Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf flies out to visit China...

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka China

Last Updated::2006-11-01 17:37:41

 

Baydhabo:- Madaxweynaha Dowlada KMG Somaaliya C/laahi Yusuf Ahmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Beijin ee xarunta dalka China.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa la xariira shirweyne ka dhici doona dalka China oo ay ku kulmi doonaan hogaamiyaasha dalalka Afrika iyo China.

 

Dalka China ayaa wada qorshayaal kala gedisan oo dhinaca horumarinta iyo dhaqaalaha ah oo la xariira Qaarada Afrika, ayadoo dalka China uu heshiisyo kala gedisan la galay dalal Afrikaan ah oo dhinaca baaritaanka Shidaalka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu la kulmo mas'uuliyiinta Dowlada China oo ayagu casumaadan usoo diray.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa heshiisyo dhinaca horumarinta arrimaha Bulshada, baaritaanka khayraadka iyo waliba dhismaha Jidadka uu u gudbin doono dalka China oo xiriir dheer lasoo lahaan jiray dalka Soomaaliya.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com - Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Madaxweyne Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka dhoofay Baydhabo isagoo ku sii jeeda dalka China

Posted to the Web Nov 01, 14:55

 

 

Baydhabo (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Bay isagoo ku sii jeeda dalka China, balse sii maraya dalka Kenya, halkaasoo lagu wado inuu kula kulmo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

 

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ah Xuseen Ceelaabe Faahiye, waxaana safarka uu ahaa mid aan horay loo sii shaacin, waxaana lagu wadaa in berri uu ka duulo Kenya una duulo dalka China.

 

 

Wararka ay Shabakadda Puntlandpost ka helayso Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu kaga qaybgalayo dalka China kulanka ay isugu imaanayaan madax Afrikaan ah, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Yuusuf uu halkaas kula kulmayo xubno ka tirsan dalka China.

 

 

Dowladda Shiinaha ayaa waxay dhawaanahaan wadday xiriirro ay la sameynaysay Madaxda Dowladaha Afrika, waxaana China ay isku dayaysaa inay gacan ka geysato horumarinta dalalka Afirkaanka ah ee dhaqaalahoodu hooseeyo si ganacsiga dalkooda ka soo baxa halkaas ugu iib geeyaan.

 

 

Soomaaliya ayaa waxay xiriir soo jireen ah la lahayd Dowladd China, waxaana dowladaha Shiinaha ay ka dhiseen dalka Soomaaliya dhismooyin caan ah sida: Garoonkii Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Isbitaalkii Caruurta iyo Hooyada ee Banaadir, Tiyaatarkii Soomaaliya iyo goobo kale oo fara badan.

 

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la caddeeyay inuu dib ugu soo labaanayo marka uu u soo dhamaado safarka uu ku tagayo Dalka China Magaalada Baydhabo ee xarunta Dolwadda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DAG-DAG AH. Madaxwaynaha Soomaaliya oo u ambabaxay magaalada Bikiin ee caasimadda Shiinaha

Arbaco, November 01, 2006

 

Baydhabo (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Mud. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 

Madaxwayne Yusuf ayaa waxa uu u kicitimay magaalada Bikiin ee caasimadda wadanka Shiinaha halkaasoo uu kaga qayb galayo kulan ay isugu imaanayaan madaxda qaaradda Afrika iyo Shiinaha.

 

Mudane Yusuf ayaa waxaa socdaalkii magaalada Nayroobi kala lug bilaabaya wasiirka maaliyadda ee dawaladda Soomaaliya Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) Sida ay inoo sheegeen xubno ka mid ah xukuumadda Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale xukuumadda Bikiin la soo saxiixanayaa heshiis iskaashi oo ku aadan dhanka horumarinta.

 

Horay madaxwaynaha dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu ula kulmay saraakiil ka mid ah xukuumadda Shiinaha.

 

Warar ka soo baxay madax sar sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijinayaan in madaxwayne Yuusuf uu kala soo hadlayo madaxda shiinaha sidii dalka looga fulin lahaa mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay baaridda shidaalka iyo samaynta wadooyin kala duwan.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol, now you have something against my clans websites, your hatred is deep my son.

