Sign in to follow this  
Gabbal

Col. C/lahi Sheekh ismaciil Fartaag oo qaadacay magacaabista gudiga garsoorka J/Hoose

Recommended Posts

Gabbal   

Col. C/laahi Sheekh ismaciil Fartaag oo qaadacay magacaabistii gudiga garsoorka gobolka J/hoose.

 

Mogadishu - 05-February-2007-Allceeldheer.com Taliyaha guutada 3aad ee ciidamada dowladda Somalia C/laahi Sheekh ismaciil Fartaag ayaa ku gacan seyray guddi garsoor oo shalay loo magacaabay gobolka J/hoose.

 

Col. C/laahi Sheekh ismaciil Fartaag ayaa qaadacay xubno garsoor oo shalay Wasiir K/xigeenka garsoorka dowladda Somalia Xasan Buraale uu u soo magacaabay gobolka J/hoose, isagoo amar ku siiyay ciidamada booliska in aysan la shaqeyn gudigaasi oo maanta markii ugu horeysay ka howl-bilaabay magaalada Kismaayo.

 

Col. Fartaag oo maanta suxufiyiinta kula hadlay ayaa ku tilmaamay gudigaasi garsoor in ay yihiin kuwo iskood isku magacaabay, isla markaana aan wadan dekereeto Madaxweyne.

 

Waxa uu sheegay in gudigaasi aanu wax howl-ah ka bilaabi Karin magaalada Kismaayo.

 

Hadalka Corleen fartaag ayaa ku soo beegmay xilli maanta ay isku diyaariyeen gudiga garsoorka in ay ka howl-bilaabaan magaalada Kismaayo.

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka Allceeldheer Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gudigii garsoorka ee loo sameeyay J/hoose oo la qaadacay

 

 

Kismaayo 05, Feb.07 ( Sh.M.Network) Col, C/laahi Sheekh ismaciil Fartaag oo ah taliyaha guutada 3aad ee ciidamada dowladda KMg ah ayaa maanta ka soo horjeestay maamulka dhinaca garsoorka ee loo sameeyay gobolka J/hoose.

 

Col. Fartaag oo shir jaraa'id maanta ku qabtey Aqalka Barawaa ee lagaga arimiyo magaalada Kismaayo ayaa kaga hadlay xubno garsoor oo shalay loo sameeyay gobolka J/hoose.

 

Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin maamulkii shalay dhinaca garsoorka ahaa ee loo sameeyay gobolka J/hoose.

 

Waxa uu sheegay in ay aqoonsan yihiin Madaxa canshuuraha ee dhowaan uu soo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo sidoo kale labo nin oo loo soo magacaabay waaxda ilaalinta canshuuraha.

 

Gudigaan garsoorka ee uu qaadacay Col. Fartaag ayaa waxaa shalay magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay wasiir K/xigeenka garsoorka dowladda Somalia Xasan Buraale.

 

Hadalka Col. Fartaag ayaa ku soo beegmay xilli gudigii shalay uu magacaabay wasiir K/xigeenka garsoorka maanta la filayay in ay howl-galaan, iyadoo ay caqabadi soo wajahday.

 

 

Farxaan Lafoole

 

Shabelle Media Network J/hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

aliyaha Guutada 3aad Ee Ciidanka Dalka Col.Fartaag Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhismaha Maamulka Jubooyinka Ay Hirgalin Doonaan Masuuliyiin Ku Soo Fool Leh Kismaayo Iyo Isaga Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Maxkamad Gobalka J/Hoose Oo Shalay Lagu Dhowaaqay

Feb 05,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

 

Maalin ka dib markii wasiir ku xigeenka Cadaalada iyo guddi ka socda Maxkamada Sare ee qaranka ay dhiseen xubnaha Maxkamadaha Gobolka Jubbada Hoose ayuu taliyaha Guutada saddexaad ee ciidanka xooga Col: Cabdulaahi Sh Ismaaciil (Fartaag) waxaa uu shaaca ka qaaday in aysan waxba ka jirin dhismahaas maxkamadaha gobolka.

