Sign in to follow this  
Member-sol-

Shariifka oo Qamiis cad kala baxay Muqdisho Suud madowna kula soo laabtay

Recommended Posts

Shariifka oo Qamiis cad kala baxay Muqdisho Suud madowna kula soo laabtay

 

 

Fiicnaan layaydaa in Aadanuhu garanayo ciribta talaabooyinka uu qaadayo.Wuu yaraa ruux la�isleeyahay wuu ka mudanyahay Shariifka, marka ay timaado hogaaminta Dalka, wixii ka horeeyey markii sirdoonka Kenya ay ka qabteen Xuduuda labada Wadan ay wadaagaan, deetana loo sii gudbiyey Safaaradda Amerikanka, tiiyoo qaybihii kale ee Islaamiyiintana lagu garaacayo B52, Taasina waxa la rumaysanyahay in ay ahayd ra�yiga inta badan dadku ka qabeen!!

 

Shariifka Waxaa la xasuusanyahay haybadda iyo karaamada ka muuqatay markii uu ka baxayey Muqdisho.Wuxu ka baxay isagoo cadawga Illahay uu cadaw u yahay,wuxuu ka baxay isaga oo Mujaahidiiuntu hareerihiisa taaganyihiin gaashaanna ay u yihiin,wuxuu ka baxay iyadoo laga hari la�yahay�Mujaahidiintuna midaysanyiih,isaguna uu leeyahay "idinkama tagin" Wuxuu ka baxay isagoo Qamiis cad xiran,Shacaa�irta Islaamkuna ay ka muuqato,Wuxu ka baxay isaga oo ereygii uu yiraahdaba EEBE iyo Mujaahidiinta raaligelinayo. Hamiga iyo rajadii dadku ay ka dhowrayeen Shariifka waxay kala mid ahaayeen,Cumar Carte oo horaantii 90�skii Cali Mahdi u Magacaabay Ra�isul wasaare, isaga oo cabiraya sida uu ula dhacsanyahayna la sheegay inuu ku maansooday sidan.

 

� Mudanihii la doortow,

� Maata samatabixiyow,

� Mahdigaan sugaynow,

� Mu�miniintu sheegtow,

� Maalmaha dhibaatada

� Magiciisa khyrka leh

� Kii lagu meel marayow

 

Kan darajada bixiya waa Alle, isag ayaana adoomadiisa kala doorta, waase nasiib darro in Sharaf iyo cizi Illahay kula dontay aad iska diido, oo aad ka doorato dhal-dhalaal been ah, darajo Shaydaan iyo balan qaad dadka aadanaha ugu xun(Gaalo)Kursi jacayl iyo malaha baqdin darteed!Qowlkii wanagsanaa ee uu Umadda u shegi jiray ayuu shacbiyadaas iyo taageerada baxada leh ku helay,Maantase Xaajadu waa si kale.

 

 

Sawirka maanta ee shariif

 

Sawir hore ee shariifka

 

 

Bilcagsi, sidii hore si ka bedelan:- wuxuu ku soo laabtay isagoo Cadawga Illahay ay saaxiib u yihiin!!!Haddii akhriste aanad taas igu waafaqsaneen waxaan ku waydinayaa 2 su�aal oo kaliya. 1.Garoonka Muqdisho maanta ma kadegi kartaa Cid aan saaxiib la�ahayn Tigreega (kama hadlayo shacabka caadiga ah) 2.Tigreeguse mayahay cadawga Illahay mise ma�ahan?Wuxuu ku soo laabtay iyada oo Gaalada iyo Gaalo raacyadu ay hareerihiisa taaganyihiin, gabbaadna ay u yihiin.Wuxuu ku soo laabtay iyada oo la karaahsanayo imaatinkiisa,niyadana laga leeyhay fino ayaa timid, qaarna ay si cad uguba dhawaaqayaan, Mujahidiintii shalay midaysnaana ay yihiin 10neeyo firqo.Wuxuu ku soo laabtay isagoo Suud madow xiran,Garkii iska soo xiiray isbedel badana uu ka muuqdo.Wuxuu ku soo laabtay isagoo Ereygii uu yiraahdaba uu Gaalada iyo gaala raacyadaba farxad gelinayo Alle iyo Mujaahidiintana ka caraysiinayo, Wuxuu ku soo laabtay isaga oo ay iskaga darsantahay tii la jeclaa shaqsiyadiisa iyo ficiladiisii wanagsana!!

 

� Shariifoow dadkii kaa hayaan waadna hurudaaye,

� Haabhaabad beena iyo ciil ayaad hoorin gacantiiye,

� Heli maysid hiilkii horiyo Hagar baxoodiiye.

