Sign in to follow this  
Kamaavi

Maxamed Cumar Osman- Wax Wada Hadal ah oo Itoobiya noo Dhaxeeya Ma Jiraan.

Recommended Posts

Kamaavi   

6qf9tv.jpg

 

Gudoomiyaha Jabhada ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ku sugan Wadanka Ingriiska ayaa Idaacada VOA ooga waramay Xaaladaha Ogadeeniya, Isagoo Isla Markaas sheegay Dagaalada ka dhacay Gobalka Dhagaxbuur, Iyo Dagaalo la soo qorsheeyay oo Jabhada ONLF oogu magac darday Dharaar oo Isbuuc yadii oogu Danbeeyay ku qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya, Admiral Maxamed Cumar ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa.

 

"" Ma Jiraan wax wada hadal ah oo noo dhaxeeya Anaga(ONLF) Iyo Itoobiya, Wararka sheegaya in Wada hadal socdaan waa kuwo Siyaasadeed oo Jabhada EPRDF kaga gudbayso Doorashada, Iyaga ayaana suuqa soo gashaday.

 

Wariyaha VOA Ayaa isla Markaas waydiiyay Wada hadal la sheegay in uu ka socda Degmada Shilaabo balse wuxuu Gudoomiyaha ku tuuray gaashaanka Isaga sheegay in Halkaas wax wada hadal ah uusan Jirin.

 

Dagaalada uu Gudoomiyaha ka waramay ayuu sheegay inay ka dhaceen, Marsin, Miir Khaliif, Nustariiq, Maraacaato, Nagaadi wayne, Dagaaladan ayuu ku magacaabay Gudoomiyaha Howlgalkii Dharaar,

 

Jabhada ONLF ayuu sheegay Maxamed Cumar inuu yahay Odaygeedii ama Gudoomiyaheed, Wuxuu kaloo sheegay in Wada hadal oogu danbeeyay ee Jabhada Iyo Itoobiya ahaa 1998 Degmada Qabridahar Dusheeda.

 

Gudoomiyaha Jabhada ayaa sheegay In Ururku leeyahay Maamul Hab Dhaqan Midkaas uu hayo Xogta oo uu hayo Saraakiisha Jabhada, Wuxuu sheegay in ay Hishiis Nabad Jabhada ONLF Diyaar tahay hadii la helo Shuruudaha oo ah Dowlada seedexaad oo Dhex Dhexaadiya oo goob joog ka Noqda.

 

VOA Waraysiga Gudoomiyaha ONLF oo aan soo koobnay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this