 

Col.Fartaag oo ka hadlayay shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay xarunta looga arimiyo Jubbooyinka ee Baranwaa ayuu Fartaag sheegay in dalku uu ku jiro Xaalad deg deg ah ayna wax walba gacanta ugu jiraan ciidanka xooga oo u xilsaaran ammaanka.

 

Waxaa uu intaas raaciyay in qadiyada dhismaha maamulka jubbooyinka ay tahay mid ay dhawaanahaanba ka arinsanayeen sidii loo dhisi lahaa maamul baahsan, iyadoo ugu dambayntiina ay wasiirada iyo xildhibaanadu garteen in madaxwaynaha dawladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo la socoto ay dhisaan mamuulka marka uu safarkiisa shaqo ku yimaado Kismaayo taas oo la filayo dabayaaqada todobaadkaan.

 

" Ku xigeenka wasiirka cadaalada ha soo raaco wafdiga madaxwaynaha hadii uu doonayo dhismaha maxkamadaha, laakiin ma ahan in uu faraha la galo arimaha murugsan ee maamulada jubbooyinka, ayuu yiri Fartaag oo sheegay in aysan ka shaqayn karin gudaha Kismaayo oo ciidamadiisu ay ka wadeen hawlaha Xaalada deg deg ah ee dalku ku jiro.

 

Col.Fartaag waxaa shalay madasha lagu dhaarinayay xubnahaan isku casilay Dr.maxamuud Axmed baariyoow oo loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada gobolka Jubbada Hoose mana uusan sheegin sababaha uu isku casilay.

 

Dhinaca kale Col: Fartaag taliyaha guutada sadexaad ee Xooga dalka waxaa uu carrabka ku dhuftay in hawlgalo ay ka sameyeen galbeedka kismaayo ay ku soo qabteen kooxo maleeshiyo ah oo isbaarooyin dhiganayay, waxaana uu uga digay maleeshiyooyinka beelaha in ay ka f******** waxyaabaha khalkhalka ku abuuraya shacabka.

 

N D F-GEDO-NN-Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

According to Fartaag, this man had no right to name what he named and has no documentation to proof he has the support of the president.

 

Also according to Fartaag, the president, defense minister, and others are expected soon in Kismaayo where they will carry out the building of Jubbaland.

 

If it is true and the naming of the judicial courts is without support from the president and others, I would say Fartaag has a right in putting a stop to it.

 

What about you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Indeed if there is no support from the government I think the man has erred. We shall see. I never even heard of this till I read this post. Many thanks for the info.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Duke sxb i though you where better and smarter then this >>>>>

 

 

the minister has right to oppoint it since he is minister garsoorka dowladda Somalia Xasan Buraale .

 

 

TFG can not dictated by rer abduwaaq and Puntland , if so then **** this so called TFG and ABdulahi yusuf .....

 

we shall see if rer abduwaq and rer puntland have veto sxb on TFG isssue ..............

 

COl fartag and Barre hirrle should mind their business and to stick army issue if they are working for TFG ,,,,,,

 

How can you tell me the men has no right ........... to oppoint

 

I lost little repect i had for you today and is clear to people here that you are definatly not working for the interest of somalia rather then greater abdulahi qabill sxb ceeb ...................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Bambo-

 

This man is not the minister, he is the deputy minister and he has no authorization to name what he did.

 

Also, under the constitution, only the president has the right to name judicial nominees.

 

This is not any different then when Mohamed Dhere's men sent back the appointees for the municipal position of Jowhar because they did not have proper authorization.

 

Fartaag is only following protocol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

under what constitution? that piece of crap written by ethiopian mafias?

 

 

one wonder what is the difference between Mohamed Dhere's militias and Afguduud, both of their militias were trained in Congo military camp, but for some reason one needs to hander over their weapons to the other.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bambo, I do not support any commander going against the law, nor do I support an official creating confusion and so on.

 

Who ever is in the right will become clear over time..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this