Sign in to follow this  
Captain_Mike20

Qatar: The Largest Hospital in East Africa to be built in Somaliland.

Recommended Posts

Dhisaysa Somaliland Cusbitaalka ugu Weyn Bariga Afrika

 

FRIDAY, 01 OCTOBER 2010

 

Hargeysa (TogdhNews)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay ka

laabtay socdaal muddo 20 maalmood ah qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Qadar, ayaa shaaca ka qaaday in hay’ad samofal oo xarunteedu tahay dalka Qadar ballanqaaday inay Somaliland ka dhisayo cusbitaal lix dabaq ah oo noqon doona ka ugu weyn mandaqadda bariga Afrika.

 

Xildhibaan Nacnac, waxa uu sheegay in hay’addaas samafalka oo aannu magaceeda sheegin ay hore ula kulantay masuuliyiinta xukuumaddii hore ee Somaliland, isla markaana kala hadleen dhismaha cusbitaalkaas, balse aanay wax war ah dib ugu celin, sidaas darteedna ka soo codsadeen inuu Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo wasiirkiisa caafimaadka farriin arrntaas ku saabsan loo hirgeliyo dhismaha cusbitaalkaas.

 

Md. Axmed Maxamed Diiriye oo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ku soo dhaweeyeen Madaarka Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horreyn ka hadlayey natiijada safarkiisii waxa uu yidhi; “Markii hore waxaan gaadhay dalka Qadar waxaanan u tagay arin gaar ah, markii dambana shaqadii qaranka wixii aan ka qaban karayey ayaan ka qabtay.

 

“Dadka reer Somaliland ee deggan magaalada Dooxa waxay shacabka, Madaxwaynaha iyo Madaxwayne-ku-xigeenka ii soo fareeen salaam, waanay u soo ducaynayeen, waxayna isoo fareen Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkaba inay ka soo baxaan ballantii ay ummadda u qaadeen, taasna way isoo fareen.”

 

Md. Nacnac oo ka hadlayey ballamo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Rayaale kaga baxday dawladda Qadar, waxa uu yidhi; “Dadka reer Somaliland ee Qadar deggan waxay ii geeyeen muwaadiniin reer Qadar ah oo leh hay’ado samofal, waxaanan ku idhi maxaad wax noogu qaban waydeen? Waxay yidhaahdeen ma idinkaa waxba na waydiistay? Wixii aannu idiin dirnay [xukuumaddii hore] sowdinkii ka soo jawaabi waayey. Waxay yidhaahdeen waxaannu ku nidhi xukuumaddii Rayaale aannu idiin dhisno dhakhtar lix dabaqa oo dumarka iyo carruurta ah, ardayda jaamacaduhuna wax ku bartaan oo noqda ka bariga Afrika ugu weyn.

 

Waxaannu ku nidhi dawladdii hore way iska tagtay ee maxaad nooga baahan tihiin? Waxayna nagu yidhaahdeen wasiirka caafimaadka idiin qaabilsan u sheeg oo Madaxwaynaha u sheeg, si dhakhtarkaas qaabkiisa loo sawiro oo loogu diro, wixii ku baxayana annaga ayaa bixinayna, laakiin qorshe ayaannu doonaynaa. Sidaa awgeed, anigu waxaan ku idhi diyaar ayaannu idiin nahay inaad noo dhistaan cusbitaalkaas iyo wixii kale ee aad noo qabanaysaanba, lacagna ha noo dhiibina ee furayaasha oo keliya noo dhiiba.”

 

Waxa kaloo xildhibaan Nacnac uu sheegay in masuuliyiinta hay’adda samafalka ee dalka Qadar doonayaan inay la kulmaan madaxda sare ee dawladda Somaliland, “Markaa waxay doonayaan in wasiirradu halkaa [Qadar] tagaan oo u soo sheegaan waxa aynu doonayno,” ayuu yidhi Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac).

 

 

THANK YOU RIYALE...STILL ENJOYING YOUR FRUITS EVEN THOUGH YOU ARE GONE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildibaan nacnac has nothing to do with this, read it through properly,

 

this was done under the last government of DAHIR RIYALE KAHIN....number one Somaliland president saxib,

 

the man who built the nation to what it is today.

 

Silanyo government so far, saxib not impressed..thank God for the army and civil service.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Can't you read afsomali

 

Hargeysa (TogdhNews)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay ka

laabtay socdaal muddo 20 maalmood ah qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Qadar, ayaa shaaca ka qaaday in hay’ad samofal oo xarunteedu tahay dalka Qadar ballanqaaday inay Somaliland ka dhisayo cusbitaal lix dabaq ah oo noqon doona ka ugu weyn mandaqadda bariga Afrika.

 

Xildhibaan Nacnac, waxa uu sheegay in hay’addaas samafalka oo aannu magaceeda sheegin ay hore ula kulantay masuuliyiinta xukuumaddii hore ee Somaliland, isla markaana kala hadleen dhismaha cusbitaalkaas, balse aanay wax war ah dib ugu celin, sidaas darteedna ka soo codsadeen inuu Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo wasiirkiisa caafimaadka farriin arrntaas ku saabsan loo hirgeliyo dhismaha cusbitaalkaas.

nacnac is a kulmiye parliamenterian. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane Nacnacoos ,,,,,good work indeed if true ...something is fishy laakin Largest Hospital in East Africa to be built by hay’ad samafalka oo aannu magaceeda sheegin!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

ha ha ha ha !!

 

 

He went to Qatar and spoke with the Diaspora over there and they told him about the project he came back and talked about it, but this was an UDUB project which they have inherited,

 

give credit to were it is do, you kulmiye supporters.

 

Hope your 75 year old president ups his game saxib these next 5 years are make or break, hope he ups his game and doesn better inshalah.

 

Islam first, nation second, family - individual off course third - we come from the same country but couldnt care less about you dudes.

 

Kulmiye is a racist party saxib admit it and fix up encourage national cooperation like Riyale did. Somaliland is one from East to west.

 

salam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this