 

Hadii Shalay Shariifku ahaa Amiirka Mujaahidiinta kawaran maanta in ay Soo dhawaynayaan Gaalo,gaalo raacyo iyo dad heer qoys ah?Nasiib darada ka xun maxay tahay in laga ilaalinayo dadkii uu Shalay Amiirka u aha,ayna waardiyeynayaan kuwii uu lahaa halagu jihaado.Waliba hadii garbihihiisa iyo dhabarkiisaba ay taaganyihiin kuwa ugu sharta badan,xusuuqa ugu xun u gaystay Ummadda,Gaaladana gaashaanka u ah sida:- Khayr diid,Salaad Jeele,Shaaweeye,dhagaxtur iyo kuwo kale.Miyaanay taasi ahayn inuu dhinaca kale ka soo saftay?Waa marag ma doonto inuu mar naftisa la dagaali doono isago leh �Carabkanow maxaa laba codlaynta ku baray? Wanaagii maxaad xume uga daba marisay?IWM� Murti baa oranaysa:- Dhagar qabe dhulkaa la wareega.Gaalada kuwa ugu xoogga badan Illaahbaa xog lehe ayaa wax ka dhigi waayey adeegayaashii hore, garasho xumida ka liidataa maxay tahay in kuwo kale ay hadda doonayaan inay adeegayaal cusub noqdaan oo ay gaalo wax ka dhigto?

 

� Nimaan Mowle magantiis ahayn,

� Amaan Mujaahid ku meersaneen,

� Wallee Madaxtinimo mardaadimaa.

 

Saansaanta muuqata Hubaal in la arko Waqti dhow Shariifka oo leh �Argagixisadii intas baa laga dilay,waa la baacsanayaa,waan soo qabqabanaynaa,Dimoqoraadiyada, horumarka iyo Siyaasad wanaagga ayey ka soo horjeedaan IWM� Siduu Culimadaba ugu sheegay in Bayaankoodu aanu waafaqsaneen Siyaasad wanaagga.Shaki la�aan in kol dhow la arko Shariifka oo darajadii Sheekha ay uga dhacday halkii ay uga luntay kan hadda Barlamaan beenadka Madaxda ka ah (Adan Madobe) oo markii hore la�iigu sheegay inuu ahaa Macalin tahliisha u tufa tiknikada Jabhaddii (RRAda)

 

Hadaad sifiican ugu fiirsato Waxaa kuu soo baxaya in kooxda Shariifka iyo kooxda Imbagati isku wax diidanyihiin isku waxna doonayaan.Waxay doonayaan Kursi/Jago.Waxay diidanyihiin Xag-jirnimo (Dowlad Islaami ah) waxay doonayaan Qunyar socod(Cilmaaniyad).Waxay diidanyihiin in Wadanka Muqaawamadu qabsato, waxay doonayaan in Tigreegu sii joogo.Hadii Qodobkan danbe aad diidantahay ma dhagaysatay waraysigii BBCda laanteeda Afka Somaligu uu Shariifku ku sheegay in Hadii Ciidamo bedela kuwa hada jooga la keeni waayo firaaq Amni (security vacuum) uu dhacayo?Ma is waydiisay waa�ayo Ciidamada la bedelayo ee hada jooga,intayse la�egtahay saamaynta Gaalada labaxday AMISOM marka loo eego Tigreega?

 

Kooxda Shariifka iyo Kooxda Imbagati waa Heshiis mar hadii ay isla fahmeen inay isku wax uun doonayaan, waxaadna ka dheehankartaa soo dhawaynta diiran ee ay u sameeyeen Shariifka,iyadoo Mujaahidiintana ay xabad isla horfadhiyaan.Hadaba sow maangaabnimo ma�ahan hadii aan kala jeclaano ama isku bedelano kooxda Imbagati iyo Kooxda Sharifka??(Kud ka guur oo Qanjo u guur) Ugu danbayn Shariifku wuxuu Muqdisho ka tegay baa la leeyahay isaga oo sida Qamiiskiisii uu u cadaa ay sidoo kale ay u cadayd wixii uu doonayey inuu Dadka ku hoggaamiyo, wuxuuse ku soo laabtay isaga oo sida Suudkiisu u madow yahay ay u madowdahay meesha uu rabo inuu Ummadda u hoggaamiyo.

 

 

W/Q:MMGaraad E-mail:- garadsom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabaygii Sayyidka---

 

--Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye

 

Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e

 

Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane

 

Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene

 

Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)

 

Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye

 

Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene

 

Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e

 

Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane

 

Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye

 

Dirhamkuu idiin qubahayaad *** u go’aysaane

 

Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

 

Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine

 

Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

 

Marka xigga dushuu idinka rari sida dameerada e

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaa hadda Shariifku waxba ma uu dhimin aan ka ahayn inuu doonayo inuu maskaxda adeegsado si uu dantiisa ku gaari lahaa. Sidaa daraadeed waxaanu xukmin karaynaa waagaanu aragno siyaasadiisa iyo meesha aay ku socota inta ka horeysana aanu u ducayno in Illaah kheyrka waafajiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this