Sign in to follow this  
Ilka-dahable

GUULLOOW KUWII GABLANKAAN I BADEY ISIRKOODA GOO(baroor Hooyo Somaaliyeed)

Recommended Posts

Xaawo Cabdi Careys, waa Haweeney Waayeel ah oo 65jir ah. Waxay ku dhalatey, ku barbaartey ilaa iyo imminkana ku nooshay xaafadda KPP ee Magaalada Muqdisho. Waxay dhashay lix carruur ah - 4 Wiil iyo labo Gabdhood.

 

4ta Wiil mid ka mid ah wuxuu u shaqeyn jirey Shirkadda Hormuud ee Muqdisho, mid kalana wuxuu waardiye ka ahaa Shirkadda Telecom Soomaaliya ee isla magaalada Muqdihso. Labada Wiil ee kale, waxay ahaayeen Baagamuuddo (Shaqo la’aan).

 

Labada Gabdhood, waxay ka isu baddeli jireen Bacadle ay Habartu ku lahayd Suuqa Weyn ee Bakaaraha, oo midu gelinka hore joogi jirtey tan kalana gelinka dambe. Maddaama Xaawo ay ahayd Qof weyn, iyadu guriga iyo nawaaxiga xaafadda KPP ma dhaafi jirin.

 

Xaawo iyo lixdeeda Ilmoodba halkaas ayey weligood ku noolaayeen, noloshooduna aad ayey u wanaagsanayd, waxayna soo mareen dhibaatooyinkii Dagaallada Sokeeye oo dhan, Ilaahayna waxba kuma yeelin.

 

Markii ay soo baxeen Isbahaysigii la baxay Maxkamadaha Islaamiga, bartamihii sannadkii 2006dii ayaa mid ka mid ah labadeeda Wiil ee Baagamuudada ahaa ku dhintey xabbad Wiifto ahayd oo ka soo dhacdey dhanka xaafadda SHIIRKOLE, oo xilligaas ay deganaayeen Qayb ka mid ahayd Isbahaysigii Maxkamadaha.

 

3bil ka dib, markii ay Isbahaysigaas la wareegeen Magaalada Muqdisho ayaa Wiilkeedii kale ee isna Baagamuudada ahaa niman Af-duuban ku dileen isaga oo dhex maraya Suuqa Bakaaraha. Lama oga ilaa iyo imminka cidda dishey iyo sababta loo diley toona.

 

Markii la Jabiyey Maxkamadihii, oo la wiiqey awoodoodii ayaa Isbahaysigii Maxkamadihii u kala jabeen Ururo kala Maan iyo aragti ah. Dabayaaqadii 2007da ayaa Labadii Wiil ee Xaawo u soo hartey kala duufsadeen Ururka Khawaarijta Al-shabaab iyo Ururka Khawaarijta Xizbul Islaam. Ururka Al-shabaab waxay duufsadeen Wiilkii u shaqeyn jirey Shirkadda Hormuud, kii kale ee Waardiyeha ka ahaa Shirkadda Telecom Soomaaliyana waxaa Duufsadey Ururka Khawaarijta Xizbul Islaam.

 

Nasiib-darro, labdii Wiilba waxay ku dhinteen hawl-gallo ay labada Urur siyaabo kala duwan uga wadeen gudaha Soomaliya. Mid ka mid ah wuxuu ku dhintey hawl-gallo ay Al-shabaab ka sameynaysay Magaalada Muqdisho halka kan kalana uu ku dhintey hawl-gallo ay Xizbul Islaam ka samaynayeen Ceelasha Biyaha.

 

Halkaas ayey Xaawo Cabdi Careys ku waydey 4teedii Wiil ee ay ku soo tira iyo tacab beeshey. Dhibaatada soo gaartey Xaawo intaas kuma aysan ekeyn, waxay Musiibadii ugu darneyd soo gaartey 22kii Bishaan Actoobar ee aan hadda ku guda jirno ka dib markii duqeyn arxan darro ah lagu garaacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaas oo ay ku geeriyoodeen labadeedii Gabdhood oo isla joogey Bacadlihii ay ka wada shaqaysan jireen. Labada Gabdhood ayaa maydkoodii la garan waayey ka dib markii Madfacii ku habsadey cad-cad u googooyey!!

 

Xaawo ayaa markii ay maqashay madaafiicda lagu garaacey Bakaaro isla markiiba u carartey dhankaas iyo Bakaaraha, halkaas oo markii ay gaartey ka war heshey in labadii Gabdhood ee carruurteedii ka soo hartey halkaas ay ku dhinteen ka dib markii madaafiicdii lagu garaacey Bakaaraha ay ku habsadeen!

 

Xaawo ayaa iyada oo ooyeysa, oo baroor-diiiqeysa ku soo laabatey Xaafadeedii iyo gurigeedii ay ku lahayd Xaafadda KPP, halkaas oo markii ay timid la kulantay Madfac wayn oo Gurigii ku habsadey, oo baabi’iyey dhammaan gurigii oo dhan! Xaawo isla markiiba waa Miyir ****olantey, waxayna ku dhacey jid-cadde gurigeeda hortiisa ku yaalley!

 

4saac ka-dib ayey ka war-heshey iyada oo jiifta Isbitaalka Madiina, halkaas oo ay geeyeen dad Deris la ahaan, ka dib markii ay arkeen iyada oo xaafadda Jid-caddaheeda taal!

 

Xaawo Cabdi Careys, hadda waa GABLAN Waayeel ah, oo dhammaan warasadeedii saddex sano gudahoos ku le’deen iyagoo ay galaafteen dagaalladii ay horseedka ka ahaayeen Ururada Manaxa yaasha ah ee Magaca Diinta ku gabbada.

 

Xaawo Marka ay aragtey sida uu xeelkeedu maanta yahay ayey inta fariisatey Isbitaalka hortiisa, gacmahana kor u taagtey kuna cel-celisey; “ Guulloow kuwii Gablankaan I badey isirkooda goo”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

It looks to be a FABRICATED story :confused:

 

Maxaa isku beegay? :eek:

 

labadeedii wiil oo baagamuundada ahaa

 

labadeedii wiil ee shaqayn jiray

 

labadeedii gabdhood

 

bacaadleheedii

 

gurigeedii

 

ended up at cisbitaal Medina

 

Age 65 Western Retairnment age :(

 

Timir lafbaa ku jirta :( haddaysan ka mid ahayn borobgaanddoyibnka warbaahinta la isu mariyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Cige, lol ma ka yaabtay?

 

Aniguba sidaasaa igu soo dhacday, illowse waan ku dhici waayey! laakiin meesha laga soo xigtay warkan hala fiiriyo iyadaa kala caddaaneysa'e

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

my first thought...condolence...when i read some of the comments...even if it's fabricated...why should the killing of some "madax" be more important?

 

what if "ilka-dahable" told you that the children of xaawo cabdi were not civilians but highranking "karanis" of "dawladda" ? ..we would all be spitting out conspiracy theories like some Bankomat!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by muriidi:

my first thought...condolence...when i read some of the comments...even if it's fabricated...why should the killing of some "madax" be more important?

 

what if "ilka-dahable" told you that the children of xaawo cabdi were not civilians but highranking "karanis" of "dawladda" ? ..we would all be spitting out conspiracy theories like some Bankomat!

i am glad you brought back the topic muriidi somali its posible to hapen this kind of tragic hadaan kudhaho gacmo iyo lugo la gooyay baa la soo suray bakaaraha ma aaminee ilaa aan ku tuso sawirkooda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this