo Inanyar oo adhi soo foofiya ayaa meesha yimaada. Dabadeedna Inankii iyo hooyadii baa tidhi hooyo maxaad soo aragtay. Wuxuu yidhi guray kolba dhinac u socda.waxay tidhi wallee gorayga sheediyo ama xudun u dhac ama Nuugaad weyne u dhac. Dabadeedna aroortii bay ka guurtay. Aroortiina weerarkii baa dhacay. Samirkii wuu dhamaaday, berri Kulmiye heli mayo hadal sidaa yidhaahda waxaa qabta mooyaane. Kulmiye ta sugaysaa oo sanadihii hore doorashooyinkii ayaa ka faa’iidaystay. Waxay maraysaa in Inanku hooyadii ku dhoofiyo waa xaaskaygii, Inantu Aabaheed ku kaayso waa Ninkaygii. Gabadh baa jirtay niyadeeda ku qufushay habeenkii markay soo toosto Londoneey bay ku soo toosi jirtay. Maalintii dambe ayay BBC-da dhagaysatay markii warkii iyo dwixii dhamaadeen ayay maqashay Tacsi hebel iyo hebel waxay tacsiyadaynayaan heblaayo oo London ku geeriyootay. Ka dib waxay tidhi Cawadeeda iyada ayaaba London ku dhimatay. Ka dibna London baa la geeyay waayo ka dib, waxay tidhi London meeday, waatan aad joogto baa la yidhi, waxa isu qaban waayay waxay filaysay iyo siday noqotay. Lix bilood ka dib meesha iga kexeeya ayay tidhi. Markii dambena Inantu way waalatay. Xaqaa’iqa wadanka yaala ayaa kalifay in dhalinyaradii badda isku tuuraan. Halkana Kulmiyaa fadhiya, Kulmiyoowna taasaa ku sugaysa.”

AND MANY MORE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Siilaanyo just lost any chance he might have had of being a serious contender.His nomination of Muse Biixi as vice chair was the final nail in the coffin.The old man can now go and honorably retire.

I for one am totally diasappointed in his choice.I thought Silaanyo was the only serious candidate to challenge UDUB but he has squandered that chance big time.......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

^Mr Bold and Beautiful is back! Must we endure another pitiless hail of impertinent remarks, ill-conceived beliefs, and soundless arguments from Sol's oaf....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne,

 

A lot of people were disappointed by the suddent election of Muuse Biixi icluding me. I don't think that was a good choice at all but what i want to tell you is that this is not for the presidential elections. This is completely the internal structure of KULMIYE as they willl have another meeting in a month or so to choose who will stand for the Presidency and who is going to be the vice president. There is where the tough competition will come.

 

 

Gediid,

 

Muuse Biixi is not nominated by Siilaanyo but he was elected by the KULMIYE members.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this