 

Madaxwayne Yusuf oo maantay ka dhoofay Magalada Baydhabo isagoo u anbabaxay Dalka Shiinaha

Posted to the MOL November 1, 2006, 11:11 am

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Md: C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka ambaxay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dowladda Fedralka Kumeelgaarka Somaliya, Madaxweyne Yuusuf ayaa sida ay wararku sheegayaan ku hakan doona Magaalada Nairobi, iyadoo la filayo inuu kaga sii gudbo Dalka Shiinaha.

 

Madaxwayne C/llaahi Yuusuf ayaa Magaalada Bijiin ee Caasimada Shiinaha u tagi doona Shir caalami ah oo Magaaladaas ay ku yeelan doonaan Madaxda qaar ka mid ah Dowladdaha Afrika iyo Xukuumada Shiinaha. Dowladda Soomaaliya oo ka mid ah Dowladaha Shirkaas lagu casuumay ayaa waxaa la filayaa in wafdi ballaaran oo Xukuumada ka tirsan ay maalmo kadib u dhaqaaqaan Magaalada Bijiin.

 

Sidoo waxaa la sheegayaa in Madaxwayne Yuusuf oo Masuuluyiinta shiinaha kala hadli doono dhaqaale aya u balanqaadeen Dawladiisa ayadoo dawlada Shiinaha ay Somaliya u Magacaabatay Safiir fadhigiisuyahay Magaalda Nairobi ee dalka Kenya.

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuuf oo u duulay dalka China

 

Baydhabo 01, Nov.06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Baydhabo oo fariisin u ah dowladiisa, waxaana la sheegay in uu ku sii jeedo dalka Shiinay.

 

Madaxweynaha Somalia oo safarkiisa ay ku wehliyaan xubno ka tirsan dowladda oo aan la shaacin magacyadooda ayaa waxa uu kaga qeybgalayaa dalka Shiinaha kulan caalami ah oo lagu casuumay Madaxweynayaasha Afrika.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay in uu ku sii hakan doono dalka Kenya, iyadoo bixitaankiisa ay ku soo beegmatay xilli wafuudaha dowladda iyo maxkamadaha islaamka ay ku kulmi la'yihiin dalka Sudan.

 

 

Shabelle Media Network Baay

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo u ambabaxey China

 

1 Nov 1, 2006, 09:30

Madaxweynaha Dowlada Federaalka KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta safar deg deg ah oo aan horey loo shaacin ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Safarka Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa la maqlay ka dib markii diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, taasoo la sheegay iney qaadi doonto Madaxweyne Yuusuf.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ku weheliya Wasiirka Qorsheynta Qalabka Xuseen Ceeylaabe Faahiye iyo wasiirka Maaliyada Shaati Guduud oo la sheegey in uu ka sii raaci doono dalka Kenya.

 

Safarka Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku wajahanyahay wadanka Shiinaha halkas oo la sheegey in uu ka furmayo kulan dhexmaraya madaxda wadamada Afrika iyo Shiinaha.

 

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxwayne Cabdulahi Yusuf uu halkaas kula kulmo shirkado daneynaya khayraadka dalka Somalia.

 

Madaxwayne Yusuf ayaa inta uuu ku sugan yahay wadanka Kenya ayaa waxa la filayaa in uu la kulmo Gudoomiyaha Barlamanaka Shariif Xasan isaga oo ku ka raaridi doona sidii uu uga qayb gali lahaa kulanka Khartum

 

Cabdulahi Yusuf ayaa ka amabaxaey magaalada Baydhabo iyada oo laga cabsi qabo fashil ku yimaada kulnka Khartoum kaas oo sababi kara dagaal dhexmara Midowga Maxaakiimta iyo DFKMG ah.

 

Cabdi Fatax Axmad

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

And may he not come back from the Gog & Magog lands safe and sane. May he choke on a fried spicy rat chinese delicacy that will make his fake liver fail for good. May he expire in Beijing. Amin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this